SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO
Koobiyeynta Dadka (Human Cloning)

Cabdulwaaxid Khaliif 

  cabdulwaxid@hotmail.com 

May 22, 2003

Asalaamu calaykum.

 

I  I  D  H  E  H

KAAH

Ilaah baa mahad leh, Caalimiinta Rabbigood ah. Nabadgelyo iyo Naxariis Nabi Muxamed korkiisa ha ahaatto.

Waxaad ku arkaysaa buugaagta, filimada, Riwaayadaha iyo waxyaalop badan waxa loo yaqaan xaquuqda daabacaadda (copy right). Waxay sheegaan inaan waxoodaas aan la koobiyeyn karin, qaabkay doonto ha ahaatto iyadoon iyaga fasax laga helin. Xittaa buugaag badan oo dad muslimiin ah qoreen oo qaarkood kuwa cilmi yahay way sheegteen in la tixgeliyo xuquuqdaas. Shirkadaha ganacsiguna waxay leeyihiin waxa loo yaqaan “patent” oo ah shatti ay leeyihiin oo waxay soo saaraan inaan iyagoon ogayn la koobiyeyn karin ama la soo saari karin.

Ilaahii dadka abuuray miyuusan xaq u lahayn in la raaco waxa uu noo ogolyahay iyo waxa kale? Jawaabtu waa caddahay.

Waxaan Qur’aanka ku aragnay in Ilaahay uu leeyahay, guryaha uga imaada xagga albaabada. Xittaa gaaladu way fahmeen aayaddaas oo waxay dhahaan English ahaan (through the back door) markaad arrin si aan caddaalad ahayn ama meel khalad ah u martid.

Waxaa maqaaladan is daba-jooga ah igu kallifay markaan arkay dadkii muslimiinta ahaa qaarkood oo markay maqlaan waxyaalo saynis ah ka badbadiya laakiin markii ay Diin gaarto waxyaalo badan shakki galiya.

Aan u galno “human cloning”. Aan iswaydiino su’aalahan:

1. Unugyada ama DNA ay isticmaalayaan xaggee ka keeneen? 2. Meesha ay ku tallaaleen wixii ay dhoobdhoobeen waa xaggee? 3. Ma iyagaa meeshaas ay dhigeen kaga warqaba oo u xilsaaran?

Anigu kama hadlayo maaddadaas balaaran ee la yiraahdo “genetic engineering/gene manipulation/ Recombinant DNA”.

Waxaa isbarbar socdo laba hab oo koobiyeynta ah oo mid loogu talagalay waxyaalo la xiriira daawaynta cudurada (therapeutic cloning). Waxaa jira cuduro badan oon daawo lahayn oo la rabo unugyadii wax noqday in lasoo cesho ama loo helo wax haqab tira. Marka si unugyo cusub loo helo waa in la maro qaabkii qofka binu Aadamka ah ku bilaabmi jiray oo xoogaa laga weeciyey marinkii caadiga ahaa. Waxaa lasoo qaataa DNA unugyada la rabo in ay soo baxaan kaddib baa loo wareejiyaa ugxan bu’dii laga tuuray. Waxaa la sheegaa in hiddo-sidayaashu ay ku jiraan bu’da marka ugxantani waa kubad maran oo kale oo ka maran hiddihii dhedigaas. Ka dibna shaybaarka lagu beero si ay u qaybsamaan oo u gaaraan marxalad la yiraahdo “stem cells”. Waa unugyada looga golleeyahay oo la rabo inay isu bedeli karaan unugyadii caadiga ahaa ee jirka ee la rabay. Unugyada la fili karayo waxay la mid noqonayaan kuwii awal la doortay. Unugyada soo baxa waxay leeyihiin waxaan ku bedelaynaa unugyada wax noqda ee aan daawo wax ka tarayn. Tusaale unugyada maskaxda ee shaqooda gaba.

Koobiyaynta Dadka (humancloning) 
Akhri qoraalkii AxmedYaasiin
 

Midna waa in qof uu rabo in la koobiyeeyo ilmo yar oo u eg. Kaan anigu rabo waa kan la rabo in qof nin ama haweenay ay tiraahdo waxaan rabaa ilmo ii eg.

Sida aan la soconno haddii qaabkii dabiiciga ahaa loo daayo oo ugxanta haweenka iyo minada ragga la isu daayo, qofka halkaas ka soo baxa iska daa hiddahiisa qarsoone waxaa ka dhici karta inay ka soo daahiraan astaamo ka yimid xagga hooyo, sida inuu u ekaado hooyadi ama abtiyaashi ama awoowgii xagga hooyo iyo wax la mid ah. Sidoo kalana xagga aabaha. Marka lama saadaalin karo qofkuu u ekaanayo xittaa lab iyo dhedig kuu noqonayo ilaa uu gaaro xilli lagu ogaan karo.

Waxaa taa ka sii horeeya iraadada Ilaahay waana tan Allaah uu Qur’aanka noogu sheegay in uu cidduu doono uu gabdho kaliya siiyo midkuu doonana uu wiilal kaliya siiyo ama uu ilmo iskugu jira wiilal iyo gabdho uu siiyo

Bayolaji ahaan “clone” waxaa weeye marka unug ama noolayaasha halka unug lihi ay qaybsamaan oo ay soo saaraan unugyo kale oo u eg sida qaybsanka unugyada caadiga ah ee jirka ama kuwa bakteeriyada oo kale oo u eg kii ay ka yimaadaan. Marka hadda waxaa laga wadaa marka qof yiraahdo waxaan rabaa ilmo ii eg.

Tusaale ahaan haddii nin yiraahdo waxaan rabaa ilmo ii eg waxay leeyihiin waxaan kasoo qaadaynaa DNA unugyada caadiga ah ee jirkiisa. Kaddib waxaa loo qasdayaa ugxanta haweentiisa oo waxaa laga tuurayaa bu’da si loo tirtiro hiddo-sidayaasha ay ugxantu siddo. DNA jirka ninka laga keenay ayaa la galinayaa booskii tii hore laga tirtiray. Markii shaybaarka cabbaar lagu hayo oo la arko in ugxantii bu’da la’ayd ee la buuxiyey ay qaybsantay ayaa dib loogu ceshaa minka si ay ilmahaasi u hormaro. Waxaa dhici karta in naag uusan ninkaasi qabin oo kale uurkeeda ilmahaas lagu tallaalo.

Wali ma aan maqal ilmo bani Aadam ah oo saas ku dhashay laakiin waxaa la hayaa xayawaan badan oo ay leeyihiin qaabkaas bay ku dhasheen. Waxaa ka mid ah nayshii qaabkaas ku dhalatay ee ka dhacday Scotland 1996 oo hadda u bakhtiday xanuuno la xiriiray sambabada. Inkastoo naylo badan oo caadi ku dhashaaba ay u dhiman karaan cudurkaas laakiin waxaa la arkay dhibaatada lagala kulmay arrintaas. Saynisyahanadii sameeyey arrintaas waxay isku dayeen in ka badan 270 jeer, ka dib ayey ku guulaysteen. Waxaa intaas dheer in xoolaha la damco in qaabkaas ay ku dhashaan ay adagtahay oo intooda badan ayna ugxantu hormarin/qaybsamin ama dhowr jeer oo kaliya ay qaybsanto amaba ay uurka ku dhintaan. Kuwii ka badbaada oo dhasha oo intooda badan maalmo yar noolaada.

Arrintaas ayaa keentay in saynisyahano badani ay candhuufta dib u liqeen oo ay ka niyad jabeen in la isku dayo in dadku noocaas ku dhasho maxaa yeelay dhibta ka taagan waa muuqataa. Waxaa hadda daba ordaya oo leh si dhaqso ah ayaan dad noocaas ah u rabnaa waa qolyo xag jir ah.

Qof kasta oo bayolajiga wax ka yaqaan wuxuu garanayaa in unugyada ama DNA la rabo in lagu wareejiyo ugxantu ay marayaan in lagula tacaalo kimiko, waxyaalo shucaac leh iyo waxyaalo kale oo la saadaalin karo dhibta ay keeni karaan. Waxaa sidoo kale loo gaystaa unugyadaas nafaqo darro ama nafaqo dheeraad ah si qaradkii ay saynisyahanadu lahaayeen loo gaaro.

Dadka qaar baa la yaaban markii ay Saynisyahanadu dhahaan haddaad wiil rabtid, wiil baan isku dayeynaa inuu kuu dhasho haddii gabar aad rabtidna sidoo kale.

Tusaale ahaan Ilaahay wuxuu Qur’aanka noogu sheegay inuu abuuray xayawaan afar ku socda. Soo qaado geela. Haddii qof u fiirsado sida lugaha geela u qaado markuu soconayo sida haddii uu labo isla qaado. Haddii inta arrintaas qof u kuur-galo uu yiraahdo geelu labo lugood oo isdhaaf ah buu isla qaadaa ama wax la mid ah, ma la dhihi karaa qofkaasi isagaa lugaha geela abuuray?

Marka saynisyahanadu baaritaan bay sameeyeen markii ay koromosoomyada noocaas ah soo dhurtaan in ilmuhu wiil noqonayo markii kuwaas la isticmaalo in ay gabar noqonayso. Bal inta tiin-tiin ama maroodi u qasdaan ilmo Binu-Aadam ah ha ka sameeyeen.

Arrintaan ah koobiyeynta dadka dhibta ay leedahay saynis ahaan iska daa laakiin dhibaatada ay ka galayso diinta iyo anshaxa ayaa ka daran. Waxaad arkaysaa nin unugyadii oo ay dhici karo in ugxantii bu’da laga saaray oo xaaskiisa lagu daray oo shaybaar lagu beeray in mar dambe naag kale minkeed la gasho waana arrin caadi ka ah maaddaadan waxay hooyadaas English ahaan dhahaan “surrogate mother”. Muxuu yahay fasaadka ka wayn kan?

Marka qofoowna ha is oran saynisyahano ayaa dad abuuray. Waa abuur-dooris. Bal Suurat An-Nisaa fiiri. Marka Ilaahay SWT oo ka waramayo shaydaanka. Shaydaanku wuxuu leeyahay Waxaan ka yeelanayaa addoomahaaga qaar aan nasiib u helay. Waan lumin waana yididiilo galin waana farayaa (xumaanta) waxayna goo’gaynayaan dhegaha xoolaha la dhaqdo, waana amrin oo waxay doorinayaan khalqiga Ilaahay.

Ilaahay waa run sheegay. Waxay mar hore bilaabeen oo ay wali wadaan in inta qof kasoo qaadaan unugyadiisa/DNA ay u wareejiyaan ugxan bu’dii laga saaray oo doofaar, lo’, jiir/doolli, daanyeero IWM. Intaasoo dhan waa sameeyeen inkastoo ayna jirin mid horumar badan sameeyey. Waxay sheegtaan in in badan oo ka mid ah ay burburiyeen markay dhowr jeer ay qaybsantay.

Aan usoo noqdo su’aalihii kore oo ahaa yaa leh waxaan ay ku ciyaarayaan. Unugyada iyo DNA waxaa abuuray Ilaah.

Tan kale iska daa dadkee xittaa xayawaanka ay leeyihiin waa dhasheen waxay dhigeen minka xayawaan dhedeg ah. Marka hadday dadka xitta isku dayaan oo ay ku guulaystaan waxay dhigayaan oo u baahanyihiin meel aamin ah oo an minka haweenka oo uu horay Allaah u yiri “Fajacalnaahu fii qaraarin makiin”. Kama filaysid in ay shaybaarka u daayaan intuu xayawaan ama qof ka noqdo. Hadday run sheegayaan ma usameeyaan machine.

Xayawaanka iyo dadkaba markay halkaa dhigaan waxay sugayaan Qaddarta Ilaah, sida ilmaha kale ee caadiga ah ee ku jira minka ayey sugayaan wixii Ilaah ka yeelo oo majiraan wax kale oo ay samaynkaraan. Uur ku jirkaasi wuxuu marayaa heerarkii uu Ilaah Qur’aanka iyo axaadiista ku sheegay. Hadduu rabo dhicis buu ka dhigin, hadduu rabo dhamays.

Haba iswaaleen saynis-yahanadubee miyaadan u jeedin sida iyaga laftoodu ay Ilaah isugu dhiibeen. Markay ay wax isku dayeen oo ay wax dooriyeen waxay keeneen minkii (uterus).

Marka dadweynoow haddii xitaa koobiyeynta dadka lagu guulaysto ma ahan wax mucjiso ah. Waxaa ka daran haddadaan la joogo hiddo-sidayaasha (genes) dadka iyo duunyada oo dhan waxay qabtaan iyo sida ay ushaqeeyaan oo dhan ma jirto cid wada taqaan. Bal iska daa unugyo ama hiddo-sidee habdhisyo dhan baan la aqoon sida dhabta ah ee ay ushaqeeyaan. Tusaale habdhiska dareen-wadka lama wada yaqaan suu ushaqeeyo. 
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

Marka dad abuurid Ilaah kaliya ayaa leh.

WABBILLAAHI TOWFIIQ

Casharka dambe waxaan ku fiirin doonaa technolojiada qaarkeed. Su’aashan ayaa ku jiri doonta casharka dambe haddii Ilaah idmo.

Haddii ay Marykanka iyo reer Galbeedku sheegtaan inay sameeyeen dayax-gacmeed hawada loo gano oo soo aruuriya ducada iyo acmaasha fiican ee dadka muslimka ah ee Ilaah xaggiisa u koraysa si ay u ogaadaan halka ay joogaan culumada taqwada leh oo ay markaas xiraan ama dilaan, ma ka yeelaynaa?!

Qoraalkii hore: Diinta Islaamka say tahay ku qaado, sayniskase su’aal baa kaaga furan
Faaladii Cabdulwaaxid Khaliif GUJI...

WQ. cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 Faafin: SomaliTalk.com 

 QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID


Wada-shaqayntu Waa Furaha Guusha.. GUJI

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]