SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO
Diinta Islaamka say tahay ku qaado, sayniskase su’aal baa kaaga furan

Cabdulwaaxid Khaliif 

  cabdulwaxid@hotmail.com 

May 11, 2003

Asalaamu calaykum.

 

Ilaah baa mahad leh, Caalamiinta Rabbigood ah. Naxariis iyo Nabadgelyo Nabi Muxamed korkiiisa ha ahaato.

Dayaxaa la tagay baa la yiri, markaasaa la yiri daliil baa looga helikaraa Diinta, dabadeed inta Suurat AR-RAXMAAN loo qasday la yiri fiiriya Aayadda 33-aad. Afsoomaali ahaan:

Jinni iyo insiyoow haddaad awooddaan inaad ka baxdaan samada jihooyinkeeda iyo dhulka, ka baxa, kamana bixi kartaan xujjo la’aan.

Dad baa xujjadii ku sheegay dayax-gacmeed. Waxaa taas ka darnayd maalin aan dhex mushaaxayey internet-ka ayaan waxaan galay website magac qof Carbeed leh oo aan filayo inuu muslim yahay maaddaama uu mucjisooyinka Qur’aanka ka hadlayo. Markaan akhrinayey mucjisooyinka uu qofkaasi soo gudbiyey ayuu soo bandhigay sawir xiddig gubanaysa oo ay dhaheen ubax (wardi) bay u egtahay. Sawirkaa waxaa qaaday bay dhaheen diirad/xoqoto (telescope) la yiraahdo Hubble iyadoo NASA loo sii maray. Aayad kale oo Qur’aan ah ayaa lasoo qaatay oo isla Suurat AR-RAXMAAN ku taal waa aayadda 37-aad. Afsoomaali ahaan aan Aayadda ku sheegno. Markay Samadu dillaacdo oo ay noqoto ubax guduudan oo subag la mid ah (dhallaasho) markaas dadkaa la abaal marin. Bal ninkaas Dr sheegtay wuxuu qoray arka:

“SUBJECT : From Quran Surat Ar-Rahman Ayah 37 and the Hubble Telescope via NASA See the attached picture file, the RED ROSE NEBULA, see what Quran said at Surah 55 (Ar-Rahman), Ayah 37!We see it now in the years 1999/2000! and Quran mentioned it almost 1400 years ago. The picture is taken by the NASA Hubble Space Telescope of the "Cat's Eye Nebula." It is an exploding star 3,000 lightyears away. They should have called it the "Oily Red Rose Nebula." As the Quran states in Ar-Rahman, "When the sky is torn apart, so it was (like) a red rose, like ointment." Quran[Surah55:Ayah37]”

Address-kan ka fiiriya xiddigtaas:

www.dr-umar-azam.com/aspects_of_islam 

Sida muuqata waxay isticmaaleen hawadooda marka dhowr waxyaalood aan milicsano.

1. Maxaa iska galay samada (Cirka) iyo xiddigaha? Quraanku markuu aakhiru samaanka ka hadlayo Aayado kala duwan ayaa Ilaahay samada iyo xiddigaha uga hadlaa sida Suurat Al-Takweer (Idaa Shamsi Kuwirat) iyo Suurat Al-Infidhaar (Idaa Samaa’un Fadharat). Daadashada xiddigaha iyo dildilaaca samada isku shay ma ahan.

2. Diiradda (telescope) Reer Galbeedku ma aakhiru samaanka ayey aragtaa ilayn dillaacii samada wali lama gaarine.

3. Ilaahoow waqtiga samadu dillaacayso hana joojin maxaa yeelay waa qiyaamu saacah. Saacadu waxay ku dhacdaa dadka ugu shar badan khalqiga. Marka ninkii raba inuu Samadaas arko oo waliba uu ku arko diirad (telescope) Reer Galbeed waa qof jaahil ah oo aan waxgaranayn.

4. Soow kuwan dayaxgacmeedyada reer Galbeedku maalin kasta beenta noo sheega sida markay dhaheen waxaan aragnay warshadaha hubka halista ah ee Ciraaq. Marka dayax-gacmeed Ciraaq arki waayey ma arki karaa samo iyo waqti aan wali la gaarin?

JAWAAB: BEENINTA DAJAAL 
WQ. Faysal Cali Ciise

Dajaal ma jiraa mise ma jiro 
cabdulwaaxid Khaliif

5. Hadda ka hor baan ka hadalnay dad Soomaali ah oo diiday Masiixu Dajjaal maxaa yeelay waxay dhaheen meel kasta oo adduunka ah waa la tagay marka may dayax-gacmeedyadu arkaan. Iyaga waxaa la xusuusiyey iska daa Axaadiistoo waxa Qur’aanka ku jira qisadii Ya’ Juuj Wa Ma’juuj, illaa haddana lama sheegin wax dayax-gacmeed ah oo arkay ee marka ma Qur’aankaan beeninnaa? 

6. Isaguse diiradda indhaha ma saaray suu u arko xiddigaas la sheegayo?! Dadkaan kutubadii la siiyeey bedelay sideen uga aqbalnaa arrimo ay iyaga kaliya horboodaan oo qaarkood aan ognahay inay dacaayad usameeyaan si ay dadka maskaxda uga xadaan. 

7. Teeda kale waxaan ognahay waxyaalaha habaynkii wax lagu arko (night vision equipment), Kaamarooyinka kulayka raadsada (thermal images taken with infrared cameras) waa kuwa ay boolisku isticmaalaan markay dambiilayaal dabo joogaan ama loo isticmaali karo waxyaale kale, iyo diiraduba waxay soo saaraan humaag loogu talo galay oo khasab ma ahan in uu noqdo tan ishu aragto marka iftiinka caadiga ahi jiro. Marka haddii xiddigtaas diirad kale oo qolo kale leedahay lagu eego waxaa dhici karta in ay soo saarto maluug ka tayo fiican ama ka tayo hoosaysa. Marka waa arrin khatar ah in muraadka Eebe u danleeyahay halbeeg looga dhigo waxay dad kale dhaheen.

VEDIO: The Miracles of the Qur'an

Haddii aad aragtid sawirada qaarkood waxaad arkaysaa cajaa’ib haddii sawriku sax yahay sida geedaha Ashahaadada qoray iyo meelo kale oo Magaca Allaah ku qoranyahay. 

Waxaad kaloo arkaysaa kalifaad badan oo dadkaas isku hayaan markay dhaheen waxaan “garaph” ka samaynaynaa caddadka Suuradaha Qur’aanka iyo aayadihiisa, markaasay waxay xarriiqo iskula xiriin meelihii ay dhibcuhu ay garaafka ka dhaceen, waxay ku doodeen inuu halkaas ka soo baxay qoraalka Magaca Allaah oo Carabi ah! 

Waxay i xasuusinaysaa sheekadii ay Soomaalidu oranjireen labada calaacalood (sacab) oo qofka waxaa ku qoran tiro xisaab ah oo sheegaysa 99 Magac oo Allaah! Waxaa midigta ku qoran 18, bidixdana 81. Runtii waa jeexjeexyada ku samaysan sacabbada gacmaha oo ay faruha iyo calaacaluhuba ka laab-laabmaan. Waxaa la orankaa jeex-jeexyada qaarkood waa u egyihiin lambarada xisaabahaas ay sheegeen laakiin waxaa iswaydiin leh dhowr arrimood: 

1. Qaabka xisaabta Carabiga ay culumada badankeedu u qoraan ma Carabtaa leh mise waddamo kale sida Faaris. 

2. Maxaa keenay in midigta 18 ku qornaato bidixdina 81. Mise bidixda aan ku qabsano waxyaalaha aan najaasada isaga suulino ayaa dani naga gashay inaan tiradaas ka fiirano oo ay tiradii badnayd qaadatay? 

Ka warran haddaan intaan u qasadno is-goysyada baabuurtu marto aan dhahno waa calaamadda macatabka? Sidoo kale inta alwaaxda ama biraha dariishadaha iyo albaabada fiirino dhahno waxaa ka muuqda calaamaddaas. Waxaad kaloo xariiqyo is-gooya ku arki kartaa katiifadaha ladhigo masaajidda iyo guryaha. 

Meydkii Fircoon..... GUJI 

Waxaa jira Xaddiis saxiix ah oo Bukhaari wariyey sidoo kalana Abuu Daa’uud iyo Tirmidba iyo rag kalaba wariyeen in uu Nabigu (SCW) reebay in qofku tukado isagoo kalyaha haysta (gacmuhu usaaranyihiin kelyaha korkooda). Xigmada ku jirta Ilaah baa og. Waxay misiixiyiintu macabka ka wadaan waa qaabkay sheegaan in Ciise (CS) loo dilay in kastoo aan Nabi Ciise (CS) la dilin. Marka haddii Nabigu (SCW) uu sheegay in marka cibaadada sharafta badan ee salaadda lagu jiro aan saas la yeelin waa arrin fahankeeda uu dhibyar yahay. 

Waxaan aaminsanahay in aan dayaxa la tegin. Iska daa 1969 hadda oo la joogo ayeyna Maraykan iyo Ruush isku dayi karin marka inta filimada la sameeyey iska daysaan indhihiina fura. 

I  I  D  H  E  H

KAAH

Haddaad rumaysanwaydaan arrintaan miyeydaan arag in hadda uusan Maraykanku haysan wax uu ku tago saldhigga dayaxgacmeedka ee ku yaal meel dhowr boqol oo Kiilomitir u jirta dhulka kaddib markii “Shuttle” Columbia uu burburay. Hadda tagidda halkaas wuxuu Maraykanku ku xiranyahay Ruushka oo haysta dhowr gantaal “shuttle” oo aad uga yaryar Columbia. Marka hadday 1969kii tageen dayaxa oo ay dhahaan wuxuu dhulka ka fogyahay masaafo ku dhow 200,000 Km (labo boqol oo kun oo Kiilomitir) maxaa sababay in aysan Maraykanku awoodin inuu dhowr boqol oo Km uu tago, waa markaan ka hadlayno aalad dad saaranyahay. 

Muxuu noqonayaa xukunka qofkii dayaxa ku dhinta? Haddii gaalo tagtay, muslimiintuna waa tagi karaan. Sidee loo tukan? Anigoon maqal khilaafka reer Galbeedka ee ku saabsan tagidda dayaxa ayaan diiday maxaa yeelay waa arrin wayn oo ka baxsan nolosha dunida marka laga reebo intifaaciisa. Teeda kale qofkii yiraahda meel baan tagay daliil baa laga rabaa, ilaa haddana Maraykan waxaan filim been abuur ah ahayn ma hayo. 

Hadda waxaad arkaysaa in baryahan dambe sheekada noocaan ah ay usoo jeesteen dad wata shahaadooyin sida “Professor, PhD” iyo kuwo kale oo qaarkood laga qaatay jaamacado Islaam. 

Sida aad cinwaankaas ku arki kartid waxaad arkaysaa dheg ilmo carruur ah oo la leeyahay magaca Allaah oo ku qoran baa laga fahmi karaa, sidoo kale gacanta midig ee qofka waxaad mooddaa dhigaalka magaca Allaah. Faryarada waa alifkii, tan udhaxaysa iyada iyo far-dhexada waa laam iyo saasoo kale. Waayahee bidixdu ma Magaca Allaah oo rogan baa? Uur ku jirka qofka waxuu u ekaadaa magaca Allaah, waa say dhaheen. 

Ma jacayl ay u qabaan Magacaas ayaa duulka ku dhaliyey is dhibkaas? Mise arrimahaas bay ka helaan? Bal muslimiinay qofkii raba inuu ka bogto Magacaas Allaah waa inuu kitaabkaas Qur’aanka ah iyo kitaabada kale ee diinta laga barto uu akhristaa isagaa helaya Magacaas isagoon is dhibin. Soow Qur’aanka Allaah kuma oran markuu ka hadlayo Aayadaha waanada ah waxay ku qoranyihiin kitaabo sharaf leh. Allaah wuxuu mar kale leeyahay Qur’aanku waa shay sharaf leh. Wuxuu ku suganyahay kitaab la dhowray. 

Waxaad halkaas ku arkaysaa sawir uu ninkaasi leeyahay waa xasharaad ay ku qorantahay magac uu leeyahay wuxuu u egyahay Allaah. 

Ilaah baa tusaalaha sare leh. Waxaan Xamar ku arki jiray xasharaad ur badan oo ay dusheeda ku qorantahay wax u eg/la mid ah tirada xisaabta ee siddeed (8). Waxaan oranjirnay wuxuu ka ciyaaraa dhexda maaddaama uu lambarka siddeedaad wato. Qaabka xisaabtaa loo dhigana Carabtaa lahayd. Marka lambarkaas mala dhihi karaa waa mucjiso ama lambarada kale ayuu ka fiicanyahay? 

Yeey raali gelinaysaa in la yiraahdo lo’du ama xayawaanka kale ee afarta addin lihi waxay usamaysanyihiin sida loo qoro Carabi ahaan Magaca Allaah. Waxay dhaheen saynta/dabada/dibka waa alifkii, labada lugood oo dambe waxay udhigmaan Laamkii, labada lugood oo hore Laam kale, madaxuna Ha’da yar. Ma fiicna in magacaas halkaas laga baaro.

Marka haddii aynaan maskaxdaan diin ku baranayn aan cilmigaas adduun ee kale ku barano ee aan iska dayno wax haddii xitaa ay dhab tahay aan wax kuu kordhinayn. 

Ilaah baa mahadleh, Muslim naga dhigay. Nabadgelyo iyo naxariis Nabi Muxamed korkiis ha ahaato.

-dhammaad-

 Maxay Kiristaanku (Christians) Nabi Aadam u eedeeyaan?

WQ. cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com 

 Faafin: SomaliTalk.com 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID


Wada-shaqayntu Waa Furaha Guusha.. GUJI

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD