SomaliTalk DALSAN


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - RA'YI

 Dajaal ma jiraa mise ma jiro 

wq. cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com  

Ilaah baa mahad leh, Kuwa mutaqiinta waxaa usugnaaday ciribta dambe, dhaalimiinta waxaa dushooda ahaatay cadowtinimo. Waxaan ku salinayaa Nabi Muxamed Sallaahu Calayhi Wasalam. 

Waxaan akhriyey maqaal ku qoran Internetka oo uu soo gudbiyey Shiikh Maxamed Shiikh Xuseen sidaa halkaas ku qoran. Shiikha waan aqaan sawirkiisaana meeshuu ku jiraa. Waxaa la waydiiyey dhowr su’aalood laakiin anigu waxaan fiirinayaa su’aashaas. Waxaan kusoo “copy”-garaynayaa qormadii Sheekha: 

DIIJAAL WAA KHURAAFAAD ISLAAMKA LASOO GASHAY .

walaal ,waxaan rabaa in aan kuu sheego in uusan soo degayn oo uuasn imaanayn wax la yiraahdo Diijaal sababtoo ah ,maba ah wax jira ee waa khuraafaad lasoo gashay Islaamka .In diijaal imaanayo waxaay nooga buuxdaa axaadiista uxaadka ah oo la beenabuuray.Axaadiista ku saabsan Diijaal waxaa kamid ah mid sheegaya in asxaabi la yiraahdo Tamiiru daari oo dooni kula caariday jasiirad uu soo arkay Diijaal oo ku xirxiran Jasiiradaas ,bal aan ku waydiiyo adigee meel aan adduunka maanta la marin ma jirtee meeday xaggeese ku taal Jasiiradda uu tagay asxaabigaasi?”

Kaasi wuxuu ahaa qoraalkii Sheekha.

Shiikhu wuxuu ku cileeyey jiritaanka Dajaal waxaa ka mid ah:

1- Axaadiista Aaxaadka

2- Maan aragno Jasiirada uu ku xiranyahay

3- Oraah uu kasoo guuriyey Sheekhu Azhar, Maxamed Cabdow oo qoraalka dib uga jirtay.

 

Waa maxay Xadiiska Aaxaadka ah ?

I  I  D  H  E  H

Qofkii akhriya musdhalax Al-Xadiith wuxuu ogaanayaa qaybaha Axaadiista. Bal hada aan ukala qaybino Mutuwaatir iyo kuwo aan mutawaatir ahayn. Xadiiska sanadkiisa ayaa la rabaa inuu ka koobnaado dhabaqaad. Hadii uu mid yahay magac baa loo yaqaan haduu labo yahay magac iyo sidaa iyo si lamid ah.

Sheekhu wuxuu xadiiska ku cileeyey Aaxaad ah.

Imaam Al-Bukhaari Kitaabkiisa Saxiixa ah wuxuu ku bilaabay Xadiiskii mash-huurka ahaa ee “Inamal Acmaalu biniyaat”. Xadiiskan waxaa soo saaray oo weriyey dadka axaadiista weriya oo caanka dhamaantood marka laga reebo Imaam Al-Maalik.

Waxaa isku waafaqay Xadiiskan C/Raxmaan Binu Mahdi, Imaam Ash-Shaafici sida uu Buwaydhii soo wariyey, Imaam Axmed Binu Xambal, Cali Binu Madiinii, Abuu Daa’uud, Tirmiidi, Daaraa-Qudhni iyo rag kale inuu Xadiiskani yahay Islaamka sedex meeloodoo meel (1/3). Culimo badan waxay qabtaa inuu yahay Rubuc (1/4).

Laakiin Xadiiska Aaxaadnimadiisu Aaxaadnimo way dhaaftay maxaa yelay saxaabiga Xadiiskan wariyey Waa Khaliifkii Raashidka ahaa ee Cumar Binu Khidhaab (RC) waxaa ka weriyey Calqamah oo kaliya. Calqamah waxaa ka wariyey Maxamed Binu Ibraahim oo kaliya. Maxamed Binu Ibraahim waxaa ka weriyey oo kaliya Yaxyaa Binu Saciid.

Shiikh Maxamed iyo raga ku fikrad ah xadiiskan micno uma sameeyo. Oo waa been abuur. Kawarn qofkii yiraahda Xadiiska Cumar kaliyaa Nabiga ka wariyey oo ma qaadanayo?

Qodobka labaad oo uu yiri aduunka meel walba waa la tagey ee maan aragno jaziirada uu ku xiranyahay? Waa hadal yaab badan. Hadii aynaan wax arag ma beeninaynaa. Hadii ayna dayax gacmeedyada gaaladu wax sheegin ma inkiraynaa. Waxaan Shiikha waydiinaynaa qisadii “Juuj Wa ma Juuj” Ma khiyaali baa? Quraankaa qisada sheegay, Axadiisna waa sheegtee xagee joogaan? Ilaa xadiiska hore waxaa ka mid ahaa waxaad ku diiday in aduunka meel kasta la maray. Adiguse ma aragtay meeshii uu Dul-Qarnayn ku xiray?

Tan sedexaad Maxamed Cabdow hadalkiisii baad noo soo qabatay bal fiiri anigu Imaamada aan kuu soo qabtay haday noqoto in hadal cid la qabsado kee mudan in la qabsado.

Fikrada caynkaas ah uma haboona inuu ku doodo qof caqli leh. Gaalada ayaa Nabiga diiday iyagoo ku cileeyey kaligaaa baad noo timid ee muu Ilaahay Malak kula soo diro.

160 Macalimiin Soomaaliyeed ah  oo loo cusboonaysiiyay Heshiiskii Shaqada Dawladda Yemen iyo kuraastii wax Barasho eey dowlada Yemen ugu deeqi jirtay arday soomaaliyeed ee kasoo Baxa iskuuladeeda oo la kordhiyey: halkii ey ka ahaayeen 10 kursi hada laga dhigay 20 kursi.... GUJI. 24/9

Nabi Muxamed (SCW) markuu Khadiija iyo Waraqa Binu Noofal uu u yimid hadalkiisii waa rumaysteen iyagoon oran noo keen Malakul Jibriil markhaati ha kuu furee maxaa yeelay waxay yaqaaneen inuusan been Sheegin suurtagalna ma aha qof aan dadka been ka sheegin inuu Ilaahay been ka sheegayo. Abuu Bakar (RC), Cusmaan Binu Cafaan, Cali Binu Abii Dhaalib, Sacad Binu Waqaas (RC) iyo saxaabadii kaloo dhan ma waydiin cadayn kale oo dheeraada.

Hada waxaa muhiim ah in culumadu ay baaraan ruwaata shuruudaha laga rabo. Mar haduu Noqdo Saxaabi ama Taabiciyiintii caanka ahaa sida Siciid Binu Musayab, Saciid Binu Jubayr, Calqamah, Shacbi, Saalim Binu Cumar oo ayna jirin cid kaloo la siman oo mucaarada waa in la qaato.

Wabilaahi Towfiiq

cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com  

SOMALITALK.COM | sept 24, 2002 | AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

WARARKII AGOOSTO  | WARARKii  July» GUJI
» June |  MAY APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 
em@spam.com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

I I D H E H 

Eldoret waa Magaalo sidee ah
Magaalada eldoret oo ah magaalada lagu qabandoono shirka nabada Soomaalida waa magaalo aad u wayn oo . IQRA..  26/8
 
QAAMUUS
QAAMUUSKA MAAHMAAHYADU WAA QIIMA-GAL GUJI Ibraahim Maxamedeeq
 
XAMARCADEEY
Caddeynta Xaqiiqada dhabta ah ee Dhulka Banaadiriga
Taariikhdu dadkay bartaa Dunida way iftiimisaa
GUJI...
[Dr. C/Qadir -Muriidi golf]
 
CALI JARMAL
Waraysi uu Bixiyey Cali Jarmal 
Waraysi dheer oo uu bixiyey Mudane Ali Addow Mohamed (Ali Jarmal) ayuu kusheegay in shirka Kenya GUJI... 26/8
 
N A B A D A Y N
Baaq Nabadeed Colaadda Mesagawaay
Dhammaan Muddulloodka wax garadka ah ee ku nool Skandinaviya ( Sweden. Denmark, Finland, Norway) Waxay ugu baaqayaan... GUJI.. 22/8 
 
S U U G A A N
Abwaan Maaweel oo Kawaramay Suugaantiisa
Maaweel oo dhowaan socdaal ku soo gaadhay magaalada Nairobi ayaa waxaa waraystay Ibraahim Maxamedeeq oo ah qoraa suugaanta soomaalida xiiseeya ayaa ... GUJI.. 22/8 
 
LAASCAANOOD
Urur Cusub oo laga Sameeyeey Laascanod
Uurkan oo lagu magcaabay (S.S.H.Y.L.) oo noqonaya Sol, Sanaag, Hawd, youth League, waxaa  GUJI... 28/8
 
KOONFUR AFRIKA
Shirweynaha Aduunka oo Kasocda K/Afrika
Shirkan oo lagaga hadlidoono Ilaalinta deegaanka, La dagaalanka cunto yaraanta, Ka hor taga xaalufinta deegaanka iyo  GUJI... 28/8
 
S A C U U D I G A
Xasan Abshir oo Lakulmay Amiir Cabdalla
Ra'iisul wasaaraha DKG ayaa sucuudiga kula kulmay Amiirka Cabdalla Bin Cabdulcasiis Al-Sacuud  GUJI   Agosto 14
 
M U Q D I S H O
Falal Kufsi Iyo Dil Iswata Oo Ku Soo Kordhay Muqdisho
Magaalada Muqdisho, caasimaddii dalka Soomaaliya, hoygii nabadda iyo amaanka, xadaaradda iyo tacliinta... hadda waxay noqotay GUJI... Agoosto 6
 
X A M A R
Caydiid oo Codsi udiray Reer Muqdisho
warkaas iyo Taliyaha Ciidanka Ka Fallaagoobey Qanyare Oo Ka Hadlay Dagaalkii Dhowaan Dhacay AKHRI   Agosto 13
 
K U W A I T
BAYAAN ku wajahan maamulka Hargeysa
KUWAIT - Guddiga Fulinta ee Jaaliyadda gobolada Sool Sanaag iyo Hawd ee degganna Kuwait ayaa. GUJI..  Agosto 12
 
DILKA K/AFRIKA
Qofkii 18aad ee Soomaali ah oo lagu dilo K/Afrika
Deeqa Ibraahim Cawad (Allah ha u naxariistee) ayaa dhimatay kadib markii dad aan la aqoon ay kuweerareen gurigooda uu kuyaal xaafada MAYFAIR ee. Warbixinadii  Axmed.Dowlo | Caqiil.Sh.Yuusuf Agost 5


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]