SomaliTalk DALSAN


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

 QAAMUUSKA MAAHMAAHYADU WAA QIIMA-GAL

Iskudubaridaha: Ibraahim Maxamedeeq

Imdeeq@hotmail.com  

Nairbi, Kenya

Sept 12, 2002

Af kasta oo dunida lagaga hadlaa wuxuu leeyahay murti iyo maahmaah miisaan xigmadeed oo lagu jeclaysto tiraabta huwisa, afafkuna dhinaca maansada iyo xagga murtida iskaga mid ma aha ee waxaa jira luuqado maansada iyo maahmaahdaba loo og yahay. Afka soomaaliga ayaana ka mid ah luuqadaha murtida qiima galka ah loo aqoonsan yahay laakiin in kastoo ay soomaalidu dhaqan wanaagsan iyo af murti hodan ku ah Eebbe weyne hibo u siiyey haddana waxaa arimahaas hiddaha ah saameeyey dayac balaadhan oo murti badan galaaftay waayo soomaalidu tixgelin sidaa u qoto dheer ma siiyaan waxyaabaha hiddahooda ka turjumaya ee ay gaarka u leeyihiin, mararka qaarkoodna waxaabad arkaysaa soomaalida oo waxa ay leeyihiin uga dadaal badan waxyaabo ay dad kale hidde iyo dhaqan u leeyihiin, murtida iyo maahmaahyada soomaaliyeedna waa kuwo si weyn u cajab geliyey qaar ka mid ah aqoonyahanada caalamka ee cilmiga baadha ee sida hubsiinada leh murtida soomaalida u dhex galay.

Aqoonyahanada sida geesinimadu ku dheehan tahay murtideena ugu dhabba galay, una baylah tiray waxaa calanka u sida caalimka taariikhda soomaalida baalka dahabiga ah ka galay Dr.Georgi Kapchats, badibana ay soomaalidu ku xasuusato barnaamijkii uu Raadiyo Moosko ka soo jeedin jirey ee ahaa: “waxaan idinka sugayaa waraaqo”

waraysi)"DKG Shaqsi gaar ah (Xaabsade) lama Gelin Heshiis
waxayse wada hadal la yeelatay hoggaanka RRA Shaarguduud maahee intiisii kale" Sidaas waxaa yiri C/Qaasim Salaad Xasan oo u waramayey...
GUJI..  
Jaamacadda Boosaaso Waxaa Loo Dhisay Kobcinta Aqoonta
Sidaas waxaa yiri Ciise Dhollowaa oo jawaab ka bixinayey hadalkii Prof. Samatar ee ahaa GUJI..  

suuqWarbixin: Suuqa  Al-Karama
MINNEAPOLIS : Suuqa Al-Karama waa suuq Soomaaliyeed oo kuyaal.. GUJI..  

Wardheere &Toddobaadka
USA: Dawladda Federaalka ma rabto governorka Minnesota inuu aado Cuba asagana kama yeelayo iyo. GUJI...

sikshekh.jpg (49456 bytes)Caddeynta Xaqiiqada dhabta ah ee Dhulka Banaadiriga
Taariikhdu dadkay bartaa Dunida way iftiimisaa GUJI...

alijamal_small.jpg (28503 bytes)Waraysi uu Bixiyey Cali Jarmal 
Waraysi dheer oo uu bixiyey Mudane Ali Addow Mohamed (Ali Jarmal) ayuu kusheegay in shirka Kenya GUJI...  

ab22801.jpg (5210 bytes)Abwaan Maaweel oo Kawaramay Suugaantiisa
Maaweel oo dhowaan socdaal ku soo gaadhay magaalada Nairobi ayaa waxaa waraystay Ibraahim Maxamedeeq oo ah qoraa suugaanta soomaalida xiiseeya ayaa ... GUJI.. 
 

Buuggiisa aan maanta wax ka odhanayaana waa kan la magac baxay Qaamuuska maahmaahyada soomaaliyeed oo uu ku ururuuriyey in ku dhow 6000 oo maahmaahood, Maahmaahdana waxaa loo cuskadaa doodaha, khudbadaha iyo qoraalada, waxaa kaloo loo adeegsadaa wada hadalka, waanada, wacdiyada diiniga ah, habaynta iyo hodanaynta guud ee hadalka, waana tii ay soomaalidu ku maahmaahday: “hadal aan maahmaah lahayni waa hilib aan mindi lahayn”, waxaa kaloo murtideena ku jirta maahmaah odhanaysa; “war aan murti lahayn waa laga aamusaa”; inta badan maah-maahyadu waxay ka baxaan gole ay guurti gayr-gayr ahi gorodda isku dareen oo ay xaal adduun iyo xaajo taagan wax ka qabashadeeda ku falanqeeyeen.

Hadaba, iyadoo ay maahmaahyada soomaaliyeed qiimahaas aan la soo koobi Karin ku fadhiyaan haddana tiro aad u yar ayaa ka diiwaan gashanayd oo marka baaxadda maahmaahyadeena la jeedaaliyo waxaa la odhan karaa waxba lagama qaban ka hor Qaamuuska maahmaahyada soomaaliyeed ee uu 1998kii Dr. Kapcats oo ah aqoonyahan soomaalida iyo suugaanteedaba jeceli ku faro yaraystay.

Qoraha buuggu wuxuu ku takhasusay afka soomaaliga, in baddana wuxuu ku shaqaynayey Afka soomaaliga , buuggan miidda iyo malabka aan la heli Karin inoo xambaarsanina ma aha wax qabadkii ugu horeeyey ee saaxiibkeen Kapchats uu inoo meeleeyey ee wuxuu horay suugaanta soomaalida uga qoray kutub ay ka mid yihiin: “Mahmaahyo soomaaliyeed 1983, Waxaa la yidhi iyo sheekooyin hidde ah 1996, Sheekooyin soomaaliyeed191997, kuligoodna waa madhax uu Kapchats ummadda soomaaliyeed u kaydiyey.

Qaamuuska maahmaahyada soomaaliyeed wuxuu noqday agabka ugu balaadhan ee maahmaahyo soomaaliyeed si cilmi ku dhisan oo si weyn looga baaraan degey meel loogu ururiyey…buuggu wuxuu u qaybsan yahay saddex qaybood oo kala ah:

1- Maahmaahyo hal tix ah: “Aan wada hadalo waa aan heshiino”

2- Maahmaahyo tix ka badan: “Xooroow qadhmuunidaa,sidaasaanba ku weeyso qabaa”.

3- Tirooley: “Saddex baa rag u liita: ma tashade, ma tashiishe iyo ma toshe”.

Saddexda qaybood waxaa ugu tiro badan tan ugu horaysa, waxaana xusid muddan qoraha oo sidii maahmaahda loo soo gaadhsiiyey u diiwaan geliyey masalan hal maahmaah oo ay shan qof soo kala weriyeen oo odhaah ahaan wax yar ku kala duwan laakiin isku macno ah ayuu mid waliba siduu u yidhi u daabacay…taas oo u dhow inay ku qotonto sida maahmaahda looga yaqaan qof waliba gobolkii uu ka soo jeedey, taasina ay keenayso inuu qof waliba siduu maahmaahda u yiqiinay Qaamuuska uga dhex arko, weliba arintani waxay qaamuuska u yeeshay qiimo wanaagsan oo aan horay loo arag, wuxuu kaloo qoruhu ammaan ilaa iyo xad durugsan ku mudan yahay miisaanka uu u isticmaalay markuu doonayey inuu ogaado maahmaahda asalka ah ee ay maahmaahyadaas shanta siyood loo weriyey ka soo farcameen oo uu u maray inuu aasaas ka dhigo sida ay dadka u soo weriyey u bateen.

Waxyaabaha tirada badan ee qalbigayga soo jiitey isla markaana uu maankaygu u qushuucay waxaa ka mid ah buugga oo u daabacan si tayo sare leh oo aad mooddo in loogu talo galay inuu muddo dheer sidaas ku waaro, buugga waxaa ku urursan maahmaahyo aan marnaba looga maarmi Karin nolosha caadiga ah ee bani’aadamka…Qaamuusku wuxuu qof kasta oo wax qora ama jeclaysta inuu arin ka hadlo ka kaalmayn karraa inuu si hawl yar u helo murti uu qormadiisa ama tiraabtiisa ku xoojiyo, maah maahda oo had iyo goor hadalka lagu ladhaana waxaa lagu gaadhaa ujeedada la doonayo in la meel mariyo, waayo waxay dhumuc iyo dhadhan sare u yeelaysaa aftahamada qofka wax jeedinaya.

Marka aad buuggan daalacato waxaad ku farxaysaa sida uu Kapchats isagoon soomaali u dhalan fahanka maahmaahyada soomaaliyeed ugu fogaadey sida kuwa uu maahmaahyadeena ugu jecel yahay oo ah qaybta maahmaahyadeena ugu qiimaha badan oo ah kuwa leh macno ku dhex qarsoon sida: “Laf iyo Dhagax la isku waa’” oo macnaha ku qarsooni uu yahay: “inaysan wax dhamaystirani aanay jirin”, waxaan kaloo aad u jeclaystay gogoldhiga buugga oo uu qoruhu si weyn ugu lafa guray maahmaahyada iyo qaabka buugga, wuxuu xiskaygu u qushuucay marka uu qoruhu is bar bar dhigayo maahmaahyda soomaalida iyo kuwa Ruushka sida:

Shan beri shiikh laguma noqdo (Soomaalida)

Mar qudha geed laguma gooyo (Ruushka)

Waxaad arkaysaa in waxa la adeegsanayaa kala duwan yahay laakiin uu macnuhu isku mid yahay, dadka labada maahmaahood kala lihina ay dhaqan ahaan iyo deegaan ahaanba aad u kala fog yihiin, taasina waa mid caddayn u ah xidhiidhka dhabta ah ee dareenka bani’aadamka ka dhexeeya…waxaan jeclaan lahaa inuu walaalkay Kapchats is bar bar dhig faro badan ku sameeyo xidhiidhka ka dhexeeya maahmaahyada ay ummadaha kala duwani kala adeegsadaan sida uu gogol dhigaba tusaalayashan loo bogey ugu soo qaatay.

Buuggan murtidii hiddeheena xambaarsani wuxuu ku qoran yahay af soomaali badhax tiran oo aan wax laaxin ah lagu ogayn sababtoo ah waxaa qoray af soomaaliyahan luuqdeena hooyo fahankeeda iyo adeegsigeeda ku talax tegey, in kastoo aan codkiisa aqaanay waxaannu si rasmi ah isagu baranay Magasiinka Gacal oo runtii ahaa gogol ay wax garadku isku arkaan…kaddib waxaanu ilaa iyo hadda leenahay xiriir joogta ah…taas oo aan si weyn ugu faraxsanahay.

Dr. Kapchats waa nin dadka soomaalida aad u jecel oo la walaaloobey waxaanan marnaba iloobi Karin ereyo xusuus mudan oo uu iigu soo qoray xaashidii ugu horaysey ee aan ka helo waxaana ka mid ahaa ereyadan: “sidaan ogahay Kenya waxaa jooga soomaali badan, ma isku duuban tihiin?, mise waad kala daadsan tihiin?, kal hore waxaan booqday arlada Denmark la yidhaahdo, waxaan la yaabay sida ay u badan yihiin ururada u kala gaarka ah soomaalida aan saas u tirada badnayn ee Denmark ku nool, yaan la ilaawin murtida leh: Shan nin oo marti qayb leh, shanshaa ka go’da, Shan nin oo aan marti qayb lahayna SHAN shanshaa ka go’da”.

Taas waxaan marag uga dhigayaa sida uu Kapchats soomaalida u jecel yahay xaaladahoodana uga war hayo, una waaninayo.

Qaamuuskani waa hoobaan uu Kapchats ka soo gurbiyey kaymaha midhaha murtida hodanka ku ah ee carradeena hadheeyey, waa tixraac sal adag oo loo daliishan karo dhilidda iyo turxaan bixinta xaajooyinka adkaada ee in la furdaamiyo u baahan, waa dhaxal uu jiilba jiil u sii gudbin doono oo faro ciddi leh kaga fakaday inay qoraal la’aan la dhumaan, waa koosaar aan marnaba laga dhergi Karin oo u diyaarsan in si sahlan loo adeegsado, waa wax qabad ka turjumaya inay soomaalidu leedahay murti uu qof kastaa isticmaali karo, shisheeyahana loogu faani karo, waa fal qiimo iyo qaayo aan la soo qaydi Karin ku qotoma isla markaana qoraaga qorshaha qaamuuskan dahabka ah soo qaabeeyey si qalbi-san qadarin aan la qiyaasi Karin loogu quudhi karo…Kapchats waa walaalkeen, walaalna waa garab.

Ibraahim Maxamedeeq

Nairobi

imdeeq@hotmail.com 

September 12, 2002

QORAALKII HORE EE Ibrahim Maxamedeeq 

 

WARARKA KALE AGOOSTO  | WARARKii  July» GUJI
» June |  MAY APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 
em@spam.com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Eldoret waa Magaalo sidee ah
Magaalada eldoret oo ah magaalada lagu qabandoono shirka nabada Soomaalida waa magaalo aad u wayn oo . IQRA..  26/8
 
XAMARCADEEY
Caddeynta Xaqiiqada dhabta ah ee Dhulka Banaadiriga
Taariikhdu dadkay bartaa Dunida way iftiimisaa
GUJI...
[Dr. C/Qadir -Muriidi golf]
 
CALI JARMAL
Waraysi uu Bixiyey Cali Jarmal 
Waraysi dheer oo uu bixiyey Mudane Ali Addow Mohamed (Ali Jarmal) ayuu kusheegay in shirka Kenya GUJI... 26/8
 
N A B A D A Y N
Baaq Nabadeed Colaadda Mesagawaay
Dhammaan Muddulloodka wax garadka ah ee ku nool Skandinaviya ( Sweden. Denmark, Finland, Norway) Waxay ugu baaqayaan... GUJI.. 22/8 
 
S U U G A A N
Abwaan Maaweel oo Kawaramay Suugaantiisa
Maaweel oo dhowaan socdaal ku soo gaadhay magaalada Nairobi ayaa waxaa waraystay Ibraahim Maxamedeeq oo ah qoraa suugaanta soomaalida xiiseeya ayaa ... GUJI.. 22/8 
 
LAASCAANOOD
Urur Cusub oo laga Sameeyeey Laascanod
Uurkan oo lagu magcaabay (S.S.H.Y.L.) oo noqonaya Sol, Sanaag, Hawd, youth League, waxaa  GUJI... 28/8
 
KOONFUR AFRIKA
Shirweynaha Aduunka oo Kasocda K/Afrika
Shirkan oo lagaga hadlidoono Ilaalinta deegaanka, La dagaalanka cunto yaraanta, Ka hor taga xaalufinta deegaanka iyo  GUJI... 28/8
 
S A C U U D I G A
Xasan Abshir oo Lakulmay Amiir Cabdalla
Ra'iisul wasaaraha DKG ayaa sucuudiga kula kulmay Amiirka Cabdalla Bin Cabdulcasiis Al-Sacuud  GUJI   Agosto 14
 
M U Q D I S H O
Falal Kufsi Iyo Dil Iswata Oo Ku Soo Kordhay Muqdisho
Magaalada Muqdisho, caasimaddii dalka Soomaaliya, hoygii nabadda iyo amaanka, xadaaradda iyo tacliinta... hadda waxay noqotay GUJI... Agoosto 6
 
X A M A R
Caydiid oo Codsi udiray Reer Muqdisho
warkaas iyo Taliyaha Ciidanka Ka Fallaagoobey Qanyare Oo Ka Hadlay Dagaalkii Dhowaan Dhacay AKHRI   Agosto 13
 
K U W A I T
BAYAAN ku wajahan maamulka Hargeysa
KUWAIT - Guddiga Fulinta ee Jaaliyadda gobolada Sool Sanaag iyo Hawd ee degganna Kuwait ayaa. GUJI..  Agosto 12
 
BEESHA SARANSOOR
Baaq Kasoo Baxay Beesha Saransoor 
Waxgaradka beelaha Saransoor ee ku kala nool dalalka Waqooyiga Ameerika, Yurubta Galbeed, Australia, Dunida Carabta, Kenya, Ethiopia iyo Soomaaliya ayaa GUJI.. 8/ 9
 
DILKA K/AFRIKA
Qofkii 18aad ee Soomaali ah oo lagu dilo K/Afrika
Deeqa Ibraahim Cawad (Allah ha u naxariistee) ayaa dhimatay kadib markii dad aan la aqoon ay kuweerareen gurigooda uu kuyaal xaafada MAYFAIR ee. Warbixinadii  Axmed.Dowlo | Caqiil.Sh.Yuusuf Agost 5


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD