SomaliTalk DALSAN


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI
September 9, 2002 

WASIIRKA ARIMAHA DIBEDDA DJIBUTI OO LA HADLAY JAALIYADDA SOOMAALIDA KENYA

Iskudubaridaha: Ibraahim Maxamedeeq

Imdeeq@hotmail.com  

Nairbi, Kenya

Sept 9, 2002

Xalay (sept 8) waxaa Nairobi ka dhacday xaflad si heer sare ah loo soo daleeyey oo casho sharaf loogu sameeyey wefdigii Djibuti uga qayb galay shirkii wasiirada arimaha dibadda ee Igad ee todobaadkii hore dasbayaaqadiisii ka dhacay magaalada Nairobi..laguna falan qaynayey hanaanka uu u dhici doono shirka dibu heshiisiinta soomaalida ee dhowaan ka dhici doona magaalada Eldoret, Xafladaas oo lagu qabtay hotel Inter-continental ee Nairobi waxaa soo agaasimay wax garad soomaaliyeed oo ka tirsan soomaalida Nairobi ku nool.

Waxaana casha sharaftaas ka soo qayb galay wasiirka arimaha dibedda ee dalka Djibuti Mudane Cali Cabdi Faarax, la taliyaha Madaxweeynaha Djibuti Mudane Xaashi Cabdalle Oorax, dhinaca Kenya waxaa ka soo qayb galay siyaasiga caanka ah ee ay soomaalida Kenya ku nooli sida weyn u jeceshahay Mudane Faarax Macalin, waxaa kaloo gogoshii casho sharafta soo xaadiray dadyoow kala duwan oo isugu jirey ganacsadayaal iyo aqoonyahano aan ka magacaabi karo qoraaga caanka ah Aw Jaamac Cumar Ciise, Dr. Gaandhi iyo kuwo kale.

Ugu horaynna waxaa xafladda aayado quraan ah ku furay Aw Jaamac, kaddibna waxaa goobtii ka hadlay Mudane Faarax Macalin oo ah guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Safina. Wuxuuna sheegay in loo baahan yahay inay soomaalidu tashato oo ay danteeda garato, cidna aanay wax qabad ka sugin waayo buu yidhi cid kasta oo arinta soomaaliya faraha la gashaa dan ayeey wadataa, “Djibuti iyo anagu midkaayana ma jiri karo haddii aan soomaaliya dawlad ahayn” ayuu Mudane Faarax yidhi…isgoo intaa ku daray inay aqoonyahanada soomaaliyeed xaqa u dagaalamaan ee aanay danta dadkooda dibedda ka joogin. “intii ay ummadda soomaaliyeed shisheeye gacanta u geli lahayd waxaa ka door roon inay qabqablayaal laynayaa xukumaan” ayuu yidhi Mudane Faarax Macalin oo isagoo hadalkiisa sii wata yidhi: “cidii wax qabatay ayuun baa wax sixi karta waayo khaladkii hore wuxuu u noqonayaa wax ay isku saxaan sidaa darteed Djibuti wax weyn oo waajib loogu lahaa ayeey qabatay”.

Intaa kaddib waxaa mikarafoonkii lagu soo dhoweeyey wasiirka arimaha dibedda ee dalka Djibuti oo soomaalidii xafladda fadhidey si qoto dheer ugaga xog waramay hanaanka uu shirka Eldoret u dhici doono, wuxuuna wasiirku sheegay in ay iyagu madax wayne Moi ka codsadeen in uu dib u heshiisiinta Somaaliya dhamaystiro, shirkuna uu jaran jarooyin badan uu soo maray…ayna jireen dawlado aan doonayn inuu shirka qabsoomo. Intaa kaddib wasiirku wuxuu sheegay in ay ku dadaaleen in uusan shirku noqon mid ciddii la doono loogu yeedho balse uu noqdo shir ay Soomaalidu leedahay oo ay Soomaalidu waddo oo ay maamusho, saddaxyada Doowladoodna aan ku garab galno…laakiin gacan ku haynta shirka iyo sida uu u soconaya Soomaalida loo daayo .

Wuxuu xusay inaan shirkii Carte lagu khasaarin ee ay axdi, baarlamaan iyo Madax wayne ka dhasheen, loona baahan yahay dhamaystir buuxa, isla markaana ay shirka Igad gacanta ku haysey oo ay jireen shirar kala duwan oo si is daba jooga u dhacayey, shirkana loogu gogol xaarayey.

Mar uu wasiirku ka hadlayey shirkii ugu danbeeyay ee ay wasiirada arimaha dibada ee Igadh ku yeesheen Nairobi wuxuu sheegay in makrii ay dareemeen in aan xalka Somaaliya shisheeye soo dhiraan dhirin Karin ay soo jeediyeen in la sameeyo gudi farsamo oo ka kooban aqoonyahano Soomaaliyeed oo dadka u dhaxeeya, In shirka dib loo dhigo, in wixii shirka ka soo baxa la taageero, ugu danbayntiina wuxuu wasiirku Illaahay ka rajeeyay in uu shirka soo socda Soomaali uga dhigo kii shir dib u heshiisiineed ugu danbeeyay ee lagu najaxo.

Wasiirka arimaha dibedda kaddib waxaa xafladii xalay ka hadlay la taliyaha Madaxwaynaha dalka Djibuti mudane Xaashi Cabdalle Oorax oo sheegay in jamhuuriyada Djibuti tahay qayb ka mid ah ummadda Soomaaliyeed oo aanay ka baxsanayn... isaga oo xusay inay Djibuti dawladdii Soomaaliyeed wax ku ahayd, Djibutina aan Soomaali laga lahayn, Intaa kaddib mudane Oorax wuxuu sheegay in falsafaddii shirka Carte uu ku qotomey in ummadda Soomaaliyeed ee madaniga ah awooddii loo soo celiyo, Djibutina ay marti galisay, ummaduna ay ku baraarugtay, wuxuuna yidhi: “ Dawlad waliba Soomaaliya dan bay ka leedahay, inagaana u wada warrana, Illaahay qalbigeena nuurkii ha ku soo celiyo”. Mudane Oorax wuxuu intaa ku daray in aysan wixii Carte ka soo baxay oo dhami dumayn balse wax la badali karo sidaasna ay Igadh ku adkeeyeen, Soomalidana looga baahan yahay inay ilaaliyaan. Wuxuu hadalkiisa ku soo gebagabeeyay mahadnaq uu Soomaalida Kenya degan u soo jeediyey iyo guubaabo uu u jeediyay Aqoon yahanka Soomaaliyeed wuxuuna yidhi: “Aqoonyahanku ma aha midka intuu wax barto is kala seexda ee waa midka wax ku soo biiriya wixii uu bartay”.

Ugu danbayntii waxaa hadlkii qaatay Aw jaamac Cumar Ciise oo xafladdii ka soo jeediyey hadal uu ku ladhayey murti iyo maanso loo wada muhday oo uu Soomaalida nabadda iyo dib u heshiisiinta ku baraarujinayo…wuxuuna reer Djibuti iyo Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle uga mahad celiyay dareenka nadiifta ah ee ay walaalahooda tabaalaysan had iyo goor la garab taagan yihiin, isagoo Aw Jaamac Alle wayne ka baryey in uu isu soo dumo quluubta kala tagan ee ummada Soomaaliyeed.

Weftiga reer Djibuuti maanta oo Isniin ah ayeey Djibuti u kici timeen.

Ibraahim Maxamedeeq

imdeeq@hotmail.com

Faafin Sept 9, 2002 | SOMALITALK.COM //Xuquuqda qoraalkaan waa xafidantahay//

QORAALKII HORE Ibrahim Maxamedeed :
Abwaan Maaweel oo Kawaramay Suugaantiisa

WARARKA KALE AGOOSTO  | WARARKii  July» GUJI
» June |  MAY APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 
em@spam.com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Eldoret waa Magaalo sidee ah
Magaalada eldoret oo ah magaalada lagu qabandoono shirka nabada Soomaalida waa magaalo aad u wayn oo . IQRA..  26/8
 
XAMARCADEEY
Caddeynta Xaqiiqada dhabta ah ee Dhulka Banaadiriga
Taariikhdu dadkay bartaa Dunida way iftiimisaa
GUJI...
[Dr. C/Qadir -Muriidi golf]
 
CALI JARMAL
Waraysi uu Bixiyey Cali Jarmal 
Waraysi dheer oo uu bixiyey Mudane Ali Addow Mohamed (Ali Jarmal) ayuu kusheegay in shirka Kenya GUJI... 26/8
 
N A B A D A Y N
Baaq Nabadeed Colaadda Mesagawaay
Dhammaan Muddulloodka wax garadka ah ee ku nool Skandinaviya ( Sweden. Denmark, Finland, Norway) Waxay ugu baaqayaan... GUJI.. 22/8 
 
S U U G A A N
Abwaan Maaweel oo Kawaramay Suugaantiisa
Maaweel oo dhowaan socdaal ku soo gaadhay magaalada Nairobi ayaa waxaa waraystay Ibraahim Maxamedeeq oo ah qoraa suugaanta soomaalida xiiseeya ayaa ... GUJI.. 22/8 
 
LAASCAANOOD
Urur Cusub oo laga Sameeyeey Laascanod
Uurkan oo lagu magcaabay (S.S.H.Y.L.) oo noqonaya Sol, Sanaag, Hawd, youth League, waxaa  GUJI... 28/8
 
KOONFUR AFRIKA
Shirweynaha Aduunka oo Kasocda K/Afrika
Shirkan oo lagaga hadlidoono Ilaalinta deegaanka, La dagaalanka cunto yaraanta, Ka hor taga xaalufinta deegaanka iyo  GUJI... 28/8
 
S A C U U D I G A
Xasan Abshir oo Lakulmay Amiir Cabdalla
Ra'iisul wasaaraha DKG ayaa sucuudiga kula kulmay Amiirka Cabdalla Bin Cabdulcasiis Al-Sacuud  GUJI   Agosto 14
 
M U Q D I S H O
Falal Kufsi Iyo Dil Iswata Oo Ku Soo Kordhay Muqdisho
Magaalada Muqdisho, caasimaddii dalka Soomaaliya, hoygii nabadda iyo amaanka, xadaaradda iyo tacliinta... hadda waxay noqotay GUJI... Agoosto 6
 
X A M A R
Caydiid oo Codsi udiray Reer Muqdisho
warkaas iyo Taliyaha Ciidanka Ka Fallaagoobey Qanyare Oo Ka Hadlay Dagaalkii Dhowaan Dhacay AKHRI   Agosto 13
 
K U W A I T
BAYAAN ku wajahan maamulka Hargeysa
KUWAIT - Guddiga Fulinta ee Jaaliyadda gobolada Sool Sanaag iyo Hawd ee degganna Kuwait ayaa. GUJI..  Agosto 12
 
BEESHA SARANSOOR
Baaq Kasoo Baxay Beesha Saransoor 
Waxgaradka beelaha Saransoor ee ku kala nool dalalka Waqooyiga Ameerika, Yurubta Galbeed, Australia, Dunida Carabta, Kenya, Ethiopia iyo Soomaaliya ayaa GUJI.. 8/ 9
 
DILKA K/AFRIKA
Qofkii 18aad ee Soomaali ah oo lagu dilo K/Afrika
Deeqa Ibraahim Cawad (Allah ha u naxariistee) ayaa dhimatay kadib markii dad aan la aqoon ay kuweerareen gurigooda uu kuyaal xaafada MAYFAIR ee. Warbixinadii  Axmed.Dowlo | Caqiil.Sh.Yuusuf Agost 5


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD