XAFLADDA BERRI OO ARAP SATELLITE LAGA DAAWAN DOONO
Ibraahim Maxameddeeq
imdeeq@hotmail.com
SomaliTalk.com | Eldoret
Oct 30, 2002
Kulan deg deg ah oo gudoomiyaha gudiga farsamada Igad ee shirka dibu
heshiisiinta soomaalidu Mr. Mwangala caawa fiidkii isugu yeedhay madaxda kooxha
magaalada Eldoret ku sugan ayuu ugu sheegay inuu caawa madaxweeynaha dalka Kenya
ku sugan yahay magaaladan Eldoret si uu beri 9: 30 madaxtooyadiisa Eldoret ugaga
qayb galo xaflad uu madaxweeynuhu adduunyada ugu sheegi doono guulaha ilaa iyo
hadda ka qabsoomay shirka Eldoret, isagoo Mr. Elijah caddeeyey inuu
madaxweeynuhu berri akhrin doono qodobadii hab socodka shirka iyo baaqii ay
madaxda ururada soomaalidu axaddii saxeexeen.
Mr. Mwangala wuxuu sheegay in qolka shirarka ee madaxtooyada Moi loo
qoondooyey inay 100 qof oo ay lixdan dublumaasiyiin iyo calamka ka imanayaa ku
jiraan, madaxda soomaalidana laga macsuumay 44 xubnood oo ay koox waliba laba ka
mid ah qayb u heshay, Madaxda kooxuhu waxay caawa isla garteen inay shirka berri
uga hadlaan Gen. Aadan Gabyow, Xasan Abshir Faarax iyo Xuseen Maxamed Caydiid ,
iyagoo Gen. Gabyow ugu yeedhay oday soomaaliyeed.
Wuxuu kaloo uu gudoomiyaha gudiga farsamadu caawa sheegay in xafladan caawa
laga fiirsan doono caalamka oo dhan iyo soomaaliya isagoo shaaca ka qaaday inay
arap site arintaa ugu deeqday oo kanaalkooda si toos ah looga daawan doono.
WARAKII MAALMAHAN EE SHIRKA ELDORET
Tan iyo markii maalintii Axaddii la isla ogolaaday habka uu shirku ku
soconayo, lana saxeexay baaqii inta badan la sugayey in la saxeexo, ergooyinka
soomaalida ee Eldoret ku shiraya waxaa u socday shirar gooni gooni ah oo ay kaga
wada hadlayeen qodobka ka hadhsan wejiga hore ee shirka oo ah in lix guddi oo
lix arimood oo kala duwan ka soo tala bixisa la dhiso, qolyaha bulshada rayidka
ah ayaa waxay durba iyadoon loo dirsan isu qaybiyeen lixdii gudi iyagoo ku
andacoonaya inay doonayaan inay talooyinkooda u gudbiyaan gudiga farsamada Igad
si ay saldhig uga dhigtaan, Xubnaha bulshada rayidka ah ayeey dad badani
sheegayaan inaysan weli fahmin halka ay wax u wadaan, waxayna dadka qaar ku
eedaynayaan inay kolba la gole yimaadaan talaabo hororsi u eg iyadoo ay qab
qablayaashuna marar badan ku doodeen inaysan soomaaliya bulsho rayid ahi ka
jirin oo uu qof waliba koox iyo qolo ka tirsan yahay.
Shirarka ayaamahan socday waxaa ka mid ah mid ay aqoonyahano soomaaliyeed oo
iskood isu xulay ku lahaayeen magaalada Eldoret, kuwaas oo ay laysla dhex marayo
inay taageersan yihiin dawladda ku meel gaadhka ah waxaa ka mid ah Cabdiraxmaan
Baadiye iyo DR. Dasuuqi, waxaa kaloo dhawr goor shir gaar ah isu arkay isimadda
soomaaliyeed ee Eldoret ku sugan, waxay kaloo shirar gaar ah la yeesheen gudiga
farsamada Igad, Hayadaha caalamiga ah iyo dawaladaha arimaha soomaaliya daneeya
wakiilada shirka Eldoret ka jooga.
Beri waxaa Eldoret laga sugayaa madaxweeynaha dalka shirkan marti geliyey
Madaxweyne Moi si uu u xidho wejiga hore ee shirka dibu heshiisiinta soomaalida,
horay ayeey Igad u shaacisay in uu shirku qaadanayo saddex weji oo kala ah midka
hore oo noqonaya in baaq laga soo saaro lana ansixiyo habka loo shaqaynayo iyo
in lix gudi la dhiso kaas oo hadda laga wada shaqeeyey gudiyada mooyee, Wejiga
labaad oo noqonaya inay lixda gudi markay lixdaa arimood ee loo diray ka soo
talo bixiyaan inay ergooyinku ka doodaan kaddibna la ansixiyo iyo wejiga ugu
dambeeya oo noqonaya in dawladdii la dhiso. Laakiin waxaa la isla dhex marayaa
inay jiraan siyaasiyiin iyo dad u ololaynaya in waxaba hal weji lagu soo koobo,
iyadoo ay dhinacyada qaarna ku adkaysanayaan in la raaco shaxdii horay loo
jeexay.
Ergooyinka shirka ka qayb gelaya oo ayaamahanba nasasho ku jirey ayaa saaka
baabuur waaweyn loogu qaaday meelaha loo dalxiiso ee cagaarka iyo beeraha
barwaaqaysan hodanka ku ah si ay ugu soo doogsadaan bidhaanta bilicda arlada
Kenya ee ay dadkeedu sida daacdda ah u tabcadeen.
Waraysi
Gen. Morgan
Ibraahim Maxameddeeq
ayaa waraysi dheer oo dhinacyo badan taabanaya la yeeshay Gen. Maxamed Saciid
Xirsi Morgan oo jooga Eldoret...Akhri
waraysiga oo dhan
Ibraahim Maxameddeeq
Somalitalk
Eldoret , Kenya
E-mail: imdeeq@hotmail.com

... ELDORET:
Taxanaha Wararka
WARARKA
SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY
| JUNE |
MAY | APRIL
|
MARCH | FEBRAAYO
|
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
com
|