SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
 YEMEN IYO ETHIOPIA OO KASHAQAYN NABADDA SOMALIA:

XagarYare

xagar91@hotmail.com 

SomaliTalk Germany

Nov 27, 2002

 

war-murtiyeed ay wadajir u soo saareen Dawladaha Yemen iyo Ethiopia ayaa waxay ku tibaaxeen in ay si daacadi kujirto wadajir ugu guntadan nabad ka aslaaxinta geyiga soomaaliyeeed ee bay yiraahdeen colaaddu si walba u daashatay.

wasiirka amuuraha dibadda ee dalka ethiopia Mr Seyoum Messfin iyo ninka dhigiisa ah ee dalka yemen Dr.Abuubakar Al-kerbi ayaa waxay balan adag ku qaadeen in ay isgarabtaagaaan barina taaraan shirka nabadaynta ee ka dhacaya haatan dalka kenya magaalada ELDORET.

I  I  D  H  E  H

labada wasiir ayaa waxaa laga dhadhansanaayay inay si wada jir ah meel adag isaga taageen xaaalada soomaaliya oo ay ku tilmaameen mid u bahan gurmad deg deg ah oo hagar la,aaneed mar ay talaadadii 26.11.02 ku kulmeen magaalada addis abeba, kulankaas oo dhacay kadib markii uu wasiirka amuuraha dibadda ee dalka yemen ku yarehe hakaday ethiopia isagoo markaas ka soo laabtay socdaal uu ku soobixiyay dalka jabouti,

waxaa la rumaysanyahay in wasiirku halkaasi lafteeda, waa jaboutiye, uu u tagay arin ku saabsan uun xaalada dalka soomaaliya. 

Madaxwaynaha jamhuuriyadda jabouti mudane Ismaaciil Cumar Geele ayaan isagu shirka cag soo dhigin, inkastoo uu shirka u tagay wasiirkiisa amuuraha dibadda. 

labada masuul ee Yemen iyo ethiopia ayaa kalsooni ay ka qabaan hawlaha urur goboleed ka IGAD ay ka wadaan ELDORET ka bixiyay iyagoo rajo kamuujiyay kuna tilmaamay shirka mid midho lataaban karo ka soo bixi doonaan.

siyaasiyiinta soomaaliyeed qaar kamida ayaa iyagu aad u saluugsan kaalinta ethiopia kaga jirto xaaladda soomaaliya, iyagoo doorbida inay ethiopia siday u dhantahayba samaan iyo xumaanba faraha kala baxda arimaha soomaaliya, meesha qaar kale u arkan sida ay iyadu waa etiopia ee isu aragto oo ah inay door fir fircoon kaga jirto walaalaynta iyo isu soocelinta soomaalida kala guurtay. 

 Waxaa isku soo dubaridey Xagar Yare | xagar91@hotmail.com 

 SomaliTalk.com Germany

FAALADII HORE EE XAGAR YARE.... 

 November 27,  2002

 Kaydka Wararka Xagar Yare

LINK: www.somaliatalk.com/eldoret/xagar 


XAGAR YARE WAA WARIYIHII; RADIO MUQDISHO 1984-86 IYO RADIO HALGAN (radio kulmis)1986-88 IYO RADIO HARGAYSA 1988-1991, waxaana uu hadda kusuganyahay dalka Jarmalka.

 ELDORET: Taxanaha Wararka   

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD