SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -FAALLO 

GO’AANKA MAXAMED DHEERE: WAA TIJAABADII UGU HOREYSAY EE LAGA QAADO MUSLIMIINTA SOOMAALIYA.

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

editor@somalitalk.com

SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya

April 13, 2004

Marwlaba oo aan is dhaho xaaladdii Soomaaliya quus ayey noqotay, waan isqabtaa anigoo isku waaniya in quustu ay xuntahay, goorta ay dhacdo arin murugo leh culays weyn ayaan dareemaa, kolkaasaan dhahaa tani mid ka xun kaama soo marin xaalada Soomaalida. Laakiin inta ay Soomaaliya madax u yihiin kuwan aan naqaanno xaalkeennu waa walwal joogta ah filo.

Waxaan moodayey maqnaasha M.S.Barre iney la iloowsiin doonto ladagaalanka wax diinta kamid ah. Sidii uu yeelay 1974. ee uu inkiray qaybta dhaxalka dumarka, taasoo ay 10.kamid ahaa Culimadii Soomaalida ay u god galeen, waxaase nasiib darro ah in raggaasi taariikhdii ilaawi rabto. Waxaa igu maqaala ah in M.S.Barre gabagabadii noloshiisii uu ka shalayn jiray jariimadaas, uuna oron jirin ( ma xusuusta khalad ka weyn oo ay dowladu gashay).

Burburkii Soomaaliya kadib Sanadkii 93. ayaa laga sheegay Cusmaan Caato inuu diinta wax u dhimay, hadallo aan edab ahaynn yiri, maalintaasna waxaa u jawaabay Sh. Xasan Daahir Aways, oo fatwooday in hadalka ka soo yeeray Caato uu yahay diin kabax, nasiib wanaag Cusmaan Caato wuxuu markiiba sheegay in hadalkiisii khalad loo fahmay, sida looqaatayna uusan ahayn, uuna ka noqonayo hadaladaas.

Haddeer oo aan joogno Sanadkan 2004. ayaa laga sheegay Maxamed Dheere inuu mamnuucay Xijaabka Qayb kamid ah oo loo yaqaano Indha-shareerka. Sababtii uu u mamnuucayna wuxuu ku sheegay arimo la xiriiro nabad-galyada awgeed, amarkaasna wuxuu qaadashadiisa waajib ku noqonayaa dhamaan dumarka ku hoos nool inta ka taliyo maamulkiisa, gaar ahaan Jawhar iyo nawaaxigeeda.

Taariikhda dunida waxaan wali lagu arag in qof wuxuu diin ahaan u rumaysan yahay lagu amro inuu iska dhigo maadama uu nabad galyada ka soo horjeedo, haddi ay dhacdayna waxay noqotay sheeko aan la iloobin oo taariikhda dunida meel ka gasha, dowlada Faransiiska ayaa soo saartay qaanuun ay leedahay goobaha waxbarashada waa inaan lala iman dhamaan muuqaalada diineed, sida xijaabka, Koofiyada Yahuuda, I.W.M. taaso buuq weyn dunida ka dhalisay, oo ay Muslimiinta Caalamka oo dhan kawada caroodeen, waxaana fiican inaad xusuusnaato in Faransiisku ay diideen oo kaliya in Xijaabka lala yimaado goobaha waxbarashada, waliba waa kuwa ay dowladu ledahay, laakiin kuwa gaarka loo leeyahay waa loo ogol yahay iska daa in banaanka iyo magaalada lala joogee.

Dowlada Maraykanka oo aan ognahay in maanta aysan jirin dowlada uga taxadar badan xaga nabad-galyada ayaan mamnuucin muuqaal kasta oo la xiriira arimo diineed, waliba Goboladda qaar waxaa laga ogolyahay in Haweenku ay Indha-shareer-kooda ku qaadan karaan Aqoonsiyada sida Laysinka Gaariga I.W.M. Sidaas waxaa lamid ah goobaha ay Yahuuddu xoogga kaga haysato dhulalka Muslimiinta kuma aysan soo rogin go’aankaas.

Aduunka intiisa badan iska daa inuu diido indha-shareerka waxaa ceeb ah in qof dumar ah lagu amro iney wajigeeda feeddo iyadoo ay rag u jeedaan, haddii ay dantu khasabto waxaa loogu yeera dumar hawlahaas loo tababaray, managaranayo meel dunida kamid ah oo ay mamnuuc ka tahay indha-shareerku marka laga reebo Degmada Jawhar.

Markii aan maqlay in maamulka Jawhar uu wareeg-tadaas soo saaray waanba rumaysan wayey, maxaa yeelay su’aalo badan oo maskaxdeyda ku soo dhacayey ayaan jawaab u waayey. Su’aalahaas waxaa kamid ahaa.

Jawhar ma 11.Sebteber ayaa ka dhacday oo keeneysa in taxadar noocaas ah la sameeyo.

Jawhar ma qaraxyo Caalami ah ayaa ka dhacay, oo maamulka Jowhar baqdinta ayaa ka xoog badisay.

Jawhar ma goob uu loolan diineed ka jiraa, taasoo keentay in tilmaaha diinta islaamka laga horyimaado.

Jawhar ma dowlada kacaan ku dhisan ayaa ka dhalatay oo rabta iney tirtirto dhamaan dhaqamadii horay u jiray.

Jawhar ma xoogag dowlado shisheeye ah ayaa gumaysta, taaso ku khasabtay iney isku keeni waayaan dhaqan-diimeedka dadka iyo ilaalinta nabad-galyada.

Jawhar miyeysan lahayn golo talo oo arimaha noocaas ah go’aankeeda lagu celiyo, dadkaasoo ka kooban aqoon-yahan iyo siyaasiyiin.

Jawhar ma hal nin kaliyaa u fakara oo wax walba ka taliya. Hadey tahay diin. Hadey tahay maamul. Hadey garasho iyo garaad.

Su’aalahaas oo dhan jawaab uma helin markaas, hadana wali waan la yaabanahay.

Sida aad maqasheen Culimadii Soomaaliyeed oo dhan baa arintaa ka hadlay, gaar ahaan kuwoodii joogay magaalada Muqdisho, khudbooyin aad u fiicanna wey jeediyeen xilkii saarnaana sifiican ayey u guteen. Waxaase qosol iyo yaab noqday goortii uu M/Dheera ka hadlay Idaacadaha ee uu yiri, hadaladan. Haddii daliil cad la hayo Culimadu ha ii timaado oo ha ii sharaxdo, laakiin anigu nacnac niman wada marabo oo ah kuwa xamar ka qaylinaya.

Horta waxaa miro wanagsan ah oo looga mahad celinaya culimada Soomaaliya iney ku guuleysteen ka dhaadhicinta shacabka Soomaalida in wax walba diin loo raadiyo, waxaadna ka fahmi kartaa in M/Dheere laftiisa uu ku khasbanaaday inuu u hadlo sidii nin u hogaansamaya diinta iyo daliilka.

Qofku haddii uusan taariikhda umadaha aqoon. Tan dalkiisa aqoon. Tan dunida ku nooshahay wakhtigan aqoon. Tan Siyaasad ahaan la gudboon uusan aqoon. Waa laga fishaa inuu sidan oo kale u dhaqmo. Waxaana rumay-sanahay in M/Dheere uu yahay horadhaca maamulka iyo dowlad-nimada aan ka sugayno rag badan oo maanta horbooda Siyaasada Soomaalida. Waa tijaabadii u horeysay oo lagu fiiriyo shacabkii Soomaaliyeed oo sidii lalarabay u hirgashay. Maxaa yeelay ilaa iyo hadda go’aanku sidiisii ayuu ku sii socdaa, oo wali waa mamnuuc xirashada indha-shareerka. Malaha waxa la iloobay, oo caadifad kaliya ayuu naga ahaa hadalku, ee firkad aan sii wadnay iyo sideen arintaa ku baajinaaba la isma weydiin.

Haddii aan M/Dheere la yaabanaa oon islaa waa Siyaasi dantiisa ka hormarinaya wax walba. Haddii aan islahaa maamul xumo ayaa sidaas keentay. Waxaan qosol iyo amakaag igu noqday markaan arkay wadaad lagu magacaabay Sh. C/Rasaaq oo la yiri Xamar ayuu jooga oo difaacaya go’aankii mamnuucidda indha-shareerka, isagoo waliba magac diineed ku hadlaya Aayado uusan fahminna daliilshanaya, eediisa oo dhanna saaraya culimadii diiday go’aankaas. Laakiin wadaadkan lama yaabin maxaa yeelay waxaan ku aqaanay inuu ahaa wadaad fiirsada fikradaha ay shacabka iyo Dagaal-oogayaasha isku diidan yihiin, kadibna la safta Qab-Qablayaasha, mana uu matalayo Culimda xanbaarsan magaca Suufiyada, saad u fahamtana waxaa kuugu filan telalka uu wato waa Gudoomiya Ahlusunna Waljamaaca ee U.S.C.da. waliba qaybtii Jen.Caydiid.

Waxaa isagana aan isleeyahay dagaal qaldan ayuu galay walaalkeen Sh.Saahid ee jooga Toronto, waxa uu qooray maqaal uu nuxurkiisu yahay. in mas’alada indha-shareerku ay tahay mas’alo khilaafi ah oo ay Culimada Muslimiintu isku khilaafsan yihiin, qofkii ra’yi kamid ah qaatana uusan ku gabood falin diinta, Sh.Saahid wuxuu wakhti badan galiyey inuu faah-faahiyo aragtida Culimda Muslimiintu ka qabaan indha-shareerka, isagoo magacyo madan oo Culima waaweyn ah shegay, waxaan aad ula yaabay aqoonta uu leeyahay mas’aladan diin ahaan iyo dagaalka uusan booskeeda ku galin ee uu meel cidla ah inta xaar-xaartay kaligiis ku dagaalamay, su’aasha kaliya ee ay muhim tahay inuu is weydiiyo walaalkey iyo dadka laqaba ra’yigaas waxay tahay.

M/Dheere mawuxuu yiri ( Xirashada indha-shareerka waa Suunno ama waa waajib ee Ra’yigeygaas ha qaataan Culimada Muslimiinta) mise wuxuuba mamnuucay xirashadiisa?. Waxay Culimada Muslimiintu isla ogol yihiin qofka muslimka ah hadii uu inkiro wax diinta Islaamka raad ku leh inuu ku gaaloobayo. Iska daa indha-shareeree hadii la yiraahdo Salaatu Duxa lama tukan karo waxay noqoneysaa arin meel kadhac wey ku ah Islaamka, qofka hadalkaas yirina halis weyn ayuu ku jiraa.

Hadaba waxaa macquul ah in dad badan ay is weydiiyaan maxaa arinta indha-shareerka wax weyn looga dhigayaa oo sidan loogu buun-buuninayaa? Jawaabtu waxay taay xiligii ay dalka Turkiya la wareegeen Calmaa-niyiintu ayey mamnuuceen xirashada xijaaka iyo Cimaamadaha, waxaana raggii lagu khasbay iney xirtaan koofiyad nooca R/Galbeedku xirto, arintii ayaa buuq ka kacay, madaxdii dalka nin kamid ahaa ayaa la kulmay sheekh kamid ah Culimadii wadanka joogtay, waxaa sheekhii lagu yiri, Islaamka agtiisa Cimaamada wax weyn kama ahan ee maxaad waxaanoo buuq ah uga dhalineysaan? Sheekhii wuxuu ku jawaabay Calanka turkiya maad noogu badashaan Calan kamid ah kuwa R/Galbeedka illeen Calankan macno weyn nooguma fadhiyee.

Saas owgeed waxaan leenaya indha-shareerka waa muuqaal Islaam-nimo oo astaan u noqday Gabadha Muslimadda ah ee diinteeda ku dhagan, waan aqbali karnaa in la yiraahdo indha-shareerka waa Sunno ama waa waajib waana arin ay mid waliba Culimo Muslimiin ah qabaan.

Hadaba M/Dheere waxaa la gudboon inuu degdeg uga laabo go’aankiisaas marka koowaad isaga dhibaya, marka labaadna dhaawayaca nolosha qofka Soomaaliga ah.

Culimada iyo Shacabka Soomaaliyeedna waxaan leeyahay waa tijaabadii u horeeysay oo nalaga qaado si loo ogaado inaan diinteenna difaacayno iyo inkale, waxaana la ogaaday inaan iska ogolaaneyno wixii nalagu khasbo.

Qoraaladii hore.... 

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.
editor@somalitalk.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 13, 2004


Maxamed Dheere vs Xijaabka
»Maxkamadaha Islaamiga ah oo Qoraal Ka Soo Saaray Mamnuuciddii Indho-Shareerka ee Maxamed Dheere
»Indhacade: Waxaan Weerar Ku Qaadi Doonaa Jawhar
»Mowliid: Maxamed Dheere Biliqo iyo wartabin shisheeye
»Xalmo: Maxamed Dheere Allah ha u Toobad keeno
»Masaajidda: cambaarayn Go’aankii Xijaabka mamnuuca
»DMG oo Cambaaraysay Maxamed Dheere Mamnuucidiisii Xijaaba

Dhammaan ka akhri halkan.. Guji...

Gabdhaha Indho Shareerka wata oo billaabay inay ka Hayaamaan Jawhar
iyo Maxamed Dheere oo sheegay in duulaan uu ku soo wajahanyahay... Ka akhri wararkii maanta April 3

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD