SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XIJAABKA
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
March 28, 2004

Maxamed Dheere vs Xijaabka

Maxamd Dheere oo Waraysi Bixiyey
Culimaa'u diinka Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan waxaan ugu baaqeynaa Ciddii haysa aayad diideysa ama cawro ka dhigeyso gabadhaha wajigeeda iyo xadiis saxiix ah ha noo soo gudbiso, haddii arintaa in qofta wajigeeda ay banayso diinta ay ka hor imaneyso waa ka noqoneynaa, Ilaahna debmbi dhaaf ayaan weydiisaneynaa, laakiin kuwa cabdi qaasin soo abuuley oo koonfurta ka nacnac leh waxay hayaan diin Islaam ma ahan, maxaa yeelay masaajidada ay ka nacnac leeyhiin ayaa gabadha hortooda lagu kufsanaa, masaajidana kama sheegin... [Halkan ka dhegeyso] Idaacada SBC

» M.DHEEROOW WAXAAD LA DAGAALAMEE DAD MAAHANE WAA DIINTA DAA'IMKAA (Ra'yi) D.F.Kulmie... GUJI

<><><>

MAXKAMADAHA ISLAAMIGA AH OO QORAAL KA SOO SAARAY MAMNUUCIDDII INDHO-SHAREERKA EE MAXAMED DHEERE


Qaamuus cusub

Waxaa shalay xarunta Maxkamada islaamiga ah ee Shiirkole shir ku yeeshay Guddoomiyeyaasha maxkamadaha Islaamiga ah ee ka dhisan Muqdisho, waxayna shirkaas kaga arrinsadeen, hadalkii Maxamed Dheere ee uu ku sheegay in uu ku mamnuucay indho-shareerka iyo xijaabka ay qaataan Dumarka, waxayna hadalkaas uga hadleen sidii ay si wadajir ah shacabka Soomaaliyeed, Maxkamadaha islaamiga ah iyo dhammaan Ummadda Islaamka ahba ay go’aan uga qaadan lahaayeen hadalkii uu soo saaray Maxamed Dheere.

Shirkaas kaddib, ayaa guddoomiyeyaashii Maxkamadaha islaamiga ah ee Magaalada Muqdisho oo muddo dhowr saacadood ah shir u fadhiyay xarunta maxkamada Islaamiga ah ee Shiirkole waxay soo saareen qoraal ay si toos ah ugu hagaajinayaan Maxamed Dheere, Ummadda Soomaaliyeed ee Islaamka ah ujeeddadiisana laga dhigay Baaq wadajir ah, ayaa wuxuu u qornaa sidan:

1. Kuma cusba Ummadda Soomaaliyeed meel ka dhac loo gaysto diintooda Muqaddaska ah, waxaan xasuusannaa meel ka dhacyadii uu gaystay hoggaankii xukuumaddii kaligii taliska ahayd ee isku dayday inay joojiso ku dhaqanka qaybo ka mid ah qur’aanka kariimka ah iyo wixii ay dhaxalsiisay ummadda Soomaaliyeed, ee ka aamsutay falalkii foosha xumaa ee lagula kacay culummadii ka dhiidhiday arrinkaas, waxayna muddan yihiin inay ku waano qaataan kuwa weli dhabbahaas haya.

2. Arrinta Qaadashada Xijaabka iyo indho shareerka iyo dumarka iyo xirashada Cimaamadda ragga waxay ka mid tahay Calaamadaha lagu garto dadka Muslimiinta ah, la dagaalanka calaamadahaas wanaagsanna waa la dagaallanka muqaalka diinta islaamka, taasoo uusan qof muslim ahi si bareer ah ugu dhiiran karin ciqaabta ka dhalanaysa addeecidda amarkaasna inay noqonayso mid saameyn weyn ku yeelan doonta ummadda Soomaaliyeed iyo qof kasta oo muslim ah.

3. Dhawaaqa layaabka leh ee ka soo yeeray Maxamed Dheere, Checqua Chirac iyo Mille Zanawiga ka taliya Itoobiya oo kal hore ka mamnuucay dalalkooda calaamadaha Islaamka iyagoo ka duulayay waxay aaminsan yihiin iyo cadaawadda ay islaamka u qabaan, in qof muslim sheeganayaa uu dadkaas dabo kacana uu uga baxayo diinta islaamka, ku dayaho waxaa Mudan Jidka ALLAAH (SW) iyo Rasuulkiisa Muxamed (NNKH) in la raaco.

4. Haddaba waxaan u soo jeedinaynaa Maxamed Dheere inuu ogaado in falalkaas foosha xun ee uu ku kacay looga baxayo diinta Islaamka, annagoo ugu baaqayna inuu ka laabto go’aankaas qaldan ee meel ka dhaca ku ah diinta islaamka iyo dhaqanka wanaagsan ee soo jireenka ah ee ku qotoma diinteenna Islaamka, uuna ka towbad keeno, waxaan sidoo kale u soo jeedinaynaa inuusa fara gashan diinta Islaamka maadaama uusan aqoon durugsan u lahayn.

5. Ugu dambeyntii waxaan ugu baaqaynaa Ummadda Soomaaliyeed ee muslimka ah:

(a) inay ogaadaan inay billaabatay burburinta diinta Islaamka iyo dhibaatanta dadka ku dhaqama iyagoo si toos ah loo adeegsanayo qaybo ka mid ah Soomaalida, falkaanna uu yahay tijaabo haddii loo nuglaado ama laga gaabiyo in si ficil ah looga jawaabo ay soo ifbixi doonaan xadgudubyo culculus oo loo gaysanayo dadkeenna iyo diinteenna Islaamka.

(b) Waa in shacabka Soomaaliyeed ay ku faro adaygaan ku dhaqanka diintooda Islaamka iyo difaaceeda oo aysan waxba ku doorsan, mana bannaana in lagu adeeco qof wuxuu rababa ha noqdee ka fogaanshaha ALLE.

(c) Ugu dambeyntii waxaan ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ugu baaqaynaa inay ka dhiidhiyaan falkaas iyo kuwa xadgudubka ku ah diinteenna iyo caqiidadeenna una muujiyaan dareenkooda Islaamnimadu ku dheehan tahay sida ugu muhimsan, lana xisaabtamaan shaqsiyaadka ku gor-gortamaya diinteenna muqadaska ah ee lama taabtaanka ah qandaraasyadana ku soo qaatay, waxaan ALLAAH ka baryeynaa inuu nagu sugo diinteenna naguna hanuuniyo jidka toosan nana fahamsiiyo meesha sharafteennu ku jirto.

Qoraalkaas ay soo saareen Guddoomiyeyaasha Maxkamada islaamiga ah ee Magaalada Muqdisho waxaa ku saxiixnaa Guddoomiyeyaasha Toddoba Maxkamadooda, oo kala ahaa: Guddoomiyaha Maxakamadda Islaamiga ah ee Shiirkole Sheekh C/qaadir Cali Cumar, Guddoomiyaha Maxkamada Islaamiga ah ee Sii-sii Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Guddoomiyaha Maxkamada Islaamiga ah ee Ifka Xalan Sheekh Xuseen Maxamuud Jimcaale, Guddoomiye ku xigeenka Maxkamada Islaamiga ah ee Xararyaale Sheekh Axmed Ciise, Guddoomiyaha Maxkamada Islaamiga ah ee Dayniile Sheekh Salaad Axmed Siyaad, Guddoomiyaha Maxkamada Islaamiga ah ee Towfiiq Sheekh Cali Raage Shanle, Guddoomiyaha Maxkamada Islaamiga ah ee Kaaraan Sheekh Maxamuud Timo-cadde

Waxaa Diyaariyey Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Muqdisho, Soomaaliya
Maarso 28, 2004

<><><>

<><><>

Golaha wadatashiga Soomaaliyeed oo Cambaareeyey Maxamed Dheere

... Waxaan si cad u cambaareyneynaa hadalkii dhawaan ka soo yeeray guddoomiyha maamulka gobolka Shabeelada dhexe ee dalka Soomaaliya Moh'ed Omar Habeeb "Moh'ed Dheere" kuna saabsanaa joojinta xirashada "Xijaabka".

Golaha wadatashiga Soomaaliyeed wuxuu ka xun yahay fariimaha aan wanaagsaneyn ee had iyo jeer ka soo yeera xubno ka tirsan kuwa ay bulshada Soomaaliyeed ka dhowrayaan nabadgalyo ka dhacda dalkeena Soomaaliya.

Uma heysano hadalkan ka soo yeeray maamulka gobolka shabeelada dhexe fariin isaga ka timid isla markaana uu u jeedinayo shacbiga Soomaaliyeed, balse ay tahay tijaabo la doonayo in lagu sameeyo ummadda Soomaaliyeed, sidaas darteed waxaan u jeedineynaa guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed in ay iska diidaan soo jeedintaas aan sina loo aqbali karin.
[Qoraalka Golaha wadatashiga oo dhan halkan ka akhri...]

<><><>

Mowliid Macaane: "Maxamed Dheere Waxaa uu aaminsan yahay in noloshiisa oo dhan ay ku xerantahay Biliqo iyo wartabin shisheeye"

Mowliid Macaane Maxamuud ah Guddomiyaha Ururka Samo/Asali kamid ah G-8 ayaa maanta mar uu u waramaayay Saxaafadda asigoo joogo magaalada Nairobi, ayaa waxa uu sheegay in uu aad ugu xun yahay hadalkii daraad ka soo yeeray Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed Dheere oo isagu ah Guddomiyaha gobolka Sh/dhexe isagoo amar ku bixiyay in aysan haweynka jooga gobolka Sh/dhexe ay san qaadan karin Indha_shareerka, waxa uuna Mowliid Macaane yiri” is tus tus gaalo gaalnimo laguma noqodo ,waxa uu sheegay In ay Maxamed Dheere ay heeso aqoon la’aan, taasoo ku keentay in uu wax uu walba in uu iska dhaho asigoo aan waxba ka xishoonaynin .

Waxa u kaloo mowliid macaane yiri”waxaa nasiib daro ah in aqoonta la xabaalo aqoondaradan dhi’dhibada loo adkeeyo , mar hadii Maxamed Dheere uu leeyahay Haweenka isma asturi karaan ,Maxamed dheerana waa nin aan kala gareenin xalaasha iyo xaaraanta ,maadaamo uu ka hor yimid amar uu Allah soo dajiyay”waxa uuna kaloo intaas ku daray hadii uu ahaan lahaa nin aqoon leh in uusan waxaas oo kale in uusan ku kacee wax walbana ay u keentay jaahilnimada.

Waxa uuna mowliid Macaane intaas ku daray Maxamed dheere in shirka loogu marti qaaday Guddomiya Maamulka Jowhar ,isagoo aan sinna ugu mid eheen dadka u dhashay gobolkaas ama sheegan karo,waxa uuna sheegay in uu dad weynaha ku nool gobolka Sh/dhexe uu ku hesto Xoog, Maxamed Dheerana uu aaminsan yahay in noloshiisa oo dhan ay ku xerantahay Biliqo ,War tabin shisheeye ,iyo ka hor imaad Diinta Islaamka.

Dhankale kale Mowliid macaane waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyay meesha uu haatan shirka maraayo waxa uuna sheegay in ay beesha Caalamka iyo IGAD-ba ay wadaan dadaal aad u baaxad weyn, oo ay la yeelanaayaan Hoggamiyaasha somaliyeed , waxa uuna sheegay in ay Iyagu G-8 ahaan aysan marnaba shirka qaadicidoonin ayna daneenaayaan Nabada ka dhalata somaliya.

Hadalka ka soo yeeray Maxamed Dheere ayaa waxa uu aad u gil gilay Dhamaan Haweenka somaliyeed ee ku nool magaalada Nairobi waxa ayna dhamaantood ku timaaneen in uu maxamed dheere shacabka gobolka Sh/dhexe uu u horkaacyo gaalnimo iyo diinta oo laga fogaado loona baahanyahay in Maxkamadaha islaamiga ah ay la jihaadaan maadaamo uu diinta ku xad gudbay.

Asad Cabdi Axmed(Nasrudiin)
Nairobi,kenya
nasrudiin5@hotmail.com
28/3/04

<><>

Sheekh Yuusuf Indha Cade oo ku Tilmaamay Maxamed Dheere inuu yahay nin Gaal ah oo ka baxay Diinta Islaamka,

  • Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Sh/Hoose, Sheekh Yuusuf Indha Cade ayaa ku hanjabay inuu weerari doono Magaalada Jawhar oo uu ka taliyo Hogaamiye Kooxeedka Maxamad Dheere,

Indhacade waxa uu diiday eedeyn uu Max’ed Dheere u jeediyey oo aheyd in uu xoog ku haysto gobolka Sh/Hoose, Wuxuuna sheegay inuusan Joogin gobal uu ka taliyo Maxamed Dheere sidaas darteedna uusan eedayn u soo jeedin Karin, Wuxuuna sheegay inuu jooga Gobalkii uu ku dhashay, Maamulka uu hayana waxa uu sheegay inay u doorteen Shacabka Gobalka.

"Hadii uusan joojin dacaayada iyo abaabulka ciidan ee uu ka wado Jowhar, waxaan ku qaadaynaa dagaal gacan ka hadal ah oo aan Jowhar gacantiisa uga bixiyo"ayuu yiri Sheekh Yuusuf Indha cade oo isagoo jooga degmada Marka wareysi siiyey Qaar ka mida Warbaahinta Muqdisho.

Indhacade waxa uu sidoo kale ku Tilmaamay Maxamed Dheere inuu yahay nin Gaal ah oo ka baxay Diinta Islaamka,

Indhacade oo soo daliishaday Aayado Quraan ah ayaa waxa uu sheegay in qofkii ka hor yimaada Amarka Alle isla markaana mamnuuca wax uu Alle jideeyay uu uga baxayo Diinta Islaamka, Wuxuuna sheegay in Maxamed Dheere uu ka hor yimid Aayad Quraan ah oo uu Alle ku jideeyay Xijaabka ay dumarku xirtaan,

Hogaamiye Kooxeedyadda Maxamed Dheere iyo C/laaahi Shiiq Ismaaciil ayaa hadal ay dhawaan soo saareen waxay ku sheegeen Indhacade inuu xoog ku haysto Beero iyo Gobal uusan u dhalan.

W/Q.C/wali Ibraahim Aadan (Garyare)
garyare20@hotmail.com garyare@msn.com garyare20@yahoo.com
Muqidsho, Soomaaliya | 28/3/4

<><><>
Wareegtadii Maxamed Dheere: "Waa wareegto nooceeda ah aan laga soo saarin Soomaaliya lagasoo bilaabo markii ay Soomaaliya xorriya qaadatay sannadkii 1960", sidaas waxaa qoray wargeyska iol oo kasoo baxa South Africa, wargeyskaas oo sheegay in Maxamed Dheere uu Xabsiga u taxaabay 17 dumar Soomaaliyeed  Xijaabka Islaamka oo ay xirteen awgeed:  Wararka ka imanaya shabeelada hoose ayaa sheegaya in Maxamed Dheere uu maanta xabsiga u taxaabay Dumar Soomaaliyeed sabatoo ah waxay xirteen xijaabka gabdhaha Muslimaadka ay xirtaan,  waxaa sabab looga dhigay manuucii uu maxamed dheere inta uu xakumo ka mamnuucay in aan lagu xiran karin  xijaabka niqaabka.

» Maxamed Dheere waa Nin Caynkee ah? [Calasow]

WADAAYOOW KA NOQO!!
Waxaa Qoray: Abshir Nuur Cali

Sheeko Soomaaliyeed ayaa werinaysa in nin malaha af-maal ahaa uu idaacad ka dhagaystay hees lagu sheegay in ay kaga imaanayso xaggaa iyo Cadan… markaasuu ninkii yiri: ‘Now..! ma anigaa waalan mise Cadan baa laga heesayaa?”.

Gabdho Soomaali ah oo Xijaabkooda Muran Ka Dhaliyey Sweden... Guji...

Sida muuqata ninkaa waxaa la yaab ku noqotay Cadan oo uu fogaan ku ogaa, sida heeskan Cadan laga qaadayaa uu isaga ku soo gaaray, waxaana uu reebay hal-hayskaa aanu soo sheegnay ee “Ma anigaa waalan mise….”, waxay ula muuqatay isaga Cadan baa hees kaaga imayaa inaanay waxba kaga duwanayn isaga oo waashay!.

Sheekadaasi waxaa is xusuusiyay in aniga oo jooga gudaha Soomaaliya, oo waddan muslima ah in dhegahaygu maqlaan waxaa la diiday indho-shareerkii gabdhaha muslimka ah aqoonsiga u ahaa, oo waxaa diiday Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) oo Jowhar ka arrimiya, yacni aniga waxay iga joogtaa “Ma anigaa waalan, mise Soomaaliyaa indho-shareerkii laga joojiyay!”, sida aynu la soconnana dhawaan baarlamanka Faransiiska waxa uu soo saaray qaanuun uu ku joojinayo in iskuullada indho-shareer iyo wixii la mid ah loo qaato, hase ahaatee gabdhuhu way ku xiran magaalada inteeda kale, haddaba, akhirstoow adigu is weydii oo Faransiiska iyo Maamulka Maxamed Dheere keebaa runta u dhow, ma kan indho-shareerka oo dhan reebay baa mise kan iskuulka oo keliya ka mamnuucay.

Dhibaatooyinka Kala Duwanaanshaha Manaahijta Dugsiyada Muqdisho waa sidee? Dugsiga Sare ee Ablaal oo aanu warbixin ka soo diyaarinay Guji...

Dhanka kale, indho-shareerka oo la farageliyo xitaa kacaankii ayaa ka xishooday oo Maxamed Siyaad aalaa qofkii aan ka hor-iman xukunkiisa ma uusan qashqashaadi jirin, marka Xabeeboow adigu ma kacaankii ayaad baro-dheereysay?.

Teeda kale, maxaad gabdhaha ku gashay oo aan ahayn inay wejigooda qarsadeen, ogowna dadka quluubtooda adiga laguma raacin ee ninyahow badbaado ha lagaa helo!.

Wuxuu yiri: Nebigeenna (NNKH), “Muslimka waa kan dadku afkiisa iyo gacantiisa ka nabadgalaan” marka walaaloow ilaasho muslimnimadaada!.

Anigoo haddaba fulinaya xaddiiskii Nebigeenna Muxamed (NNKH) uu yiri: “U gargaar walaalkaa haddii uu gardaran yahay ama laga gardaran yahayba”, markaa ayaa saxaabadii Rasuulka (NNKH) weydiiyeen “Garanay, markii laga gardaran yahaye, sidee ugu hiillinaynaa marka uu gardaran yahay?”, markaasuu Nebigu (NNKH) yiri:” Gardarrada ka qabta, taa ayaa hiillo u ahe!”. Markaa walaaloow anigoo kuu hiillinaya waxaan af-buuxa iyo niyad saafiya kugu oranayaa widaayoow ka noqo, ee kariimka tuug, kaw intaysan kuu iman, ka noqo widaayoow, ee Jururucaa jirtee Jaalloow ka noqo, qandaf-qandaf lama rabee ka noqo, war caddaaday!.

Waxaa Qoray: Abshir Nuur Cali
Weriye iyo Qoraa
Qoraalkan kala xiriir:  amiinkhasaaro@hotmail.com

<><><>

HA CUDURDAARAN !!!!!!!
muumin10@hotmail.com

Waxaa beryahan dambe adduunka caan ka noqotey in qofkii magac iyo mansab rabaaba inuu diinta islaamka ee muqadiska ah iyo dadkeeda wax ka sheego isagoo ku doonayaa sharaf ama shillimaad ama jecelba inuu cadowga islaamka ku raaligeliyo,

Haddaba ugu horeyn waxan kuwaasi ficiladaasi ku sifoobey u sheegi lahaa qisadan taariikhdu qortey:-

Waxaa jirey munaafaq weyn oo taataarkii islaamka ku soo duuley jaajuus u ahaa oo wararka u diri jirey , sidii uu u soo hogaaminayey ayaa taataarkii soo galleen Baqdaad

Lila iyo Alma waa walaalo laga cayriyey iskuulka
Faransiiska oo iskuulada ka mamnuucay Xijaabka
...

Oo xilligaasi islaamka looga talinayey ,hadaba munaafiqii weynaa oo isagu markaa doonayeey haddii gaaladu meesha qabsato in madax laga dhigi doono ayaa saacadii ugu dambeysay isagii intey qabteen waxaa lagu xidhey fuusto gudaheed halkaasi ayuuna ku halaagsamay oo ciil uu ugu baqtiyey ciqaabtii allena waa sugeysaa, miyaanay maqlin !!

Hadaba akhrista qiimaha lehow waxaad ogaataa ninkasta oo aayadka alle ka hor yimaada xilligii uu doono iyo meeshii uu doono ha ku noolaadee inay isku mid yihiin oo taasi mid la mid ah iyo tii fircoon ay sugeysa,

Waxaa ummada islaamku meelwalba oo ay joogta ay ka dheregsantahay ficilada kuwani oo kale ah iyo dadka wadaba.

Gabadhaha soomaaliyeedna waxaan rajeynayaa inay iimaan uunka sii qaadayaan fikradahan calooshowda ushaqaysatayaalku ku hadaaqayaan .

Ugu dambeyntii waxaan odhan lahaa ninka hadaladani ka soo yeedheen iyo kuwa isaga la midka ahba * HA CUDURDAARANINA *

HADII KALE ALLE U TOWBADKEENA
muumin10@hotmail.com

<><><>

XALIIMO QARAD: ‘MAX’ED DHEERE ALLAAH HA U TOWBAD KEENO”
W/D: - Xaliimo Jaamac Cilmi (Qarad)

ALLE ayaa mahad iska leh, Rasuulka ayaa gutay ammaanadii ALLE u soo dhiibay naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee.


Fartun Nur, gabar Soomaaliyeed oo degan magaalada Minneapolis  ee dalka Maraykanka oo xijaabku uu xor ka yahay Guji

AKhristoow, waxaan rabaa in aan islaamka ku difaaco afka iyo qalinka, waxaa wax maan la’aan ah oo shaqsi sheeganayo islaannimo ka suurtoobin inuu ka hadlo wax diinta jidaysay, waayo ALLE ayaa sharciga dajiya waxna xarrimaha waxna xalaaleeya, haddaba, maxaa ku kallifay in Maxamed Dheere Maanlaawe in uu xirxiro gabdho muslimaad ah oo jirkooda asturay fidnada maanta jirtana ka qaatay Niqaab (Indho-shareer) si ay uga badbaadaan.

Anigu waxaan ahay gabar xirata niqaabka ama Indho-shareerka si gaar ah way ii saamaysay xilligii idaacadda aan ka maqlay, balse waxaan is weydiiyay muxuu kale oo uu soo wadaa Maxamed Dheere? kolleyba xijaabkaa ku xiga, marka waxaan u soo jeedinayaa nasteexadan ama waanadan:

1. Maxamed Dheere in uu ALLE u toobad keeno..

2. in uu faraha kala baxo raalligelinta Itoobiya, ogaadana in diinta Islaamku ay ka qiimo badan tahay manfaca adduunka.

Maan-laawe kasta oo arrimaha diinta faraha la gala waxaan ugu bishaaraynayaa in rag iyo dumar diinta difaaca xaadir ku yihiin Miyi iyo magaalo, oo jawaab gacan iyo af ahba siinaya kuwa adduunyo doonka ah oo aan islaamka ku dhaqmin, balse sheegta.

Waxaa waajib ku ah qof kasta oo muslim ah in uu fuliyo xaddiiskii Nebiga (NNKH) oo uu weriyey Abii Saciid Al-qudri (RC) ee ahaa: “Waxaan maqlay Rasuulka (NNKH) oo leh, Ruxii idinka mid ah ee arka Munkar haku suuliyo gacantiisa, haddii uu awoodi waayana carrabkiisa, haddii uu awoodi waayo qalbiga ha ka naco, taas ayaana ugu hoosaysa Iimaanka” waxaa Weriyey Muslim. Akhristoow waxaa xusid mudan in hadda ka hor uu Maxamed Dheere isbitaalka Keysaney kala baxay nin muslim ah oo gacanta u geliyey Gaalada, arrintaasoo uu ku fashilmay markay soo daayeen oo ay yiraahdeen Al-qacida ma ahan ee waa nin caadi ah, haddana waa kan saakay Maxamed Dheere uu dhex taagan yahay ceebta. Haddaba gabagabadii iyo guntii waa in uu ka laabtaa go’aanka qaldan oo uu qaataa Maxamed Dheere amarka alle iyo rasuulka Sunnadiisa.

W/D: - Xaliimo Jaamac Cilmi (Qarad)
Qoraalkan kala xiriir:  amiinkhasaaro@hotmail.com

<><><>

Dawladda Ku Meel Gaarka Ah ee Somalia ayaa cambaaraysay Go’aankii uu Hogaaamiye Kooxeedka Maxamed Dheere uga mamnuucay deegaanadda uu ka taliyo Xijaabka Indha shareerka ah,

WARGEYSKII MINNESOTA EE KA HADLAY XIJAABKA MUSLIMIINTA
Yusuf Shabac II oo Raali Geliyay Jaaliyadda Guji...

Wasiirka Warfaafinta ee Xukuumadda Ku Meel Gaarka ah, C/qaadir Madaxeey ayaa nasiib darro ku tilmaamay in shaqsi sheeganaya Islaam uu mamnuuco Indhashareerka oo sida la ogyahay ay xirtaan Haweenka Islaamka ah, Wuxuuna sheegay in go’aanka lagu mamnuucay Indhashareerka lagu qancinayo Dawladda Masiixiga ah ee ka talisa Addis Ababa,

Madaxeey waxa uu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay boqolkiiba boqol ummad islaam ah yihiin sidaas darteedna ay illaashanayaan Diintooda, Wuxuuna sheegay inaan marnaba la oggolaan Karin in diinta Islaamka la faragaliyo, C/qaadir Madaxeey oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yiri:-

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, Shiiq Maxamuud Axmed Nur ayaa isna shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Madaxtooyadda Ku Meel gaarka ah waxa uu ku sheegay inay aad ugu xun yihiin go’aanka uu qaatay Maxamed Dheere, waxa uuna sheegay in Islaamku wixii uu baneeyay qofkii mamnuuca uu ciqaab alle la kulmayo.

Hogaamiye Kooxeedka Maxamed Dheere ayaa dhawaan wareegto uu ka soo saaray Jawhar waxa uu deegaanadda uu ka taliyo uga mamnuucay Xirashadda Indhashareerka ama niqaabka kadib markii uu sheegay inay ku gambadaan rag argagixiso ah, Wuxuu sidoo kale Maxamed Dheere Mamnuucay Cimaamadaha ay xirtaan Ragga Muslimiinta ah,

W/Q.C/wali Ibraahim Aadan (Garyare)
garyare20@hotmail.com 

  • Maxamed Dheere oo Xabsiga u taxaabay 17 dumar Soomaaliyeed  Xijaabka Islaamka oo ay xirteen awgeed:  Wararka ka imanaya shabeelada hoose ayaa sheegaya in Maxamed Dheere uu maanta xabsiga u taxaabay Dumar Soomaaliyeed sabatoo ah waxay xirteen xijaabka gabdhaha Muslimaadka ay xirtaan,  waxaa sabab looga dhigay manuucii uu maxamed dheere inta uu xakumo ka mamnuucay in aan lagu xiran karin  xijaabka niqaabka... Click

Faafin: SomaliTalk.com | March 27, 2004

<><><>

Masaajidda Magaaladda Muqdisho Oo Maanta laga cambaareeyay Go’aankii uu Maxamed Dheere ku mamnuucay Xirashadda Xijaabka Indha Shareerka.

Daroogada Lagu Beero Webiyada Soomaaliya
Warbixintii Hay’adda Nabadda iyo Xaquuqda Aadanaha ee Elman ee sannadkan waxaa kamid ahaa: in Hay’addu  wareysatay dad beeralay ah waxayna hay’ada u sheegeen in deegaankaan lagu beeri jiray daroogada, xashiishada balse aysan hada jirin wax daroogo ah oo hada beeran waayo majiraan biyo wabiguna waa guray oo ma wado wax biyo ah daroogaduna waxay u baahantahay biyo saa;id ah ayadoo loo waraabiyo sida bariiska oo kale, waxaa kaloo ka mid ahaa dadka aan waraysanay gabar naga codsatay in aan magaceeda la sheegin ayaa waxay noo sheegtay in bishii November iyo December in ayadu ay beeratay daroogada waxaana iiga soogay ayay tiri sided kiish oo daroogo ah waxayna noo sheegtay in aysan jirin wax koontoroola beerahooda ayna jiraan rag had iyo jeer u taagan iney beeraan daroogadaas, ayadoo weliba qaarkood ay u wareegeen dhinaca degmada janaale ayagoo halkaa ka wada hawlo ay ku hormarinayaan daroogada.
Guji

Masaajidda Magaaladda Muqdisho ayaa qudbooyinkii Jimcaha ee Maanta laga aqriyay waxaa dhamaantood lagu cambaareeyay go’aankii Maxamed Dheere uu ku mamnuucay Xujaabka Indhashareerka ah ee ay xirtaan Gabdhaha Muslimiinta ah,

Qudbadaha Jimcaha ayaa maanta waxaa laga aqriyay qudbado aad u kul kulul oo lagu cambaaraynayay Hogaamiye Kooxeedka Maxamed Dheere, Waxaana lagu sheegay qudbooyinkaasi inay alla ka fogaansho tahay go’aanka Maxamed Dheere,

Shiiq Nuur Baaruud oo u hadlay Dallada Culumadda Soomaaliyeed ayaa sheegay in Xijaabka ay jidaysay Diinta Islaamka sidaas darteedna go’aan kasta oo lagu mamnuuco Xirashadda Xijaabku ay tahay mid ka hor imaanaya Aayad ka mida Aayadaha Quraanka oo qeexaysa Xirashada Xijaabka,

Shiiq Nuur Baaruud waxa uu sheegay inay guddi u diri doonaan Maxamed Dheere si ay ugala soo xaajoodaan inuu ka noqdo go’aanka qaldan ee uu gaaray, Wuxuuna sheegay in haddii uu ku gacan sayro dalabkoodu ay Culumadda Islaamku Fadwo ka soo saari doonaan Maxamed Dheere, isagoo dhinaca kalana sheegay in haddii sida uu Maxamed dheere sheegay ay jiran rag ku gambaday Xijaabka ay taasi tahay qalad laakiin aan loo cuskan Karin in la mamnuuco xijaabka,

Hogaamiye Kooxeedka Maxamed Dheere ayaa wareegto uu shalay soo saaray waxa uu deegaanadda uu ka taliyo uga mamnuucay Xirashadda Xijaabka Indhashareerka ama Niqaabka, Wuxuuna sheegay in cid kasta oo lagu arko iyada oo wadata xijaabkaasi la ciqaabi doono isla markaana loo aqoonsan doono inay tahay argagixiso,

Horay ayaa qaar ka mida Dawladaha Yurub waxay u mamnuuceen Xirashadda Xijaabka Indha Shareerka, laakiin waa markii ugu horaysay ee Maamul Islaamiya uu Mamnuuco Indhashareerka,

Faafin: SomaliTalk.com | March 26, 2004 

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

Safarka Riyaale Waxba Soo Kordhin maayo. Guji...


Ururka SANU/NSC oo  ku Biiray Golaha Samatabixinta Guji 
Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo Soo Saaray Warqad Furan:  Guji
Dr Jeeylaani Cali Kadiye Musharaxa Madaxweynaha... Guji
morganAmmaanka Gen.Moorgan oo La Adkeeyay ka dib Markii la Fashiliyay Shirqool Lala Maaganaa

kaah
 



Waa buug cusub oo kusaabsan Taariikhdii Imaam Shaafici (Raximuhu Laahu), Waxaa qoray: Cabdifataax Cabdullahi Sh. Xasan (Joof), Waxaa lagala xiriiri karaa: shaafici54@hotmail.com


Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...

KHASAARAHA DHAQAN-DHAQAALE EE QAADKU KU HAYO SOOMAALIYA:
Waxaa lagu qiyaasay in garoonka Deyniile oo keliya laga dejiyo qaadka nooca Miirowga loo yaqaan oo qiimihiisu dhan yahay $170,000/bishiiba, taas oo sannadkii ka dhigeysa $2,040,000. Eeg halkan... Qiyaas akhristow inta ardayga Soomaaliyeed uu ku dhigan karo Jaamacad kutaal Soomaaliya..
Guji.. 


Waxyaabaha Carqaladeeyey Shirka Nairobi
Toddoba qodob ayaa sabab u ah carqalada shirka Soomaalida uga socda Kenya, sidaas waxaa qoray...
Guji...


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD