SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MINNEAPOLIS

SomaliTalk.com | Minneapolis | Febraayo 5, 2004

Yusuf Shabac II oo Raali Geliyay Jaaliyadda

Waxaa SomaliTalk qoraal raali gelin ah oo kusocda jaaliyada guud ahaan iyo gaar ahaan reer Minnesota soo gaarsiiyey Qoraagii maqaalkii Xijaabka Dumarka iyo Garka Ragga Muslimiinta ku Tilmaamay Calaamad Lagu Garto "Argagixisada".

"Waxaan dareemay in aan khalad weyn sameeyey, aad iyo aad baana uga xumahay, haddii aan khaladkaas dhiigayga ku sixi karo xataa waan ku sixi lahaa" Yusuf Shabac.


Yusuf Shabac II | Minneapolis, MN, USA | Sawirka: SomaliTalk.com

Bahda SomaliTalk markii ay arkeen Joornaalkii magaalada Minneapolis ee laga sheegay maalintii ciida, kaas oo kacdoon iyo qaylo badan ka dhaliyey Jaaliyada dhexdeeda (qoraalkaas oo wargeyska kusoo baxay cadadkiisii Febraayo 2004, bogga 18aad), ayaa waxaan soo daabacnay qoraal arintaas ku saabsan, kaddib waxaa email nagula soo xiriiray Yuusuf Shabac oo ah qoraagii maqaalkaas ku qoray wargeyska, waxana emailkaasi ahayd mid xambaarsan raali gelin uu jaaliyada ka raali gelinayo qoraalkaas, (emailkaas qoraalkii ku qoraa waakan hoos kaga lifaaqan waraysigan) markaas ayaan raadiney Yuusuf si aan waraysi ula yeelano, waraysigiina wuxuu u dhacay sidan:

SomaliTalk: Yuusuf Shabac sida aad la socotid waxa aad wargeys kasoo baxa Minneapolis ku qortay qoraal aad kaga hadleysey taariikh ku saabsan Soomaaliya iyo diinta Islaamka, waxaadna qoraalkaas kusoo gabagabaysay in ururka Al-Itixaad xubnihiisa ugu firfircoon qayb kamid ah loo soo qaaday Woqooyiga Ameerica [Maraykanka iyo Canada] oo ay joogaan, astaamaha lagu garan karona ay aad u fududahay adigoo ku sheegay in ninkuna uu gar leeyahay, gabadhuna ay xijaab qabto, hadaba ugu horayntii qoraalkaas in aad qortay ma inkirsan tahay mise waad qirsan tahay?

Yuusuf Shabac: Bismillaahi raxmaani raxiim, alxamdu lillaahi rabil caalamiin, thuma, salaatu calaa rasuuli laahi seyidinaa muxamed scw. Maqaalkaas anigaa qoray, waa qirsanahay, inkastoo qaybo jaaliyada kamid ah aan la socodsiiyey faahfaahin kamid ah sababtee ayuu maqaalkaasi u noqday mid muran dhaliyey. Maqaalkaasi wuxuu ka kooban yahay dhawr iyo toban baaragaraaf, baaragaraafka ka bilawda "Robust" anigu ma qorin. [Faahfaahinta jawaabtan hoos ayaad ku arki doontaan.]

SomaliTalk: Maxaa kallifey in joornaalka uu ku soo baxo qoraalkaas ku saabsan taariikhda ururada islaamka ah iyo sida ay Soomaaliya kusoo galeen ?

Yuusuf Shabac: Waxaa maqaalkaan igu dhiiri geliyey in aan qoro saddex shey, marka koowaad waa aqoonta aan u leeyahay dhaqdhaqaaqyada ururada Islaamka ah ee Soomaaliya ka jira, taas oo aan aaminsanahay in ay muhiim tahay in ay dadku ogaadaan ujeedooyinkooda iyo qaabka ay u samaysan yihiin, maadaama in badan lagu xaman jirey in ay yihiin dad CIA u shaqeeya, ama wax kale u shaqeeya, ama umado kale ay wataan, ama lacago Sucuudiga ka hela iyo waxyaalo la mid ah. In la ogaado in dhallin yaradaan ay yihiin dhallinyaro Ilaah dartiis u midowdey, dooneysana in ay xukunkii Islaamka soo celiyaan, taas ayaa kamid ah, waxaa kaloo kamid ah oo igu dhaliyey maqaalkaan in aan qoro in aan ka caawino buug uu hadda qorayo Dr. Xasan Abiikar, oo magaciisa la yiraahdo 'dhaxalkii uu ka tegey ninkii aqoonta lahaa' oo uu ugu talo galay in uu kaga hadlo Soomaaliya, wuxuu u baahday qaybta Islaamka, taariikhdooda iyo siday kusoo galeen Soomaaliya iyo xiriirka ay la leeyihiin aduunka in uu ogaado, in aan taa ka caawino ayaan ugu talo galay oo uu qoraalkaas dib dambe u isticmaalo.

SomaliTalk: Ma jiraan qoraalkaan dad kale oo kaa caawiyey ama dad kale oo kula qoray?

Yuusuf Shabac: Maqaalkaan aniga ayaa iska leh boqolkiiba sagaashan iyo siddeed (98%), (sida kor ku xusan) waxaa jira hal qayb ama luqada qalaad loo yaqaan 'baaragaraaf' oo aan ku arkay maqaalka intaan la daabicin ka hor. Markii aan weydiiyey soo saaraha joornaalka, qofka joornaalka isla leh, Dr. Xasan Abiikar, wuxuu ii sheegay in uu yahay muhiim in 'baaragaraafkaas' lagu daro, ana markaan arkay wax dhib ah uma arkin waana ogolaaday in lasoo daabaco.

SomaliTalk: Yaa marka qoray 'baaragaraafkaas' oo ku daray joornaalka?

Yuusuf Shabac: ilaa iyo hadda ma oran karo qofkaas ayaa ku daray, maadaama ay dad badan naga caawiyaan wargeyska?

SomaliTalk: Adigu maqaalka intiisa kale ayaad lahayd, laakiin qoraalka ka bilaabanaya 'Robust' markaad ku aragtay wax dhib ah uma aadan arkin, adigu shakhsiyan qaybtaas gacantaada kuma qorin laakiin waad ogolaatay in qoraalkaaga lagu dhex daro, sow ma ahan?

Yuusuf Shabac: 'Baaragaraafkaas' aniga ma qorin laakiin waa ogolaaday in lagu soo daro.

SomaliTalk: Yuusuf Shabac ma noo sheegi kartaa, mase noo cadayn kartaa, cidda aad isleedahay 'baaragaraafkaas' wey qortay.

Yuusuf Shabac: Waxaan ku tuhmayaa 'baaragaraafkaas' in uu qoray Dr. Xasan Abiikar.

SomaliTalk: Marka, labada 'baaragaraaf' ee kaala hadlayo oo ah labada ugu dambaysa qoraalka oo mid ka hadlayo in dadka Islaamka ay hadda diinta aad u soo gelayaan, iyo kan aad kaga hadashay in dadka 'argagixisada' al-itixaadka ah laguna garto in gabdhuhu xijaabka qaataan, raguna ay garka la baxaan, kaas ma waxaad qirsan tahay in uu qoraalkaagii yahay?

Yuusuf Shabac: Waxaan qirsanahay baaragaraafka ugu dambeeya oo dhehaya dadku diinta ayey aad u soo gelayaan, waxaana u qoray anigoo aad iyo aad ugu faanaya, alxamdu lillah, Allahna uga mahad celinaya, in tiro badan oo Jaaliyada ah ama bulsho weynta Musliniinta ah ay u soo noqonayaan diinta, kaddib markii ay ku guul daraysteen mabaadiidii horey u soo jirtey sida shuuciyadii iwm...

SomaliTalk: Waxaan maqalay in aad joogtey goobtii lagu tukanayey ciida oo ah 'Minneapolis Conversion Center' halkaasna laga sheegay joornaalkaas maqaalka kusoo baxay iyo mujtamaca dhibaatada uu u leeyahay oo runtii caro badan laga muujiyey, arintaas ka bacdi maxaad dareentay, maxaase iska kaa bedeley?

Yuusuf Shabac: Sida aad ogtahay marka uu qofku maqaal qorayo waxyaabo badan ayaa si gaar ah u xiisa geliya, xaqiiqooyin badana qofka wey ka qarsoon tahay, markii aan dareemay maqaalka raadka uu ku yeelan doono jaaliyada iyo markii aan dareemay in uu maqaalkaan halis gelin karo amniga jaaliyada, waan ka naxay, maxaa yeelay waxaan ogaadey in calaamadihii lagu garanayey dadkii muslimiinta ahaa, oo jirka meesha la taabto madaxaa ugu sareeyee ugu sareeya dadka, calaamadihii lagu garanayey dadka toosan ee sunada nebiga raacay (SCW), waxay u muuqatay laba shey:- (1) kow: in aan ku dhaleeceeyey in ay sunada nebiga raaceen (scw), iyo waajibaadka islaamku amray sida gabadha muslimada ah in ay is xijaabto. (2) Labo: waxaan ogaadey dhibaatada soo gaari karta jaaliyada in ay xataa aniga i saamayn karto, maadaama ay magaaladaan ila joogto gabar aan dhalay oo xijaaban, ilaahna quraanka wuxuu ku yiri: (aayad macneheedu ahaa) "ka digtoonaada fidno aan ku koobnaanayn dadka dulmiga sameeyey oo keliya". Markaas waxaan dareemay in aan khalad weyn sameeyey, aad iyo aad baana uga xumahay, haddii aan khaladkaas dhiigayga ku xisi karo xataa waan ku sixi lahaa.

SomaliTalk: Yuusuf joornaalkaasi intii uu soobaxay iyo intii ka dambeysey internetkana waa lagu soo qoray, sida SomaliTalk oo kale, dad badana aad ayey u hadal hayeen, marka adigu ma heshay cid toos kaagala soo xiriiritay ha noqoto cid nasteexo iyo wanaag kuula soo xiriiray ama cid kugu dhaliileysa, maxaad kala kulantay bulsho weynta Soomaaliyeed, khaasatan Minnesota?

Yuusuf Shabac: Waa jireen dad isoo qaabilay ayagoo ay ka muuqato wajigooda iyo dhaqankoodaba xanaaq aad iyo aad u weyn. Waa jireen dad isoo qaabilay ayagoo dhoola cadaynaya oo ku faraxsan waxyaabihii aan qoray dadkaas oo u arkay in ururada aan ka sheekeeyey ay yihiin dad bulshada ka soocan oo ah 'outcast' oo ay tahay in farta lagu fiiqo, dadkaas oo diinta waxyar ka og oo la is oran karo jaahilnimo wey saamaysay, oo ku rayrayey kuna faraxsan waxa aan daabacay. Waana arkay dad Islaamka jecel oo muslimiinta jecel oo arinkaasi aad iyo aad u dhibtay, maxaa yeelay nebiga wuxuu yiri "ninkaan muslimiinta arinkooda siinin ahmiyad gaar ah ma naga mid ahan". Dadkii ayagoo caraysan isoo qaabilay qofba wuxuu leeyahay caqligiisa oo kala heer ah, kuwona hadal caro ah oo aan laga fiirsan ayey igula hadleen, qaarkoodna waxay igu soo qaabileen luqad asluubsan ayagoo caradooda ii sheegaya, marka wax dhibaato ah ma kala kulmin, maalin walbana 30 message (dhambaal) ayaan ka tirtiraa telefoonkayga (answering machine): dad i dhahaayaa saas makuu malayneyn, nin ehelu diin ah ayaan kugu ogeyn, iyo dad dhehaaya Yuusuf sidee ayey kaa noqotay, dad i dhahaaya FBI ayaad u shaqaysaa waxaadna rabtaa in aad jaaliyada wiswis ku abuurtid iyo dad i dhehaaya wax xijaab sita iyo wax gar leh waan arki weyney laakiinse aan u malaynayo in ay jeclaan lahaayeen in ay sidaas arkaan.

SomaliTalk: Sida aan ognahay ama adiguba aad hadda sheegtay, garku marka dadka Islaamka xagooda laga hadlayo waa sunadii nebiga (SCW), xijaabkana Allah ayaa aayad qur'aan ah ku amray. Haddaan dhan kale ka fiirino garka dad badan ayaa la baxa, xaqiiqadii Yuhuudu waa la baxdaa, Kirishtaanku waa la baxaa, dad kale oo fara badan ama dadkii aqoomihii hore laga soo gaarey markaad sawiradooda aragto, ama ha noqoto dadka cilmiga sayniska laga soo gaarey, ama dadka dhul mareenada ha noqoto, dad faro badan ayaa garka la baxa, oo xataa Islaamka keliya lama baxo, laakiin dhambaalkaagii umadu waxay u aragtay oo u qaadatay  in aad ku tilmaantay qofkii gar leh ama gabadhii xijaaban in ay tahay Al-Itixaad, Al-Itixaadna Maraykanku wuxuu la xiriiriyaa ururada 'argagixisada' arinta joornaalka ama maqaalkaaga ama "article"-kaaga ay dadku u arkeen ee ay aad uga keceen taas weeye, marka maxaad ka aaminsan tahay adigu xijaabka iyo garka, mar labaad?

Yuusuf Shabac: Xijaabka waxa weeye shey waajib ah, waa shey muqadas ah, waa amar  Ilaah xaggiisa ka yimid, gabadha Muslimka ahna ay uga duwan tahay gabdhaha kale. Garka waa sunada Nebiga (scw) oo wuxuu yiri: "Shaarubaha gaabiya, garkana dhaafa si aad uga duwanaataan Yuhuuda iyo kirishtaanka", marka garka waxaan u arkaa dadka qaarkiis in ay u deystaan 'style' ahaan iyo qurux, dadka qaarkoodna in ay diin ahaan u deystaan, hase yeeshee ma aaminsani in garka lagu tilmaamo urur khaas ah, waa lagu khaldanaa.

SomaliTalk: Yuusuf waxaan kale uu ku weydiinayaa: waxaan kaa helay email aad ku raali gelineysid bulshada Soomaaliyeed maqaalka aad qortay daraadeed, ama hadaba halkan waad ka leedahay, maxaa kugu kalifay in aad raali gelintaas iyada ah ka bixisid qoraalkaagii?

Yuusuf Shabac: Kaddib markii anigoo xafiis kayga jooga aan furay website-ka SomaliTalk, waxaan gartay dad farabadan oo kamid ah jaaliyada in uu arinkani dhibay oo markiiba ay soo direen jawaabohoodii, ayagoo ka xun qaabkii wax u dheceen, SomaliTalk waa website afdheer oo ay dad farabadani daawadaan oo dad farabadan gaara, intaana maqaalo badan furayeyna wuxuu ku jiraa websiteyada ugu quruxsan, markii aan arkay sida ay jaaliyada wax u dhibeen ayaan jeclaystay in aan iraahdo waan ka xumahay ma rabin in ay heerkaas wax gaaraan, waxaana u arkay in ay tahay tallaabo lagama maarmaan ah in aan jaaliyada raali geliyo, maadaama aan amnigoodii halis geliyey.

SomaliTalk: Yuusuf Shabac dad badan ayaa waxay aamin san yihiin sababaha aad maqalakaan u qortay in ay yihiin awal waxaa lagugu bartay maqaalo runtii dadku aad uga caroodaan oo dhaqan xumo ah, maqaaladaas oo dadku ay qaati ka taagnaayeen ayaad hadda waxaad bilowday in aad u soo dhigatay diintii, inkasta oo maqaalkani uusan ahayn kii ugu horeeyey, hase yeeshee dad badan ayaa waxay u arkeen in aad kusoo jirtid wadadii ay soo qaaday Ayaan Xirsi, marka ma la oran karaa Shabac wuxuu soo hayaa wadadii Ayaan Xirsi?

Yuusuf Shabac: Ayaan Xirsi xaaladeeda aad baan ula socdaa, waa gabar dhallin yaro ah oo siyaasi ah oo ku jirta wadan Yurub kamid ah baarlamaankiisa, hase yeeshee waa gabar diinta aad iyo aad uga fog, lana oran karo aad ayey ula dagaalantaa, in aniga iyada la igu matalona aad bey ii caro gelineysaa, hase yeeshee Ilaah ayaa siiyey qofka xoriyad uu wuxuu doono ku cabiri karo, laakiin anigu waxaan iyada uga duwanahay haddaan naftayda ku cabiro ayada: waxaa ayada la oran karaa wax bey caysay amase Islaamkey meel uga dhacday, laakiin aniga waxaan ayada uga duwanahay ama uga xumahay in aan daabacay Joornaal laga yaabo jaaliyada dadka aan ugu jeclahay oo wadaada ah in uu noloshooda halis geliyo.

SomaliTalk: Joornaal ayaad wax ku qortay, waxaadna aaminsan tahay in wixii aad qortay uu khalad ahaa, raaligelina waad ka bixisay oo SomaliTalk ayaad soo gaarsiisey, maku talo jirtaa wargeyska bisha ugu horeysa soo baxaya cadadka ugu horeeya in asagii oo Ingiriis ah oo raali gelin ah oo aad kutilmaameysid in hadalkaasi uu khalad ahaa adiguna aadan lahayn qaybtaas lagu daray in aad soo gelineysid si mujtamaca kale oo qoraalkaas hore u akhristay ay kan dambena u arkaan in uu ahaa wixii wax khaldan, oo raali gelintaadu aysan ku koobnaan SomaliTalk iyo websiteyada Soomaalida ee wargeyska naftarkiisa aad kusoo saartid raali gelin iyo in uu khaldanaa wixii aad qortay?

Yuusuf Shabac: Weli arinkaas ma aanaan kawada hadlin aniga iyo dadka maamula Joornaalka, laakiin waa arin fiican waxaana siinayaa tixgelin gaar ah.

SomaliTalk: Ma shaki ayaad ka qabtaa in laguu ogolaado in aad kusoo qortid wargeyskaas raali gelinta?

Yuusuf Shabac: Wax cabsi ah ma ka qabo laakiin waxaan leenahay guddi go'aan ka gaara wax kasta oo Joornaalka lagu soo qorayo. Wixii markaas muhiim loo arkona waa soo hor dhigi doonaa ayagaana go'aan ka gaari doona, insha Allah.

SomaliTalk: Yuusuf su'aasha haddaan dhinac kale ka fiirino, joornaalka wuxuu kusoo baxay luqada Ingiriiska, dadka Soomaalida ee Woqooyiga Ameerika jooga ama Minnesota jooga badankoodu luqada Ingiriiska waa akhriyaan waana ku hadlaan, mujtamac kale oo aan Soomaali ahayn in uu gaareyna wey dhici kartaa, marka waa qurux badan tahay haddii adigu aad samayso oo aad leedahay waxaan u ballan qaadayaa mujtamacii shalay qoraalka aan u soo qoray in aan mid kale usoo qoro ayaan u ballan qaadayaa ee iga sii gaarsiiya, runtii taasi aad ayey u qurux badantahay anaguna waa kaa gaarsiineynaa mujtamicii. Marka sidee kula tahay in aad mar labaad soo daabacdo raali gelintaadii oo luqada Ingriiska ku qoran oo anaguna aan mujtamacii usii sheegno in uu cadadka dambe kusoo bixi doono, insha Allahu tacaalaa?

Yuusuf Shabac: Barnaamijyo waa jireen oo uu ka shaqaynayey weriye caan ah oo ka shaqeeya wargeyskeena, Ceyne, oo uu damacsan yahay in aan anigana soo diro qayb raali gelin ah, asagana uu ku daro qayb raali gelin ah, Dr. Xasan in laga helo qayb raali gelin ah, oo joornaalka cadadka dambe anagoo waji mideysan ah aan kusoo daabacno, laakiin maadaama ay kowda bisha Maarso ay hadda wax badan noo jirto, wax badana naga qarsoon yihiin, Ilaahna qaddarta uu leeyahay, laakiin qorshe ahaan waxaan ixtiraamayaa dadka joornaalka maamula ama wax kusoo daabaca, laakiin aniga waxaan uurka ka jeclahay haddaan idiin sheego waa wax aniga aad iyo aad iigu weyn in aan jaaliyada raali geliyo, haddana waa qorshaha aan halkan u jooga in aan SomaliTalk qorayaashii ugu caansanaa u sheego.

SomaliTalk: Malaga yaabaa haddii ay kuu suurta geliweydo in aad kusoo qortid wargeyska in dadka Soomaalida ahi u qaataan raali gelintan aad ku bixineysid wargeysyada Soomaalida in ay afka kaa saaran tahay maadaama aad wargeyskii aad arintaan ku fulisey hadana aad ku suurta gelin weydey in aad raali gelinta ku bixisid, malaga yaabaa in loo fasirto oo la yiraahdo Shabac wuxuu ku talo galay in uu fariintaan dadka ajnabiga ah gaarsiiyo oo si dhab ah ayey niyadiisa uga soo go'day, tana dadka ayuu kaga gabanayaa, iyo buuqooda, sow lagama yaabo in ay arintaasi fikradaas abuurto?

Yuusuf Shabac: Wallaahi bulshadu markii bulsho la yiraahdo waa dad aad iyo aad u faro badan oo aqoonyahan kooda leh, wax garad kooda leh, doqon kooda leh, qof walba siduu doono ayuu wax u fasirtaa, laakiin anigu ujeedayda u fog sidaan horay idiin kugu dheegay ma ahayn in aan jaaliyada xumaato la damco, maxaa yeelay aniga shakhsi ahaan waxaan ahay qof aad iyo aad u jecel dadka Soomaalida, guud ahaana dadka muslimiinta ah.

SomaliTalk: Yuusuf Shabac su'aashaydu waxay ahayd haddii wargeysku kuu suurta gelin waayo in aad ku qortid sow lagama yaabo in dadka Soomaalidu u fasirtaan in aad ka warwareegeysid in aad maqaalkaagii ku rididid?

Yuusuf Shabac: Maqaalkaygii in aan ka xumahay waan sheegay waxaan aamin sanahay weliba in SomaliTalk  uu gaaro meelo farabadan oo Joornaalkaasi uusan gaari karin, oo dad farabadan oo Soomaali ah ku nool yihiin, marka haddii aan halkan ka raali geliyo waxaan aaminsanahay dad farabadan in uu gaarayo, waana la ogaanayaa in aan raali gelin sameeyey, marka joornaal anigu aan gacanta ku hayo oo editor-in-chief aan ka ahay ma u malaynayo in ay dhibaato iiga imaaneyso in aan wax kusoo daabaco, laakiin markey noqoto bulshado in ay si wax u fasirtaan bulshada in aan u daayo xoriyada uu ilaahay siiyey oo sidey doonaan in ay wax u arkaan.

SomaliTalk: Mustaqbalka ma ku talo jirtaa in aad maqaalo samaynaya dhibaato iyo iska horkeen, ha ahaato kuwo diinta ka hadlaya, ama kuwo anshax xumada ka hadlaya, in aad sii wadid oo wargeysyada kusii wadid, mase markan waxaa suurtowda in aad ka baxdid qaybta noocaas ah?

Yuusuf Shabac: Aniga waxaan ahay qoraa, qoraagana waxaa badanaa ku dhaliya xaalada uu markaa la kulmo iyo wixii niyadiisa kusoo dhacdo, maskaxdayda waxaan ka xumahay malahan 'store' ay hadda ku sii kaydiso waxaan samayn doono, qeybkana Ilaah ayaa og, laakiinse waa laga yaabaa waxaan qoray in ay jaaliyada ka xumaato laakiin marna ma ahayn wax aan ugu talo galay ama wax aan sii qorsheeyey muddo hore.

SomaliTalk: Yusuf haddaan kuweydiiyo su'aal, adiga ayaa hadda waxad bixisay raali gelin adigoo ka tirsan wargeyskii qoraalku kusoo baxay, ama ahaa ninkii qoray maqaalkii ugu dambeeyey oo buuqa keenay, Joornaalkaasi guud ahaan maamulkiisu sidee ayey qoraalkaas u arkaan. Mase ku talo jiraan si ka Joornaal ahaan ah in ay mujtamaca u raali geliyaan, haddii adigu si shakhsi ahaan ah ayaad u raali gelisey, waan gaarsiineynaa raali gelintaada, laakiin Joornaal ahaan maxaad kaga tashateen?

Yuusuf Shabac: Wallaahi waxaan ka xumahay in aan nahay dad kala qaybsan haddaan nahay bahda Joornaalka, waxyaabo farabadan waa ku midaysanahay, laakiin markey noqoto maqaalkaan waanu ku kala jabnay, qaar anaga naga mid ah uma arkaan joornaalkeena in uu wax dhib ah leeyahay, in wax dhib ah ka dhalan toontona uma arkaan, waxay u arkaan in uu yahay taariikh qoran oo la yaqaano oo dhigida aan dhibaato lahay, inta badan dadka joornaalka wax kusoo qorana waxay u arkaan in uu Joornaalku qalad ka galay Jaaliyadda iyo in uu maqaalkaasi ahaa fudayd, in dhibaato weyni ay ka dhalan karto, marka aniga iyo rag aniga ila mid ah dhammaanteen olole ayaan waxaan ugu jirnaa sidii aan u xadidi lahayn sumcad xumada aniga ahaan igu soo noqon karta ama joornaalka kusoo noqon karta.

SomaliTalk: Yuusuf aad ayaad u mahadsantahay, ma noo ogoshahay anaga SomaliTalk ahaan in aan codkaaga iyo iyadoo qoraal ah raali gelinta aad Jaaliyada u soo jeedineyso in aan kusoo baabacno mar labaad SomaliTalk?

Yuusuf Shabac: Waan ku faraxsanahay 100%, aad baana idiinku mahad celinayaa in aad sidaas samaysaan.

SomaliTalk: Sidee baad u aragtaa qoraalka SomaliTalk qaabka ay u turjumtey maqaalkaagii aad qortay, iyo qaabkii adiga ay kuula xiriirtayba?

Yuusuf Shabac: Joornaaliiste ahaan waxaan arkaa qaabka dadka loo soo 'quote-gareeyey", qaabka wax loo qoray, qaabka wax loo soo xigtey, intaba in ay ahayd qaab aad iyo aad u qurux badan, oo ay caddaalad ku dhisan tahay, iyo hadalo aad iyo aad looga fiirsaday oo aan qofna lagu dhaawacaynin.

SomaliTalk: Yuusuf aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tahay waraysiga aad siisay SomaliTalk.

Ugu dambayntii Yuusuf Shabac wuxuu umada muslimiinta ah, gaar ahaan Soomaalida Minnesota ka codsaday in ay si niyad ah uga cafiyaan qoraalkaas isaga ah.  Waxaana Yuusuf toos logala xiriiri karaa emailkan: yusufshaba@yahoo.com

Bahda SomaliTalk waxay u mahad celinayaan Yuusuf Shabac oo waraysigan naga aqbalay iyo intii waraysigan soo qaadidiisa ka qayb qaadatay. Qoraalkii Yuusuf Shabac uu email ahaanta kusoo gaarsiiyey SomaliTalk ka akhri hoos.

Lifaaq:
Emailkii Yusuf Shabac soo gaarsiiyey SomaliTalk waatan hoos ku qoran:

<><><>

Yusuf Shabac II oo raali gelinayay Jaaliyadda

Magacaygu waa Yusuf Shabac II, waxaan qoray maqaalkii soo koobayey qeybo ka mid ah taariikhda dhaq-dhaqaaqa Islaamka Soomaaliyeed. Waxaan goob joog ka ahaa salaaddii ciidda markii lasoo hadal qaadayey maqaalkaas isaga ah, oo si dad-ban loo daleecay-nayey.

Ugu horeyn, aniga oo ku bilaabaya magaca ilaah aan iraahdo; Waxaa aad ii farxad geliyey sida ay Somalitalk usoo uruurisay, aragtida wax garadka jaaliyadda, iyo sida quruxda badan oo ay ku dheehan tahay caddaalada oo ay usoo qaateen ama ay u tarjumeen nuqulo ka mid ah wixii aan ku xariiqay war-qaadaas, Wargayska.

Waxaan dhalay gabadh kow iyo toban jir ah, "Sumaya-Kheyr Shabac" oo xijaaban tin illaa cidhib, kuna dhow xaafid Qur'aan, waxaa illaa dhashay laba gabdhood oo sida oo kale xijaaban. Asxaabteyda dhamaantood waa wad-aadyo kheyr badan oo diintan u halgama habeen iyo maalin. Jirka meel la taabto waxa ugu sareeya madaxa wadaadaduna waa sidaa oo kale.

Ogaabeey, wixii aan shalay qorey, ilama qumana maantey, markii aan maqaalkan qorayeyna isma oran in uu dhib weyn usoo jiidi karo jaaliyadda. Maxaa yeelay, amniga jaaliyadda "Community security" waa shey muqaddas ah, wixii Soomaali dhibona waa ay i dhibi doontaa aniga. Aniga oo ku hadlaya magacayga waxaan rabaa in aan bulshada Soomaaliyeed usoo jeediyo raali galin kasoo go'day qalbigeyga daacadda ah.

Yusuf Shabac II
651-336-9413
yusufshaba@yahoo.com

<><><>

Gabagabadii; Bahda SomaliTalk waxay aad ugu mahad celinayaan Yuusuf Shabac xiriirka wanaagsan ee nalasoo yeeshay iyo qadarinta iyo tixgelinta uu siiyey codsigayagii ahaa in aan waraysi la yeelano oo uu si buuxda nooga aqbalay, waxaana mar labaad uga mahadcelineynaa waqtigiisa qaaliga ah ee uu ku bixiyey waqtigii uu socdey waraysigaasi.

-dhammaad-

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 5, 2004 | Updated.

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa
kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD