SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MINNEAPOLIS

Muslimiinta Minnesota oo Si Heer Sare ah u Ciidey

SomaliTalk.com | Feb 1, 2004

Qiyaastii 10,000 (toban kun) oo Muslimiin ah oo salaadii ciidul-adxaa ku tukadey faras magaalaha Minneapolis

Daabaco Boggan | Print


Kumanaal Muslimiin ah oo kasoo qayb galay ciida

Salaadii ciida: Minneapolis, USA

Sakariya Aadan "Xaayow": Somalishow TV


 

Waaberigii Axada (Feb 1, 2004) ayaa muslimiinta ku dhaqan labada magaalo ee mataanaha (St.Paul/Minneapolis) ay u dareereen goobihii lagu tukanayey salaada ciid-al-adxaa. Qabowga ka dhacayey magaalada iyo barafka dhulka daadsan toona muslimiinta kama hor istaagin in ay si farxad leh isugu soo baxaan.

Tirada muslimiinta deggan gobolka Minnesota waxaa lagu qiyaasaa in ay Soomaalidu ugu badan yihiin, taas oo ay ka markhaanti keceyso xadiga ay uga soo qayb galeen ciida.

Markii qorraxdu soo baxday ayaan u dhaqaaqay dhankaas iyo faras magaalaha magaalada Minneapolis oo kamid ah goobihii salaada ciida lagu tukanayey (maadaama ay tirada Muslimiinta deggan labada magaalo ay aad u badan yihiin, waxaa lagu tukadey meelo dhawr ah), markii aan soo gaarey Minneapolis Convention Center waxaan ugu horayntiiba halkaas kula kulmay gawaarida ay muslimiintu wataan oo saf dheer ugu jira meesha gawaarida la dhigto, markii aan gudaha xaruntaas baaxada weyn soo galayna waxaa halkaas kugu qaabilaya dhallinyaro kugu hagaya meesha salaada lagu tukanayo, taas oo loo kala qaybiyey laba qaybood oo kala ah rag iyo dumar.

Muslimiinta goobtaas isugu yimid waxaa lagu qiyaasay ilaa 10,000 oo qof, kuwaas oo isu hambalyaynaya, faraxsan, oo isku niyad san, ku lebisan dhar quruxbadan. Taas oo markiiba kusoo xusuusineysa beri samaadkii iyo xilligii ay Soomaaliya nabada ahayd iyo sidii looga ciidi jirey. Allah sannadkan soo socda ee 1425 Soomaaliya nabad camirta haka dhaliyo, aamiin.

Marka aad horay u sii gashid qolalka baaxada weyn ee salaada lagu tukanayey waxaa markiiba dhegahaaga kusoo dhacayey takbiirta:
الله أكبر ، الله أكبر ، الله أكبر ، لا إله إلا الله ، الله أكبر ، الله أكبر ولله الحمد

Salaadii ciida ee sannadkan looma kala harin, carruur iyo cirroole, rag iyo dumar. Waxaana salaadii loo istaagey qiyaastii 8:30 xigsinta geela. Si heer sare ah ayeyna ku dhammaatay.

Warbaahinta Soomaalida ee ciidii maanta kasoo qayb galay waxaa kamid ahaa Somalishow TV oo ah Telefishan Soomaaliyeed oo caan ah oo laga daawado Minneapolis. Waxaana maanta halkaas Tv-gaas wararka uga tebinayey Sakariya Aadan "Xaayow" (eeg sawirka midig) iyo CabdiMaalik Askar. Sakariya waxa uu muslimiinta dhammaan u soo jeediyey hambalyada ciida barakaysan.

Dadkii kale ee aan la kulmay waxaa kamid ahaa maamulaha maktabada risaala, waxana uu hambalyo iyo tahniyad u soo jeediyey gebi ahaanba muslimiinta adduunka, gaar ahaan muslimiinta ku dhaqan Minnesota. Maktabada risaala waxay idin leedahay ciid mubaarak meel kasta oo aad joogtaan. [booqo maktabada risaala].

Markii salaadii ciida la tukaday, waxaa muslimiintii u dhaqaaqeen dhankaas iyo guryohoodii si ay maalinta ciida farxadeeda u sii wataan, oo ulxiyaystaan. Waxa kale oo xusid mudan in magaalada Minneapolis si fudud looga heli karo dhammaan waxyaabaha macmacaanka ah ee lagu ciido iyo weliba xalwad heer sare ah (oo aa ka yaraysan xalwo Xaaji Ciise ama xalwo Kismaayo) , waxaa taas dheer makhaayado aad u farabadan oo Soomaaliyeed oo ku yaal daafaha magaalada oo aad ka heli kartid cunto Soomaali heer sare ah iyo shaah hayl leh - xataa Hilib Geel waa laga helaa Minneapolis.

Isku soo duuboo, Ciidii maanta waxay Soomaalida Minnesota iyo dhammaan muslimiinta kale ee halkaas ku dhaqan u ahayd maalin muujisay bilicda iyo wadajirka Muslimiinta.

Hambalyada Bahda SomaliTalk ee Ciidul-Adxaa.. Akhri

Waa isku soo dubaridey:
Maxamed Cali
somalitalk@hotmail.com
Minneapolis, MN, USA

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 1, 2004

Hambalyada Bahda SomaliTalk ee Ciidul-Adxaa
2-million oo qof oo Gutey Xajka Sannadkan 1424 Guji

244 Qof oo Maanta Ku Dhintay Xajka

TAXI-WADE SOOMAALIYEED OO LAGU DILEY SEATTLE, USA
Shalay waaberigii ayaa magaalada Seattle Washinton lagu toogtey Taxi wade Soomaaliyeed oo... Guji... Feb 1

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD