SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - SWEDEN

Gabdho Soomaali ah oo Xijaabkooda Muran Ka Dhaliyey Sweden.
 

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

Labo gabdhood oo ah ardey soomaaliyeed oo wax ku barata dugsiyada sare ee magaalada Gothenburg ee dalkan Sweden ayaa xijaabooda ay iskuulka la yimaadaan muran dhaliyey kadib markii xjibaaka gabdhahaasi uu noqday mid aan wejiyadooda indhaha mooyee aanu muuqan meel kale.

Tanina waxey keentay iney macalimiintii gabdhahaasi wax u dhigayey ay ka di-daan dharkii xijaabka ahaa ee gabdhahaasi labis ahaanta u wateen.

Ismahaan iyo Falis ayaa ah labo gabdhood oo soomaaliyeed oo wax ku barta dugsiga sare ee Burgårdens Gymnasium (Burgarden high School) iskuulkaasoo ay kuqaataan maadooyin kala ka duwan gaar ahaan maaddada carruurta oo ay gabdhahaasi baranayeen sanad dugsiyeedkani.
Dugsiga sare Burgården ayaa ah mid badi ardeyda wax ku barataa ay yihiin kuwo ajanabi ah muslimiina u badan, sida aad sawirka ku arkeysaana waa labada gabdhood ee Soomaaliyeed Ismahaan iyo Falis oo xijaabka (indha shareerka) soomaalida u taqaan xiran, kaasoo ah mid si weyn muran u dhaliyey, islamarkaasina kalifay markii ugu horeysay in arintan ku lug leh qaadashada dharka noocan ah loo gudbiyo wasaarada waxbarashada dalkan Sweden si ay go'aan uga soo saarto.

"Waa dhib aad u weyn marba hadaan aqrin karin ama aanan ogaan karin waxa ay gabdhu dareemayaan, islamarkaasina aanan fahmi karin in casharka aan u dhigay wax ka fahmeen iyo inkale taasina waa arin leh dhibkeeda" ayey tiri Ellinor Dyne oo ah macalin gabdhaasi wax u dhiga.

Labadaasi gabdhood iyo macalimiintooda ayaa iyagu isku afgartay in inta xiisadu socoto ay wejigooda baneeyaan, sidoo kale marka imtixaanka loo fariisanayana laga qoro aqoonsigooda si loo cadeeyo iney yihiin ardeyda galeysa imtixaanka. Falis iyo Ismahaan ayaa sidoo kale iyagu soo arkooday meel looga ogolaan karro dharka ay xiran yihiin muddada tabarka u socdo, waxaana ay labadooda sheegeen iney soo arkoodeen xanaanada carruurta muslimiinta meeshaasoo ah meel ay muslimiinta u badan yihiin.

KHASAARAHA DHAQAN-DHAQAALE EE QAADKU KU HAYO SOOMAALIYA:
Waxaa lagu qiyaasay in garoonka Deyniile oo keliya laga dejiyo qaadka nooca Miirowga loo yaqaan oo qiimihiisu dhan yahay $170,000/bishiiba, taas oo sannadkii ka dhigeysa $2,040,000. Eeg halkan... Qiyaas akhristow inta ardayga Soomaaliyeed uu ku dhigan karo Jaamacad kutaal Soomaaliya..
Guji.. 

Maamulaha iskoolka ayaa dhanka kale waxaa uu warbixin u diray wasaarada waxbarashada oo arrintani eegi doonto si loogu helo barnaamijyo u gaar ah dadka xiran dharkan diimeed iyo sida ay uga dhaqan geli karaan goobaha waxbarashadeed.

Ugu danbentiina Ismahaan iyo saaxiibteed Falis ayaa ku faraxsan iney iyaga iyo macalimoontooda isku afgarteen qaabka ay labiskooda ugu dhiganayaan maadooyinkooda inta ay xiisadu socoto, waxeyna Ismahaan hadalkeeda ku soo koobtay in dharkan muuqaalkiisa u ekaan karro mid laga cararo hase ahaatee gabdhaha xiran ee ku hoos jira ay yihiin kuwo fiican.

Ikraam Cali-kaar ikraam_k@hotmail.com 

Isha warka: Channel 4-ka Sweden

Dumarka Soomaaliyeed: Doorkoodii shalay iyo maanta GUJI.....

Labo Soomaali ah oo isku Gubtay Xerro Qaxoooti oo ku taal Dalka Jordan
Ka akhri warbixintii Ikraam... Guji   Sept 25

Waa Kuma Yesser Carafaat?
Taariikh/Faalladii Siciid Himilo... Guji...  Oct 6

Col. QADDAAFI WAA KUMA?...  

Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku saxiixan

.. WARAYSIGII ABDULLAHI NUUR SALXAAN UU SIIYEY SOMALITALK

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD