SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
WAA KUMA YASSIR CARAFAAT?

WQ: Siciid Ciid(Himilo)
shariifka@yahoo.com

  • Isreal Maxaa ku kalifay inay ku fekerto Dilka Yaasir Carafaat?

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

Waxaa bishii ina weydaartay dowlada Izreal aay cadaysatay markii ugu horeysay tan iyo intii aay bilwodeen wadahadaladii falastiiniyiinta iyo yuhuuda 1990. inay ka go,an tahay inay ka takhalusto Yaasir Carafaat, go,aankaan oo wasiirka difaaca uu ku adkeystay in Carafaat qoraxda laga qariyo.

Yaasir Carafaat oo iminka mudo 20 bilood ah ku jira xaruntiisa Ramallah halkaas oo aay Izreal ku go,odoomisay dhaqdhaqaaqiisa.

Hadaba waxaa is weydiin mudan Yaasir Carafaat yuhuudu maxay colaada intaas le,eg ugu haysaa, maxaa sababay cuqdadaan aan dhamaadka lahayn ee mujtamaca yuhuudu iyo dowlada Izreal aay ka qabaan ninkaan cimaadada madaxa ku wata ee aan wax quwad oo uu iskaga caabiyo aan haysan,si aad u ogaato yuhuudu sababta aay ninkaan uga hari la,a yihiin, waxaad ila eegtaa taariikhda ninkaan oo kooban iyo dabeecadihiisa.

Waatan taariikh kooban oo ku saabsan noloshiisa bulshonimo,siyaasadeed,iyo mida qofeed ee hogaamiyahan lagu tilaamo kuwo ugu taarikhda iyo magaca dheer dunida maanta.


Mohammed Abdel-Raouf Arafat As Qudwa al-Hussaeini (Yasser Arafat)
waxa uu dhashay 24 August 1929, waxana uu ku dhashay magaalada Qaahira (Cairo)

Carafaat waxaa uu dhashay 1929, hooyadiis waxay dhimatay isagoo jira 4 sano, kadib waxaa uu la noolaa adeerkiis oo deganaa magaalada Qudus,aabihiis iyo walaaliliis waxaay markaas deganaayeen Qaahira Aabihiis waxa uu ahaa ganacsade dharka ka mushtara,aabihiisna waxuu geeriyooday isagoo kurey ah, Carafaat yaraantisii laga soo bilaabo waxuu ahaa nin kaligiis isku tashada, islamarkaana soo barbaarshay naftiisa inkastoo uusan marna ilaaweyn aadna u qadiriyo gacantii iyo xanaanadii uu ka heli jiray yaraantiisii walaashiisa ka weyn Anam taasoo dhawaan markii aay geeriyootay bishii tagtay Carafaat murugodiisa laga arkayay TV-yada,Anam waxay dhashay ninka Falastiniyiinta u fadhiya U.N-ta ee la dhaho Naasir AL-qudwa, Carafaat-na abti ayuu u yahay.

Carafaat waxaa shahaado Engineering ah uu ka qaatay Jaamacada Qaahira,waxaana uu xili hore oo ka mid ah dhalinyaranimadiisa bilaabay inuu xubin firfircoon ka noqdo dhaqdhaqaaqa Falastiniyiinta ee gobonimo doonka .

Carafaat waxaa uu ku jiraa todobaatameeyadii cimrigiisa , waxaa uu Ilaahay ku manaystay caafimaad buuxa,waxaana taas loo tiiriyaa inuusan lahayn wax balwad ah haday ahaan lahayd sigaar, khamri iyo wax kale midna,waxaana la sheegaa inuu aad ugu adag yahay arimaha caafimaadkiisa isagoo aad ula socda miisaankiisa iyo isbedelka caafimaadkiisa, sameeyana jimicsiyo joogto ah, khatartii ugu weyneyd ee ku timid caafimaadkiisa waxay ahayd markii diyaaradu kula dhacday lama degaanka Liibiya xiligaas oo qaliin looga sameeyay dhiig ku furmay madaxa, shilkaas ka dib waxaa la sheegaa in caafimaadkiisa wax iska bedeleen iyadoo lagu arkay daal uusan lahaan jirin,iyo laleemo gashay mishintiisa hoose .Carafaat waxaa uu marar badan beeniyay warar sheegayay inuu dhowr jeer coma galay iyo in awoodiisa aay gabaabsi tahay caafimaad daro awgeed. madaxda falastiiniyiinta qaarkood ayaa ku eedeeyay Izreal inay faafiso warar aan sal lahayn oo ku saabsan hogaamiyahooda caafimaadkiisa.

inkastoo cimri iyo caafimaad daroba ka dabo timid Carafaat weli ma ogola inuu sheego cida uu ugu talagalay inay ka dhaxasho hogaanka falastiin,guud ahaan waxaa la oran karaa carafaat waxuu uu ku noolyahay caafimaad jismi iyo mid miskaxeedba marka la eego dhibka iyo qaxarka siyaasadeed ee uu soo maray.

Carafaat waxaa dadka noloshiisa wax ka qorey oo dhami aay isku raaceen inuu dhamaan noloshiiisa u hibeeyay qadiyada falastiin isagoo ilaaway noloshiisa shakhsiga ahayd, guurka kaliya ee uu guursaday waxuu dhacay 1990,isagoo xiligaas jiray 62 ayuu guursaday Suah oo ah gabadh ka dhalatay qoys hodan ah ,oo Kirishtaan ah degana Ramallah xiligaas waxay jirtay gabadhaasi 34 sano,gabadhaani waxay mudo ka shaqaynaysay xafiiskii Carafaat ku lahaa Tunis xiligii dibad wareega uu ahaa,gabadhaani markii uu guursanayay ayay soo gashay diinta Islaamka,dhawaana waxay xaj u tagtay dhulka barakaysan ee Makka.

Inkastoo oo carafaat uu doobnimo ku qaatay inta badan noloshiisa ayaa hadana guurkiisa waxaa la sheegaa inuusan waxba ka badalin qaabkiisa shaqo iyo jadwal-maalmeedkiisa midna isagoo weli u shaqeeya sidii looga bartay , waqtigiisa oo dhamina waa buuxaa,isagoo aan wax waqti ah u qoyndeyn xaaskiisa iyo gabadhiisa yar midna, waxaa mar laga sheegay xaaskiisa inay tiri gabadheeda aabaheed waxay badiyaa ka aragtaa TV-da iyo sawiradiisa oo aay daawato.

Carafaat waa nin shaqo,waxaana aay dadka yaqaanaa ku tilmaameen inusan xamili karin firaaqada, waxaa laga soo xigtay isagoo ka hadlaya arintaan" markaanan wax aan qabto waayo waxaan dareemaa daal iyo caajis ama niyad-jab"waxaa uu caan ku ahaa ilaa dhalinyarinimadiisii nin firfircoon walaashiisa weyn ayaa ku tilmaantay sidaan" laga bilaabo markii uu kasoo baxay riximka hooyadiis waxuu ahaa hormoodka caruurta xaafada,isagoo u qeybin jirey kooxo islamrkaana ul-u qaadan jirey kuwo ka weecda amaradiisa" Carafaat waxay aay ku tilmaamen dadka barta cilmi-nafsigu inuu yahay "Hyperactive " ama firfircooni xadka dhaaaftay iyo quwad-shaqo oo mucjiso ah. waxaa taas laga akhrisan karaa safarada aan kala go,a lahayn ee uu geli jirey xiligii uu dibada ka joogay dalkiisa.

Carafaat ma ogola in cidina aay u taliso,aad ayuu uga didaa ugana feejigan yahay madaxbanaanidiisa in lagu qabsado waxuu taas isagoo ka hadlaya yiri “ waxaan ahay madaxweyne aan dhul iyo madaxbanAANI midna haysan marka xoriyadeyda iyo madaxbanaanideyga qof ahaaneed ma ogoli in iyadana la igu qabsado”,dabeecadaan ayaa ah miduu ilaa yaraantisii dhaqan u ahayd,,carafaat ma aqbalo in aay cidina ka takhantakhayso afkaartiisa, cidna wax uma oga .xitaa marka laga tago arimaha siyaasada arimahiisa khaaska ah xitaa ma ogola in aay cidi faraha la gasho,tusaale ahaan xaaskiisa ayaa sheegtay inuu sharaabada uu isagu gashado guluusyada uu isagu xirto xitaa marar badan oo aay isku dayday inay ku caawiso inuu ku gacan sayray oo uu ku adkaystay inuu arimihiisa isagu qabsanayo noloshiisa oo dhamina waa sidaas.

Carafaat waxaa uu ku dhaqmaa shaki uu ka qabo cadowga iyo saaxiibada labadaba, isagoo aan arimihiisa cidna gacanta u wada galin,islamarkaana ajendayaashiisa dagaal badiyaa qariya,taas waxaa aad looga dareemaa safaradiisa oo daqiiqada ugu danbeysa ayuu wargeliyaa meesha uu u safrayo,waxaa la sheegaa inuu waardiyaashiisa uu isagu kala habeeyo oo uusan cid ku halayn.

Carafaat waxuu isku arkaa dad badana oo dunidan ku dhaqanina u arkaan inuu yahay sumada halganka reer falastiin, waxuuna taas ku muujiyaa muuqaalkiisa sida labiskiisa iyo duubka wareegsan ee uu caadada ka dhigtay inuu xirto,iyo labiska malateri iyo biskoolada uusan dhigin,marar badan oo waraysiyo lagu waydiiyay waxyaalo xiriira labiskisa carafaat kama bixin jawaab cad,waxuuna sheegaa inuusan waqti u hayn waxyaalahas licib-siqiirka waayo waxuu mashquul ku yahay qadiyada dadkiisa, labiska ciidanka waxuu kumacneeyaa inuu yahay taliyaha xoogaga hubeysan ee reer falastiin,waxaa laga soo xigtay Caraafaat inuu ku yiri Ronald Reagan " Hadaad wadan iyo dhul isiiso diyaar ayaan u ahay inaan suut xirto iyo taay".

Carafaat waxaa uu kaga duwan yahay madaxda aduunka inuusan lahayn wax hiyaawad ah haday noqon lahayd safaro dalxiis iyo tamashle loogu baxo, waxyaalo la akhriyo ama ciyaaro la sameeyo nooceey doonaan ha noqdaane,ma booqdo goobaha cawaysyada , ma daawado filimaanta,ma daawada xitaa meelaha quruxda badan ee dalxiisyada loo tago. waxa kaliya ee uuu akhriyaa waa waxa la xiriira shaqadiisa, waxaa halkaas ka muuqata in Carafaat uu noloshiisa gaarka ahayd ku milay midii caamka ahayd islamarkaana aay kafadii u dhacday in mida caamka aay haraysay tiisii khaaska ahayd.

Carafaat waxaa lagu tilmaama nin sharafta naftiisa aan u ogalayn in la siigeeyo,isagoo aaysan waxba ku ahayn inuu baajiyo howlo waawayn oo siyaasadeed hadii uu arko in sharaftiisa lagu dhaawacayo,wax walba uu qabanayo dareenka iyo xushmada loo hayo , inuu yahay halyeyga falastiin,ruug-cadaa siyaasadeed ee bariga dhexe , waa inaan lagu haysan , haduu uu dareemo mid ka mid koofiyadahaas in aan loo ogoleyn waa ka dhiidhiyaa, isagoo isku dhexyaaciya dhamaan waraaqaha oo dhan .

dabeecadaha ugu layaabka badan Carafaat leeyahay waa inuusan weligiis is-dhiibin wax walba oo ku yimaada,mar walba oo aay la soo gudboonaato duruufo qalafsani waxuu kusii dhegaa qadiyadiisa iyo hadafkiisa weyn,isagoo la jaanqaada waayaha iyo waciyaga,waxaa uu ka badbaaday masiibooyin badan iyo mixnado siyaasadeed oo aan lasoo koobi karin,waxaa uu usoo joogay markii Boqor Xuseenkii Urdun uu soo jafay dhamaan kooxihii reer falastiin ee Urdun ka waday halganka Yuhuuda ay kula jireen,waxaa uu indhaha u hayay markii 1982 aay Izreal cagta marisay xoogagiisu xarumahii aay ku lahaayeen Lubnaan halkaasoo yuhuudu ku xasuuqday Sabra and Shatilla dad gaaraya 5000 oo qof,waxaa uu u ruqaansaday Tuunisiya halkaas qudhigeeda waxuu ka badbaaday shirqoolo dil oo aan xisaab lahayn kuwaasoo uga yimid dhinaca Yuhuuda iyo Kooxo falastiin ah oo siyaasada aay ku kala tageen,waxaa xigay dhul-gariirkii siyaasadeed ee kasoo gaartay tageeradii ee uu u fidiyay Sadaam dagaalkii Khaliijka,midaan oo uu ku waayay dhaqaalihii wadamada khaliijku aay siin jireen Carafaat iyo PLO-diisa, masiiboyinkaas oo dhan iyo kuwa ciidaas ka badan oo lasoo gudboonaaday cimrigiisa siyaasadeed ,kuwaasoo lahubo inay mooraduugi lahaayeen siyaasi ama hogaamiye kale oo kasta mustaqbalkiisa ama xirfadiisa siyaasadeed Carafaat waa kasoo kabtay mid walbana waxuu kasoo baxay isagoo diyaar u ah inuu halgankiisa meeshii ka sii wado, mid walbana waa dabaashay.


Arafat: shacabka reer Falastiin ayaa dhibaatada ugu weyni kasoo gaareysaa dagaalka  Guji halkan...

Carafaat waxaa Ilaahay ku manaysto hal-adayg iyo karti uu u leeyahay inuu mar walba hore u ruqaansado, iyo inuu mar walba ku adag yahay himiladiisa weliba si quus-la,aan ah,taasoo ka dhigaysa nin aad u adkaysi badan,isla markaana shacabkiisa mar walba galisa rajo nololeed,iyo yididiilo wanaagsan,waana midaas tan wadooyinka falastiin aaysan marna Carafaat u ilaaweyn..dhaqamadaani waxay u suuragaliyeen ninkaan si walba uu khaladaad iyo mucarad u leeyahay hadana marna inaan cidina ku damaacin inuu yahay Hogaamiyaha reer falastiin guud ahaan,Carafaat waxuu diyaar u yahay inuu u dhinto qadayadiisa,taasoo ka dhigaysa nin aan sinaba uga biqin in dilo “ Naftayda ilaahay baa gacanta ku haya “ ayaa hal-ku dhig u ah,,waxuu badiyaa xusaa dadka reer falastiin ee dhiigooda u hurey qadiyada dhulka barakaysan, isagoo qiiro inta qaado mar walba oo uu soo hadal qaado ku dhaarta inuu wadadooda marayo, waxaa marar badan muraayadaha TV-yada laga arkay Carafaat oo markuu soo hadal qaado mixnada haysata shacabkiisa aay ilmadu soo dhaafto,xitaa Carafaat waxuusan qarsan sida uu ugu raaxaysto qaraxyada naf-hurnimada ah ee ay sameeyaan Xamas iyo Islamic Jihaad iyo weliba xoogaga Al-Fatax waxaa mar laga soo xigtay isagoo leh" waa inaan xurmeynaa nafaha daahirka ah ee u hurey naftooda qadiyada dhulka barakaysan,geesiyaashaas gaar ahaan Yaxya Cayaash,ujeedadeeni waa inaan raacno wadadooda, dhamaanteena waxaan u sharaxanahay inaan nafteena u hurno,una dhimano dhulka barakaysan"

Carafaat waxay ku tilmaamaan dadka darsaa nin ku shaqeeya ahdaaf istiraatiiji ah oo isla markaana aan marna ka weecinin fekerka istiraatiijiyada(Strategic though and long term planing) isagoo ujeedooyinka iyo yoolkiisu aay u cad yihiin,isla markaana si xarfad leh uga faaiideysta dhamaan wadoyinka u furan, waxuu u garaabaa tabartiisa oo xaqiiqada kama boodo, tusaale ahaan markuu waanwaanta nabadeed la galay izreal 1991-kii waxuu xariiqday khadad cascas oo lama dhaafaan ah,kuwaasoo uu diiday inuu sinaba uga gudbo(Caasimadnimada Qudus, soo noqoshada Qaxootiga reer falastiin iwm),carafaat yuhuuda waxuu kula dhaqmaa siyaasad ah inuusan wax la taabtana uga tanaasulin,wax alaale waxii uu xuquuq kasoo dhacsan karana inuu kasoo dhacsado,waxuu qabaa in wadahadalka nabada iyo kacdoonka hubeysani aay iskaabayaan, labaduba aay u adeegayaan soo dhicinta xuquuqda dadkisa,waxuuna dhiirigaliyaa marar badan falalka Xamas si uu cadaadis ugu saaro Yuhuuda miiska wadahadalada,inkastoo sababo diplomaasiyadeed dartood aay suurowdo inuu canbaareeyo falalka lagula kaco yuhuuda hadaba marna kama tago inuu eedo dusha uga tuuro taliska izreal.

Carafaat madaxda carabta badiyaa kuma aamin qabo waayo waxuu aaminsan yahay inay hagradeen qadiyada dadkiisa islamarkaana aay cadow ku fiirsadeen inkastoo uusan wax u dhaama haysan hadana xanuun iyo cuqdad ayuu u qabaa madaxda carbeed weliba kuwa xuduuda la leh dhulka falastiin ee yuhuudu haysato,waxuusan miisaan weyn siin Boqorka Urdun King.Abdalah II, iyo Dr.Bashaar Al-asadka suuriya oo labadaba uu arko wiilal yarayar oo aabayaashood aay siyaasada isku fac ku ahaayeen

Waxaa la sheegaa in ninka kaliya ee madaxweyne carbeed ah ee Yaasir Carafaat saameeya ama uu qadariyaa uu yahay Xusni Mubaaraka Masar, kaasoo uu marar badan dhegta u raariciyo, waxaa kale oo Carafaat caadifad u hayay Sadaam Xuseenkii Ciraaq.

Carafaat waxuu ku dadaalay inuu mowqifka qaloocan ee Maraykan ee ku aadan qadiyada dadkiisa wax ka bedalo kumase guuleysan,waxuu markaas bilaabay inuusan arinta Falastiin iyo Yuhuuda aan U.S kaliya lagu deyn isagoo mar walba door-bida in Yurubta,Qaramada Midoobay ,iyo Ruushka aaysan lugta kala bixin howlaha dhexdhexaadinta taasoo uusan ka daalin inuu xuso mar walba. Bill Clinton oo ahaa madaxweynihii U,S ee sida aadku aay Carafaat isugu dhawaadeen ayaa ku tilmaamay Carafaat:

”An aging leader who lives with a victim mentality and is incapable of reaching a final peace agreement” Hogaamiya ku nool dareen dulmane ah , islamarkaana aan awoodi karina inuu galo heshiis nabadeed oo waara’.

Carafaat waa nin balaayada ku caano maala, oo waxuu awood u leeyahay inuu si sahlan ula qabsado dhibaatooyinka lasoo dersa, waxaa tusaale qurux badan u ah taas duruufaha uu ku noolayahay 20-kii bilood ee tegay iyo burburka baaba,a dhismaha uu kujiro, ayaa misana waxaa dadka ka yaabiya sida uusan u kala jeclayn isla markaana mar walba oo uu ka muuqdo TV-yada waxuu muujiyaa niyad bir ah waana midaas mida yuhuudu aay liqi la,ayihiin.

Waxaa la sheegaa in niyadaan birta ee carafaat aay salka ku hayso rumeysnaantiisa iyo ku dhaqankiisa diinta Islaamka, taasoo siinaysa awood iyo karti uu ku shaqeeyo,waxaa dadka aadka ugu dhoow Carafaat aay xaqiijiyen inuu Salaadaha joogto u tukado, islamarkaana uu isku arko ama isku haysto nin ku jooga raadkii saxaabada, islamarkaana u taagan halganka iyo soo celinta iyo dhowrista dhulka barakaysan ee Ambiyada Ilaahay markii Diyaaradu la qarxaysay ayaa la sheegay inuu afka ku hayay aayado quraan ah islamarkaana waxuu ku dhawaaqay “ Abu-Jihaadoow waan kugu soo biirayaa” abu-Jihaad waa hogaamiye falastiini ah oo sideetamaadkii yuhuudu shirqool ku dileen.

Xiligii uu qaahira ardayga ka ahaa carafaat waxuuu xubin ka noqday dhaqdhaqaaqii Ikhwaanul muslimiinka taasoo darteed mar loo xirey 1954. Carafaat waxuu aaminsan yahay in halganka falastiin uu yahay mid diinta salka ku haya isagoo marar badan daliilsada aayadoha quraanka ah ee ka hadlaya Barakada Qudus.

Waxyaabahaas oo dhan iyo waxyaalo kale oo farabadan marka la isku daro waxay muujinaysaa go,aanka Izreal aay uga hari-la,adahay Carafaat inaay tahay khatarta ninkaani ku yahay jiritaankeeda iyo kaalinta taariikhiga ah ee uu kaga jiro halganka reer falastiin, haday dishana waxuu noqon doonaa khasaaro ba,an iyo jab aan laga soo waaqsan oo lasoo gudboonaada halganka shacabka dhiban ee Falastiin.

Siciid Ciid(Himilo)
shariifka@yahoo.com

 QORAALADII HORE EE SICIID HIMILO

Faafin: SomaliTalk.com | October 6, 2003

Col. QADDAAFI WAA KUMA?...  

Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku saxiixan

.. WARAYSIGII ABDULLAHI NUUR SALXAAN UU SIIYEY SOMALITALK

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD