SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI

March 22, 2004  

Maxamed Dheere: Maxamed Qanyare Wuxuu Ka Ganacsadaa Daroogada

Max,ed Qanyare iyo Max,ed Dheere oo hadalo kulul hawadda isu marsiiyay .

  • Qanyare oo ku tilmaamay Maxamed Dheere nin aan mudnayn in loo Jawaabo.
Gudoomiyaha USC G8 Max,ed Qanyare Afrax ayaa si kulul uga jawaabay hadal uu dhawaan shaaciyay Max,ed dheere kaas oo uu ku sheegay in Max,ed Qanyare uu ka ganacsado darooggadda .

Max,ed Qanyare ayaa sheegay in uusan Max,ed Dheere la tirsaneyn maadaama uu ku hadaqaay hadalo aan munaasab aheyn oo habaar uun u eg.

Aniga sigaar ,jaad iyo Qamro intaba waa ka Nasahanahay mana cuno ,salaadda ilaaheeyna waa dukadaa.ayuu yiri Qanyare.

Qanyare ayaa sheegay in Max,ed dheere uusan siyaasad ahaan mudneeyn in loo jawaabo dadkiisana aysan taas ogoleyn balse Max,ed dheere waxaa uu ka xun yahay aadna uga naxsan yahay doorashadda oo uu aaminsan yahay inaan noqon karo mid ku guuleeysan doono,waxaana Max,ed dheere dhahayaa waa dhamaatay xilligii isbaaradda ee Qumaynimadda iska dhaaf ayuu yiri Max,ed Qanyare afrax oo ah siyaasi ku dhabar adeegayo shirka Somalida uga socdo Mbagahti inuu mirra dhalo.

Gudoomiyaha Gollaha Abaabulka Max,ed Cumar Xabeeb,Max,ed Dheere oo hadalka Qanyare kadib nala soo xiriiray ayaa sheegay isagana in uu Qanyare yahay siyaasi damac badan oo isku Haleeynayo lacag uu daroogo ka tabcay,waxaa uuna sheegay in ka ganacsigga Xashiishadda iyo Budada ee Max,ed Qanyare afrax ay tahay mid cad oo xitaa wiilkiisa loogga soo masaafuriyay dalka kenya ,waxaa uuna intaas ku daray in Darajadda iyo Awooda Max,ed Qanyare uu ku leeyahay gudaha Soomaaliya ay tahay mid aad u yar oo dhawaan uu shacabka tusi doono waxa ay tahay shaqsiyadda Qanyare.

Qanyare hadii uu siyaasadda kali ku Noqday maaha inuu dadka ISLII mbagathi geeyo ee waa inuu dhinac ka raaco dadkiisa ayuu yiri Max,ed dheere oo sheegay inuusan marna raaci doonin dowlad ay ku jiraan Max,ed Qanyare iyo kuwa la mid ka ah sidda uu hadalka u dhigay.

si kastaba ha ahaatee hadaladda aflagaadada iyo mucaaraddada siyaasadeed ee labadda mas,uul hawadda isu mariyeen ayaa ah mid muujineeyso sidda ay siyaasadda ugu kala fogyihiin ,waxaa ayna arrintaan ku soo aaday xilli Max,ed Qanyare dhexda u dhuuqsaday inuu isu keeno hogaamiyayaasha TNG da Cabdi Qaasim, Bulshadda Rayidka ah ee Jaaamac Max,ed Qaalib,Gollaha Samatabixinta Qaranka,Iyo SRRC da qaarkood oo si isku duubni ah u muujinayo sidda ay raali uga yihiin in shirka u gudbo wejjigga 3aad halka xullufadda Max,ed Dheere ,Maamul goboleedka Puntland iyo SRRC da qaarkood ay iyagana ka soo horjeedaan taas oo ay ka aaminsan yihiin qalad.

Marka laga soo tago aflagaaddada labadda Mas,uul; ay u adeegsadeen saxaafdda waxaa laga warsugayaa tilaabadda xigta ee kala gaarto labadaas hogaamiye iyo kan ku adkaado kubadda siyaasadda ee Rigooradda u taal.

Dahir Abdulle ALasow Nairobi
weriyahashirka@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com | March 22, 2004 

NB .hadaladda labadda Mas,uul waxaa ay isku weeydaarsadeen idaacada shabeele ,waxaana ku horeeyay Max,ed dheere,Max,ed Qanyare ayaa isagana taas ka jawaabay,kadibna Max,ed dheere ayaa la soo xiriray weriye dahir yare isagoo joogo Magaaladda jowhar ,isagoo wareeysi labaad bixiyay.

Qanyare oo ku tilmaamay Maxamed Dheere nin aan mudnayn in loo Jawaabo.


Maxamed Qanyare

Guddoomiyaha Kooxda G-8, Maxamed Qanyare Afrax ayaa cambaareeyay dalalka hubka soo galinayo Somalia iyo Kooxaha loo keenayo,

Qanyare oo xalay ka hadlayay Magaaladda Nairobi ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha caalamkuba ay og yihiin dalalka ku yaala gobalka ee Hubka soo galinaya Somalia, Wuxuuna sheegay in Kooxaha Soomaalida ah ee Hubka u yimid loogu soo dhiibay dadkooda dabkii ay ku gubi lahaayeen sidaas darteedna waxa uu ugu baaqay inay aqbalaan fariimaha nabad doonimadda ah halka ay qaateen hubka dagaalka lagu hurinayo,

Qanyare waxa uu sheegay in Kooxaha Soomaalida ah ee nabada diidan aaqirka la horgayn doono Maxkamad dambiyo dagaal, Wuxuuna sheegay in go’aankaasi ay si wayn ugu ololaynayso Beesha Caalamku, laakiin waxa uu sheegay inayba yar yihiin inta hogaamiyayaal uu aqoonsan yahay ee shirka diidan,

Mar la waydiiyay Qanyare eedaynta uu u soo jeediyay Maxamed Dheere ee uu ku sheegay inuu ka ganacsado Qanyare Maandooriyayaasha waxa uu ku tilmaamay eedayntaasi mid aan xaqiiqda ku fadhin, Wuxuuse ka gaabsaday inuu shaqsiyan u jawaabo Qanyare oo uu sheegay in haddii uu hadalkiisa jawaab ka bixiyo ay taageerayaashiisu uga caroon doonaan sababta uu Maxamed Dheere ugu jawaabay, maadaama sida uu sheegay uusan ahayn siyaasi Waa sida uu hadalka u dhigayee, Laakiin waxa uu Qanyare sheegay inuu diyaar u yahay in la baaro waxa ka jira eedayntaasi, uuna jawaabteeda u daynayo shacabka Soomaaliyeed iyo hay’adaha ku shaqada leh ka hortagga Maandooriyayaasha,

Maxamed Dheere oo ka taliya Magaaladda Jawhar ayaa dhawaan ku eedeeyay Qanyare inuu ka ganacsade daroogadda isla markaana uusan doonayn dawlad ka dhalata Somalia, Wuxuuna dhinaca kale eedayn taas la mid ah u jeediyay Mawliid Macaane oo uu ku tilmaamay nin aan lahayn deegaan uu ku soo laabto isla markaana uu Kafiil ka yahay Cusmaan Caato, waa sida uu hadalka u yiriyee.

W/Q.C/wali Ibraahim Aadan (Garyare)
garyare@msn.com

LIFAAQ 1:

Daroogada Lagu Beero Webiyada Soomaaliya
Warbixintii Hay’adda Nabadda iyo Xaquuqda Aadanaha ee Elman ee sannadkan waxaa kamid ahaa: in Hay’addu  wareysatay dad beeralay ah waxayna hay’ada u sheegeen in deegaankaan lagu beeri jiray daroogada, xashiishada balse aysan hada jirin wax daroogo ah oo hada beeran waayo majiraan biyo wabiguna waa guray oo ma wado wax biyo ah daroogaduna waxay u baahantahay biyo saa;id ah ayadoo loo waraabiyo sida bariiska oo kale, waxaa kaloo ka mid ahaa dadka aan waraysanay gabar naga codsatay in aan magaceeda la sheegin ayaa waxay noo sheegtay in bishii November iyo December in ayadu ay beeratay daroogada waxaana iiga soogay ayay tiri sided kiish oo daroogo ah waxayna noo sheegtay in aysan jirin wax koontoroola beerahooda ayna jiraan rag had iyo jeer u taagan iney beeraan daroogadaas, ayadoo weliba qaarkood ay u wareegeen dhinaca degmada janaale ayagoo halkaa ka wada hawlo ay ku hormarinayaan daroogada. Guji

LIFAAQ 2:

Magaaladda Boosaaso oo Lagu Gubey Xashiishad  iyo Khamri
Waa yadaanba waxaa ku soo qul qulaayey Gobolada PL gaar ahaan Magaalada Boosaaso Noocyada Daroogada sida Xashiishad iyo Khamri aad u tirabadan, taa soo aan horay looga aqoon Goboladan ayna soo galiyaan dad Ganacsato ah oo kala yimaada Koonfurta Soomaaliya iyo Itoobiya.
Guji...

LIFAAQ 3:

QASHINKA IYO SUNTA HALISTAA EE LOO DHOOFIYO SOOMAALIYA
Ka akhri warbixintii Bashir Sh. Mohamed (PhD), warbixintaas oo ka kooban 9 qaybood...
Guji

LIFAAQ 4:

Aflaanta anshaxa xun, ruugidda Qaadka iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA
Warbixintii
Cabdi Xasan Cali

LIFAAQ 5:

Sunta Lagu Duugo Soomaaliya Raadka ay ku Reebtay Caafimaadka Soomaalida

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD