SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MINNEAPOLIS
March 10, 2004  

Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo Soo Saaray Warqad Furan


WARQAD FURAN (Open Letter)

Maarso 9, 2004

Ujeeddo: DOORASHO MADAX QARAMEED ee Jamhuuriyadda Soomaaliyeed.

Hadal-keyga waxaan ku bilaayaa “wax weyddiin” (su’aalo):

S (= su’aal): Akhriyow (Soomaali) ma rabtaa in nabad, xasillooni iyo midnimo lagu soo dabbaalo waddankaaga hooyo, Soomaaliya?.

J (= jawaab): Waxaan filayaa in jawaabtu noqondoonto: HAA (maxaa kale!).

S : Sideebaa lagu heli karaa, xaggeese laga bilaabi karaa?

crisaaq
CabdiRisaaq Xaaji Xuseen
Ra'iisul Wasaare Soomaaliya: 14 Jun 1964 - 15 Jul 1967

J : Waxaan filayaa in lagu kala duwanaan karo jawaabaha labadaan su’aalood. Haddiise, metalan, qof soo jeeddiyo in sida lagu heli karaa ay tahay iyadoo la helo madax daacad ah, karti iyo aqoon dhab ah leh, kasbi karta kalsoonida aqlibiyada dadweyneha, inkastoo ummaddii loo kala qaybiyey reer-reer iyo qoys-qoys qoryo isu haysta. Waxaa laga bilaabi karaa is-doorashada la filayo/rajeynayo in dhawaan laga sameeyo shirka dib-u-heshisiinta ee ka socda dalka Kenya. Qofkee haya ra’yi ka mac-quulsan mid kaas? Ka dhig iyadoo la isla oggolaaday jawaabahaan: Madax daacad ah…… oo lagu doorto shirka Kenya.

Waa hagaag (fiican badan!). Ma ku heshiin karnaa micnaha “madax daacad ah”?. Alle ha sahlo!. Dareenka guud ee haataan ka jira ummada dhexdeeda, madax daacad ah “ waxaa badiba qofku u arkaa kan la qabiilkiisa ah. Kaan ahayn qabiilkiisa daacad maaha, sidaa darteedna ma oggola madaxnimadiisa. Haddii la ogsoonyahay in waddanku uusan yeelan karin hal madaxweyne, hal ra’iisul wusaare iyo hal ra’iisul baarlamaan ka badan, sidee la yeeli karaa? Markaas, labo talo midkood ayaa gudboon: ha la iska illoobo midnimo iyo dawladnimo, oo aan ku joogno sida haatan xaaladdu tahay iyo si ka sii xun; ama haddii kale, waa in dib looga fiirsado xikmadda ku salaysan in wax kasta lagu qiimeeyo aragti qabyaaladeed keliya.

Inkastoo aan garan karo jawiga waqtigaas jiray, weli waxaan rumeysnahay in qalad weyn iyo aragti gaaban ayey ahayd markii shirkii Carta (Arta), ee Djibouti, lagu sharciyeeyey in talada ama maamulka qaranka saldhig looga dhigo fiiro qabyaaladeed (4.5). Intii ay cambaareyn lahaayeyn qabyaaladdii sababtay xasuuqii iyo bur-burkii dagaallada sokeeye keeneen, ee markaas ay ku dadaali lahaayeen soo noleynta ama xoojinta wacyi waddaninimo iyo qowmiyadnimo (national consciousness and national belonging), dadkii shirkaas ka qayb galay waxay, si aan toos ahayn (indirect), muujiyeen in sababta dagaalladasi ku dhaceen ay jid/gar ahayd, ee sidaas darteed qabyaaladdu, hadda ka dib, noqotaa mitirka talo qaybsiga qarameed lagu jaangooyo. Si dhug leh ma loogu dhabba galay sida nidaam qabyaaladeed iyo mid qarameed ay u heshiin karaan?

Waxaan rajaynayaa in ummadu badiba aysan rabin inay ku sii jirto bur-bur iyo midnimo/qaran la’aan. Haddii taasi jirto, soo waa waajib maaha in xoogga la saaro sidii fikradaas loo hirgalin lahaa ee looga bixi lahaa xaaladda murugta iyo xanuunka weyn leh ee haatan lagu suganyahay. Tallaabada ugu horreysa waa sidii loo heli lahaa madaxda MAANTA loo baahan-yahay: daacad, caddaalad/sinnaan (eex qabiil iyo qaraabo kiil la’aan) joogto ah, u hoggaansan sharciga iyo qaynuunka (“strictly observing and respecting the rule of law”), uguna dhaqma awoodda (mas’uuliyada) lagu sharfay in danta guud ay u adeegsadaan ee aysan u adeegsan danahooda gaarka ah iyo kuwa qoysaskooda.

Haddii intaas kor ku xusan la isla garto, waxaa soo haray sidii loo xaqiijin lahaa ama loo fulin lahaa. Waa arrin daacadnimo, dadaal iyo geesinnimo u baahan, siiba dadka dhallinyarada ah ee aayahoodu si gaar ah ugu xiran-yahay sugidda tallaabooyin kaas.

Waxaa loo baahnaan karaa in dib loo jalleeco ama loo fiirsho wixii la soo maray 40kii sano ee la soo dhaafay, wixii dhacay iyo sida ay ku dhaceen, iyadoo la iska ilaalinayo eedeyn, iyo been abuur aan raad run ah taariikhda dhabta ah ku lahayn. Dib-u-jalleecaas waxaa badiba loogu baahan yahay in la xasuusto qaladdaadkii dhacay si looga gaashaanto in aysan dib u dhicin, horona looga socdo ee aysan naftoodu noqon caqabad.

Arar dheer ka dib, sidee “matoorka” (‘engine”-ka) loo kiciyaa?. Mee furihii?. Furihii derbi dhagax ah ay ka so keeya: waa qabyaalad iyo tiro ku faan. Bal wixii ka horreeyey iska daaye, 14tii sano ee dagaallada sokeeye socdeen, maxaan ka helnay qabyaalad iyo tiro ku faan?. Jawaabta laga filan karo qofkii daacad ah amase dan gaar ah wadan, waa balo, baas iyo bur-bur aan sahal looga soo kaban doonin.

Ku soo dhawow arrinta dulucdeeda: Sidee loo heli karaa madax suubban oo si daacad ah u rumeysan nabadeynta, dib-u heshisiinta, isu soo dumidda iyo dhayidda dhaawaca weyn ee colaadihii sokeeye reebeen; madaxdaasoo, isla mar kaasna, xooggooda iyo kuwa dadweynahaba isugu gaynaya dib-u-dhiska iyo dib-u-habeynta qaraneed/dawladeed si loo soo nooleeyo ama celiyo sharaftii iyo magacii ummadda.

Waxaa Soomaalida qaarkeed tiraahdaa: “NIN YIRI ANIGA’, dad iska reeb”. NIN waxaa looga jeedaa QOF. Anigoo taas tix-raacaya, waxaan soo jeedinayaa, ka dib markaan in muddo ah arrintaan ka fakaray oo ka fakaray, in maanta arrinta dhabbe cusub loo jeexo. “Bal shab-shablana ku day “ (waa maah-maah). Maxaan ula jeedaa dhabbe cusub?. Sida la wada ogsoon-yahay, waxaa jira (jirta) labo reer oo si gaar ah isu fiirsanaya ama u ficil-tamaya: D (=Daaroot) iyo H(= Hawiye). Labadaan reer si weyn ayey wax u kala tirsanayaan. Waa sheeko muddo dheer soo socotay, welina socota. Dadweynaha kalena wax weyn ayuu ka tirsanayaa labadoodaba.

Hoggaanga xukunka oo labada reer (D iyo H) midkood ama labaduba qabtaan wuxuu noqon karaa qoryo xansaso ah oo dab la saaray?. Intii ay xoogga saari lahaayeen wacyi waddaninimo iyo horumar guud, waxay waqti iyo maalba ku lumen-doonaan tartan, awood ku looltan(power struggle) iyo xoog-qabiil isugu faan, taasoo deg-deg u horseedi karta colaad cusub iyo sii kala fogaansho horleh. Qiyaas cad ayaa laga qaadan karaa sansaanka iyo “record”-ka dadka maanta walaalahay D iyo H safka hore ugu jira loollanka hogaanka xukunka.

Ummadu waa ka daashay dagaal iyo xunguruf ku salaysan qabyaalad, oo koox yari danaheeda gaar ah ku beer dulucsato. Dadweynahu taas waa ku liqanyooday, waxaanaan rajaynayaa inuu ka soo jeedo. Wuxuu maanta doonayaa (maaha u baahan-yahay) nabad, xasillooni, dib-u-heshisiin iyo dib-u-dhisid, si uu uga soo kabto bur-burkii iyo barakacii uu ku soo jiray in ka badan 14 sano.

Sidaas darteed, daawadu maanta waxay ku jirtaa in labadaan reer ay ka tanaasulaan saddexda jago ee u sarreeya jagooyinka qaranka: Madaxweyne, Ra’iisul Baarlamaa iyo Ra’iisul Wusaare 5ta sano oo KMG ah. Saddexdaas jago waa in loo doortaa madax ka soo jeedda dadweynaha kale ee aan ku abtirsan labadaas reer (D iyo H).

Dadweynahaas kale wuxuu tabanayaa, dhabna ah, xaq darrooyin iyo tacaddi; wuxuuna sheeganayaa, oo badibana wax ka jiraan (si ay ku noqotayba), in laga bursaday talada/ maamul qarameedka, ilaa qaarkood ku dhawaaqay goosasho. Arrimahaasu garowsho iyo daawo ayey u baahanyin ama mudanyihiin, waana ayaan darro haddii si weyn loo tixgelin waayo.

Walaalahay D iyo H waa inay si fiican uga fiirsadaan taladaan. Kursi qof iyo labo ku fariisato, waxaa ka faa’ido badan daryeelka danta guud. Waa ogahay in qofkii rabaa oran karo dad gaar ah ayaa Cabdirisaaq ula jeedaa taladaan. Anigu waxaan leeyahay, oo iga dhab ah, qof (qofaf) toona ulama jeedo. Waa arrin iigu muuqatay in daawo ay u noqon karto xaaladda maanta lagu suganyahay. Waa talo dabin looga boodayo, ee maaha mid loola jeedo “joogto”. Waa shan taan sano oo lagu magacaabay “Ku Meel Gaar (KMG)”. Xukunku maaha, oo keliya, madaxweyne iyo ra’iisul wusaare, iwm. Walaalahay D iyo H saami weyne ayey ka qaadan karaan maamulka dawladda, waxayna ka ciyaari karaan dowr weyn dib-u-heshisiinta iyo dib-u-dhiska qarankooda, waana ku waajib. Sidaas bayna magac, muunad (sharaf) iyo tixgelin weyn kaga kasbi karaan dadweynaha Soomaaliyeed iyo adduunweynahaba. Maxaa ka sharaf iyo qiimo badan xaqaaga oo aad uga tanasushay daryeelka danta (maslaxadda) guud ee Qaranka?

Madaxweyne Aaden Cabdille Cusmaan (Aden Adde) waxaa laga dhaxlay erayo qiimo weyn u leh nidaamka ku dhisan in talada qaranka loo simanyahay. Wuxuu mar ka badan fagaare kaga dhawaaqay: ‘Dadku ha kala barto raggiisa (madaxdiisa)’. Muxuu ula jeeday?. Wuxuu ula jeeday : xukunka waa in loo sinnaadaa, oo hadba qofof talada loo dhiibaa, si dadweynahu u kala bartaan madaxdooda iyo si ay u caddaato in qof/qofof ama reer/reero gaar ahi aysan si joogto ah u layn hoggaanka xukunka. Haddii aan si kale u dhaho. Wuxuu, Mudane Aadan, u la jeeday in qabashada mas’uuliyad qarameed “yuu yahay” aysan muhim ahayn ee “muxuu yahay” ay tahay su’aasha loo baahanyay.

Waa in la gaaraa maalin la’ ogaado in tiro qabiil aysan noqon karin mitirka wax lagu jaangooyo, ee mitirku noqdaa heer aqooneed, daacadnimo, dadaal gaar ah, caddaalad, dammiir ama dun fiicni, Alle ka cabsi, iwm. Faraqa ku jira “Yuu yahay” iyo “muxuu yahay” waxaa metaal ama markhaati cad, oo la taaban karo, u ah Mudane Aadan Cabdulle qudhiisa. Daacadnimadiisa, eexasho la’aantiisa, dadaalkiisa iyo kartidiisa (muxuu yahay ) weeye wuxuu ku kasbay in lagu magacaabo: “Aabbihii Qaranka” (Father of the Nation).

Haddii, sidaan rajaynayo, taladaasi saameyn yeelato, markaas waxaa lagama maar-maan ah in la helo madax leh tilmaamaha/sifooyinka kor ku xusan iwm, oo la rajayn karo inay kasbi karaan, haddii fursad la siiyo, kalsoonida dadweynaha, iyagoo mar kasta xasuusan sababta ay hoggaanga ku kasbeen iyo iyagoo ficil ku muujinaya in “muxuu yahay” ay ka khayr roonaan karto “yuu yahay”.

Eebbow adigaa naga og wixii khayr ah, ee na waafaji, aammiin.

Cabdirisaaq Xaaji Xuseen
Ra’iisul Wusaare hore
hussen100@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com |  March 10, 2004

QORAALADII HORE EE C/RISAAQ XAAJI XUSEEN:

Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo Soo Saaray Dhanbaal u socda Madax-dhaqameedyada Soomaaliyeed ee jooga Shirka Nabadaynta

Ma runbaa in shirkani yahay nabadayn mise waa abaal marin qabqablayaasha dagaalka?

Nidaamka Federalku Makashaqayn Karaa Soomaaliya!

Dhanbaalkii Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo AfSoomaali Loo Rogey:

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]