SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MINNNESOTA

Shirka nabadaynta iyo dib-uheshiisiinta Soomaaliyeed ee Kenya.

(Ma runbaa in shirkani yahay nabadayn mise waa abaal marin qabqablayaasha dagaalka?).

English Version ... Guji halkan

NEW CORRECTED EDITION:
crisaaq CabdiRisaaq Xaaji Xuseen
Ra'iisul Wasaare Soomaaliya: 14 Jun 1964 - 15 Jul 1967

Cabdiriqaaq Xaaji Xuseen oo soo saaray ayaa wuxuu ku cabiray fikradiisa ku aadan ujeedada shirka Kenya, ururka IGAD iyo madax-dhaqameedyada. Qoraalkaas waxa C/Risaaq ku bilaabay in uu sida ay Soomaali farabadani u xiisaynayaan uu ula socdey shirka Soomaalida ee ka socda Kenya, waxana uu tilmaamay in uu xiisa gaar ah u hayey lasocodka arinta la xiriirta casumaadii hogaan dhaqameedyada ee shirka lagu casumey qaybtiisii saddexaad.

Waxa uu Cabdirisaaq durbadiiba qoraalkiisa ku xusay in haba-yaraatee uusan qofna ku xadgudbayn, laakiin sida uu tilmaamay in arinta meesha (shirka) lagu hayaa ay tahay mid aad muhiimad weyn u leh ummada Soomaaliyeed, sidaas darteedna loo baahan yahay in qofku si waadax ah oo aan daah saarayn uu fikradiisa u cabiro.

Cabdirsaaq waxa uu si cad qoraalkiisa ugu sheegay in hoggaamiyayasha dhaqanka xulashadooda iyo keenistoodaba ay IGAD markii horeba kala tashatay oo keliya madaxda kooxaha hubeysan oo ay IGAD u aqoonsan tahay inay yihiin kuwa kaliya ee taladu ka go'do. Cabdirisaaq wuxuu kaloo sheegay in uu akhriyey magacyada liis ka kooban 50 ilaa 60 madax dhaqameedyo, kuwaas oo uu is leeyahay qaarkood waa la tuhmi karaa inaysan soo jireen ahayn.

Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo hadalkiisii sii wata waxa uu yiri waxaan rumaysnahay in badan oo kamid ah 'madax dhaqameedyada" yimid Nairobi, oo degdega iyo fiirsasho la'aanta ku aqbalay dhaarta loo qaabeeyey inay yihiin kuwo lasoo qortay balse aysan ahayn madaxdii hidaha. Madax dhaqameedyadii rasmiga ahaa waxay isugu jiraan kuwo la reebay ama kuwo ka cudurdaartay dhaartaas.

Cabdirisaaq wuxuu u riyaaqay hadalkii gudoomiye Kipligat ku yiri markii uu la hadlayey madax dhaqameedyada waa in madax dhaqameedyadu aysan cidna uga haybaysan wixii dan u'ah dadka iyo dalkaba maadama iyagu dhaqan ahaan ay leeyihiin gudoonka kama dambaysta ah ee bulshada.Iyagoo ku hiranaya dhaqankii qarniyaasha soo jiray ee Soomaaliyeed.

Waxa laga reebay shirka, ayuu yiri C/Risaaq, dadkii lafdhabarta u ah bulshada sida, hogaan dhaqameedyadii qaarkood , culimaa udiinkii ,ganacsatadii ,ururada dhalinyarada iyo sidoo kale ururadii haweenka. Waxaa kuwaas meeshoodii la so ogaliyey madaxda kooxaha hubeysan iyo taageerayaasha iyaga daacada u'ah. Taasina ma muujinayso in shirku noqdo mid dhala mirihii laga rajaynayey.

C/Risaaq waxa uu yiri IGAD waxaa laga yaabaa in ay hadalkayga ka hor timaado ayagoo sheeganaya in 100 kamid ah 300 boqol oo qof ee IGAD ay ku dartay shirka ay ahaayeen bulshada rayidka. Taas waxaan kaga jawaabilahaa ayuu yiri in markii horeba ay ahayd in saddex-meelood oo laba meelood ama 200 ay noqdaan bulshada rayidka ahmaadaama ay iyagu ay matalayaan bulshada. Boqolka lasoo xulayna waxaa lagu soo xulay ayuu yiri la tashiga iyo ogolaanshaha madaxda kooxaha hubeysan. C/Risaaq Xaaji Xuseen waxa uu hadalkiisii kusoo gabagabeeyey in dulucda dhambaalkiisani yahay " baraarujin" labaad eek u wajahan bulshada rayidka ah gaar ahaan madax dhaqameedyada haatan jooga shirka dib uheshiisiinta Soomaaliyeed ee Kenya,isagoo uga digaya inay ka feejignaadaan wax kasta oo dhaawici kara sharaftooda.

Maadaama ay yihiin rajada kaliya ee bulshada uhartay,hadii shirkani miraha la rajaynayo dhali waayo.

Qoraalka dheer ee oo uu ku saxiixnaa C/Risaaq Xaaji Xuseen oo ku qoraa Af-Ingiriisi ka akhri halkan

C/Risaaq Xaaji Xuseen Waxaa lagala xiriiri karaa:
e-mail: Hussen554@AOL.com 

Tarjuamdii SomaliTalk.com | August 13, 2003 | Update: Aug 14, 2003

LIFAAQ:

XUSUUSIN: Qoraalka tarjumada ah waa tarjumo labaad oo sax ah.

Cabdirisaaq Xaasji Xuseeen: ayaa sheegay in Madax-dhaqameedyada Jooga Kenya la doonayo in laga dhigto Maqaar-Saar"

XUSUUSIN: Tarjumada sare ayaa sax ah, tii hore ee ahayd "Madax-dhaqameedyada Jooga Kenya waa Maqaar-Saar" ma ahan tarjuma saxda ah.

C/Risaaq Xaaji Xuseen oo Soosaaray Dhambaal
u socda Madax-dhaqameedyada Soomaaliyeed ee jooga Shirka Nabadaynta iyo Dib-U-Heshiisiinta Somaaliyeed, Nairobi Guji...


C/risaaq Xaaji Xuseen oo Itoobiya Cambaareeyey
& Ingiriiska oo beeniayy baaqii Meles Zenaawi ee Abaarta.. XORIYO

 Waraysigii Wargeyska Sahan ee May 6, 2001

Dhambaalkii C/Risaaq Xaaji Xuseen oo Afsoomaali loorogey
Tarjumadii Axmed F. Cali idaajaa

eng http://somalitalk.members.easyspace.com/crisaq/crisaq2.html

Cudurdaarkii C/Risaaq Xaaji Xuseen uu ka cudur daartay guddoomiyenimadii gudiga qaran ee dib u heshiisiinta July 2001 http://yool.somalitalk.com/2001/july/25072001.html


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD