SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SAYNISKA
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
March 29, 2004

M.DHEEROOW WAXAAD LA DAGAALAMEE DAD MAAHANE WAA DIINTA DAA'IMKAA (Ra'yi) D.F.Kulmie

Allaa Weyn mahad oo dhana mudan, Nabigeena Muxammed(SCW) nabad gelyo iyo naxariis Allaha yeelo,Aamiin.

Waxaa Qoraa Caalim ah oo u dhashay Muritania uu sheegay:

“Inay jirtay gabar yar oo ka dhalatay cid aad u dhaqan iyo hido wanaagsan, gabadhaas oo dhigata dugsiga dhexe, xiratana dharka dheerdheer ee dumarku isku asturo, maalin maalmaha kamid ayaa waxaa si qaylo iyo canaan leh ula hadashay macalimad kamid ah macalimiinta dugsigaas, iyada oo ugu hanjabaysa inaysan markale dharkaan dhaadheer soo xiran, gabadhii yareyd dheg uma dhigin oo labiskeedii ayey usoo xiratay iskuulkii, balse arintaasi waxay ka caraysiisay(xanaajisay) macalimadii, iyada oo si xun ugu qaylinaysa ayey ku tiri hadaad maalin danbe latimaadid dharkaan waxaan kaa cayrinayaa iskuulka, gabadhii oo markii hore ka qarinaysay waalidkeed arintaas ayaa u sheegtay hooyadeed, hooyadii ayaa ku tiri “gabadhediiyeey hadaba Allah Weyne isagu waxaa uu doonayaa dharkan”.

Gabadhii taladii hooyadeed ayey qaadatay waxayna sidii caadadeeda ahayd labisatay dharkeedii dheeraa. Macalimadii ayaa iyaduna sidii hore si kadaran u canaanatay ardayadii yareyd. Gabadhii iyada oo ilmaynaysa awoodna aan ulahayn inay indhaheeda ku eegto macalimada ayaa tiri “ Illaahay ayaan ku dhaartaye garan mayo cid aan ka amar qaato adiga (macalimada ah) ama isaga”.

Macalimadii ayaa tiri “oo waayo isaga aad sheegaysaa?”.

Gabadhii ayaa waxay ugu jawaabtay “Rabbiga aniga iyo adigaba na abuuray oo naga dhigay qof dhan oo dhamaystiran, marka ma isaga ayaan maqlaa amarkiisa oo aan u labistaa sidan aadan doonayn mise adiga ayaan kumaqlaa dabadeedna waan kucaasiyaa isaga,waxayna raacisay maya..maya..maya isaga amarkiisa ayaan qaadanayaa wixii dhacayaana habadhaceen”.

Macalimadii iyada oo dareenkeedii isbadalay murugo iyo tiiraanyo weynina kamuuqato ayey waxay udirtay gabadhii waalidkeed. Hooyadii dhashay gabadha ayaa lakulantay macalimadii waxayna macalimadii tiri “ Allah Weyne wanaag hakugu abaalmariyo barbaarinta wanaagsan ee aad gabadhaada yar ku korisay, (Aamiin) gabadhaadu waxay i garan siisay Allaha i abuuray waxaan kala garan waayey inaan la waramayo gabar yar iyo inaan lahadlayo afhayeen!! Allah Weyne ayaana u noqday oo aan weydiisanayaa inuu ii dhaafo wixii danbi iyo dulmi iga dhacay”.

Marka ugu horeysa waxaan guud ahaan murugo iyo tiiraanyo la qaybasanayaa dadka muslimiinta soomaaliyeed ee ku hoos nool Qoreyga iyo dulmiga ay ku hayaan dabadhilifyada Tigreyaha ee uu kamid ka yahay M/DHEERE, sigaar ahna dumarka loo taxaabay xabsiyada iyaga oo waxa aygeysteen kaliya ay tahay inay ku raali noqdeen oo ay raaceen amarada Rabbigood, kuwaas oo aan haysan cidkale oo difaacda Alle weyne maahane Isaga ayaase ugu filan difaac iyo hiilo (Subxaanahu Wabixamdih).

Marka xigtana waxaan u hambalyeynayaa Hooyooyinka iyo Gabdhaha aan handadaada nuucaas ah dhegaha udhigin. Waxaana aan xasuusinayaa dumarkaas lagu dulminaayo dhulkooda hooyo, in M/DHEERE uu kibir iyo awood sheegasho uga horeeyen nin laguna magacaabi jiray (AWEYS AL-CINSI) kaas oo samaystay Jabhad uu ugu magac daray (JABHADA KAJEEDISA JIDKA ALLE). Ninkaasi waxaa uu dil iyo bililiqo kula kacay muslimiintii ku hoos noolaa xukuumadiisii, muslimiintiina waxaa uu kadhigay kuwa uu dilo iyo kuwa kacarara, waxaana kamid ahaa dadkii uu dilka foolka xun ladamacsanaa nin lagu magacaabo Abu-muslim Al-Khowlani, oo loo shiday dab Alle Weyne maahane cid kale aysan qiyaasi karin inta uu la’eg yahay dabkaasi. Markii lakeenay ninkaas oo gacmaha iyo lugaha ka xirxiran si loogu rido dabkaas ayuu ku yiri “kalaabo diintan islaamka aan ku dhaafo’e”.

FIRCOON IYO AFADIISII
Xaaskii Fircoon Tumay ahayd?
Fircoon Nin Caynkee ah Buu ahaa?... Akhri [WQ. C/Fatax]

» QISADII NEBI MUUSE: QAYBTII 2aad
 

Abu-muslim waxaa uu yiri waxay ku yiraahdeen Sixiroole-yaalkii Fircoon markay rumeeyeen Rabbigood oo ay raaceen Rasuulkii Rabbi Weyne ee Muse (CS),

“Xukmi waxaad samayn kartid waxaad kaliya oo aad wax xukminaysaa waa noloshan iska gaabane”!!.

Waxaan rajaynayaa inaysan ka qarsoonayn cidna waxa dabadhilifyada Tigregu ku hayaan dulmi guud ahaan ummadeena meelkasta oo ay joogaan gaar ahaana dadka degan inta uu kataliyo M/DHEERE.

Ilaa markii Gudoomiyaha Ururka Dumis Qarameedka Soomaaliyeed M/ DHEERE uu xooga iyo Dulmiga ku qabsaday dhulka Jowhar una suurta gashay inuu gacanta ku dhigo, ayuu si naxariisdaro ah kula kacay xasuuq iyo xoola dhac u dhaxeeya Qaran iyo Qaraabo, hadana kuma ekaan dulmiyada uu kagalayo dadkiisa iyo dalkiisa’e wuxuu hadana Af iyo Adinba kula kacay isaga oo ku hadlaya afka M. Zenawi matalayana Gudoomiyaha jabhadii Aweys Al-Cinsi ee (Jabhada.Kajeedisa. Jidka. Alle) ayuu xabsiyada dhigay dumar muslimiin soomaaliyeed oo fuliyey kaliya amaradii Illaahii abuurtay. M/DHEERE isaga oo qaac isku qarinayana waxaa uu sheegay.

IN UU YAHAY NIN ISLAAM AH, HASA’AHAATEE UU KU QASBAN YAHAY INUU JOOJIYO XIRASHADA XIJAABKA SI UU U BAAJIYO DILKA AY GALAAN DADKA MUSLIMIINTA ASAL-RAACA AH”.

Su’aashu waxay tahay waa maxay islaam-nimada uu sheeganayo M/DHEERE hadana uu mamnuucayo xabsiyadana dhigayo dumarkii sitay astaamihii iyo sumadihii lagu yaqiin magaca islaam?!!muxuuse yahay dhiiga uu rabo inuu baajiyo isagoo lagu yaqaano horqaade dagaal??!! haduu isagu doortay inuu noqdo raad-raac Tigreye dadka wax dilayaana ay yihiin jabhadiisa,(J.K.J.A) inta kale ee la xasuuqayo ama loo diidayo inay si xor ah u fuliyaan amarada Allah Weyne maxaa diidaya inay noqdaan Islaam-raac?!!

Mar kalana isagoo ku hadlaya afkii FIRCOON waxaa uu yiri:

"WAXAA WAAJIB IGA SARAN YAHAY INAAN KA ILAALIYO DADKAYGA IYO AJNABIGA SHARAFTA BADAN LEH OO DALKA JOOGA WEERARADDA AY SOO QAADI KARAAN MUSLIMIINTA ASAL RAACA AH KUWAAS OO DIINTII BARAKAYSNAYD KADHIGAY MID SIYASAD LOO ADEEGSADO”

CAJIIB!! Waxaa xaq ah warkii Alle Weyne nooga soo waramay fircoon markii uu ku yiri dadkiisii “IGA LEEXDA AAN DILO MUSE(CS) HANA U YEERTO RABBIGIISE WAXAAN KACABSANAYAA INUU IDINKA BADALO DIINTIINA AMA UU FASAHAADIYO DHULKA’E!!

Aqristayaalka qiimaha mudanow, waa maxay diinta iyo dhulka nabi Muse(CS) badalayo ama fasaahaadinayo Fircoona hagaajinayo?!!.Taasi waxay ku sumad tahay warka ina Cumar Xabeeb uu yiri

"WAXAA WAAJIB IGA SARAN YAHAY INAAN KA ILAALIYO DADKAYGA IYO AJNABIGA SHARAFTA BADAN LEH OO DALKA JOOGA WEERARADDA AY SOO QAADI KARAAN MUSLIMIINTA ASAL RAACA AH”

Xaqiiq ahaan waxaan rajaynaa in qof walba oo garaad leh qarnigaana joogaa uu dareemi karo, in waxa uu difaacayo ama uu kutilmaamayo “Ajnabiga sharafta badan leh” ay yihiin Tigrega iyo jabhadiisa(J.K.J.A) uu hogaamiyaha u yahay..

» Maxamed Dheere waa Nin Caynkee ah? [Calasow]

M/DHEERE waa ninka ugu Raxmada iyo xikmada yar inta jirta Dagaal-wade.

Xagga raxmad yarida qaran iyo qaraabo midna uma naxo, waxaa kaliya ee uu daneeyaana waa jiritaanka master-kiisa M. Zinawe. waana ninka ugu gumaadida badan xaga xasuuqida dadka riximkiisa ah, kadib markii uu ku qaaday dagaalo arxam la’aan ah degmooyinka Mahadaay, Raaga-ceel, Miir-tuuga , Qor-dheere iyo Biyo-cadde.

Xagga Xikmad yaridana isaga oo warbaahinada ula hadla si nidaam iyo xikmad yari ahna waxaa uu yiri. " Annagu dawlaan dhisanaynaa waxa aynu ka takhallusaynaa argagixisada, caalamkuna waa nagu qasbanyahay inuu na taageero”.

Waxaana kale oo uu sheegay in ay kooxda alqaacida ay shirka ku bixisay lacag dhan 2 milyan oo yuuro ah oo u soo marsiisay kooxaha shirka walaaqaya sarkaal sare oo ka tirsan kooxda islaax kaas oo fadhigiisu yahay dalka Kuwait ninkaas oo lagu magacaabo Axmed Yusuf” waa sida M/DHEERE uu sheegay'e.

Mar kalena isagoo aflagaadaynaya Wasiirka Arimaha dibada Kenya waxaa uu yiri:

“Waa Jareer xabadna naga qadi maayo”.

Waxaa kale oo mudan in laxuso sida aysan ugu kala harin Qaran dumiye-yaalku dhicida hantida shacabka, hadana Meydkii(raqdii) ugu danbeeyey ee birihii warshada (SNAI) ayuu ku rartay M/DHEERE markab uu ku xiran ama kuxirnaa xeebta ceel-cade isagoo usii sida xabaalaha Pakistan. Ninkii gabyeyna wuxuu yiri

  • “GARDAROOY WAXBAAD GAYSATAA GOOR IYO AYAANE
  • GAF AYAAD SAMAYSAA BAS IYO GODOBAHAAGIIYE
  • GASHI AAN YARAYN BAAD QABTAA GOOR LAGAA GUDO’E
  • WAXAAD GOYSE MOOYEE LA WAA NIMAAD GAR-GAARTAAYE
  • GURIGII BARWAAQAYSAN BAAD GUBI TAQAANAAYE
  • RUUXAAD GAR-QAADAA WALLEE GULL MAXOOGSADO’E”

**Maxamed Dheeroow, waxaad ku qasban tahay ma aha joojinta xirashada Xijaabka iyo xabbisida hooyooyinkaa iyo gabdhaha walaalahaaga ah ee waa inaad raacdo amarada Rabbigaa oo aad joojido dilka iyo dulmiga aad ku haysaan adiga iyo jabhadaaduba dadkaaga iyo dalkaaga, Nasabnimana warkeed iska illow oo waa adigaa dabadhilif u noqday Tigreye, hooyooyinkaana ku hubsaday Gaalshire(xabsi) ee talo ahaan waxay ila tahay, Inkasta oo dabcan qolo waliba kula talisay oo aad ka qaadatay qowlka Zinawe,waxaan aniguna kugula talin lahaa 2 arin.

1. In lagaaray oo la joogo waqtigii aad dib wax iskugu fali lahayd, oo dadka cilmiga iyo caqliga leh aad kala tashan lahayd danahaaga labada daarood, maxaa yeelay Cilmi aduun xagiisna sedex Alifle ina Siyaad Barre uu damiin-nimo darteed uruqseeyey ayaad ahayd, mid aakhirana waa adigaa dagaalka kula jira amaradii Alle weyne ku adoonsaday abuurkiisa, Caqlina lama yiraa kan Hooyadaa iyo walaashaaba aad uga kaqarisay ilayska qoraxda wax qalad ah oo ay galeen iyadoon la arag, Qalabkii Warshadaha Qarankana aad kusoo badalato qoryo aad kuleyso dadkaada oo aad ku dumiso dalkaada kuna difaacdo danaha Tigrega iyo jabhada aad horkaca u tahay ee soo jirtay 14 qarni qiyaas ahaan.

2. inaad kaleexato tubta(dariiqa) Fircoon iyo wasiiradiisa kuwii tagey iyo kuwa dunida dul jooga, G. Bush, Jacque Chirac iyo M.Zinawe, ee aad raacdo Waxyiga samaawiga si Allah weyne (SW) adiga iyo anagaba aan noogula silcin Saqara naareed, nabad-diid noqotaye walba tala-diina hanoqon. Wasalaamu calaikum

D.F.Kulmie
Kolmie8@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Maarso 29, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

QORAALADII KALE EE LAGA QORAY MAXAMED DHEERE... GUJI...

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

Maxamed Dheere VS Xijaabka Guji

Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...


kaah
 




Waa buug cusub oo kusaabsan Taariikhdii Imaam Shaafici (Raximuhu Laahu), Waxaa qoray: Cabdifataax Cabdullahi Sh. Xasan (Joof), Waxaa lagala xiriiri karaa: shaafici54@hotmail.com  



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD