Xaaskii Fircoon waxa magaceeda la oran
jiray Aasiya Binti-Muzaaxim waxayna ahayd haweeney aad u qiimo
iyo sharaf badan. Waxay ka mid tahay saddexda haween ee ugu kaamilsan dumarka
(labada kale waxay kala yihiin: Maryama oo ahayd hooyadii Nabi Ciise (S.C.W.),
iyo Khadiija oo ahayd afadii Nabi Muxammad (S.C.W.)).
Xadiis ku sugan saxiixaynka oo laga soo
wariyey Abii-Muusaa Al-Ashcari, Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “waxaa kaamil
noqday Ragga wax badan, haweense waxaa ka kaamil noqday Aasiyadii Fircoon,
Maryama Bintu Cimraan, iyo Khadiija Binti-Khuweylid, fadliga Caa’isha ee
haweenkana waa sida thariidka[1]
iyo cunnada kale”. (W.Wariyay Bukhaari iyo Muslim).
[1]
Ereyga thariid waxa lagu micneeyaa muufo iyo maraq laysku burburiyay, waxaana
la sheegaa in ay aad u macaantahay calooshana u roontahay. Carabtuna aad bay
u jecelyihiin oo waxay ka door bidaan cuntooyinka kale.
Xadiis kale oo Ibnu Cabbaas (R.C.) laga
soo wariyey ayaa isna wuxuu yiri: “Rasuulka Alle (S.C.W.) ayaa afar
xarriiqimood dhulka ku sameeyay, markaas buu yiri: ‘Ma garaneysaan waxa ay
yihiin? Waxay yiraahdeen ‘Alle iyo Rasuulkiisa ayaa naga og’. Wuxuu yiri:
‘Haweenka Jannada waxaa u fadli badan Khadiija Binti Khuweylid, Faatuma
Binti-Muxammad, Maryama oo ah gabadhii uu dhalay Cimraan (ahna hooyadii Nabi
Ciise (S.C.W.), iyo Aasiya Binti-Muzaaxim oo ah afadii Fircoon”. (W.Wariyey
Axmed).
AAYADAHA
QURAANKA |
Aayada Quraanka
ee qoraalkani xambaarsan yahay si aad mid kasta si toos ah u dhegeysatid
GUJI HALKAN, kaddib shaashada soo bixi doonta ka dooro
suurada iyo aayada aad rabtid in aad dhegaysatid, adigoo xulanaya Shiikh
Al-Xudayfi ama Al-Xusari...
GUJI HALKAN |
Markaad u fiirsato dabeecadda iyo
naxariista uu Alle (S.W.) qalbiga Aasiya ku abuuray waxaad dareemeysaa in ay
tahay hooyadii dhib la’aanta dhashay Nabi Muuse (S.C.W.). Bal u fiirso
aayaddan soo socota oo ka hadleysa Aasiya oo la hadleysa Fircoon markii ay
heshay santuukhii uu ku jiray Nabi Muuse oo Alle hooyaddiis faray in ay badda
ku tuurto.
“Xaaskii Fircoon waxay tiri: ‘Waa
il-qabowsigeenna (farxaddeenna) aniga iyo adigaba. Ha dilin, waa intaas oo uu
na anfacaaye ama aan ka dhigannaa wiil.’ mana dareensanayn (ciribta
arrintaas)”. Suuradda Al-Qasas: aayadda 9.
Sida aayaddu caddeysay, Fircoon ma dhalin
wiil laakiin wuxuu lahaa gabar keliya. Ilaahey (S.W.) oo nooga warramaya
suubbanaantii Aasiya, Alle-ka-cabsigeedii iyo guud ahaan qiimaheedaba, wuxuu
aayaddan ku yiri:
“Alle (S.W.) wuxuu mataal (tusaale) uga
dhigay kuwa xaqa rumeysan afadii Fircoon, (Aasiya); markii ay tiri: “Rabbiyow
iiga dhis agtaada (la jirkaaga), guri jannada gudaheeda ah, oo iga samata
bixi Fircoon iyo camalkiisa, oo iga samata bixi qoomka dulmi-falayaasha ah”.
Suuradda Al-Taxriim, aayadda 11.
Halkaas waxaan ka ogaaneynaa in ruuxii
wanaagsan aysan waxba u dhimeynin xumaanta qof kale haddii uusan ka raalli
ahayn, ama ku raacsanayn xumaantaas. Laakiin haddii uu ku taageero oo uu
raalli ka yahay xumaanta qof kale uu sameynayo, wuxuu noqonayaa mid la mid
ah. Sidoo kale, ruuxii xumaan sameeya wax uma tarto la noolida uu la
noolyahay dad fiican haddii uusan wax ka qaadaneynin sida afadii iyo wiilkii
Nabi Nuux (S.C.W.) iyo Afadii Nabi Luud (S.C.W.) iyo wixii la mid ahaa.
Waxaad arkeysaa in afadii Fircoon aysan
seygeedii ku raacin xadgudubyadii uu sameeyay, sidaas darteedna ay u noqotay
haweeney aad u qiimo badan. Qoomkii Fircoon ee amarkiisa qaatay waxay noqdeen
kuwo isaga lala halaagay.
“…waxay raaceen amarkii Fircoon, amarka
Fircoonna ma ahayn hanuun toosan”. Suuradda Huud,
aayadda 97.
Fircoon wuxuu ahaa nin diiday oo ka
madax-adaygay aayadaha iyo xujooyinka Alle (S.W.) uu lasoo diray Nabi Muuse (S.C.W.).
waa ninka ilaahnimada sheegtay isagoo aadane ah. wuxuuna kusii socday
kibirkiisii iyo isla-weynaantiisii ilaa uu indhaha ku dhuftay ciqaabtii Alle
oo isaga iyo intii raacsanaydba badda lagu qarqiyay. Alle (S.W.) oo noo
sheegaya dembiyadii waaweynaa ee Fircoon uu galay, wuxuu yiri:
“Xaqiiqdii, Fircoon waa kibray oo dhulka
ayuu isku sareysiiyay, oo ka dhigay dadkeedii qolooyin, isagoo daciifinaya (cadaadinaya)
qolo (waa reer Banii Israa’iile) dhexdood iyaga, oo dilaya wiilashooda,
haweenkoodana nolol ku deynaya; wuxuu ahaa mid kamid ah fasahaad-falayaasha”.
Suuradda Al-Qasas, aayadda 4.
“(Fircoon) waa beeniyay, oo caasiyoobay”.
“Dabadeed dhabarka ayuu jeediyay isagoo sii soconaya”. “Dabadeed wuxuu soo
kulmiyay dadkiisii oo kor ugu dhawaaqay”. “Wuxuuna yiri: ‘waa aniga
rabbigiinna korreeya!”. “Sidaa darteed, Ilaahey baa u qabtay xadgudubkiisii
dambe iyo kii horeba”. Suuradda Al-Naazicaat,
aayadaha 21 – 25.
Xadgudubka hore ee Alle (S.W.) noo
sheegayo waa markii hore ee uu ilaahnimada sheegtay. Eeg suuradda Al-Qasas,
aayadda 38-aad: “Maa calimtu lakum-min ilaahin Qeyrii – Anigu idiin ma ogi
inaad leedihiin ilaah kale aan ahayn aniga!”. Xadgudubka dambana waa
markan labaad ee uu ilaahnimada sheegtay. Al-Naazicaat, aayadda 24aad:
“Anaa rabbukum al-aclaa - waa aniga rabbigiinna korreeya!”. Labada
xadgudub ee uu Ilaahnimada ku sheegtay waxaa u dhaxaysay 40 sannadood.
Ilaahey (S.W.) oo nooga warramay
dabeecaddihii Fircoon iyo qoomkiisii, iyo ciqaabtii ay muteysteen wuxuu noo
sheegay:
“Dabadeedna iyagii kaddib waxaan ula
dirnay (Nabi) Muuse aayadahayagii Fircoon iyo Duqeydiisii, laakiinse waa
dulmiyeen (diideen); ee fiiri sida ay ahayd ciribtii mufsidiinta (fasahaad
falayaasha)”. Suuradda Al-Acraaf, aayadda 103.
“Sidii caadadii iyo dhaqankii reer Fircoon
iyo kuwii ka horreeyeyba, waxay ku gaaloobeen aayadihii Alle (S.W.),
markaasuu Alle (S.W.) u ciqaabay dambiyadoodii; xaqiiqdii Alle (S.W.) waa
Xoog Badane, ciqaab adag”. Suuradda Al-Anfaal,
aayadda 52.
“Sidii caadadii iyo dhaqankii reer Fircoon
oo kale iyo kuwii ka horreeyeyba, waxay beeniyeen aayadihii Rabbigood,
markaas baan ku halaagnay dambiyadoodii awgood, waana hafinnay (qarqinnay)
qoomkii Fircoon, maxaa yeelay kulligoodba waxay ahaayeen dulmi-falayaal”.
Suuradda Al-Anfaal, aayadda 54.
“Dabadeedna iyagii kaddib waxaan ula soo
dirnay Muuse iyo Haaruun xagga Fircoon iyo duqeydiisii aayadahayagii;
laakiinse waxay u dhaqmeen si isla-weyni iyo kibir ah oo ahaayeen mujrimiin (dembiilayaal)”.
Suuradda Yuunus, aayadda 75.
Fircoon si uu uga hortago aayadaha Alle
(S.W.) wuxuu adeegsaday sixirroolayaal u adeegi jiray. Wuxuuna u sheegay,
haddii ay sixir uga adkaadaan Nabi Muuse, in uu siin doono abaalgud. Alle
(S.W.) oo arrintaas nooga warramayana wuxuu yiri:
“Markaas bay falan-fallowyadii (sixiroolayaashii)
u yimaadeen Fircoon; waxay yiraahdeen: ‘Dhabtii waxaa jiri doona abaalgud (wanaagsan)
oo aan leenahay innaga haddii aan nahay adkaadayaasha”.
Suuradda Al-Acraaf, aayadda 113.
Aayadda xigta oo qisada sii wadda ayaa
jawaabtii uu Fircoon siiyay sixiroolayaasha soo gudbineysa.
“Wuxuu yiri: ‘Haah, waxaa intaa dheer,
waxaad kamid noqon doontaan (haddii aad adkaataan) kuwa iigu dhaw aniga”.
Suuradda Al-Acraaf, aayadda 114.
AAYADAHA
QURAANKA |
Aayada Quraanka ee qoraalkani xambaarsan yahay
si aad mid kasta si toos ah u dhegeysatid
GUJI HALKAN,
kaddib shaashada soo bixi doonta ka dooro suurada iyo aayada aad rabtid
in aad dhegaysatid, adigoo xulanaya Shiikh Al-Xudayfi ama Al-Xusari...
GUJI HALKAN |
Hase ahaatee, waxaa dhacday in
sixiroolayaashii ay fashilmeen, iyagoo ogaaday waxa (xujooyinka) Nabi Muuse
tusay in aysan ahayn sixir balse ay yihiin aayado cad-cad oo mudan in la
rumeeyo; waxayna go’aansadeen in ay si bareer ah u rumeeyaan xujoojinka la
tusay darteed. Fircoon oo arrintaas ka careysan isla markaasna u hanjabaya
sixirroolayaashii ayaa yiri:
“…waxaad rumeyseen isaga (Nabi Muuse) ka
hor aniga oo aan idiin idmin; hubaashii tani waa qoolid (dhagar) aad ku soo
qoosheen magaalada (shirqool aad soo maleegteen) si aad uga saartaan dadkeeda,
laakiinse waad ogaan doontaan”. Suuradda Al-Acraaf,
aayadda 123.
“Hubaashii, waxaan gacmihiinna iyo
lugahiinna u goyn doonaa si isdhaaf ah, dabadeedna waan idin dal-dali doonaa
dhammaantiin”. Suuradda Al-Acraaf, aayadda 124.
Alle (S.W.) oo noo sheegaya wixii uu reer
Banii Israa’iil ugu nicmeeyay iyo sidii uu uga nabadgeliyay Fircoon iyo
colkiisiiba wuxuu kitaabkiisa ku yiri:
“Xusa markii aan idinka badbaadinnay
qoomkii Fircoon oo idin dhadhansiin jiray cadaab daran, iyagoo gawrici jiray
wiilashiinna, deysanayeyna haweenkiinna, waxaana taas ku jiray imtixaan weyn
oo ah xagga Rabbigiin”. Suuradda Al-Baqara, aayadda
49.
“Xusa markii aan idiin jeexnay badda oo
idin badbaadinnay, hafinnayna qoomkii Fircoon idinkoo fiirinaya (xagooda
markii ay biyihii baddu dabooshay)”. Suuradda Al-Baqara,
aayadda 50.
Alle (S.W.) waxaa kale oo uu kitaabkiisa
noogu sheegay ciddii ku gaalowda oo awood iyo xeelad is-bidda, in ay la mid
yihiin Fircoon iyo qoomkiisii iyo kuwii ka horreeyayba ee Eebe si daran u
qabtay. Ciddii xoog is-bidda iyagoo gaalo (Alle diidayaal) ah waxa uun u
dambayn doonta jab iyo halaag iyo weliba gelidda naarta Jahannamo oo usii
dheer. Alle (S.W.) oo arrintaas noo caddeynaya wuxuu yiri:
“Sida dhaqankii dadkii Fircoon iyo kuwii
ka horreeyayba, waxay beeniyeen Aayadahayaga markaasuu Alle (S.W.) u qabtay (baabi’iyay)
dambiyadoodii dartood; Ilaaheyna waa ku daran yahay ciqaabta”.
Suuradda Aala-Cimraan, aayadda 11.
Ilaahey (S.W.) oo nooga warramaya sidii uu
u halaagay Fircoon iyo qoomkiisii isla markaasna noo caddeynaya tabar-darrida
Fircoon, wuxuu yiri:
“Waxaan baddii ka gudbinnay ilmihii reer
Banii Israa’iil, saa Fircoon iyo ciidamadiisii baa raacay aabi iyo cadaawad
(ay u qabaan darteed), ilaa markii ay hafintu heshay, Fircoon wuxuu yiri:
waxaan rumeeyay in aysan jirin cid xaq lagu caabudu Ilaaha xaqa ah mooyee, oo
ay ilmihii reer Banii Israa’iil rumeysan yihiin; aniguna waxaan kamid ahay
Muslimiinta”. Suuradda Yuunus, aayadda 90.