SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - CANADA
Cirbixiyeenkii Shiinaha oo Dhulka ku soo Noqday 

Waxaa af Soomaali u tarjumay: Cabdulfataax Maxamed Cabdulle
Email: abdulfatah@yahoo.com


Yang Liwei: cirbixiyeenka China

"Hawada sare waxaad ku dareemeysaa fiicnaan... muuqaalka caalamku aad buu u qurux badan yahay"

Cirbixiyeenkii ugu horreeyay ee Shiinaha ayaa dhulka dib usoo caga dhigtay kadib markii uu soo dhamaystay hawl-qabad taariikhi ah oo uu adduunka 14 jeer kusoo wareegay (muddo 21 saacadood ah).

Dayaxgacmeedka oo magaciisa la yiraahdo (Shenzhou V)  ayaa cagaha soo dhigay dhulka cawska leh ee Mongolian grasslands kuna yaalla waqooyiga Shiinaha maanta oo taariikhdu tahay Khamiis, Oktoobar 16, 2003 saacaddu markay ahayd 0628 (xilliga Shiinaha) oo ku beegan (Arbaco, Oktoobar 15, 2003, 2228 GMT).

Ra’iisul Wasaaraha (dalkaas), Wen Jiabao ayaa deg-deg ula hadlay cirbixiyeenkaas, wuxuuna ugu hambalyeeyay soo noqoshadiisa oo u dhacday sidii loo qorsheeyay.

Mr. Yang Liwei, oo ah laba xiddigle 38-sano-jir ah oo ka tirsan “People's Liberation Army” ayaa maamulka u sheegay in uu dareemay fiicnaan markii uu dib usoo galayey hawada dhulka.

Helikobtarro ayaa kusoo xuumay si ay usoo dejiyaan kadib markii uu soo cagadhigtay. 

Warar hore ayaa sheegay in (cirbixiyeenkaas) la siiyay mindiyo uu isaga celiyo xayawaanka duurjoogta ah, haddii si dhaqsi ah loo heli waayo marka uu soo cagadhigto.

Sida adduunka looga soo dhaweeyay

Dirista dayaxgacmeedka Shenzhou V oo Arbacadii hawada u baxay iyadoo hawada loogu diray sayruuqa Long March 2F, ayaa waxaa soo dhaweeyay khabiirrada hawada sare ee ku kala nool adduunka.

Mas’uuliyiinta hey’adda hawada sare ee Yurub (European Space Agency) ayaa arrintaas ku tilmaamay guul aad u horeysa, iyadoo saraakiisha hey’adda hawada sare ee Mareykanka (US space agency (Nasa)) ee ku sugan Houston ay ammaaneen sida fiican ee (dayaxgacmeedkaas) loo diray. 

Shiinuhu wuxuu noqonayaa dalkii saddexaad ee dad u dira hawada sare 40 sano kadib markii Midowgii Soofiyeeti (Soviet Union) iyo Mareykanku ay dayaxgacmeed dad saaran yahay hawada u direen.

Telefishinka qaranka ee Shiinaha ayaa qadar saacad barkeed ah hakiyay barnaamijyadii caadiga ahaa shiraacashada dayaxgacmeedka kadib si ay usii daayaan sawirro maqal iyo muuqaalba leh oo ku saabsan dhacdadaas.

Mas’uuliyiinta Shiinaha ayaa horay u go’aansaday in shiraacashada dayaxgacmeedkaas oo si toos ah telefishinka looga daawado ay khatar ahayd.

Kanaalka af-Ingiriisiga ku hadla ee CCTV-9 wuxuu sii daayay hadalkii Neil Armstrong oo ahaa ninkii ugu horreeyay ee Mareykanka ahaa ee ku tallaabsaday dayaxa dushiisa.

“Haddii tallaabooyinkaan ay yihiin kuwo yar, waxaan qaadeynaa kuwo aad u weyn oo ah in aan ku dul boodno dayaxa,” sidaa waxaa yiri wariyaha.  

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

Sumcadda Qaran

(Cirbixiyeenka Yang Liwei) oo hore u ahaan jiray duuliye wada dayuuradaha dagaalka ayaa isagoo gashan dharka ay xirtaan cirbixiyeennadu waxaa u sacab tumay caruur faraxsan oo buufimo u lulaya.

Mar uu hawada ku jiray ayaa la sheegay in uu akhrinayey buugga laga fiirsado habka duullimaadka (Manual) isagoo ku jira kabbiinka (capsule-ka) dayaxgacmeedka Shenzhou V waxaana ka muuqatay xasilooni iyo deganaan.

Telefishinka qaranka ayaa sheegay in uu isku cunayo hilibka doofaarka oo inta cad-cad loo jarjaray qaboojiye lugu qalajiyay iyo toon suugo ahaan loo sameeyay, iyo bariis la shiilay muddada uu duulimaadka ku jiro, iyo in uu shaah cabbayo.

Inkastoo barnaamijka hawada sare ee Shiinaha uu sameeyay isbedello laxaad leh, haddana naqshadda Shenzhou waxaa lugu saleeyay habkii dayaxgacmeedkii Ruushka ee Soyuz oo lahaa saddex kabbiin oo saddex qof geli karto.

Mashruucan ayaa noqday mid Shiinaha u keenay sumcad qaran iyadoo warbaahinta rasmiga ah ay dayaxgacmeedkaas ku qeexeen in uu yahay “wax ay iyagu sameysteen”.

“Dhulka-hooyo ma niyad-jabinayo,” sidaas waxaa yiri cirbixiyeenka Yang Liwei wax yar ka hor inta uusan fuulin kabbiinka.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Dhaqdhaqaaq kasta waxaan ku dhameystirayaa xilkasnimo iyo foojignaan. Waxaana qaranka Shiinaha iyo hogaankiisaba usoo hoynayaa sharaf.”

 

English Version: Click the following link
http://news.bbc.co.uk/2/hi/asia-pacific/3194892.stm

 

-Wassalaamu Calaykum

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 16, 2003  

Nayjeeriya oo Hawada u Dirtay Dayaxgacmeed
Markii taariikhda ugu horeysey ayey Nayjeeriya hawada u.. Guji Oct 13

Dayaxgacmeed Cusub oo Loo Diray Hawada
Dayaxgacmeedkan oo ay Yurub hawada u direen... Guji

 

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD