SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - AFRICA
Nayjeeriya oo Hawada u Dirtay Dayaxgacmeed

Maxamed Xuseen Cali
elsheikhus@yahoo.com 


Saturday, 27/09/2003  9:56 AM
Nigerian Weather Satellite

Dayaxgacmeed Naayjeeriya leedahay oo lagu magacaabo NageriaSat-1 ayaa loo ganay Hawada- Sare taariikhda markii u horreysey oo ku beegnayd maalintii Sabtida ahayd ee September 27-keedii 2003.

Waxa dhacdadaasi isha ku hayey malaayiin reer Naajeeriyaan ah oo si toos ah (live) ugala socday ganidda dayaxgacmeedkan TV-ga. NageriaSat-1 oo saaran gantaalka Ruushka ee lagu magaacbo kosmos-3M ayaa laga ganay saldhigga sawariikhda Hawada-Sare ee Plesetk ee ku yaalla dhulweynaha Ruushka.

Wafdi reer Naayjeeriya ah oo dhacdadan goob jooga ka ahaa waxay sheegeen inay aad ugu faraxsanyihiin inay indhahooda ku arkaan dayaxgacmeedkooda oo hawda sare u ammba baxay maadaama ay muddo sugayeen.

Tallaabadani waxay ka dhigaysaa waddankii 4aad ee Afrikaan ah oo hawada sare dhigta dayaxgacmeed. Qaaradda Afrika oo 54 dawladood ka kooban waxa hawada sare ka muuqda 4 waddan oo kaliya oo iyagu hantiyey dayaxgacmeedyo hawada sare taagan. Waxayna kala yihiin waddamadaasi; Aljeeriya, Koonfurta Africa, Masar iyo Naajeeriya.

Naajeeriya waxa lagu tiriyaa kuwa ugu horreeya Afrika xagga farsamada casriga ah ee warshadaha (modern technology).

Dayaxgacmeedka Naajeeriya waxa uu ku hawlgeli doonaa sugidda xagga ammaanka isagoo la shaqayn doona Ciidamada Naayjeeriya. Dawladda Naayjeeriya oo galisay mashruucan 13 milyan oo doolar ayaa ujeedooyin dhawr ah ka leh inu dayaxgameedkoodu fuliyo, kuwaasi oo ah:

  • Inu ilaaliyo oo ka war bixiyo; ilaha biyaha, nabaad-guurka, carra-guurka & masiibooyinka dabiiciga ah.

  • Waxa kale oo uu ilaaleyn doonaa dhuumaha shidaalka Naayjeeriya & guud ahaan agabka saliidda Naajeeriya. Saliidda oo laf dhabar u ah dhaqaalaha waddanka waxa looga maaralaayahay tuug maalin walba xadda boqolaal kun oo barmiil oo saliid ah.

  • Waxa kale oo uu ilaalin doonaa qalabka & baraha milateriga.

  • Waxa uu sawiri (Naqshadeyn) doonaa dhulka reer Naayjeeriya (map).

Dayaxgacmeedkan oo lala ganay 5 dayaxgacmeed oo ay kala leeyihiin ruushka (2), Ingiriiska (1), Turkiga (1) & Koonfurta Kuuirya (1), waxa sameeyey (dhisay) shirkad deggan wadanka Ingiriiska oo lagu magacaabo Surrey Satellite Technology oo ay gacan ka siinayeen farsamayaqaaniin reer Naayjeeriyaan ah oo lagu tababaray waddanka Ingiriiska.

Dayaxgacmeedkan NigeriaSat-1 oo cimrigiis aanu ka badnaan doonin 5 - 7 sannadood ayaa waxa ay ka hagi doonaan koox 15 qof ah oo isugu jira caalimiin (scientists) iyo muhandisiin (Engineers) reer Naajeeriya ah saldhig aan ka fogeyn caasimadda Abuuja.

Naayjeeriya waxay rajaynaysaa inay mustaqbalka iyadu samaysato Dayaxgacmeedaydeeda isla markaana hawada u ganto iyadoo aan cidna ka kaalmaysan.

Qaar ka mid ah muwaadiniinta reer Naajeeriya oo wax laga waydiiyey tallabadan uu wadankoodu qaaday ayaa ka bixiyey jawaabo kala duwan, walow badankoodu taageersanyihiin mashruucan Hawada-Sare una arkaan mashruuc midha-dhal ah.

Nin waardiya ah oo 27-jir ah ayaa yidhi “waxan ku hanweynahay in aan ahay Naajeeriyaan, waxay tallaabadani i tusaysaa in waddankayagu horumar sameynaayo oo uu madaxa la galay xilliga casriga ah ee Hawada Sare.

Nin kale oo 21-jir ah ayaa yidhi “Dayaxgacmeedku waa lacag la khasaariyey, waxay lacagtan waxa ugu qaban lahaayeen dadka saboolka ah. Dadka waddankan joogaa waxay u dagaalamayaan waxay cunaan oo kaliya”

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

Barbaar Aadamu oo 27-jir ah oo rayiisle ah (tima-jare) ayaa waxa uu yidhi ‘Waxba kama ogi Dayaxgacmeedka la diray waayo TV & raadyo midna ma lihi. Waxbadan noogamay sheegin Hawada-Sare. Waan maqlay dad dayaxa tagay, laakiin garanmaayo sida ay ku tageen halkaasi.

Dad aan badnayn ayaa fikradooda ku dhiibtay inaanay haboonayn waddanka ugu dad badan Afrika oo 80 milyan oo ka mida 126-ka milyan ay ku noolyihiin fakhri, dakhliga soo galaana ka hooseeyo 1 doolar maalintii, in loo isticmaalo khayraadkiisa kooban barnaamij Hawada-Sare ah.

Dadka intiisa badan waxay soo dhaweynayaan mashruucan waxayna ku doodayaan in tallaabo wanaagsan ay tahay in Naayjeeriya aqoonta casriga ay u adeegsato xalinta qaar ka mida dhibaatooyinkeeda badan, barnaamijkan Hawada-Sare-na uu wax weyn ka tari karo doono dhibaatooyinkaasi.

Maxamed Xuseen Cali
elsheikhus@yahoo.com 

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 13, 2003

Dayaxgacmeed Cusub oo Loo Diray Hawada
Dayaxgacmeedkan oo ay Yurub hawada u direen... Guji

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD