SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

March 25, 2004
 

MAXAMED DHEERE OO AH NINKA HEYSTA JOWHAR WAA NIN CEYNKEE AH? (Faallo)

W/Q: Muxiyaddiin Cabdi Calasow

Mudo badan ayaan ku hoos jirnay xaaladahaan murugada leh oo ay ku kacaan ma naxayaasha ku abtirsada soomaalida, ayna difaacaan beelaha ay ka soo jeedaan oo aan u bislayn ama aan aqoon waxyaabaha qof lagu taageero hogaamiye kooxeed ama beeleed, waayo?, haddii ay aqoon lahaayeen waxa ay ku taageerayaan ama ay ku diidayaan waxaa la arki lahaa in ay ka horyimaadaan hogaamiye beeleedyada aan ku shaqayn rabitaanka inta badan ee hortaagan horumarka bulshadu heegsanayso,ayna horkacaayaan aqoonyahanada iyo dan yarta waqti la dirirka ku jirta.

SIYAASIYIINTA SOOMALIDA: WAX AKHRIN IYO WAX QORIS [Fahad]

Haddii aan aqoon yahanku sheegi karin xaaladda oo ay noqdaan kuwa ka indha qabsada waxay noqonayaan kuwa aan jirin ama la mid ah kuwa ka dhintay bulshada, waxaa lagama maarmaan ah in aan ku fikirno fikir saliim ah oo wax dhisaya iyo in aan bulshada dareensiino wanaaga iyo xumahaba wixii uu hogaanku sameeyo mudooyinkii la soo dhaafay hogaamiyayaashii jiray iyo kuwa hada jooga ee horseedka ah wanaag iyo xumaan waxa ay bulshadu u horseedaan .


Axmed Siilaanyo

Sidoo kale in aan tusaalayno bulshada sida ay wax u dhaceen 14kii sano ee dowlad la’aanta iyo hal hayska hogaamiyayaasha ee nabad iyo nolol ku soo dabaalidda dalka iyo dadka, iyadoo aan cidna loola dan lahayn waxaan muda ka badan 24 sano ku soo jirnay dagaalo sokeeye iyo kuwo looga soo hor jeeday xukuumadii Maxamed Siyaad iyo ciidamadeedii, waxaana dhamaantood ay lahaayeen magacyo kooxihii horkacayay dagaaladaas, waxaana ugu can sanaa jabhaddii SNM, iyadoo aan ka xusi karno madaxdooda Axmed Siilaanyo oo haatan madax ka ah xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE, kaasi oo si dimoqraadi ah ula tartamayay xisbiga UDUB, SSDF haddii aan soo qaadano waxaan ka xusi karnaa Maxamed Abshir, sidoo kale jabhadii USC oo iyana halgankeedu ka bilowday laba meelood oo kala ahaa ROMA iyo gudaha dalka, waxaana markii ugu horaysay la maqalay in jabhadaas ciidan leedahay kadib markii ay goosteen ciidamoo uu hor kacayay Col. Muxudiin Macalin Cismaan { Badareey}, waqtigaas wixii ka dambeeyay Jabhada USC waxay yeelatay garab hubaysan kaas oo isga tegay dalka kadib markii ay isku dhaceen Jen. Maxamed Faarax Ceydiid iyo Cali Mahdi Maxamed taageerayaashoodii 1991kii, kaasoo joogay gudaha dalka aadna looga taageersanaa guud ahaan gobolada Koofureed, iyagoo ku guulaystay inay ridaan xukuumadii 21-ka sano dalka ka jirtay, iyagoo kaalmo ka helay kooxdii manifesto ee bayaanka oo uu hormoodka u ahaa allaha u naxariistii Avv.Ismaaciil Jimcaale Cossoble oo u fidiyay kaalmo dhaqaale oo isugu jirtay mid military iyo mid xagga nafsiga ah.

kacdoomayaashii xamar joogay Janaayo 26-keedii 1991 wixii ka dambeeyay xaalada dalka waxay noqotay mid aan daganayn oo la iska sameysto wixii la doono dil, dhac, kufsi iyo tacadiyo kale oo lagula kaco dadka biri-ma-geydada ah, kuwaas oo isugu jira kuwa guud iyo kuwa gaar ahaaneed, iyadoo ay jiraan tacadiyo ay ku kaceen shaqsiyaad gaar ah kuwaas oo sheegto magacyo ururo aysan asal iyo raadba u lahayn iyo kuwa sheegto maamul deegaano aysan u dhalan, kuna dhalan sida kan hada ka jira Degmada Jowhar ee uu horboodo Maxamed Dheere. hadii aan faahfaahain kooban ka bixino jiritaanka asal ahaaneed ee cadaawada Maxamed Dheere uu kula koco dadka ku nool Muqdisho iyo deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelaha dhexe, kuwaasoo uu ka yeesho sidii uu doono.


Maxamed Dheere

Maxamed dheere wuxuu ka mid ahaan jiray askartii dowladdii Maxaed Siyaad Barre, wuxuuna ku goostay sadex alifle, waana ka tagay ciidanka isagoo noqday ganacsade ka ganacsada alaabaha laga soo xado xarumaha hay’adaha dowlada ilaa uu ka gaaro in uu noqdo Bakhaarleey hadana wax ka gato xarumaha dowlada sida ADC danwadaaga iwm .

Maxamed Dheere waxa ay dadka degan Muqdisho ay barteen sagaashamaadkii markaasoo uu dagaal qaraar u dhaxeeyay kooxaha Salbalaar ee uu hogaaminaya Jen. Caydiid iyo isbahaysigii USC/SSA oo uu Cali Mahdi hogaaminayay, iyadoo dagaalkaasi uusan ka socon qadka cagaarnaa ee u yiil labada dhinac ee maraya Ex Baarlamaan ee lagu joojiyay dagaalkii afarta bilood loo yiqiin ee dhacay 91-kiii ilaa 92-kii, kaasoo soo jiitay deeq bixiyayaashii, laguna joojiyay dadaal caalami ah.


Cali Mahdi iyo Marxuum Gen. Caydiid

Dagaalkaas oo u dhaxeeyay sida aan soo sheegnay Salbalaar iyo taageerayaasha USC/SSA ee daganaa koonfur galbeed Muqdisho, uuna horkacayay Xaaji Muuse Suudi ,dagaalkaa oo uu ku geeriyooday Jen Caydiid ayaa lagu bartay Maxamed dheere oo ku doodayay in aan dagaal looga qaadi karin W/Muqdisho, uuna jiro heshiis dhigayay in aan lagu xadgudbin, taasoo aakhirkiina ka liftay in Maxamed Dheere dagaal ku qaado deegaanka Madiina isagoo weerar ku ah taageerayaasha USC/SSA ama dad u dhashay beesha mudulood oo uu isagu ka soo jeedo wuxuuna ahaa ninka uga wakiilka ahaa Jen. Caydiid la socodka dadka qaxaya iyo dadka dhaawaca ah, dadka rayidka ah iyo maleeshiyooyinka iyo in aan cunto loo gudbin dadka degan Madiina oo u badnaa dad ay isku hayb yihiin intaas kuma ekayn cadaawada uu u qabay iyo dhibatooyinka uu la beegsaday ee waxa uu hor kacayay dagaalkii Tisxiile ilaa Balcad oo u dhaxeeyay maleeshiiyooyin ka kala amar qaadanayay Jen. Caydiid iyo Cali Mahdi, iyadoo ay halkaasi ku riiqdeen maleeshiyadii Mudulood oo dhimasho iyo dhaawacba kaga tagay, kana soo orday Tisxiile , intaas kuma eka arxan darada ku jirta Maxamed Dheere ee uu kula kacay dadka dhalinyarada iyo waayeelka ah ee ku nool gobolka Shabeelaha dhexe, wuxuuna ku duulay degmada Jowhar oo ahayd meel dagan dadku ku wada nool yihiin .

Hadii aad la sheekaysatid dadkii yaraa ee ku haray magaalada Jowhar waxay kuu sheegayaan in aysan maqal ama arag maamul la mid ah oo ka arxandaran maamulkiisa, iyagoo ka cabsanaya dadka deegaanka Jowhar in ay mucaaradaan, hadii aan ku hormarno dadka socotada waxaa jirta in galid iyo bixid ay tahay lacag laga qaado dadka ku safra wadada dhexmarta degmada Jowhar dadka iyo baabuurtaba laga qaado lacag dhan hal malyan shilin somaali waa kuwa waawayn basaska waxaa laga qaadaa lixboqol kun Sh. Soomaali, ganacsiga guud ee ka jira Jowhar waxaa lagu canshuuraa inta uu baabuurka saaran yahay , waxaa la cunshuuraa marka la dajinayo, hal asbuuc wixii aan gadmin mid kasta hortiisa ayaa loogu canshuuraa waxaa intaas dheer dhaqan xumada kale ee aan loo adkaysan karin waxaa ka mid ah in aadan xor u ahayn mushaarkaaga oo hadii aad hesho saami lagaa rabo in lacagta laga rabo 25% uu leeyahay, ayna suurtagal ahayn inaadan helin hadii aadan dhiibin qarashkaas.

Sidoo kale degmada waxaa ka jira Isbitaal oo aysan tayo badnayn shaqaalihiisa dhinaca aqoonta, isla markaasna aysan ka howlgalin dhqaatiir waawayn hadii aadan ku kalsoonayn umulusooyinka jooga ee aad keensato gurigaaga qof leh aqoon wadatana qalabka dadka lagu hubiyo waxay mutaysanaysaa xarig iyo ganaax oo aadan awoodin, ma jirto xoriyad qowl, waxaadna ku qasban tahay in aad u hogaansanto xumaanta aan leex leexadka lahayn ee uu darajada uu wato.

Si kastaba ha ahaatee Maxamed Dheere waa nin caan ku ah weerarka dadka ehelka ah waxaadna ka xasuusan kartaa dagaalkii degmada Mahadaay, Miir-tuuga , Biyo-cade, Qoor-dheere, Raaga-ceele iyo kuwa kale oo uu ka mid ah midkii uu ku soo weeraray wasiirkii hore ee arrimaha gudaha TNG-da Md. Daahir Dayax oo gurigiisa hurdaya.

Maxamed Dheere waa nin had iyo jeer faraxsan, mar kasta saacad kasta waa nin inta badan jecel kuna mashquulsan cunista qaadka mana lahan hal abuur aan ka hayan abuubulka dagaalka waa nin ku wanaagsan hor jooga maleeshiyooyin

Waa nin aanu hadalkiisa tifaftirneyn marka uu idaacadaha ka hadlayo, wuxuuna u hadlaa sida dadka suuqyada jooga waayo dhowr jeer ayaa laga maqlay isagoo idaacad ka caaytamaya, waxaana ugu dambeysay warkii uu ku ijaafeynayay wasiirka arrimaha dibadda Kenya oo uu ku tilmaamay in uu yahay nin jareer ah oo aan waxba ka qaadi karin, hadalkaasina waxaa aad uga xumaaday dadka u dhashay qowmiyadda Jareer weyne, inkastoo hadana aysan ku dacweysan karin.

Si kastaba, Maxamed Dheere maamulka uu hormuudka u yahay Maxamed Dheere ee ka arrimiya gobolka Shabeelaha dhexe aad ayaa loo dhaliilsan yahay, dadkuna waxay kula nool yihiin huri weynto iyo in aysan jirin meel ay ka aadaan beerahooda iyo guryahooda, waxayna aalaaba is-fogaareeyaan oo ay waxay doonaan ku hadlaan marka ay dhowr Km ka soo fogaan degmada Jowhar amaba ay ka soo tagaan, waayo waxaa Jowhar ka jira, arag, maqal afkaagana qabso, taaso caddeyneysa in uu meesha ka jiro maamul diktatoor ah, waxaanse leenahay dadka Shabeelaha dhexe waxay qabaan Allihii abuurtay oo dhibaatada ka dul qaadi kara.

Waxaa Qoray:
Muxiyaddiin Cabdi Calasow
Muqdisho-Soomaaliya
Mcalasow@yahoo.com

»Qoraalkii hore ee Calasow:  Naqdintii Qormadii Cabdirisaaq Xaaji Xuseen

Faafin: SomaliTalk.com | March 25, 2004 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 
Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga
Qormadan waxaan kusoo bandhigayaa qodobo haddii la raaco ay qoraalada, wararka iyo faallooyinku noqonayaan kuwo xiisa u yeelan kara akhristaha. Waana kuwan qodobada aan kusoo ururiyey nuxurka qoraalka: Guji...

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Sawirada: Google Image search

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah


Gen. Maxamed Abshir... GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


abdullahi yusuf ahmed
Waa kuma C/Laahi Yuusuf

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD