SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

March 17, 2004  

Naqdintii Qormadii Cabdirisaaq Xaaji Xuseen

 

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...



Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah....... GUJI....

Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga

Md.C/risaaq Xaaji Xuseen oo mar ahaa Ra’iisuwasaare soomaliyeed xili ay yarayd aqoonta ay soomaalidu u lehayd, is xukunka inkastoo ay jireen dad yar oo faro ku tiris ah oo yaqaana Dowlad waxa ay ta-hay kuwaas oo u badnaa dad la sooshaqeeyay xukuumadihii Isticmaarka ee dalka Xoogga ku haystay.Md.C/risaaq Xaaji Xuseen wuxuu ka mid ahaa siyaasiyiinta fara ku tiriska ah eeka joogta dadkii talada soo galay 60-meeyadii kuwaasoo xilka ka qaadaysticmaarkii labada Gobol [Waqooyi iyo Koonfur].

Inkastoo ay dadaaleen waxaa muuqanaysay inay jireen is xusulayn hoose oo udhexe-ysay Xisbiyadii waqtigaa jiray oo laga soo dooranaayay mas’u-uliyiintaxilka qabanaysay iyagoo marka la soo doorto ka dib noq-onaayay mas’uul Beeleed inkastooy Xisbi ka soo jeedeen.

Waqtigii Md.C/risaaq Xaaji Xuseen uu xilka hayay inu-usan wanaag wax kuxuku-mayn waxaa kaaga daliil ah er-ey Suugaameedka ey isticmaalayeen dadkiideganaa Muqdisho iyo nawaaxigeeda xilka qaadistiisii ka dib [Rashiid miyaa Risaaq ka roon, rasuulku ha ku reed ku dee]. 21 sano oo kacaanku dalka xukumayay ma dhicin tacadiyo gaar ah oo la isugu gaysto magacyada Qabiilada uu sheegay inay isu qabaan Colaado iyo xumaan soojireen ah soomaalida kalana ay u qabto labadaas Beelood oo uu carab-aabay {Hawiyeiyo Daarood}.

14 sano oo dowlad la’a-an ah iyo dagaalo sokeeye oo reebay dhibaatooyin xanuunbadan hadda ma jirto qof loo haysto ahaanshaha qabiilkeeda mana jirto nacaybgooni ah oo ay isu qabaan dadka ku abtir-sada Labadaas beelood ee aan kor ku soo

xusnay.Hogaanka xukun raadinta xiligaan ee labada Beelood {Hawiye iyo Daarood} waaugu cad cad yihiin haddii loo eego Beelaha kale maanta, markaad fiiriso marxalada Dalku ku sugan yahay qofna kuma fakirayo yaan Xil loodhiibin Hawiye iyo Daarood midna, haddii aad fiiriso warqada Furan ee Md.C/risaaq Xaaji Xuseenee uu kaga hadlay shirka dib u heshiisiinta ee Carta oo uu sheegay in Beel wax lagu qaybsaday in ay qalad ahayd hadana uu leeyahay ya-an beelaha qaar wax loo dhiibin, aan xusuusinee Madaxweynihii ugu horeeyay Soomaaliya Md.Aadan Cabdule

Cusmaan-{Hawiye} Ra’iisulwasaarihii ugu horeeyay Md.C/risaaq Xaaji Xu-seen [Daarood} Gudoomihii Ba-arlamaanka Sheekh Muqtaar Cabdi Rooble[Digil iyo Mirifle] hadii 60-kii sidaa wax loo qayb-shay ayna yaraayeen inta faha-msanayd Xukun iyo is Xukun, 44-sano ka dib oo la wada fahamsan yahay waxa Dowladi tahay ayna badan yihiin inta u hanqal taageysa inay noqdaan Hogaanka sare ee dalka maan-ta ma la dhihi karoo qoraalkii Md.C/risaaq Xaaji Xuseen ee Xiligaan waa

mid u jan jeera dhinac iyadoo la cuskanayo xaqiiqooyin ay ka mid yihiin sida uuu canbaareeyay qaybsigii shirkii Carta iyo natiijadisii, sidoo kalana shirka Kenya ee dib u heshiisiinta soomaalida oo socda 17-bilood in ka badan soona maray marxalado badan oo is bad badal leh kana cakirnaan badan xaalada shirka ee maanta kama hadlin Md.C/risaaq Xaaji Xuseen intaas hadiise mara-xalada maanta

loo fiiriyo qoraa-lka waxaa kuu muuqanaysa in wareega miisaanka shirku raad ku leeyahay labada Beelood mid ahaan {tan uu ka soo jeedo} haddii aysan xaaladu sidaas ahayn wuxuu hadli lahaa intii hogaanka shirka uu u gacan badanaa Col:C/llaahi Yuusuf oo ay isku Beel ka soo wada jeedaan filkirba ha ku kala duwanaadaane waa in la gaaraa maalin la ogaado in tiro iyo tayo wax lagu dooranaayo. Soomaalidu waa qabiilo waxa wax lagu qaybsanayana waa Qabiil shirkana ma

joogaan Asxaab siyaasadeed oo ku loolamaya siyaasad iyo barnaamijyo marxaladaan kala guurka ah waana lagama maarmaan in hogaanku uu noqdo Beel leh Awood Tiro iyo tayo intaba haddana haddii aan hawiye iyo daarood Xukunka loo qaybin xalku kuma fududa sida ku qoran xashida C/risaaq mar hadii shirkii dhammaad joogo aysana u muuqan Odaga natiijo uu ku farxi karo oo dhiniciisa ah oo u dhiginta midii 60-kii ma wuxuu is yiri maanta hanan waydaye hawiyaha ka hooji. “eeboow adigaa naga og wixii Qayr ah waxaase noo mu-uqata in aysan yarayn dareenka ku jira Duqa soo daalay lana dhihi karo wuxuu gacan saar hoose la leeyahay qaar ka mid ah siyaasiyiinta Beelaha kale ee uusan carabaabin. Qoraalka kama muuqan Soomaalinimo ee waxaa ka mu-uqaatay daaroodnimo taa waxaa

u daliil ah marna sooma qaadin gooni isu taaga Somalil-and haddii uu dhihi lahaa soomaalidu ha taageerto siyaasiyiinta Somaliland in ay mudan yi-hiin in iyaga loo wakiisho sidii shalayba ay ku keeneen qaranimada somaaliyeed 1960-kii,sikastaba ha ahaatee Md.C/risaaq Xaaji Xuseen ha ogaado inaan la joogin 60-kii ayna jiraan aq-oonyahan awood badan u leh inay garataan dabinada isdaba yaal lana xusuusan yahay Post Rosso} .

W/Q.Muxudiin Cabdi Calasow
Mcalasow@yahoo.com

Kala xiriir E – mail : amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 17, 2004  

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo Soo Saaray Warqad Furan: Ujeeddo: DOORASHO MADAX QARAMEED ee Jamhuuriyadda Soomaaliyeed.. Guji

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD