SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
NEBI - MUUSE

March 7, 2004

Asalaamu Calaykum wr wb.

Qisadii Nabi Muuse :  Qaybtii 2aad

Qaybtii 1aad...

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...



FAAQIDAADA CIYAARAHA... GUJI

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO
 

Qisadan Nabi muuse (CS) waxa ay noogu joogtay markii Shacayb muuse ku yidhi ma sagaal sannadood ayaad ii shaqayn doonta mise toban sannadood, labada mudo mida uu la joogay iyo halkay ku denbaysay qisadoodi ayaan ka sii wadi doona.

Shacayb ayaa ku yidhi muuse “Arinkaa ayaa adiga iyo aniga naga dhexeeya labadan mudo mida aad ii shaqaynayso xumaana igama aha xagayga waxanu leenahayna illaahay baan tala saaranayna” muuse waxa uu ku yidhi sodogii arin waa sidaa aad sheegtay aniguna waxa aan ku leeyahay cadaawad igama aha illaahaybaana labadeena inaga wakiil ah sidaa ayuu muuse kula joogay toban sannadood oo uu ku dhamaystay mudadii.

Bukhaari (Raximahu laah) waxa uu yidhi:- waxa iiga waramay Maxamed Binu C/raxiim, Saciid Binu Salaaban, Marwaan Binu Shujaac, Saalim Binu Afdas, ragaasi in ay ka soo wariyeen sidiid binu jubeer in uu yidhi:- waxa I weydiiyay nin yuhuudi ah muuse labadan mudo mida uu shucayb la joogay waxana aan ugu jawaabay garan maayo ilaa uu inoo yimi oday arab ah oo aan waydiiyay, waxa aan isna weydiiyay Ibnu Cabaas, Ibnu Cabaas waxa uu yidhi:- waxa uu la joogay mudadii badnayd ee wanaagsanayd.

Ibnu Cabaas (RC) waxa uu rasuulka (CSW) ka soo weriyay in uu yidhi: waxa aan weydiiyay Malaku Jibriil labada mudo midka uu muuse la joogay? Waxa uu yidhi waxa uu la joogay mudada ugu dhamayska tiran ee ugu kaamilsan, waxa aan halkaa ka garanaynaa in uu la joogay muuse shacayb mudadii dheerayd ee ahayd tobanka sannadood.

Hadii lagu weydiiyo labadii hablood ee shacayb midkee ayuu muuse guursaday? Jawaabtu waxay tahay in uu guursaday labadii hablood tii yarayd, muuse intii uu la joogay shucayb muu qaadan jirin wax ka badan daruuriga.

Hadaba markii uu muuse damcay in uu ka guuro guriga shucayb wuxuu ku yidhi gabadhii uu qabay aabahaa inoo soo weydii in uu na siiyo adhi aanu dhaqano shucaybna wuu siiyay adhi badan oo sannadkaa dhashay, adhigaasi waxa uu laaha madmadow faro badan, muuse adhigii la siiyay wuu soo kaxaystay wuxuuna keenay ceel uu ka waaribiyo markii uu adhigii biyihii cabay mid kastana marka ay soo cabto ayuu ku dhufanayay ushiisha laxda uu ushiisa ku dhuftaa marka ay ugu yartahay laba ayay dhalaysay oo ah midabkii adhiga shucayb oo madmadowga lahaa.

Nabi Maxamed (CSW) waxa uu yidhi:- Hadii aad shaam ka dhex baadhan waxa aad ka helaysan baaqiga ka sii jooga tafiirtii adhigii Nabi muuse.

Nabi Muuse oo soo dhamaystay mudadii uu la joogay shucayb.

Illaahay (SW) waxa uu aayadan quranka noogu sheegay “Markii muuse uu dhamaystay mudadii ehelkiisina isagoo la socdo ayuu duurusina ku arkay dab ka iftiimaya wuxuuna ku yidhi ehelkiisi isiisuga waxa aan inooga soo qaadaya dab ama war ee isuga, markii uu yimi togii dankiisa midig bogcadii barakaysnayd halkii geedka MUUSOW ANIGU WAXA AAN AHAY RABIGA CAALIMIINTA TUUR USHAADA dabadeedna waxa uu arkay u shii oo rafanaysa, waxa lagu yidhi muusow ha baqanin waxa aad ka mid tahay kuwa nabad gelayee gacantaadana geli jeebka waxa ay ka soo bixi doontaa iyadoo widhwidhaysa oo xumaan lahayn, gacantaada hoos geli kilkiladaada taas waa mucjiso kaaga timid xaga rabigaa” 

VEDIO: The Miracles of the Qur'an

99 Magac oo Allaah

Markii uu muuse uu dhamaystay mudadii ninka la yidhaado Mujaahid waxa uu leeyahay waxa ay ahayd toban sannadood wuxuuna gaxaystay muuse ehelkiisi, mufasiliintu waxa ay yidhaaden waxa uu doonayay in uu la tago masar waxana la socday laba wiil uu dhalay iyo adhi uu dhaqday mudadii uu la joogay shucayb waxana soo guura galeen habeen qudcur ah qabow fara badanina dhacayo waxayna ka lumeen dariiqi waxayna ku asqoobeen siigadii saxaraha qabowgiina wuu sii kordhay iyagoo xaalada ku sugan ayuu arkay dab ka holcaya buurta dhinaceeda buurtuna waxa ay ka xigtay dhinaca galbeed oo ku beegan dhinaciisa midig, muuse markii uu ka soo dhaqaaqay ehelkiisi wuxuu ogaaday in iftiinkani yahay nuurkii xaqiiqada ahaa nuurka xaqiiqada ihina maaha mid cid kastaaba aragto, muusana waxa uu doonayay in uu soo helo wado ama war in ay aad u madobeedna waxa aan ku garanayna sida ay u asqooben ugana lumeen dariiqi.

Hadaba markii uu muuse ku soo noqday ehelkiisi waxa uu u keenay war laakiin warku muxuu yahay? Wuxuu soo helay hanuun, hanuunku muxuu yahay? Si aynu nuur uga helnay nuurku muxuu yahay?

Illaahay (SW) oo inooga waramaya hanuunka uu nabi muuse siiyay iyo nuurka iimaanka ayuu waxa uu inoogu tilmamay ayaadka quraanka wuxuuna yidhi “Markii uu yimi waa looga dhawaaqay dhinaca toga ee midig ka xiga ee baqcada barakaysan geedka agtiisi MUUSOW ANIGU WAXA AAN AHAY RABIGA CAALIMIINTA” “Markii uu yimi muuse waa loo dhawaaqay MUUSOW ANIGU WAXA AAN AHAY RABIGAA ee iska bixi kabaha waxa aad joogta togii barakaysnaa ee duwa aniga ayaana ku doortee maqal wixii aan ku waxyooday anigu waxa aan ahay alle aniga mooye illaah kale ma jiro aniga I caabud, salaadana tuko xuskayga qiyaamu wuu iman doona waana qariyay, si loogu abaal mariyo nafkasta wixii aan hor marsatay xaqa yaanay kaa jeedinin cida aan rumaynin ee raacda hawadooda”

In ka badan mid iyo laba oo mufasiliinta ihi kuwa hore iyo kuwa denbaba waxa ay yidhaadeen muuse markii uu arkay iftiinkii waxa uu arkay geed holcaya oo geedka cagaarkiisuna sii siyaadayo waana uu la yaabay geedkaas oo ku yaalay buurta dhinaceeda galbeed sida illaahay (SW) ku tilmaamay quraanka “Maad joogin dhinaceeda galbeed markii aanu nabi muuse aanu farnay amarka kuwii goobjooga ahaana ka mid maad ahayn” muuse waxa uu joogay toga la yidhaado duwa waxana uu jooday dhinaca qiblada geedkuna waxa uu ka xigay dhinaca midig rabigii ayaa u dhawaaqay waxana la amray in uu iska bixiyo kabaha weynayn iyo ikraamid baqcadan barakaysan.

Ehlu kitaabku waxa ay yidhaaden muuse waxa uu wajigiisa saaray gacmaha si aan iftiinka faraha badan uuna u indha tirin.

Illaahay (SW) waxa uu adoomadiisa ula hadlaa sida uu doono “Anigu waxa aan ahay rabiga caaliminta” Anigu waxa aan ahay illaaha aniga mooye illaah kale ma jiro aniga I caabud salaadana tuko xuskayga” illaahay waxa uu uga waramay Nabi Muuse (CS) in aan illaah kale oo cibaado iyo salaad ka aqbalaya aanu jirin waxa kale oo illaahay uga waramay in aan aduunyadan lagu waareyn ee meesha lagu waaraya ee la tagaya ay tahay daarta aakhiro si qof kastaba looga abaal mariyo shar iyo khayr wixii uu sameeyay, illaahay (SW) waxa kale ee uu uga waramay in uu wax kasta awood u leeyahay.

Illaahay (SW) waxa uu ku yidhi Nabi Muuse (CS) “Waa maxay waxan aad midigtaada ku haystaa” waxa uu yidhi muuse “Waa u shaydi waana ku tukubaa adhigana waan ku raaca hawla kalena waan ku qabsadaa” illaahay (SW) ayaa ku yidhi hadana “Muusow tuur waana uu tuuray waaba abeeso socota” taasina waa mucjiso weyn sidaas ayuu illaahay u tusay muuse in uu wax kasta isagu awood u leeyahay.

Ehlu kitaabku waxa ay yidhaaden mucjisadan waxa loo siiyay si ay u rumeeyan kuwii beeniyay ee masar ka dibna illaahay ayaa ku yidhi “Waa maxay waxan gacantaada ku jira” wuxuuna yidhi waa u shaydi waxana lagu yidhi tuur “Wuu tuuray waaba abeeso socota” muuse waa uu ka cararay illaahayna waxa uu ku amray in uu gacantiisa ku qabto markii uu qabtayna waxa ay noqotay ushiisi.

Illaahay (SW) waxa uu aayad kale inoogu sheegay “Qabo hana baqan waxa aan ku celin doona sideedi hore” waxa la yidhi wuxuu ku qabtay gacantiisa dhexdeeda gacantiisa kelena afkeeda ka dibna illaahay waxa uu amray in uu gacantiisa jeebka geliyo oo hadana ka soo saaro waxana uu arkay iyadoo widhwidhaysa sida dayax shan iyo toban ah, illaahay waxa uu hadana ku yidhi gacantaad waxa aad gelisa kilkiladaada hoosteeda meel ku beegan wadnaha dushiisa taasina waxa ay barako u tahay cidii ku dayata anbiyada.

Illaahay (SW) waxa uu suuratul Namal ku yidhi “Gacantaada waxa aad gelisaa jeebkaaga waxa ay ka soo bixi iyadoo widhwidhaysa oo xumaan lahayn tani waxa ay ka mid tahay sagaal aayadood oo wax loogu sheegayo fircoon iyo qoomkiisa waxa ay ahaayen qoom faasiqiin ah”

Hadaba labadan aayadood ee ahaa usha iyo gacanta waxa ay ahaayeen laba mucjiso oo ku socda fircoon iyo qoomkiisi sida illaahay quraanka ku tilmaamay “Taasi waa mucjiso ka timi xaga rabigaa oo ku socota fircoon iyo madaxdiisa waxa ay ahaayeen qoom faasiqiin ah” waxa jiray todoba aayadood oo kale marka labadan lagu darana waa sagaal waxana lagu sheegay aayada kale illaahay (SW) waxa uu yidhi “Waxa aan muuse siinay sagaal aayadood oo cadcad weydii reer binu israa’il markii uu u yimid ee fircoon ku yidhi anigu waxa aan ku malaynayaa uun in aad tahay muusow misixir muusane ku yidhi anigu waan ogahay wixi la igu soo dajiyay xaga samada iyo arlada ee iiman ah anigu waxa aan ku malaynayaa fircoonow in aad tahay mid been abuur badan” iyadoo faahfaahsan arintani illaahay waxa uu kaga waramay suuratul Acraaf Waxa aan ku salidnay fircoon iyo qoladiisi mudo sannada ah in ay ka yaraadan midhihu si ay wax ugu qaatan marka ay wanaag helaan waxa ay odhanayeen xagayaga ayuu ka yimi marka ay xumaan arkaana waxa ay dusha ka saarayeen muuse iyo cidii la socota ka deerintoodanina waa wax xaga illaahay kaga yimi laakiin badankoogu ma garanayaan, waxa ay yidhaadeen marka kasta oo aad noola timaado aayad waa nagu sirxaysa kumana rumaysan mayno, waxa aan ku salidnay duufan iyo ayax iyo xasharad (Qumil) iyo rah iyo dhiig ayaad cadcad waana ay iska weynaysiiyen waxa ay ahaayen qoom musjiriim ah”

Mawduucyada sideeda ayaan wax uga sheegi doona waa sagaalka mucjiso ee la siiyay nabi muuse (CS) iyo tobanka kalmadood ee sharciga ah si aynu u kala saarno tobanka aayadood ee sharciga ah iyo sagaalka aayadood ee mucjisyoonka ah kala cadeen tooduna waxa ay ku jirtaa dhamaadka suuratul Israa.


Meydkii Fircoon

Ujeedaduna waxa ay tahay markii uu illaahay muuse ku amray in uu fircoon u tago waxa uu “yidhi rabiyow waxa aan ka dilay naf waxana aan ka baqaya in ay I dilaan walaalkay haarun ayaa iga faseexsan xaga hadalka illaahayow isagana I raaci si ay ii rumaystaan waxa aan ka baqayaa in ay I beeniyaan waxa aan ku adkayn doona cududaada walaalkaa waxana aan idin siin quwad marka ay idin soo gadhani maayan aayadka yagu labadiina iyo wixii idin raaca ayaa guulaysanaya”

Illaahay (SW) waxa uu yidhi isaga oo u waramaya adoonkiisi oo ahaa rasuulkiisi kii uu la hadli jiray ee Nabi Muuse (CS) isagoo uga jawaabay amarkiisi ahaa in uu u tago fircoon, fircoon oo ahaa cadowgii nabi muuse ka soo saaray deegankiisi masar ugana soo cararay dilmigiisi iyo cadaadintii wakhtiga oo uu ahaa arinkiisu dilkii uu u geystay ninka (Qibdiga ahaa) sidaa darted ayuu u yidhi kalmadaha aayadan ku jira “Rabiyow waxa aan ka dilay naf waxana aan ka baqaya in ay I dilaan walaalkay haarun ayaa iga safexsan igana cod karsan illaahayow I raaci si aan u kaashado iina rumaystaan waxa aan ka baqayaa in ay I beeniyaane” aayadani waxa ay ina tusinaysaa sidii uu nabi muuse u baryay in uu illaahay (SW) iyo u jeedada uu kalahaa oo ahayd illaahay waxa aad I soo raacisa walaalkay haarun si uu igu gargaaro igana kaalmayo gudashada waajibaadka risaalada wuu iga hadal aqoonsan yahay waana uu iga gaarsin og yahay bayaanka, illaahay (SW) waxa uu yidhi isaga oo ka jawaabay baryadan Nabi Muuse (CS) “Waxa aan kugu adkayn doona cudida walaalka waxana idin yeeli doona quwad” quwadaas oo ah mucjiso “Idin soo gaadhi maayan idinka marka aayadkayaga” illaahay (SW) isaga oo kalsuuni ku siinaya adoonkiisi Nabi muuse (CS) risaalada uu sido in aan wax dhibaata iyo wax uu karaahiyaysto midna aanu kala kulmi doonin ayuu illaahay (SW) ku yidhi “Idinka iyo cidii idin raacda ayaa guulaysanaysa”

Illaahay (SW) waxa uu ku yidh Suuratul Daah Utaga fircoon isagu waa mid xadgudbayee” “ wuxuu yidhi rabiyow ii waasici laabtayda arinkaygana ii fududee guntinta carabkayga iiga fur si ay qawlkayga u fahmaan” Nabi Muuse (SW) waxa uu lahaa carab jalanqo sababtuna waxay ahayd markuu yaraa ee uu joogay guriga fircoon ayuu dhibiil dhab ah carabkiisa saaray dhibiisha waxa u dhiibay fircoon si uu wax uga ogaada caqligiisa markii isagoo yar uu qabtay gadhka fircoon gabadhiisina ay ka baqaday fircoon in uu dilo inankan yar ayay ku tidhi waa inan yar oo caqliba lahayn ee bal mid timir ah iyo dhibiil dab ah hortiisa soo dhig mida uu qaato, waxana uu damcay in uu qaato timirtii fircoon ayaa ka qabtay oo u diibay dhibiishi ka dibna afka ayuu geliyay sidaa darteed ayuu ku carab beelay, waa la weydiyay badhkood wixii ay ka fahmayn hadalkiisi.

Xasan Al basri (Rahimahu laah) waxa uu yidhi Rashuusha waxa la weydiiya uun waxa looga baahan yahay sidaa darteed ayay carabkiisi badh ka mid ihi ugu soo hadhay sidaa darteed ayuu fircoona yidhi illaahay ha qaribee isagoo ku doodayay in uu muuse ku ceebeyo hadalka “Kani kuma dhowa mid wax cadaynaya” u jeedada fircoon waxa ay ahayd in aanu muuse waxa damiirkiisa ku jira iyo muraadkiisa midna uuna ku soo bandhigi Karin hadalkiisa.

Nabi Muuse (CS) illaahay ayuu beryahay waxana uu yidhi “iiga yeel wasiir mid ehelkayga ah walaalkay haarun si aan isku kaashano oo arintaydana wax iila qabto si aan in badan kuugu tasbiixsano in badana aan ku xusno adigu waxa aad tahay mid na arkayee” “waxa lagu yidhi xaqiiqdii waa lagu siiyay wixii aad I weydiisatay muusow” taas oo macnahayeedu yahay in laga caqbalay wixii illaahay uu weydiistay

Akhri Qaybta 3aad

 Kulaabo Qaybtii 1aad... Guji halkan

 

Waxa si wada jir ah u diyaariyey

 

Cabdifataax Xasan Aadan

Axmed Ismacil Xasan (Bucul)
cabdifataax_96@hotmail.com

 

. Taariikhdii Imaamul Bukhaari (Raximahu laah)
»Taariikh-dii Imaamul Muslim (Raximahu laah)
. Diinta: Qisadii Nabi Yuusuf (CS)

 

Feefin: SomaliTalk.com March 2, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]