SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
NEBI YUUSUF

Janaayo 14, 2004

Asalaamu Calaykum wr wb.

Qisadii Nabi Yuusuf (CS)


Intayna anan bilaabin qisada Nabi Yuusuf (CS) waxa haboon in aan dhoor calamadood aan tilmaano, waxa kala duwan sida loo soo kala wariyay qisooyinkii nabi yusuf (CS) laakiin nebi yuusuf (CS) qisadiisa oo dhamaystirin waxay ku sugan tahay surad ka mid ah suurada quraanka laakiin Nabiyada kale dhoor suuradood ayay ku kala qoran yihiin, Illaahay waxa uu yidhi suurada yuusuf gudaheeda “Anagu waxa aan kaaga warami doona qisooyinka ta ugu fiican taas oo aan kuu soo waxyaano adiga quraankan, laakiin ka hore waxaad ahayd kuwa moogan”(waxa looga jeeda Nabi maxamed (SCW)

Culimada islaamku waxay isku khilaafeen maxaa loogu bixiyay qisadan, qisada ugu wanaagsan? Waxa la yidhi waxay kali la noqotay qisada qudha oo nebi laga sheekeyo quraanka dhexdiisa, sidoo kale waxa la yidhi Nabi yuusuf waxa uu kaga gudbay walaaladii samir iyo dulqaad waana iska dhaafay waxa kaloo oo la yidhi waxa ku jira suuradan xusitaankii Nabiyadii wanaagsanaa iyo dulqaadkoodi, nin madax ah iyo cidii uu xukumayay waxa kale oo ku xusan suurdan rag iyo shirqool dumar, waxa ku dhex jira sheekitaanka towxiidka iyo fiqiga cabiritaanka riyooyinka iyo fasilidooda

Hadaba qisadan Nabi Yuusuf (CS) waxay na tusaysaa dhibta iyo hawsha loo soo marayo dacwada illaahay iyo in la yeesho ku samirkeeda, arinka illaahayna waxa hor joogsan karaana ma jiro.

Hadaba qisada Nabi Yuusuf waa qiso ina tusaysa murugo iyo dhib. Waxaananu halkan kusoo gudbin doonaa qisadii Nabi Yuusuf qaybtii ugu horaysay aanu bilaamno, “Illaahay waxa uu yidhi koreeye xus nabi maxamedow goortuu yuusuf ku yidhi aabihii, aabay waxan arkay 11 meere cad ceeda iyo dayaxa waxa aan arkay iyagoo ii sujuudsan

Ilmahan yari waxa uu aabihii uga waramayaa riyooyin la tusay Nabi Yacquubna (CS) waxa uu gartay Nabi Yacquubna (CS) in ay riyadaasi ku jirto arin wayn oo aan ilma yari ku riyoon Karin, ilmahaa yara sidoo kale kumana riyoon karo isagoo ku ciyaaraya mid ka mid ah meerayasha aduunka siday doonta ha ahaatee.

Nabi yacquub (CS) waxa uu kolkiiba is dareensiyay inanun inankiisa yari uga sheekeen walaaladiisa kale si aanu shaydaanku uga dhex faa’iidaysan walaalkooga yar .

Waxa uu yidhi Nabi Yacquub (CS) “Inankaygiyow ha uga sheekeen riyadaada walaaladaa way ku shirqooli doonan shirqool, shaydaankuna dadka waa u cadow

Waxa uu dareemay Nabi Yacquub (CS) oo ahaa ina isaxaaq ina ibraahim in ay arintaani ku xidhiidhsan tahay diin iyo wanaag in ay halkaasina ku dhex jirto wanaag tusaal u tahay isku xidhkii barakaysnaa ee Anbiyada ka tafiirneed nabi ibrahim (CS) “Sidaa ayuu rabigaa ku doortay waxana wuu ku baray fasilaada riyooyinka” taa macnaheedu waxa weeyi rabigaa ayaa ku doortay oo xumaana kaa dheerayay macnaha tafsiirku waxa weeye garashada maalka, (aqoonta xaga dhaqaala ah) iyo garashada natiijooyinka, ogaanshaha siraha.

Nabi Yuusuf (CS) aabihii waxa uu dhagaystay wuxuu inankiisu ku riyooday waxana uu ka digay in aanan uga sheekeen walaaladii yuusufna wuu ka aqbalay taladaa, laakiin waxa xoogaystay cadhadii iyo karahii ay u qabeen walaaladii, waxana uu la kulmay Nabi Yuusuf (CS) walaaladii iyagoo ka sheekaysanaya arinkaa.

Ilaahay waxa uu yidhi koreeye “Dhab ahaantii waxa ahayd yuusuf iyo walaaladii ayad dadka wax su’aala, goortay yidhaadeen yuusuf iyo walaalkeen aabaheen ayaa inaga jecel inaguna koox ayaynu nahay, aabeheena waxa uu ku sugan yahay baadi cad, dila yuusuf ama dhul inagaga tuura si uu nooga baneeyo wajiga aabaheen dabadeena aynu noqono umad wanaagsan, (9) mid ka mid ah ayaa yidhi yuusuf ha dilina aanu ku ridno ceel guntii si ay u qaataan dad socdaal ah hadii aad wax uun samaynaysaan”.

Siday sheegayaan kutubtii hore waxay tilmaamaan in yuusuf uga waramay qisadaas walaaladii, laakiin quraanka kariimka ah meelna Ilaahay kagamuu sheegi inay sidaasi dhacday, hadii ay dhici lahaydne illaahay wuu noogu sheegi laha quraanka kariimka ah, hasa yeeshe waxa doonayeen inay dilaan u cadhadii ay u qabeen in ay dilaan darted.

laakiin inagu waxaynu ku kaaftoomi doona quraanka karimka ah, Nabi yuusuf walaaladood waxay yidhaadeen anagoo koox dhan ah oo leh tamar iyo xoog ayuu abeheen inaga door biday wiilkii yaraa, aabaheena waa oday gafsan isla markaas mid ka mid ah ayaa hadana soo jeediyay Yuusuf in la dilo si ay aabahood kali ugu noqdaan, xaasinimadaa iyo cadhadaasi waa tu shaydaanku qalbigooga ku waynayay ilaa ay door bideen in ay yuusuf dilaan ama ay dhulka ka fogeeyaan, waxayna yidhaadeen wado sadexaad ma hayno.

Hadaba waxaas oo dhan maxay u samaynayaan? Si aanu u arag aabihii una ilaawo dabadeedna inaga uu na jeclaado dabadeedna ay ka tooban keenan dambigii ay galeen.

Mid ka mid ah ayuu qabtay dareenkii walaaltinimada wuxuuna door biday in ceel lagu rido si ay dad socoti ihi ay u qaataan, fikradaas dilka ahna way ku kala qaybsameen, dhamaan waxay isla ogalaadeen in ay ceel ku ridaan.

Goobtii sadexaad

Dabadeena waxay aabahood ka dooneen in uu u ogalaado si u raaco, illaahay isagoo taa ka waramaya waxa uu yidhi “Waxayna yidhaadeen aabooy maxaad noogu aamin la’dahay yuusuf anagoo u ah wanaag falayaal (11) anaga na raaci beritoole ha iska soo qadhaabsado ha iskana soo ciyaaro anaguna waan ilaalinaynaa, (12) waxa ii muriga gelinaysa in aad isgaga tagtaan waxana ka baqayaa inuu cuno yayga idinka oo moogan (13) waxay yidhaadeen hadii uu cuno yayga anagoo koox ah hadaba dhab ahaantii anagaa waanu qasaarnay waxa dhex maray dood inamadii iyo aabahood si u raaci lahaa yuusuf, waxayna ay cabireen erayo dereen ku jiro (aabooy maxaad yuusuf noogu aamin la dahay)

Yuusuf waa walaalkayo anagaa ilaalinayna ha ka baqanin in ay wax soo gaadhaan, anagu waan jecel nahay walaalkay waanu waanin waanu ciyaarsiin doona, aabooy maxaad noo raacin la dahay ha iska ciyaare ha iskana qadhaabsadee isaga waxa u fiican ciyaarta iyo bixitaanka maadamo uu ilma yar yahay, aabo bal eeg wajigiisa waxa uu ka murugaysan yahay joogitaanka guriga inanka yari maba helo wax ciyaar ah, laakiin aabahood wuu ka diiday si aan toos ahayn isagoo muujinaya cudur daar, wuxuuna sheegay in aanu jecleen inuu yuusuf ka ag fogaado isagoo ka baqaya inuu cuno yaygu waxana uu yidhi aabooy waxa muruga I gelinaya in aad ka tagtaan yaygune cuno idinkoo ciyaar ku mashquulsan, waxay ugu jawaabeen aabahood aabooy anagoo 10 nin ah suura gel maaha inuu cuno waraabe iyagoo aabohood u muujinaya been waxay aabahood saareen cadaadis faro badan si u raaco yuusuf, si una rumoobo qadarka illaahay, waanu ogalaaday aabahood in yuusuf raaco.

WAA GOOBTII AFRAAD

Markay la tageen oo ay dooneen in ay ceelkii ku dhex ridaan wuxuu illaahay u waxyooday Nabi Yacquub (CS) isagoo uga waramaya waxay sameeyeen inamadiisi laakiin inamadiisu may dareen sanayn, waxay door bideen yuusuf walaaladiin in ay ku ridan ceel aanay socotadu ka kala go’in si diina way sameeyeen, ilaahayna Nabi Yacquub (CS) ayuu u sheegay inuu inankisi ka badbaaday ceelkii lana kulmi doono maalin kale ugana warami doona qisadan iyo waxay walaaladii ay ku sameeyen.

GOOBTII SHANAAD

Waxay u yimaadeen aabahood goor cashaayi ah iyagoo iska oohinaya (16) waxayna yidhaadeen aabooy anagu waanu tagtay, yuusufna waxanu kaga tagnay alaabtii waxana cunay yaygii miyaanad na rumaysanayn hadii aan ku sheegayno run (12) waxayna ay keeneen qamiiskii uu xidhnaa oo dhiig been ah ay soo mariyeen”.

Nabi Yacquub (CS) markiiba waxa uu gartay siduu xaalku yahay waxan uu ogaaday in ay been cad tahay, yuusuf yayagu muu cunin laakiin waxa uu ahaa qorshe ay udageesadeen walaaladii.

Nabi Yacquub (CS) kolkiba waxa uu ku yidhi naftiinu waxay idiin qurxisay arin aad u xun laakiin waa in aad illaahay talo saartaa…….

Illaahay waxa uu yidhi “Waxa uu yidhi dhab ahaantii naftiina ayaa idin qurxisay arinkan in la iska samro ayaa wanaagsan waxaad samayseena illaahaybaan ka talo saartay

Intaa waxa inoogu dhamaaday qaybtii hore ee noloshii yuusuf iyo walaaladii waxana aanu bilaabi doona nolosha cusub ee Nabi Yuusuf (CS) geli doono “waxa yimi socoto waxay ceelkii ku rideen wadaantii way soo jiideen jiiditaan waxayna yidhaadeen waar waa bishaaro kani waa inan waxayna ku iibiyeen lacag laakiin illaahay ayaa ogaa waxay siiyen (19) waxayna siiyen lacag fudud oo daraahim faro ku tiris ah waana ay iskaga dheeradeen”, sida ay ayadani inoo sheegayso intuu yuusuf ceelka ku dhex jiray waxa soo maray socoto, socotadaas oo ku socotay masar waxayna ahayeen socoto aad u wayn waxay dooneen in ay ceelka biyo ka sii qaataan waxana ay ku rideen wadaantii ceelka, markii ay dooneen in ay soo jiidan waxa uu qabsaday yuusuf wadaantii ceelka, markii ay arkeen wiilkii ayaa ay la yaabeen ayay u bushaaraysteen wayna ku iibiyeen masar gudaheeda waxayna siiyeen lacag yar sababtoo ah waxa uu ahaa wiil yar.

Halkaana waxa kaga dhamaatay dhibtii ceelka, waxana u bilaab matay dhib labaad “ Kii iibsaday waxa uu yidhi ee masar joogay gabadhiisa waxa uu ku yidhi hagaaji halkuu dagayo waxa laga yaaba inuu na anfaco amba aynu ka yeelano ilmo, sidaas yuusuf ugu suura gelinay dhulka aananu barnay fasilaada riyooyinka arinka illaahayna wax kasta isagaa ka xoog badan laakiin dadka badidiisu ma garanayaa

Isla kolkiiba waxa jacayl uqaada yuusuf ninkii iibsaday isagoo ku yidhi haweenaydiisii hagaaji wiilkaa yar waxa laga yaabaa in uu ina anfaco ama aynu ka dhigano ilmo, sidaas ayuu yuusuf ugu soo barbaaray gurgiga ninkii xukumaayay masar ee lagu magacaabo CASIIS, CASIIS waxa la odhan jiray ninka cadaalada badan ama ninka xooga wayn leh, laakiin dhinaca loo badan yahay waxay tilmameen inuu ahaa ninkii madaxda ka ahaa masara ( Raysal wasaare ).

Illaahay waxa uu yidhi koreeye “Markuu qaan gaadhay waxanu siinay xigmad iyo cilmi sidaas baanu dadka wanaagsan u abaal marinaa” yuusuf waxa uu ahaa ninkii wakhtigaa ugu quruxda badnaa, wajiga yuusuf waxa laga dheehanayay qurux ta ugu yaabka badan, waxa kaloo illaahay siyay xukun caafimaad qaba, waxa kaloo illaahay siyay cilmi iyo xishood, waxa kaloo illaahay ugu deeqay dood wanaag, waanu hantiyi jiray quluubta dadka dhagaysanaya, waxa uu lahaa dul qaad badan, waxa uu ahaa qof bila aadan ah oo qof kale lagu masali Karin, waxa uu ogaa Nabi Yuusuf (CS) in illaahay ku maamusay Cabirka riyooyinka, sidoo kale Nabi Yuusuf (CS) waxa uu ku caan baxay toosnaan, dulqaad, waxa uu ka yeelay masuulkii uu gurigiisa joogay sidii inankiisi oo kale………

WAA GOOBTII 1AAD QAYBTEEDI 2AAD EE NOLOSHII NABI YUUSUF (CS)

Nabi Yuusuf (CS) dhibtaa imika qabsanayaa waa tu ka adag tii ka horaysay, dhibtani waxay qabsatay Nabi Yuusuf (CS) isagoo ilaahay siiyay aqoon iyo caafimaad si uu ugu waajiho dhibaatooyinka ka hor imanayaa “Waxa jeclaatay tuu gurigeeda joogay nafteeda ayay u jeclaatay waxay xidhatay albaabadi oo dhan waxayna tiri waa ku kaa, wuxuu yidhi illaahay ayaan ka magan galay, illaahay waa rabigii I wanaajiyay meesha aan degayo mana liibanan kuwa dulmi falayaasha ah” (23) “way u hamootay isna wuu u hamooday hadaanu arki lahayn cadeynta xaga illaahay ka ahaatay, sidaa ayaan ugu jeedinay xumaanta iyo sinadiiba isaguna waa adoomayadayga mukhlisiinta ah”.

Imikana bal aynu u fiirsano ayaadahaan fasiradooda, waxa jeclaatay oo doorbiday nafteeda tii uu gurigeeda joogay waxay xidhatay albaabadii oo dhan waxayna ku tiri waa ikan, sida ay mufasiriintu tilmaaman, waxay tiri markaa igama baxsan maysid halkaa waxa inooga cad inuu mar hore ka baxsaday oo aan si toos ah ugu yeedhin, halkan quraanku waxa tusaale cad inoo siinayaa doodi dhex martay Nabi Yuusuf (CS) iyo gabadhii Casiis, Nabi yuusuf (CS) waxa uu hor istaagay gabadhii isagoo ku dhawaaqaya waxa aan ka magan galay illaahay, illaahay waa rabigay dadka daalimintuna ma guulaystaan, Nabi Yuusuf (CS) waxa ku adkaatay gabadhii uu gurigeeda joogay oo jeclaatay in uu xumaan ku sameeyo dabadeena waxa uu gargaar saday Illaahay si uu xumaanta uga nabad geliyo.

Illaahay waxa uu yidhi koreeye “Way u hamootay iskaguna wuu u hamooday hadaanu arkaykeen cadeemaaha illaahay”.

waxay isku waafaqeen culimada mufasiriintu in ay gabadhu jeclaatay xumaan nafteeda lagu sameeyo, laakiin waxa la isku khilaafay hamiga yuusuf, qaar waxay tix geliyeen sheekooyinka israa’iliyiinta ah, laakiin sida saxda ah waxa weeye waxay ay nafteedi la jeclaatay xumaan Nabi Yuusuf (CS) sidoo kale ayuu ku hamiyay laakiin muu samayn, ayadani waxay leedahay fasilaad faro badan laakiin waxa aan ku soo koobin doona, illaahay waxa uu yidhi “sidaas ayaan uga jeedinay xumaantii iyo sinadii, isagu waxa uu ahaa adoomahayaga mukhlisiinta ah, Nabi Yuusuf (CS) in kastoo yahay dadka mukhlisiinta ah hadana kamay maqneyn dareenkii raganimo laakiin markasta waxa hor yaalay ayadaha eebe.

Illaahay koreeye waxa uu inoogu soo koobay kitaabkiisa quraanka ah “Waxay u tartameen albaabkii khamiiskana xaga danbe ayay qabtay odaygeedina waxay ay ku kulmeen kadinka albaabka, waxay tiri waa maxay abaal marintiisu ninka reer kaaga la doonay xumaan” waxay ay soo jeedisay isla kolkiiba gabadhii jeclaatay nabi yuusuf (CS) xeer ciqaabeedkii la marin lahaa yuusuf iyadoo ka baqanaysa fadeexad iyo ceeb waxay tilmaantay in la xidho, Nabi Yuusuf (CS) waxa uu bilaabay in uu istifaaco waxay uu yidhi “iyadaa nafteeda ii jeclaatay si aan xumaan ugu sameeyo” quraanku waxa ka muu sheegin jawaabtii u ka bixiyay odaygeedi iyo wixii markaa uu sameyay laakiin illaahay waxa uu yidhi koreeye “ Waxa markhaati ka noqday qof ehelkeeda ka mid ah, hadii uu yahay khamiiskiisi mid ka jeexan dhinaca hore, run ayay sheegtay isaguna waa kuwa beenalayaasha ah (26) hadii uu yahay khamiiskiisu mid ka jeexan dhinaca danbe ayaadaa been sheegtay, iskaguna waa kuwa run badanayaasha ah (27) waxa uu arkay khamiiskii oo dhinaca danbe ka jeexan waxa uu yidhi taasi waa shirqoolkiini, shirqookiinuna waa mid wayn”.

Ma ogin in uu yahay ka markhaatiga furayay mid la socday arinta ilaa bilowgii amba uu u yeedhay ninka la yidhaa casiis markii ay arintu dhacday ka dib si uu wax uga yidhaa, sidee sheegeen riwayadaha qaarkood ninkan markhaatugu waxa uu ahaa nin aad u da wayn sida riwayadaha qaarkood ay sheegayaan waxa uu ahaa ilma yar oo naaska jaqaaya laakiin waxaas oo dhani waa tafaasil caadi ah, waxna ka badali maayan arintaan, quraanku sida uu inoo sheegayo ama aan ku aragnay waxa uu tilmamay ninkan markhaatiga ahaa in la eego khamiiskiisa hadii dhinaca hore uu ka jeexan yahay waa difaac ay iskaga jirtay iyo iska celinteedi iyadaana run sheegaysa isaguna waa beenale, hadii khamiisku dhinaca danbe ka jeexan yahay waa baxsadkii uu ka baxsanayay iyo ka hor istaagi ay ka hor istaagaysay albaabka iyadu waa beenalay isaguna waa mid run sheegaya, markuu arkay odaygeedi sheekadu siday ay u dhacayso, marku arkay khamiiskiisu inuu dhinaca danba ka jeexan yahay waxa uu yidhi taasi waa shirqoolkiini, shirqoolkiinuna waa mid wayn cidna muu canaanan wax na muu odhan, waxa u soo jeestay dhinaciisa waxana uu yidhi yuusufow iskaga jeeso taa.

Illaahayna danbi dhaaf waydiiso, adigu waxaad ahayd kuwa gafsan, intaa waxa inoogu dhamaaday qisada qaybteedi hore laakiin fidnadii intaa kumayu dhamaan, manuu kala saarin ninkii guriga lahaa gabadhii iyo inankii yaraa isagoo doonaya in uu sheekhada iska xidho, laakiin waxa faafay sheekhadii guri ilaa guri dumarkii magalada ku noola waxay ay heleen sheeko ay ka sheegaystaan iyagoo leh gabadhi uu qabay ninkii madaxda ahaa waxay jeclaatay inankii yaraa ee gurigeeda joogay, waa gabadh lunsan iyo erayo kale oo la mid ah, illaahay oo sheekadaa wax inooga tilmaamaya waxa uu yidhi “waxay yidhaadeen dumarkii magaladu gabadhii ninkii boqorka ahaa inankii yaraa ayay nafteedi la jeclaatay waxana madax maray jecayl waxana u aragnaa gabadh baadi cad ku jirta” warkaasi waxa u gudbay af ilaa af guri ilaa guri ilaa uu soo gaadhay gadhii lafteedi.

WAA GOOBTII SADEXAAD

“Markii ay maqashay waxay sheegayeen dad ayay dirtay, waxayna u diyaarisay mid kasta meel ay fadhiisato waxayna siisay midiyo waxayna ku tiri dabadeed nabi yuusuf (CS) soo bax markay arkeen way la yaabeen waxayna jareen gacmahoodi waxayna yidhaadeen illaahay ayaa xumaan ka nasahan ee kani maaha bila aadan kani waa malag maamusaysan, waxay tiri dabadeena taasi waa tii aniga aad ugu sheegayseen laakiin anigu naftayda ayaan la jeclaaday laakiin isagaa iska kay ilaaliyay haduu sidaa samayna wuxuu noqo lahaa kuwa jeelka ku xidhan ahna dadka dulaysan” fasiraada aayada

waxay ay qorshaysatay gabadhii in ay samayso casuumad kuna dhex samayso gurigeeda dabadeedna waxay bilowday in ay u yeedho dumarkii oo dhan waxayna u diyaarisay meel ay fadhiistaan waxayna soo diyaarisay cuntooyin iyo cabitaan kala duwan, waxayna soo qaaday midiyo afwaawayn ama aad u afaysan waxayna u sheegtay mid kastaaba in ay hilibka ku jarjarto ama qasharka gaga guraan khudrada, dabadeed Nabi yuusuf (CS) waxay ay u sheegtay in uu soo baxo, dhamaan markay ay arkeen dumarkii yusuf way la waynaatay waanay la wareereen, dhamaana midiyihii waxay ku wada jareen gacmahoodi iyagoo yaaban, waxana ay yidhaahdeen illaahay ayaa xumaan ka nasahan maaha kani bila’aadam kani waa malag illaahay soo diray, waxay ay istustay in ay ka guulaysatay dumarkii oo dhan, waxaan ay tustayna quruxda Nabi Yuusuf (CS) in ay tahay wax lala yaabo, iyadoo dumarkii ku sii dheel dheelaysa hor fadhiyay oo la midka ahaa waxay tiri hadii aanun iskagu iga baxsan wuxuu ahaan lahaa kuwa jeelka ku jira ceebaysana, gabadh kasta oo meesha fadhiday Nabi yuusuf (CS) way caashaqday.

Waxa uu yidhi illaahayow jeelka ayaan ka jecelahay waxay ay ugu yeedhayaan hadii aanad shirqolkooga aanad iga jeedin waanay I hantiyi lahaayeen waxa aan noqon lahaa kuwa jaahiliinta ah” illaahay Nabi yuusuf (CS) waa uu ka aqbalay waxana uu ka jeediyay shirqoolkii dumarka “Illahaysi wuu ka aqbalay waanu ka jeediyay shirqoolkoogi, illaahayna waa ka wax kasta maqla wax walbana og” sidaa ayuu Nabi Yuusuf (CS) uga soo gudbay imtixaankii iyo shirqooladii ay dumarku u sameeyeen laakiin halkaa waxa uga bilaabi doonta dhibaatadii sadexaad, dhibta sadexaad waa tii ugu danbaysay Nabi Yuusuf (CS) waxayna ka bilaamaysaa geli taankii Nabi Yuusuf (CS) uu galay jeelka waxana laga yaaba gelitaanka jeelkiisu in ay ahayd faafidii sheekhadii gabadha iyo sidii uga bari noqday.

Nabi yuusuf (CS) waxa uu gelay jeel lagu caabudayo illaahyow kale duwan, halkan waxa aan ku arki doonaa ciqaab la mariyay Nabi ka mid ah anbiyada illaahay soo dirtay, isagoo lagu xidhay jeel iyadoo loo xidhay wax bilaa u jeedo ah iyo bilaa maxkamad ah si fududna loo xidhay.

Nabi Yuusuf (CS) waxa uu gelay jeelkii isagoo qalbigiisu dagan yahay aad moodid in u dhow yahay mabsuud, maxaa yeelay waxa uu ka badbaaday sheekhadii gabadhii iyo dumarkii ay wadatay, waxaba aad moodaa in uu jeelkii u noqday meel uu ku dago illaahayna kaga fakiro, waxana inoo cadaynaya ayadahaan quraanka khariimka ah waxa uu illaahay yidhi koreeye “Waxa la galay jeelkii laba wiil mid ka mid ah ayaa waxa uu yidhi waxa aan arkay aniga oo miirayay khamri kii kalena waxa uu yidhi aniguna waxa aan arkay anigoo madaxayga dushiisa ku sida laxoox shinbirihuna ay ka cunayan nooga waran fasilaadooda anagu waxa aan kuu aragnaa qof wanaagsan (36) waxa uu yidhi la idinkeeni maayo cunta aad cuntaan laakiin waxa idinka warami doona fasilaadooda intaanad la idiinkeenin taa, waxa aan idinka sheegi doona wixii illaahay I baray, waxa aan ka imi qoom aan illaahay rumaysnayn iyo dharaarta aakhiro (37) anigu waxa aan raacay diintii aabahay Ibraahim, Isaxaaq iyo Yacquub noomana haboona anagu in aan illaahay u shariik yeelano, taasina waa wax dheerad ah oo illaahay na siiyay laakiin dadka badidoodu ma garanayaan (38) waar nimankaa jeelka ku xidhanow illaahayo kale duwan ayaa wanaagsan mise illaaha kaliya ee awooda badan (39) ma caabudaysaan idinku illaahay sokodii magacyo mooye ay magacaabeen idinka iyo aabayaashiin illaahayna wax cadeen ah umuu soo dejin arinkana illaahay ayaa iska leh, illaahay in la caabudo weeye taasina waa diinta toosan laakiin dadka badidoodu ma garanayaan (40) jeelka kuwan ku xidhow midkiin wuxuu wareebin doona ninka madaxda ah ka kale waa la daldali shinbirihuna madaxiisa ayay cuni arinkiina sidaa ayaa lagu dhameeyay aad fasilaadiisa doonayseen” taasi waxay markale Nabi Yuusuf (CS) ay u suurta gelisay in uu ka dhex bilaabo dacwada jeelka dhexdiisa uguna yeedho dadka illaahay oo kaliya, Nabi Yuusuf (CS) waxa uu jeelka dhexdiisa dadka ugu dhex warami jiray naxariista illaahay iyo jacaylka illaahay adoomihiisa waanagsan u hayo, had iyo jeer waxa wuu waydiin jiray iyamaad wanaagsan in la caabudo illaah kaliya iyo illaahyo badan, waxa uu u sheegi jiray in uu illaahay yahay ka dadka buka bogsiiya iyo ka roobka keena, isagoo u balaadhinaya tawxiidka illaahay, waxana uu kula doodi jiray cilmi, deganaan iyo dacwada saafi ah, in yar aanu ku yara noqono kuwii ka doonay in uu u fasilo riyooyinkii ay ku riyoodeen ugu horayn waxa uu ku dhaqaaqay Nabi Yuusuf (CS) in uu yahay ka riyadan baray illaahay kaas oo ku gaar yeel isaga iyo aabayaashiisi iyagoo ka saafiyoobay in illaahay loo shiriik yeelin, taasi waa hanashadii ilbishiqasiyadii ugu horaysay ee uu hanto quluubta labadii wiil waxana ugu yeedhay tawxiidka illaahay waxana uu tusay ama u cadeeyay shirkiga madowgiisa, waxa uu ku dhaqaaqay in uu hanto quluubtooda si naxariis ku jirto isagoo wax dagaal ah kala hor iman, intaa ka dibna waxa uu u fasilay riyooyinkoogi, waxana u sheegaya mid ka mid ah in la daldali doono ka kalena uu ka badbaadi doono, laakiin umuu sheegi wakhtigii arintaasi dhici lahaa

waayo waa qof bila’aadam ah laakiin waxa kula dardaarmay kalaba kooga bad baada marka uu u tago boqorkooga in uu xasuusto laakiin ninkii muu xasuusan waxaba laga yaaba in ay ilowsiisay noloshii wanaagsaneed uu galay iyo dadkii faraha badnaa

Goobtii Labaad

Isla halkan waxa uga bilaabi doona is badal, is badalkaas oo noqon doona ka tagid dhibaatadii adkayd isagoo u gudbaya imtixaanka barwaaqada, waxa kaloo uu ka tagayaa imtixaankii adoonimad isagoo noqon doona boqor haya saldanada kuna dhex jira guriga dadka laga maamulo isagoo fadhiisan doona halkii boqorku fadhiisan jiray.

Hadaba waxa uu boqorkii uu ugu sheekeyay dadka talada ugu soo dhow in uu arkay riyo sidaa daradee uu doonayo cid u fasisha riyadaa, isagoo illaahay (SW) taa inooga waramaya waxa uu yidhi “Boqorkii ayaa yidhi waxa aan arkay totoba sac oo buur buuran oo cunaya totoba sac oo wayd ah iyo totoba xasiid ah oo cagaaran iyo totoba xasiid oo engagan, madax yahay iiga warama riyadaydaa hadii aad tihiin kuwa riyooyinka wax ka sheega” la taliyaashi iyo faaliyaashi way awoodi kari wayeen in ay fasiraan waxana laga yaaba in ay garan waayeen fasiraada riyadaa ama waxay is tuseen in ay tahay riyo xun waxayna ka baqeen in ay u fasiraan boqorka waxana ay dooneen in ay u fasirto cid aan ahayn cida talada haysa waxayna yidhaadeen waa riyo isku dhex jirta badhba badhka kale ayuu ku dhex qasan yahay suura galna maaha in la fasiro.

Waa Goobtii Sadexaad

Waxa uu gaadhay warkii ninkii boqorka khamriga waraabinayay kaas oo ka badbaaday jeelkii waxana looga sheekeyay riyadii boqorka waxana uu xasuustay riyadii jeelka ku soo dhex martay isaga iyo ninkii kale, waxanu xasuustay Nabi Yuusuf (CS) waxana uu u dagdagay dhinacii boqorka isagoo uga waramaya Nabi Yuusuf (CS) in uu yahay ka kaliya ee kari kara fasiraada riyadaa waxana uu yidhi Nabi Yuusuf (CS) waxa uu igula soo dardaarmay in aan ku sheego laakiin waan ilaabay, boqorkiina waxa uu u diray Nabi Yuusuf (CS) jeelkii uu ku jiray bal si uu Nabi Yuusuf (CS) arintaa u soo waydiyo Illaahaybaana inoocadaynaya (SW) sida uu ninkaasi warka uga qaaday boqorka una gaarsiyay Nabi Yuusuf (CS), ninkaasi Nabi Yuusuf (CS) waxa uu ku tilmaamay run badane taasina waa wax uu hore u soo tijaabiyay “Yuusufow runbadanow bal nooga waran totobada sac ee shil shilis ee cunaya totobada sac ee wayda ah, totoba xasiid cagaaran iyo totoba xasiid oo qalalan, waxa laga yaaba in aan dadkii kula noqdo si ay u ogaadaan” waxa la waydiyay yuusuf tafsiirkii riyadii boqorka shardina loogama dhigin ka bixintaanka jeelka fasiraadi riyadaas, hadalka yuusuf muu hayn wax la tawiilinayo waxa uu ahaa waano lagaga hortagayo dhitaadooyin soo socda isagoo fasiraya Nabi Yuusuf (CS) riyadaa illaahayna nooga waramayo waxa uu yidhi “Waxa uu yidhi waxa beeraysaan totobo sano waxad goostaan kaga taga naasaha xasiidooda inta yar ee aad cunaysaan mooyaane (47) waxa iman doona intaa ka dib totobo sano oo adadag waxana aad cuni doontaan wixii aad hore u soo hormarsateen in yar oo wanaajisateen mooyane intaa ka dibna waxa iman doona sanad dadka la waraabin doono waxna miiran doonaan” Nabi Yuusuf (CS) waxa uu uga waramay ninkii jeelka ugu yimi in ay masar totoba sanadood ay noqon doontoo meel aad u rooban dadka reer masarna aanayn nimcadaa illaahay ka faa’iidaystaan waxana ka danbeeya Totoba Sanadood oo abaar ah oo ay cuni doonaan Totobadii sano ee hore waxay ay beerteen sidoo kale Nabi Yuusuf (CS) waxa uu tala ku siiyay in fadli badan tahay in ay kayd sadaan raashinka totobadaa sano u soo go’aya sidoo kale xasiidana ay kaga tagaan dahaadhkeeda inta ay cunayaan mooyaane si aanay uga xumaan anba aan u gelin cayayaan si ay u badbaado sidaas ayaanu ugu dhameeyay boqorkii riyadiisi kuna fasiray, waxa kaloo uu Nabi Yuusuf (CS) ugu daray sanad aanu ku riyoon boqorkii Sanad barwaaqa ah dadkana la waraabin doono Sarac iyo biyo lagu waraabin doono midhahoodan ay ka shiidi doonaan khamri sidoo kale uu u bixi doono sanadkaasi samsam iyo Saytuun kuna shiidi doonaan saliid, sanadkani kumii jirin riyadii boqorka waa aqoon gaar ah oo la siiyay Nabi Yuusuf (CS) waana bushaaro uu ninki boqorka khamriga u walaaqayay una geeyay boqorkii iyo dadkii.

Goobtii Afraad

Ninkii waxa uu u tagay boqorkii waxana uu uga waramay wixii uu ku yidhi Nabi Yuusuf (CS) boqorkiina wuu yaabay yaabid daran waxana uu yidhi waa maxay qofkan xidhan? Waxana uu og yahay waxa dhici doona waxana uu samaynayaa wixii lagaga hortagi lahaa isagoo dooneen in loogu badalo wax abaal marin ah isagoon shardina ka dhigan in jeelka laga saaro “Boqorkii waxa uu yidhi ii keena, markii uu u keenay ninkii uu diray waxa uu yidhi illaahaga u noqo, waxana u waydiyay maxay ahaayeen dumarkii arinkoogu kuwii gacmahooga jarjaray illaahay aygaa og shirqoolkoogi” hadii aanu fasirno aayadan boqorkii waxa uu soo saaray ogaan ah in laga soo saaro jeelka loonaguna keeno sida ugu dhakhsaha badan garana mayno in ninkan loo diray yahay kii markii hore loo diray iyo in uu yahay shaqsi ka darajo sareeya oo u qaabilsan boqorka arimahan waxana uu ugu tagay yuusuf jeelkii isagoo doonaya in uu la kulmo boqorka waxana uu u doonay si dhakhsa ah laakiin yuusuf taa uu diiday waxana uu sheegay in aanu jeelka ka baxayn ilaa inta ay ka cadaanayso arinkii gabadhu, maxaa yeelay Nabi Yuusuf (CS) waxa rabeeyay Illaahay (SW) adabtiisana toosiyay waxay akhlaaqdu iyo edabtu degtay qalbigiisa sidoo kale illaahay waxa uu ku xoojiyay Nabi Yuusuf (CS) Daganaan, Kalsooni iyo Xasilnaan, taasina waxay nooga dhex muuqanaysaa arinkii uu u sheegay wiilkii yaraa ay ku wada jireen jeelka ee uu ku yidhi Ninka aad khamriga aad u samayn doontid ii sheeg iyo arinkii kale ee ahaa dumarki gacmaha is jarjaray iyo sababtii ay isku jarjareen gacmaha.

Waa goobtii shanaad

Quraanku inoogamuu waramin wixii dhex maray boqorki iyo ninki Nabi Yuusuf (CS) u diray laakiin quraanku waxa uu na hor joojiyay iyadoo maxkamad la saarayo lana waydiinayo dumarkii iyo wixii ay Yuusuf ku sameyeen “Waxa uu yidhi muxuu ahaa arinkiinu markaad yuusuf naftiisa aad jeclaateen” Boqorkii waxa uu waydiyay sheekadii si ay u cadaato arinkeedu inta aan la xaqiijin duruufaheeda aanu bilaamin dacwadeedu, dumarkii waxay ay qirteen xaqiiqdii waxayna yidhaadeen “Illaahay baa xumaan ka nasahane kuma ogin wax xumaan ah”

Gabadhii Nabi Yuusuf (CS) jeclaatay way ilowday sheekadaa imika laakiin waxay ay guda gashay in ay dib u xasuusato waxayna ay jeclaatay in ay u sheegto wax walba si dhab ah, “Waxay tiri gabadhii boqorku imika ayuu xaqii cadaaday anaa jeclaaday naftiisa isaguna waxa uu ahaa kuwa runta sheegaya (51) taana waxa aan u sameyay maan ahayn qof khiyaamaynaya waxa soo socda illaahayna ma hanuuniyo shirqoolka khaayimiinta” Ayadaan quraanku waxay inoo cadaynaysaa in ay gabadhii boqorku qiratay arinkii iyadoo ku cabiraysa erayo iyo dareemo xeel dheer khaladkoo oo dhana dhakada iska saaraysa wanaaga iyo runta Nabi Yuusuf (CS) ku sheegaysaa iyadoo sidaa u sheegaysaa kuna jirin wax cabsi ihi ama waxa kaloo lagu tilmaami karo manay doonayn in ay sii socoto yaraysiga ay yaraysanaysay Nabi Yuusuf (CS) laakiin waxa ay doonaysay in ay saxdo figradiisa, sidoo kale waxa halkan ka arkeena dareen kale oo wanaagsan “Naftayda ma wanaajin karo naftu dadka waxay amartaa xumaanta cida uu illaahay u naxariisto mooye illaahay waa ka danbi dhaafka badanleh naxariista badan leh” bal u fiirso ayaadahan

Gabadhii boqorku waxay u wareegtay diinti Nabi Yuusuf (CS) waxana u wareegtay towxiidkii illaahay, xidhitaankii Nabi Yuusuf (CS) iyo ka soo saarintaankiisi jeelka waxay keentay in ay gabadhaasi ku rumayso illaahay, waxana boqorkii ka soo baxay go aan ah in la siidayo Nabi Yuusuf (CS) loona keeno.

Qisadan door wayn waxa ka qaatay sheekooyin badan oo israa’iliyaad ah laakiin inagu waxanu ku kaaftoomi doona quraanka kariimka ah iyo axaadistii Rasuulka (CSW) waxana halkan inooga bilaami doona qayb cusub oo ka mid ah qayba noloshii Nabi Yuusuf (CS) “Boqorkii waxa uu yidhi ii keena si uu nafteeda u noqdo mid u gaar ah markii uu la hadlay waxa uu ku yidhi adigu waxa ad tahay kuwa aaminka ah ee la nabad geliyo (54) waxa uu yidhi iga yeel furayaasha dhulka anigu waan ilaalin cilmina waan u leeyahay (55) sidaas ayaan yuusuf u suura gelinay in uu hantiyo dhulka meesha uu doonana uu ka degi karo waxana siini naxariistayada cida aanu doono, dadka wanaagsana ajarkooga ma lumino (56) ajarka aakhiro ayaa ka khayr badan kuwii illaahay rumeyay kana cabsanayay”

In tuu arkay boqorkii arinkii Nabi Yuusuf (CS) ka dib iyo sidii uu beri uga noqday iyo aqoontiisa dheer, waxa uu ogaaday boqorkii in uu yahay hagaamiye sharaf leh laakiin Nabi Yuusuf (CS) kamuu doonin boqorkii in uu u mahadnaqo ma uu amaano laakiin boqorkii waxa uu Nabi Yuusuf (CS) ka dhigtay lataliyihiisa, markii uu Nabi Yuusuf (CS) la fadhiisatay boqorkii ee wada hadleyn waxa boqorkii u rumowday runta nabi yuusuf iyo waxa uu u sheegayo dabadeena waxa uu ogaaday boqorkii in uu ninkani yahay nin darajo aad u saraysa leh iyo amaano badan, Nabi Yuusuf (CS) muu noqon sidii lataliyaashiishi hore ee ahayd noolow taliyahaygiyow adigu waxa aad tahay madaxwayne la adeeco sida had iyo jeer loo sameeyo madaxwaynayaasha xadgudubsan, laakiin Nabi Yuusuf (CS) waxa uu door biday in uu umada kaga saaro dhibta soo socota aqoon iyo xigmad taas oo illaahay ku ilhaminayow.

Sida ka sugnaatay tafsiirka Qurdubi waxa uu yidhi Boqorkii hadii reer masar oo dhami isku iman lahayeen may kareen arinkan …awoodna umay yeesheen ay aamin kaga noqon lahayeen abaartii jirtay, dabadeed markii uu ogaaday boqorkii goaanka Nabi Yuusuf (CS) waxa uu goostay boqorkii in uu talada u dhiibo Nabi Yuusuf (CS) si uu u badbaadiyo masar iyo wadamada ku hareersan yuusufna waxa uu yidhi “Ii dhiib furayaasha dhulka oo dhan anigu waan ilaalin aqoon badana waan u leeyahay” Yuusuf ugamuu jeedi markii uu hadalkaa lahaa in uu ka helo wax anfaca isaga ama uu ka faa’iidaysto laakiin waxa uu u jeeday in uu umada uga faa’iideeyo waxana uu doonayay in uu u badbaadiyo dadkaa cuntadooda Totobada sanadood ee abaarta ah arinka Nabi Yuusuf (CS) waxa uu ahaa in uu ka furto halista umadaa ku soo waajahday illaahay (SW) waxa uu yidhi “Sidaas ayaan yuusuf dhulkii ugu suura gelinay” waxa uu noqday yuusuf mid ka masuul ah khasnadaha iyo dhaqaalah masar oo dhan waxana uu noqday wasiirka ugu sareeya, mufasriinta qaarkoodna waxay ay sheegayaan in uu boqorkii yuusuf ku yidhi:- yuusufow anigu talada waxa aan ku leeyahay kursiga adiguna talada kale, laakiin quraanku meelna noogumuu sheegin sida uu tasarifayo masar laakiin waxa aanu garanaynaa in uu yuusuf ahaa ninka dhaqalaha wadanka hayay.

Waxa bilaamay Sanadadi barwaqada ahaa wuxuu riixay sanadba sanad maalinba maalin bilba bil ilaa la gaadhay sanadadii gaajada iyo abaaraha, taladuna waxay gacantiisa ku soo uruur tay Nabi Yuusuf (CS)

waa Goobtii labaad ee qaybtan

Qaybta waxa aanu ku soo qaadan doonaa Nabi Yuusuf walaalihii oo abaaruhu ay soo kaxeeyeyn kana yimi falastiin sida kutubtu tafashiishu sheegayaan iyagoo doonaya raashin yimina wadanka masar illaahay (SW) isagoo nooga waramaya waxa uu yidhi “Waxa yimi yuusuf walaaladii wayna u soo galeen isagu wuu gartay laakiin iyagu may garanayn (58) markii uu u diyaariyay wixii ay siteen waxa uu yidhi ii keena walaalkiin xaga aabo oo miyaynaad i arkeen anigu sida aan idinku dhamaystiray miisankii cid lagu soo dagana aniga ayaa u fiicane (59) hadii aydaan ii keenin waxba idiin miisi maayo idina soo dhowayn maayo (60) waxa ay yidhaadeen waxa aanu uga warami doona aabihii sidaana waanu yeeli doona (61) waxa uu ku yidhi inamadii yar yaraa u celiya lacagtoodi oo u dhex geliya rarkooga waxa laga yaaba in ay gartaan marka ay ku noqdaan reerahoogiye waxana suura gal ah in ay soo noqdaan” ayadahan sida aynu ka fahmayno waxa la yidhi Nabi Yuusuf (CS) waxa uu siiyay mid kasta oo ka mid ah awr rar raashin ah wakhtigasina waxa uu ahaa qofkii aan waxba iibsan Karin ama aan kaydsan karini mid gaajo u dhinta, Nabi yuusuf (CS) waxa uu uga jeeday in ay kaga baahi baxaan abaarta dheer ee ka jirta dhulkoogi, Nabi Yuusuf (CS) walaaladii waxay ay ka soo gudbeen saxare dheer si ay cunto u iibsadaan, Nabi Yuusuf (CS) waxa uu gartay in ay yihiin walaaladii si dag dag ah laakiin iyagu may garan waxana ku adkaatay in ay fahmaan waayo waxa ugu danbaysay bari hore waxayna ka yimaadeen wadan fog oo falastiin ah iyagoo u soo doontay raashin …. Waxa dhex maratay dood isagoo isku sheegin tirade walaaladii waxay ahaayeen toban waxana ay wateen 11 awr waxana uu waydiyay yuusuf walaaladii isagoo adagsanaya mid ka mid ah turjumaanada – isagoo aan adeegsanaya luqadiisi cimriga ahayd waxa uu yidhi sii mid kasta oo iyaga ka mid ah awr rar cunta ah …. Waa imisa tiradiinu waxay ay yidhaadeen waxanu nahay kow iyo toban waxa uu ku yidhi yuusuf turjumaankiisi ku dheh luqadiinu way ka duwantahay luqadayada qaabkiinuna qabkayga wuu ka duwan yahay malaa basaasiin ayaad tihiin kolkiiba way u jawaabeen waxayna yidhaadeen illaahaybaanu ku dhaaranee manihin basaasiin anagu isku wada aabe ayaanu nahay aabahayna waa oday fiican Yuusuf ayaa waxa uu yidhi waxa aad nagu tirahdeen waxanu nahay kow iyo toban tiradiinuna waa toban waxay ay ku yidheedeen waxanu ahayn laba iyo toban walaalaha ah mid ayaa ceel ku dhintay waxana jira inan kale oo aanu walaalo nahay oo aabahayna jecel yahay mana jeclaydo aabahayo in uu ka ag fogaado badalkiisana waxanu soo kaxaysanay awrkiisi yuusuf ayaa ku yidhi sidee ayaan ku ramaysan karaa hadalkiina waxay ku yidhaadeen waxana uu ku yidhi yuusuf walaalkii ii keena markaas ayaan cuntadiisa siin doonaye anaga nidaamkayaga ma dhigayo in aan raashin siino cid maqan waxa dhax maray yuusuf iyo walaaladii dood aad u dheer laakiin waa uu ka ogalaaday in ay markaa awrka iyo raashinkaba ay ka xaystaan laakiin mar kale uuna ka yeelayn ilaa ay soo gaxaystaan walaalkood mooyaane iyaguna waxay ay yidhaadeen waxanu ku qancin doonaa aabihii in uu noo ogalaado.

Waxa halkaa ku dhamaaday qaybtii masar waxana bilaamaysa goob kale oo ah dhulka Kancaan la yidhaa.

Goobtii sadexaad ee qaybtan

Markii ay ku soo noqdeen aabahood waxay ay yidhaadeen aaboy waxa naloo diiday in aanu wax soo miisano na raaci walaalkayo ha soo miisto raashinkiisa anaguna waan ilaalin doonaye (63) waxa uu yidhi miyaan idinku aaminayaa sidii aan idinku aaminay walaalkiin ka hor imika illaahaybaa kuwa wax ilaaliya ugu wanaagsan kuwa wax u naxariistana waa ka ugu naxariista badan (64) waxa uu yidhi idin raacin maayo ilaa aad ii keentaan balan adag xaga illaahay aad iiga keentaan (waxa looga jeeda dhaar ) in aad ii keenaysaan isaga ama la idin wada haleelo markii ay u keeneen balankii adkaa waxa uu yidhi illaahay ayaa markhaati ka ah waxa aan idhi (66) waxa uu yidhi inamadaydiyow haka gelina albaab kaliya ka gala albaabo kala duwan illaahay waxba idinka tari kari maayo arinka illaahay baa iska leh ee isaga tala saarta hana tala saarteen kuwa wax tala saartaa (67) markii ay u galeen sidii uu aabahood u amray waxaba ugamay tarin ilaa baahidii naftii yacquub mooyane illaahaybaana sidaa xukumay waa mid aqoon u saaxiib leh wixii aanu barnay laakiin dadka badidoodu magaranayaan” Bal aanu sharaxno aayadahan

Walaaladii waxay ay ku noqdeen aabahood intii ayna dejin rarkii awrta u saarna waxa ay u galeen aabahood iyagoo leh si canaan ay ku jirto hadii aad na raacin lahayn walaalkayaga yar markan soo socota boqorkan aan u tagaynaa wax raashin ah uu nasoo siinayaa ma jiro hadalkoogina waxa ay ku soo gaba gabeeyeen anagaa ilaalinayna, Yacquubna waxa uu ku yidhi may idinku aamina sida aan walaalkiisi ka horayay aan idinku aaminay, waxa ay fureen raashin koogi waxana arkeen iyadoo loo soo celiyay lacagtoodi, waxa ay u tageeen aabahood iyagoo u bishaaraynaya waxan ku yidhaadeen aabooy bal eeg waataa lacagtayadii lanoo soo celiyay waxana u sheegeen aabahood in aan waxba laga soo iibin doonin hadii aanu raacin wiilkooga yari waxa dhex maray dood waxana ay u sheegeen aabahood jacaylka uu inankiisa yar jecel yahay in uu ka fasaadin doono dano faro badan waxana ay ka door bideen dhaqalahooga waxana u sheegen aabohood in ay doonayaan in ay helaan dhaqaalo faro badan waxana ay u sheegeen in ay ilaalin doonan walaalkood ilaalin aad u adag, waxa halkaa ku soo gababoobay doodi dhex maraysay iyaga iyo aabahood, aabahoodna waxa uu ku wareejiyay inankii laakiin waxa uu shardi uga dhigay ama uu kula balamay in ay u soo celiyaan inankiisa hadii kale aanu midna u soo noqon waxa kaloo uu u sheegay waxa aad tihiin kow iyo toban markaa haka gelina albaab kaliya ee ka gala kow iyo toban albaab oo kala duwan kaas oo aabahood uga dhigayo in ay hesho tuugo amba ay ku dhacdo il xaasidnimo laakiin noomuu sheegin quraanku waxa uu aabahood uga baqay hadii ay mihiim tahay sheegiteenka sababtuna illaahay quraanka ayuu noogu sheegi lahaa laakiin Yacquub waxa uu u sheegay waxa uu illaahay qoray in aanan sinba looga hor joogsan Karin.

GOOBTII AFRAAD

Waxa soo noqday yuusuf iyo walaaladii iyagoo kow iyo toban ah illaahay (SW) waxa uu yidhi “Markii ay yuusuf u soo galeen waxa uu soo dhoweeyay walaalkii waxana uu ku yidhi anigu waxa aan ahay walaalkaa hana ka quusan wixii ay sameeyeen” ayadani waxa ay ina tusaysa naxariista uu u hayo Nabi yuusuf (CS) walaalkii. Sidoo kale nabi yuusuf waxa uu u sheegay si hoos ahaan ah in uu yahay walaalkii, waxana shakina ku jirin in aanay sheekadani dhicin walaaladiisi kale oo agjooga, Nabi yuusuf (CS) waxa uu u sheegay walaalkii si qarsoon iyadoo aanay dareemayn walaaladood inu uu yahay walaalki , illaahay waxa uu quraankana noogu sheegay soo gelintaankii ugu horeysay ee u soo geleen nabi yuusuf walaaladii iyo aragii uu arkay walaalkiisi ay isku bahta ahaayeen in uu ka gartay intii kale, waxa dhex maray nabi yuusuf iyo walaaladii wada hadal sidoo kale waxa halkan noogu soo arooiyay ama illaahay noogu sheegay quraanka in ay mudo u ahaayeen marti laakiin waxa ay u diyaar garoobayeen in u ku noqdaan aabahood, yuusufna walaaladoo ayuu shaqada dhinac kala waday isagoo dooonaya in uu kala hadho walaalkiisa yar, waxa kaloo uu ogaa nabi Yuusuf (CS) la hadhitaanka uu la hadhaa walaalkiisa yar in ay murugo ay gelin doonto aabihii xasuusina doonto murugadiisi hore waxaas oo dhami nabi yuusuf wuu garanayay, kaasina waa walaalkii hadii uu doono si xoogleh in uu u la hadho cid ka celin karaysay may jirin laakiin waxa uu sidaa u sameeyay si uu uga reebo walaalkii, illaahayna quraanka waa uu noogu sheegay sirtii halkaa ku jirtay … yuusuf waxa uu ku socday waxyiga illaahay …. Illaahayna waxa uu doonayay in uu gaarsiyo dhibaato yacquubtii ta ugu saraysay …. Ilaa uu dhaafo xadkii dhibaatada iyo xanuunka ee qof bila’aadami u dulqaadan karayay, illaahayna waxa uu arkay isagoo ku sabrayay arinkaa waxana u soo celiyay labadiisa inan iyo aragiisiba illaahaybaana taa inooga waramaya “Markii uu diyaariyay safarkoogi waxa uu yeelay koobkii awrkii walaalkii intaa ka dib waxa dhawaaqay nin dhawaaqa safar yahayow idinku waxbaad xadeen(70) waxa ay yidhadeen iyagoo soo jeestay waar maxaad waydeen(71) waxa ay yidhaahdeen waxa aanu waynay koobkii boqorka, qofka keena waxa waxanu siinaynaa awr rar anaana uga damaanad ah (72) waxa ay yidhaadeen illaahaybaan ku dhaaranee waad ogtahay in aanan dhulka fasaadinayn kuwa wax xadayna manihin (73) waxa uu yidhi waa maxay abaal marintiisa hadii aad tihiin kuwa been sheegaya (74) waxa ay yidhaadeen abaal marintiisu waxa weeye qofka laga helo awrkiisa isagaa ayaa abaal marin ah anagu dadka dulmi falayaasaha sidaas ayaanu u abaal marinaa (75) waxa lagu bilaabay raashinkoogi intaana la soo gaadhin kii walaalkii waxana uu ka saaray weelkii walaalkii sidaas ayaan yuusuf ugu suura gelinay (helida walaalkii) muu ahayn walaalkii mid u qaatay deyn uu kulahaa boqorku laakiin illaahay ayaa sidaa doonayay, qofka aanu doono darajooyin ayaan saro u dalacsiina, qofkastaa cilmi lehna waxa ka aqoon badan illaahay cilmiga iyo aqoonta isku shubantay (76) waxa ay yidhaadeen boqorow inankan yari waxa uu leeyahay aabo weyn qaado mid kaayo halkiisa waxana aan ku aragnaa in aad tahay dadka wanaagsan (77) waxa ay yidhaadeen haduu kani wax xaday ku ay walaal yihiina waxbuu xaday imika ka hor, yuusuf ayaa naftiisi hoos u qarsaday umanuu muujin iyaga waxana uu yidhi idinkaa ka sharbadan halkaad joogtaan illaahaybaana og waxa aad ku sifaynaysaan (78) waxa uu yidhi illaahaybaan ka nabad galay in aad qaato cid aan ka helay alaabteyda mooyane hadii aan sidaa sameeyana waxa aan ahayn kuwa dulmi falayaasha ah (79) markii ay ka quusteen isaga in uu u soo badbaado kii igu waynaa ayaa waxa uu yidhi waar miyeynaan ogayn in aabaheen inaga qaaday dhaar iyo baaln illaahay imika ka hor iyo imika ka hor wixii aan yuusuf ku samaynay anigu ka tagi maayo dhulka ilaa uu ii ogalaado aabahay ama illaahay isoo xukumo illaahayna ka wax xukuma waa ka ugu khayrka badan”

Goobtani waa goob murugo leh waa muuqalo kadis ah Nabi Yuusuf (CS) waxa uu amray ragii la joogay in ay koobka dahbka ka samaysan ee boqorku leeyahay in ay ku qariyaan weelka walaalkii, koobkana waxa loo isticmali jiray in lagu miiso raashinka, koobka qiimihiisuna waxa uu ahaa awr rar raashin ah, koobkii waxa lagu qariyay awrkii walaalkii waday raashinkii dulsaarnaa, waxa ay u diyaar garoobeen yuusuf walaaladii in ay socdaan waxana la socday walaalkoogi yaraa dabadeena waxa is xidhay albaabadi caasimada oo dhan waxana u yeedhay nin yeedha isagoo leh safar yahow waxbaad xadeen, ninkaa yeedhayay waxa uu ahaabaa la yidhi askari joojinayay safarka waxana hor istaagay safarkii dhamaa ee hor socday isagoo ka eegaya cidii wax qarsanaysay, waxana ay soo qaabileen askartii yuusuf walaaladii, yuusuf walaaladiina waxa ay yidhaadeen waar maxaad waydeen, askarigiina waxa uu ku yidhi waxa aanu waynay koobkii dahabka ahaa ee boqorku wax ku miisi jiray cidiila timaadana waxanu siinaynaa abaalmarin, abaal marintiisuna waa awr rar raashin ah, yuusuf walaaladiina waxa ay yidhadeen iyagoo is bari yeelaya dhulka umaan iman inaanu fasaadino ama aanu wax xadno, dabadeena waxa lagu yidhi waa maxay abaal marintiisu qofka aanu ka helno koobkii dahabka ee boqorka, waxa ay yidhaahdeen anaga shareecadayagu waxa ay sheegaysaa qofka wax xada in uu adoonka dhigto qofkii uu ka xaday, waxa ay u sheegeen shaqaalihi nabi yuusuf waxa aan idinku dabaqi doonaa qanuunkiina gaarka ah laakiin idinku dabiqi mayno qaanuunkayaga masar yaala ee ah qofkii xaday in la xidho, jawaabtaa ay bixiyeen nabi yuusuf walaaladiina waxa ay ahayd shirqool iyo dhagar xaga illaahay ka timid hadii ayna jiri lahayn shirqoolkaan illaahay waa loo diidi lahaa in uu nabi yuusuf (CS) uu hantiyo walaalkiisi yaraa, waxana ay bilaabeen inay wax baadhan waxana uu amray nabi yuusuf ciidamadiisi in ay ku bilaabaan baadhitaanka walaaladii ugu horeyn intayna bilaabin baadhitaanka walaalkiisa yar si ayna u keensan baadhitaankaasi wax dareen ah, yuusuf walaladii way ka xasileen si ay bari ugu noqdeen wixii ay xadeen manay hadhsanayn ilaa walaalkooga yar mooyane waxana dhamaaday ka soo saarintaankii koobka awrkiisa yuusuf walaalkiisi yaranaana waxa uu adoon u noqday yuusuf sharcigii iyaga ka yimi dartii, dareenkaasi waxa uu ku keenay walaaladii in ay ka badbaadeen wax xaditaankii iyo tuhinkii loo haystay waxana ay canaan iyo ceeb ay ka saareen yuusuf walaalkiisi dhabta ahaa, waxa ay yidhaadeen haduu kani wax xaday waxa wax xadi jiray mid kale oo ay walaalah ahaayeen imika ka hor iyagoo oo ku ceebaynaya in ay caruurtan yari hido u leeyihin wax xaditaanka nabi yuusufna dhagihiisa ayuu ku maqlayay hadalkii ay lahaayeen waxana uu dareemay yuusuf murugo xun laakiin waa uu qarsaday waxanu uu ku qarsaday naftiisi wax dareen ahna umuu muujin isaga iyo naftiisi waxa uu isku yidhi idinka ayaa ka sharbadan illaahaybaana og wax aad samayseen taasi sabab iyaga ugamay ahayn, waxana yuusuf yidhi isagoo weli naftiisi la sii hadlaya xagee ayay ka timi tuuganimada ay ku sheegayaan waaba ka bari kan yariyee laakiin dhab ahaantii waxa og illaahay dabadeena waxa dhacay in ay xasuusteen aabahood, aabahoodna waxa uu ka sooqaaday balan iyo dhaar adag in ayna inankiisa yar ka iman isagoo uga dhowanaya nabi yuusuf, waxa ay yidhaadeen boqorow inankan yar waxa dhalay oday weyn anaguna waxa aan ku aragnaa in aad tahay nin wanaagsan laakiin waxa uu yuusuf si degan ugu yidhi sidee ayaad ka doonaysaan in aad uga tagnaan kalmadii ahayd ee aan idin idhi qofkaan ka helno koobka boqorka maxaanu ka yeelnaa, ma waxanu qaadanaynaa qof aan isaga ahayn halkiisa? Taasi waa dulmi…. Anaguna dadka ma dulmino, go’aankoogu igu danbayay waxa ay garteen in ayna lahayn wax rajo ah wayna fikireen wayna isla tashadeen laakiin quraanku wixi ay ku tasahanyeen ama ay ku hadlayay mid mid umuu sheegin laakiiin illaahay waxa uu quraanka inoogu sheegay hadalkii ugu danbeeyay ee ay qaateen, sidoo kale quraanku waxa uu illaahay inoogu sheegay hadalkii kii ugu weynaa waxana uu xasuusiyay balankii ay aabahood kaga yimaadeen waxa kaloo uu xasuusiyay markii hore sidii ay yuusuf ay ka yeeleen dabadeedna waxa uu sheegtay go’aankiisi ugu danbeeyay waxana uu yidhi anigu masar ka tagi maayo ilaa uu aabahay ii soo taliyo ama uu illaahay arin kale uu keeno laakiin waxa uu iyaga ka codsaday in ay aabahood ku noqdaan ugana waramaan si saraxad leh in uu inankiisi wax xaday laguna qaaday wixii uu xaday darteed taana ay og yihiin markhaatina ay ka yihiin, waxana aad ku tiraahdaan ayuu yidhi aabahay maan ogayn qaybka hadii aanu ognahay qabka inankaagu waxba muu xadayn waxa kaloo aad ku tiraahdaa hadii aan intaa ku qanci waydo waydii safarkii nala socday iyo tuuladii aanu joognay.

WAA GOOBTII LIXAAD

Waxa ay sameeyeen wixii uu amray walaalkoogi weynaa aabahood yacquubna way uga sheekeeyeen sheekhadii, yacquub markii uu maqlay hadalkii ay lahaayeen waxa uu yidhi isagoo murugo iyo samir la ilmaynayana naftiina ayaa sidaa idin qurxisay in la iska samro ayaa fiican illaahayna caruurtaydi oo dhana wuu ii keeni doona illaahay waa ka waxwalba og kal madan waxa uu isticmalay markii uu wayay yuusuf laakiin markan waxa uu ku daray rajo in uu illaahay u soo geliyo labadiisi inamood.

Ninkan weyni halkee ayuu ka keenay rajadan intan leeg in uu heli doono labadiis inan?

Isagu waxa uu ahaa mid ku xidhan illaahay isaga iyo illaahayna waxa ka dhaxeeyay xidhiidh adag waxana jiray dareen xoogan waxanu uu ahaa qof garanaya in uu illaahay og yahay xaladiisa oo dhan ogna waxa ka danbeeya xaladaha iyo imtixaamadka wax walbaana ay sidoodi ku soo noqon doonaan marka uu illaahay ugu tala galay.

Markay inamadiisi ugu sheekeeyeen sheekadii wuu ka sii jeestay waxana uu yidhi alla murugadaydaay yuusufow labadiisi indhoodna waxa ay la cadaadeen murugo isagoo qarsanaya, halkaa waxa inooga cad muuqal waalid inankiisi si naxdin leh u wayay dhibaataduna kaligii ay ku dhacday dadkan agtaagasina aanay waxba uga jawaabeen waxa uu xasuustay inankiisi yuusuf ee uu aadka u jeclaa kaaso aan weligii aan ilaabayn waxana sii xasuusiyay wayitaanka walaalkiisi yara oo uu sii wayay laakiin taa waxa uu kaga guulaystay samirkiisi adkaa laakiin ilmadii faraha badnayd ee indhiisa ka timid waxay ka keentay in uu aakhirikii uu indha beelo, suuro galna noqon waydo in uu cidnaba uu arko indhiihisi waxa fuulay dahaadh oohintii uu ooyayey darteed, Yacquubna dadka kamuu hor ooyi jirin laakiin oohintiisa waxa uu uga ashkatoon jiray illaahay, illaahayna mooye cid kale may ogaan jirin, waxa ay ogaadeen inamadiisi in aanu aabahood waxba arki Karin waxana ay ogaadeen in uu ku indha beelay oohintii uu labadiisi caruur ahaa u ooyay, waxana ku weerareen aabahood dareen aabanimo iyagoo uga digaya aabahood in uu halaagsami doona hadii uu sidaa ku sii socdo “Waxa ay yidhaadeen illaahaybaan ku dharanee yuusuf xusitaankiisa deyn maysid ilaa aad noqotid qof cad ah ama aad noqotid kuwa halaagsamay(85) waxa uu yidhi waxa aan u ashkatoonayaa intaalkayga iyo murugadayda illaahay waxana aan ogahay waxaydaan ogayn”

Yacquub waa uu u celiyay jawaabtii ku haboonayd inamadiisi anigu waxa aan u ashkatoonayaa itaal daradayda iyo murugadayda illaahay waxana aan ogahay waxaydaan ogayn “((86) Inamadaydiyow taga oo soo eeg eega yuusuf iyo walaalkii hana quusanina naxariista illaahay, naxariista illaahay kama quustaan ilaa kuwa gaalada ah mooyane” waxa uu u sheegayay yacquub inamadiisa isagoo aad u murugaysan rajada uu ka qabo illaahay waxana uu og yahay in aanu yuusuf dhiman welina nool yahay waxana uu inamadiisi ku yidhi waar orda oo taga oo walaalkiin soo baadha, baadhitaanka ay walaalkii ay soo baadhayaa waa rajo weyn uu ka qabo illaahay.

WAA GOOBTII TOTOBAAD

Waxa uu u dhaqaaqay safarkoogi xagaa iyo masar yuusuf walaaladii waxa ay u kaceen dhankaa iyo boqorkii waxana soo foodsaaray dhaqaalo xumo iyo xaalad nafsaani ah, faqriga haysta iyo muraga aabahood waa mushkilad ku hareeraysan waxana ay u galeen Nabi Yusuuf (CS) iyagoo wata lacagtii loo soo celiyay laakiin waxa ay wateen lacag aan suura gel ahayn in ay wax ku iibsadaan siduu illaahayba (SW) inoo sheegay “Markii ay u soo geleen waxa yidhaadeen Casiisow waxa taabtay ehelkaygii dhib waxana kuulanimi lacag yar ee noo dhamaystir miisanka waxna nagu sadaqayso illaahay waa uu abaal mariyaa kuwa wax sadaqaystee

Iyagu waxa ay weydiisanayaa in lagu sadaqeysto waxana ay ka doonayaa qalbiga yuusuf naxariis iyagoo leh illaahay waxa uu amaal mariyaa kuwa wax sadaqadeesta, isla markaa markii uu arkay Yuusuf xaaladoodi waxa uu uga kula hadlay luqadoodi isagoo aan wadan wax turjumaan ah ama cid dhex dhexaadisa “Waxa uu yidhi ma garanaysaa waxa aad ku samayseen yuusuf iyo walaalkii idinka oo jaahiliin ah (89) Waxa ay yidhaahdeen adigu ma yuusuf ayaad tahay waxa uu yidhi anigu yuusuf ayaan ahay kanina waa walaalkey illaahaybaana nagu galaday cida illaahay ka baqata ee samirta illaahay ma lumiyo ajarka dadka wanaagsan (90) Waxa ay yidhaadeen illaahaybaan ku dhaaranee illaahaybaa nooga kaa arguday anaguna kuwa khaldan baanu nahay

Waxa dhex maray yuusuf iyo walaaladii dood dheer wadata dareen hoose waxa ay weydiiyey boqorkii masar su’aaloyin ah waxa ay yuusuf ku sameeyeen…….isagoo ugu waramaya luqadoodi waxa ay garteena in uu yuusuf yahay doodina halkaa ayey ku joogsatay waxa ayna garteen khaladkii ay sameeyeen, waxana ay yidhaadeen illaahaybaa nooga kaa arguday arinka illaahaybaana wax walba ka xoog badan, sannado badan ayaa ka soo wareegay waana uu tagay shirqoolkii ay sameeyeen waxana fulay xukunkii illaahay ee sida cajaayibka leh u dhacay……ku riditaankii ceelka waxa uu ahaa bilowgii fuulida awaada iyo xukunka, kunaqoshadii abihii uu ku soo noqdayna waxa ahayd sababtii aad u jeclaa yacquub inankiisa, bal u fiirso waa kaa hantiyay noloshoodi isla imikadan iyagune ka hadalka arimihii hore ee dhacay hoos ayay u dhigayaan iyagoo ku khatimaaya illaahaybaa nooga kaa arguday in ay imika qirtaan khaladka waa sabab ku qarsoon qalbiyadooda waxa ay isleeyihiin armaa la idinka aargoostaa, laakiin waxa ka wanagsanaaday Nabi Yuusuf (CS) qalbigoogina waa uu dejiyay isagoo ku yidhi “Maanta cidi idinka aargoosan mayso illaahay waa u idinka dhaafayaa, kawa naxariistana isagaa ugu naxariis badan

Cidi waxba idinka qaadi mayso cidi idin canaanan mayso arinkiina sidaas ayuu ku dhamaaday…..laakiin Nabi yuusuf (CS) muu odhan anigu waan idin saamaxay adigu waan idin denbi dhaafay laakiin waxa uu illaahay u weydiyay dhanbi dhaaf, halkaana waxa inooga cad in uu isagu cafiyey intaa ka dibna illaahay u weydiyay danbi dhaaf isagu waa Nabi illaahay dacwadiisana waa la aqbalayaa, Nabi Yuusuf (CS) waraysigii intaa ayuu ku soo gaba gabeeyey laakiin waxa uu og yahay aabihii labadiisi indhoo cadaadeen murugo daraateed, wax waraysina kalamuu yeelan aabahood laakiin waxa uu u saaray khamiiskiisi waana uu u dhiibay illaahay oo arinkaa inooga waramayaana waxa uu yidhi “Khamiiskaygan qaada kuna tuura wajiga aabahay waxa uu noqon doona mid indho qabee, reerkiini oo dhana soo gaxeeya

Safarkii waxa uu ku noqday Falastiin

WAA GOOBTII SIDEEDAAD

Markii uu safarkii ka baxay magaladii waxa uu yidhi yuusuf aabihii waxa aan helayaa urtii yuusuf hadii aydaan I odhaney waa odhay gaboobay waad I rumaysan lahaydeen “Waxa ay yidhaadeen illaahaybaan ku dhaaranee adigu waxa aad ku sugantahay baadidaadi hore” hasa yeeshe waxa si kadisa ah u yimi oo meel fog uga yimi wixii uu sheegayay oo run ah “Markii ay u yimaadeen kuwii u bishaaraynayay waxa ay ku tuureen wajigiisi, waxana u soo noqday aragtiisi waxana uu yidhi maana idin odhan waxa aan xaga illaahay aan ka ogahay wax eydaan ogeyn (96) Waxa ay yidhadeen aabahoyow noo denbi dhaaf anagu waanu gafneee (97) Waxa uu yidhi hadhow ayaan illaahay denbi dhaaf idin weydiin doona illaahayna waa ka denbiga dhaafa naxariista badanleh

Halkan waxa aanu ku arkaynaa in qalbiga yacquub ay ku jireen dareen labadiisa wiil ah laakiin markii ay ogaadeen inamadiisi waxa ay ka dooneen in uu denbi dhaaf u sameeyo laakiin waxa uu u sheegay in illaahay denbi dhaaf u weydiinayo iskana degeen iskana raaxaystaan, waxanu taagan nahay goobtii ugu denbaysay ee qisadii Nabi Yuusuf (CS)

Markii ay u soo geleen yuusuf waxa uu soo dhoweeyey aabihii waxana uu yidhi soo gala masar hadii illaahay yidhaado idinka oo aaminini ah (99) aabihii ayuu sare u qaaday kursigii waxana u dhacay sujuud waxana uu yidhi aabahayow tani waa fasilaadii riyooyinkaygi imika ka hor illaahayna ka yeelay xaq waana uu I wanaajiyey markii uu jeelka iga soo saarayey waana ka idinka soo kaxeeyey miyigii ka dib intii aniga iyo walaaladey sheydaanku waswaska inakala dhex geliyey, illaahay waa ka dhibirsan cidii doonana isaguna waa ka cilmiga badan xigmada badanleh

Waxa Nabi Yuusuf (CS) u riyooyinkiisi, bal u fiirso dareenkisi riyada oo dhaboowday isagu illaahiisi ayuu baryayaa “Illaahayow waxa aad I siisay boqortooyo waxa aad I bartay fasilaada sheekooyinka illaahii abuuray cirka iyo dhulka adigu waxa aad tahay waligeyga xigtadeyda aduunyada iyo aakhiroba I dil aniga oo muslim ah ina heleeshii dadka wa wanaagsan” waa ducada kaliyaata.

Ma doonayno in aanu qisada Nabi yuusuf (CS) kaga tagno oo kaliyaa laakiin waa in aynu eegnaa dhow arimood inteynaan dhamayn qisada nabi yuusuf (CS), qisadii Nabi Ibrahim (CS) waxa uu iska saaray jaceylkii ku beernaa qalbigiisa ee uu u yahay ninankisa ismacil ilaa uu noqday qalbigiisu mid u saafi ah illaahay (SW), waxa uu rumeeyey amarkii illaahay waxana uu la yimi gowracii weynaa, tusaale kalena waxanu u soo qaadan karnaa, Qisadii been abuurka ahayd, markii ay soo ifbaxday sheekadii been abuurka ahayd Nabiga (CSW) qalbigiisi waxa ka leexday caasha ilaa uu noqday qalbigiisi mid illaahay u saafi ah….. Markaas ayuu ku soo degay waxyigii illaahay ee bariga ka dhigayay.

Wa Bilaahi Tawfiiq

WAXA WADA JIRI U DIYAARIYEY

Siciid cumar yuusuf

C/fadaax Xasan Adan

Axmed Ismacil (Bucul)

Email: cabdifataax_96@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk Jan 13, 2003 

...QORAALADA DADWEYNAHA EE MAANTA:

<><>.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]