SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
NEBI - MUUSE

April 2, 2004

Asalaamu Calaykum wr wb.

Qisadii Nabi Muuse :  Qaybtii 3aad

Kulaabo Qaybtii 2aad... Guji halkan

 

Waxanu wadnay qisadii nabi muuse (CS) waxayna ay noogu joogtay markii nabi muuse illaahay SW uu weydiistay in uu walaalkii haarun uga dhigi mid raaca si ay iskugu kaashadan risaalada, waxana aan ka sii wadi doona intii ku xigtay.

 

Illaahay (SW) waa uu ka aqbalay ducadii nabi muuse waxana uu illaahay ku yidhi (SW) “Waxanu ku siinay raxmadaya in walaalkii haarun uu noqdo Nabi” illaahay (SW) waxa uu aayad kale ku yidhi [Suuratul-shucara] “Wakhtiga uu rabigaa u dhawaqay muuse in uu u tago qoomka daalimiinta ah qoomka fircoon si ay alle uga cabsadan, oo uu yidhi waxa aan ka baqayaa in ay I beeniyaan qalbigana aad ayaan uga warwarsanahay carabkayguna codkar malaha ee illaahayow haarun I soo raaci, waxa aan ka gelay godob waxana aan ka baqaya in ay I dilaan, waxa lagu yidhi iska daayo ula taga aayadkayaga anaga ayaa idin maqlayna u taga fircon kuna dhaha waxanu nahay rasuulo rabiga caalimintu soo diray oo loo soo diray rabiga caalimiinta ah oo loo soo diray reer binu israa’il, waxayna ku yidhaahden miyaanan ku korin oo nad xagayaga ka iman lalana joogin sannado badan oo cimrigaaga ah waadsamaysay oo waadsamaysay wixii aad samaysay waxana ka mid tahay kuwa kaafirinta ah”

 

Arintu imika waxay maraysaa in ay ula tagaan qowl kaas oo ah in ay gaarsiyad dadka wixii illaahay u soo diray oo ah IN AAN ILLAAHAY MOOYE CID KALE AAN LOO SHARIIK YEELIN si ay meesha uga baxdo hayshashada reer binu israa’il ee xooga lagu haysto rabigoodna ugu caabidan meesha ay doonan.

 

Markii ay u tageen nabi muuse iyo nabi haarun (CS) arinkaa wuu ka madax adeegay waxana uu eegay muuse waxana uu yidhi hadal yasid ku jirto “miyaanan ku korin oo nad xagayaga ka iman lalana joogin sannado badan” waar waxa aad tahay kii aanu gurigayaga ku korinay ee aanu mudada dheer soo xanaaninaynay?

 

Taasi waxa ay ku tusaysaa fircoonkan loo soo diray nabi muuse in uu yahay kii uu ka cararay arintaasina waxa ay khilaafsan tahay figrada ehlu kitaabka (YUHUUD IYO NASAARO)  ee ah in fircoonkii ka baxsaday uu yahay kii ku dhintay MADYAN.

 

Waxa uu illaahay aayadan noogu tilmaamay “waadsamaysay oo waadsamaysay wixii aad samaysay waxana ka mid tahay kuwa kaafirinta ah” arinkan ay Nabi muuse ku eedaynayaa waa in uu dilay nin Qibdi ah ka dibna baxsaday barwaaqadina ka cararay.

 

Markale waxa uu illaahay inoo cadeeyay jawaabtii Nabi Muuse (CS) arinka ka bixiyay “Waxa uu yidhi waan sameeyay wakhtigana waxa aan ka mid ahaa kuwa daalibinta ah” wakhtiga oo ah intii nabi muuse ku soo degin waxyigu markan denbe se “Waa ka soo baxsaday markii aan ka baqay illaahayow waxa aad I siisaa xukun waxana aad iga dhigtaa mid ka mid ah Rasuusha” isla wakhtiga mana sheegadkii fircoon tarbiyadii iyo wanaag falkii uu u samayay muuse “Nimcadan aad iigu mana sheeganayso ma in ay reer binu israa’il ku caabudanbaa” nimcada aad sheegtay iyo wanaaga aad ii samaysay anigu waxa aan ahay shaqsi ka mid ah reer binu israa’il, waxa ku adeegaya umada balaadhan oo dhan waxana aad u adoonsatay shaqadadi hawlahaagana way ku mashquulsan yihiin.

 

Intaa ka dib waxa uu illaahay (SW) halkan uu inoogu cadaynayaa jawaabihii fircoon ka soo yeedhay “Waxa uu yidhi fircoon waa maxay rabiga caaliminta waxa lagu yidhi waa rabiga samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhaxeeyaba hadii aad rumaysanaysaan, waxa uu ku yidhi kuwii hareero joogay miyaydan maqlay waxa uu yidhi rabigiin waa rabigii aabayaashini hore, waxa uu yidhi rasuulkan la idin soo dirayna waa nin waalan, waxana lagu yidhi rabiga cadceedkasoo baxa iyo cadceedka dhaca iyo waxa u dhexeeyaba hadii hadii aad caqi leedihiin”

 

Illaahay SW waxa uu xusay doodi dhex martay fircoon iyo muuse iyo hadaladii uu muuse kula dooday daalinkii fircoon si caqliyan ah, intaa ka dib fircoon illaahay meel xun hageeye waxa uu cadeestay sida uu u diidan yahay rabigii abuuray SW waxana uu ku dooday in uu isagu yahay illaah “Wuu soo aruuriyay waana uu dhawaaqay wuxuu yidhi anigu waxa aan ahay rabigiiina idinka sareya” fircoon waxa uu intaa raaciyay “Hogaamiyaal yahow idinma ogi illaah aan aniga ahayn” kuwaasi waa kalmadihii canaadnimada ahaa iyo madax adeegi fircoon isagoo og in uu yahay adoon illaahay.

 

Illaahay Sw waxa uu yidhi “Way diideen iyagoo rumaysan nafahoogu in ay dulmi galeen waana ay xadgudbeen, eeg cidhibtoodu sida ay ku denbayso kuwa dhulka fasaahidinaya”

 

Markii uu diiday fircoon risaaladi Nabi muuse (CS) waxa uu yidhi “Waa Maxay Rabiga Caalimiintu” markaas uu Nabi muuse ku yidhi “Waxanu nahay Rasuul uu soo diray rabiga caalimiinta” waxa aad mooda in uu fircoon leeyahay waa maxay rabiga caalimiinta ee aad ku doodaysaan in uu idin soo diray, Nabi Muuse (CS) isagoo ka jawaabaya hadalka fircoon waxa uu yidhi “Rabiga Samaawadka iyo arlada iyo waxa u dhaxeeya hadii aad I rumaysanaysaan”

 

Illaahay (SW) waa ka abuuray Samooyinka iyo Arlada iyo waxa ku sugan ee makh-luuqad ah sida dabeelaha iyo daruuraha, Roobka, Dirta iyo Xawayaanka kuwaas oo dhamaantood og in illaahay abuuray.

 

Fircoon waxa uu ku yidhi kuwii hareera taagnaa oo ay ka mid ahayd gabadhiisi iyo wasiiradiisi isagoo aad u hanjabaya muuse iyo arinkiisana xaqiraya Miyaydaan Maqlayn waxan uu muuse leeyahay? “Rabigiinu waa rabigii aabayaashin”, waa ka abuuray idinka iyo kuwii idinka horeyayba ee Awaw-yaashin iyo Qarniyadii hore ee baaba’ay mid kasta uu og yahay in aanu naftiisa abuurin aabihii iyo hooyadii toona ee cidkasta waxa abuuray rabiga caalimiinta.

 

Illaahay (SW) isagoo inoo bayaaminaya sida uu cidkasta xaqa uu ugu cadeeyay waxa uu yidhi “Waxa aanu ka tusnay aayadkayaga hareerahooga iyo nafahooga ilaa ay u cadaato xaqu” Kalmadahan may an ficin fircoon kumanuu waantoobin isagoo ka soo noqon halowsanidii uu ku jiray ayuu ku sii adkaystay xadgudubkii iyo dhago adeegi iyo gaalnimadiisi, Illaahay (SW) waxa uu quraanka inoogu cadeeyay sida uu fircoon iyo kuwii kale ee mujriniimta ihi xaqa ay ugu dago adeegan waxana uu yidhi “Waxa uu yidhi Rasuulkan la idin soo diray wuu waalan yahay waxa uu leeyahay rabiga cadceed kazoo baxa iyo cadceed ka dhaca, hadii aad caqli leedihiin”

 

Fircoon waxa uu wadaa sidii uu xaqa u beeni lahaa waxana uu diidan yahay in xidigaha iftiimaya iyo falagyada wareegaya habeenka mugdiga noqonaya iyo dharaarta iftimaysa illaahay waxas oo dhan kala wadaa in uu yahay Rabiga Caalimiinta, Illaahay (SW) in uu yahay ka abuuray cadceeda iyo dayaxa iyo kowkobyada kale ee leh kuwa sugan iyo kuwa wareegaba dhamaantoodna illaahay u tasbiixsadan illaahayna khalqigiisa ugu tasarufayo.

 

Markii ay dhamaadeen xujooyinkii fircoon iyo dhamaan wixii uu ugu talo galay inuu ku difaaco xaqdarada iyo baadilka waxa uu bilaabay canaad iyo dago adeeg iyo in uu xoog ku maquuniyo xaqa, waxa uu yidhi fircoon sida uu illaahay quraanka uu inoogu tilmaamay “Hadii cid aan aniga ahayn illaah aad ka dhigataan waxa aan idinka dhigi maxaabis, Waxa ay yidhaadeen oo hadii aanu kula nimaadno shay cadaan ahna waxa uu yidhi la kaalaya hadii aad run sheegaysaan, waxa uu tuuray u shiisii waaba abeeso weyn gacantiisina wuu soo saaray iyadana waxay noqotay iftiin lagu indha cadaado” labadan mucjiso waxa ahayeen laba birhaamood oo illaahay (SW) ku gargaaray Nabi muuse (CS) waa ushii iyo gacantii gaabtaas ayayna ka cadaatay wax caqliyadu la yaaben indhuhuna ay u qaadan waayen, markuu muuse ushii tuuray waxay noqotay abeenso weyn oo argagax leh fircoon markii uu arkay waxa ku dhacay argagax weyn iyo cabsi badan, Nabi Muuse (CS) markii uu gacantiisa jeebka geliyay inta uu ka soo saaray ayay noqotay dayax shan iyo tobnaad oo kale markii uu ku celiyayna waxay noqoto sideedi hore, fircoon waxano mucjisa ah waxba kumuu qaadan cadho alle haku dhacdee laakiin waxa uu sii adkaystay dulmigii iyo dariiqi xaqdarada ahaa waxana uu leeyahay waxan oo dhami waa sixir.

 

Fircoon waxa uu go’aansaday in uu Nabi Muuse ka hore geeyo misixiriin waxana uu iskugu yeedhay misixiriintii oo dhan inta ay boqortooyadiisu maamusho ee dawladiisan dulmiga ah hoos joogta sida noogu iman doonta iyo faahfaahsan iyo cadeenteedu mawduuceda iyo sida bayaanka ah ee illaahay u cadeeyay xaqa waxa kale oo iyana jirta xujadii iyo xaqiiqadii biyo kama dhibcaanka ahayd ee fircoon iyo hogaamiyaashi si kale iyo dawladiisiba illaahay uu uga dhigay kuwa la qaraqay illaahay ayaana mahadleh.

 

Illaahay (SW) waxa uu yidhi isaga oo Nabi Muuse la hadlaya “Waxa aad la joogtay reer madyan  sannado ka dibna waxa aan qadaray in aad ka tagto muusow aniga ayaa ku doortay ula taga adiga iyo walaalkaa ayaadkayga hana ka beer abuuranina digrigayga, utaga fircoon isagu waa mid xadgudbayee waxana aad ku tidhaahdaan hadal dabacsan waxa laga yaaba in uu wax ku qaato ama cabsado, waxa ay yidhaahdeen rabiyow waxa aan ka baqanaynaa in uu dhibaato noo geysto ama nagu xadgudbo, ha cabsanina aniga ayaa maciina ah idinmaqlaya oo idin arkaya”

 

Illaahay SW isagoo la hadlaya Nabi Muuse (CS) habeenkii uu u soo waxyooday kuna galaday nimcada nebinimada muuse waxa uu joogay gurigii fircoon isagoo illaahay (SW) raxmadiisa ku ilaalinaya illaahayna wuu ka soo saaray Masar waxana uu yimi Madyan illaahaybaana ogaa xigmada uu kalahaa, halkaa markii uu mudo ku sugnaa ayuu illahaay (SW) u doortay in uu noqdo Nabi risalada loo diibayna waxay ahayd in uu xaqa gaadhisiyo fircoon iyo qoomkiisaba.

 

Illaahay (SW) isaga oo u tilmaamaya akhlaaqda iyo dhaqanka suuban waxa uu ku yidhi (muuse) haka beer abuurinina risaalada aan idin dhiibay taasi waxa ay idinka caawin doontaa la hadalka iyo jawaabaha wixii sulaalo ah ee la idin weydiiyo iyo ku hanuunida nasteexada idinka oo ku sugan xujo iyo daliil cad.

 

Illaahay (SW) waxa uu yidhi “Kuwa muuminiinta ahow marka aad la kulantaan koox ku sugnaada khayr,  illaahayna xusa in faro badan waydun liibaniye”

 

Illaahay (SW) dulqaadkiisa iyo raxmadiisa uu u naxariisnayo khalqigiisa isagoo og in uu fircoon yahay kaafir madax adag ayuu u soo diray adoon kuwii ugu khayrka badnaa wakhtigaa ayuu illaahay faray in ay gaadhsiyaan xaqa si wanaagsana ula dhaqmaan hadal wanaagsana ku yidhaahdaan sida illaahay (SW) ku yidhi Nabi Maxamed (N.N.K.H) “Ugu yeedh jidka rabigaa xigmad iyo wacdi wanaagsan kulana dood ta wanaagsan”Hakula doodina ehlu kitaabka wax aan ahayn wanaaga”

 

Xigmada ay aayadahani ina tusayaan ayaa ah sida dadka xaqa loogu sheegayo xitaa hadii uu kufaar yahay waayo Illaahay (SW) waxa uu balan kula galay adoomadiisa in Jano iyo Naar qof waliba mida uu mutaysto uu gali doono.

 

Waxa uu yidhi Yasiid Al Raqaashi illaahay ha u naxariistee, Ka sida wanaagsan ula hadla ka necbaystayow sidee ka yeeli mid ku xidhiidhiyay oo ku baryaya, aynu ku soo noqono shaqsiyadii fircoon waxa uu ahaa qof madax adag, Shaydaan dhego xidhan waxana uu xoog ku haystay masar mudo dheer waxa uu cadaadin iyo dhibaato weyn u geystay umada reer masar sidaa darteed ayay muuse iyo haarun u yidhaadeen waxa aan ka baqaynaa in ay dhibaato noo geeysto, Illaahay (SW) waxa uu u sheegay (muuse) in uu u gargaari doono iyaga iyo cidii xaqa ku socota.

 

Muuse markii uu ka yimi madyan waxa uu u soo galay Walaalkii iyo hooyadii oo cunaya raashin wuuna la cashayay waxana uu u sheegay walaalkii haarun in uu Illaahay (SW) amray labadoodaba in ay u tagaan fircoon una sheegan in uu illaahay caabudo, waxana uu ku yidhi ina keen waxa aan u tagaynaa fircoone waxayna u kaceen dhinicii fircoon, waxa ay la kulmeen albaabki gurigii fircoon oo xidhan muuse waxa uu ku yidhi nimankii albaabka ilaalinayay u sheega in uu Rasuulkii illaahay albaabka taagan yahay ciidankii fircoona way ku dheel dheelayn badhkoodna waxay go’aansadeen in aan loo ogalaanba in uu galo guriga ilaa mudo dheer ka dib.

 

Maxamed Binu Isaxaaq illaahay ha u naxariistee waxa uu yidhi Laba Sano ka bacdi ayaa loo ogaladay, waxana meesha nooga muuqatay in ayna jirin cid u fududaysa gelitaanka guriga fircoon Illaahay baa og.

 

Muuse waxa uu yimi Albaabka waxana uu ku garaacay ushiishi waxa argagaxay fircoon waxana uu amar ku bixiyay in loo yeedho muuse waa uu isasoo hortagay fircoon waxana u soo qadimay arrinkii illaahay (SW) u soo diray.

Illaahay (SW) waxa uu inooga waramay sidii uu fircoon u diidanay yahay in uu illaahay kaamkan abuuray, fircoon su’aalaha uu muuse waydiiyay waxa ka mid ahaa Rabigiinu waa kuma? Waxa ay ugu jawaabeen Waa ka abuuray koomkan ee u qadaray acmaasha iyo arsaaqda iyo ajasha kuna sugay loox maxfuudka, intaa ka dib waxa uu fircoon ku yidhi bal ka warama qarniyadii hore waxa ay ugu jawaabeen qarniyadii hore cilmigoogu rabi ayaa og illaahayna waxba ma illaabo, qarniyada hore hadii ay caabudi lahaayeen cid aan illaahay ahayn xujo umayn noqoteen muuse mana khilaafsana waxa aan idhi waxa ay ahaayen jaahiliin adiga oo kale ah wax kasta oo ay faleena wuu qoran yahay illaahaybaana ka abaal marin doona, illaahay qofna kama dulmiyo wax uu la yimi, illaahay (SW) waa uu og yahay qof kasta waxa uu shar iyo khayr uu sameeyo.

 

Muuse waxa uu ka waramay waynida illaahay iyo khudradiisa, dhulka illaahay sida uu u fididyay samadana u xafiday, daruuraha uu adoomada u sikhiray ee daya roobka ee uu ku arsaaqo khalqigiisa iyo waxyaabo badan oo cidii caqli wanaagsani wax ku qaadan karto.

 

Illaahay (SW) waxa uu ka waramay xumihii fircoon iyo faro badnidii jaahilnimadiisa iyo caqli yaraantiisi iyo beenintii uu beeniyay aayadka illaahay, fircoon oo is weynaynaya ayaa ku yidhi Nabi muuse (CS) muusow waxa aad tahay misixi anaguna sixirkaaga oo kale ayaan kula iman doona waxana uu muuse la balamay wakhti goob la isla garanayo taasina waxay ahayd u jeedada muuse in uu soo bandhigo aayad illaahay iyo mucjisooyinka illaahay si bayaan ahna dadku u arkaan.

 

Maalintaas oo ahayd maalin ka mid ah ciidahooga waxayna ahayn gelin hore cadceeduna aad u iftiimaysay laakiin xaqa ayaa ka iftiin badnaa lama dooran in ay noqoto habeen si aan arintu madmadow u gelin in duhur cad la isku badheedho taana muuse illaahay ayaa waafajiyay waxana uu rumaysnaa in uu xaqu cadaan doono iyo diintiisu halkaana ay ku fashilmi doonan khulaafadka qimdiyinta.

 

Fircoon waxa uu u yeedhay musuxiriinti wadankiisa, masar waxa wakhtigaa ka buuxay musuxiriin badan oo u kala aqoon badan sixirka wadanka oo dhan ayaa la isgaga yeedhay waxa iyana loo yeedhay dad faro badan oo gaadhay kumanaan, fircoon waxa uu hore ugu diray waxbarasho dhinaca sixirka ah ilaa 40 nin oo reer binu israa’il ah.

 

Fircoon iyo madaxtiisi kale iyo dadkii wadanka dhamaan waxa la isku yimi goobti, dadku waxa ay lahaayeen waxa aanu raaci musuxiriinta hadii ay guulaystaan, waxa yimi muuse waxa uu la hadlay musuxiriintii waxa uu u sheegay in sixirka iyo waxan ay wataan uu yahay baadil lagu hor joogsanayo xaqa, waxana uu ku yidhi “Hoog ayaa idin sugnaaday ha ka been abuuranina idinka oo illaahay beeninaya waxa la idinku abaal marin cadaab waxa hoogay ka been abuur la yimi waana ka dooden arintaa gudahooga” way isku khilaafeen arrintaa badhkood waxa ay yidhaadeen hadalkaasi waa kii nabiyada ee maaha musixir badhkoodna waxa ay yidhaadeen waa musixir, dooda illaahay baa og.

 

Illaahay waxa uu aayad kale ku cadeeyay “Waxa ay yidhaadeen labadani waa musixiriin waxayna doonayaan in ay dhulkiina sixir idinka saran” labadani waa muuse iyo walaalkii waxana lagu tilmaamaya laba musuxir oo waaweyn oo isku waafaqay in ay sidan yeelan muraadkooguna yahay in ay dadka soo aruursadaan si ay mulkiga wadanka u qabsadan.

 

Illaahay (SW) waxa uu Quraanka inoogu cadeeyay arintu in ayna ahayn sida ay moodayan oo ay ka duwan tahay “Isku keena khiyamadiina, dabadeedna way yimaadeen iyagoo safan maalintaa waxa guulaystay ninkii gacan sareeyay”

 

Hadalka hore waxa ay u yidhaadeen si ay wax ugu fiirsadan oo ay iskula dardaarmaan ka dibna ay isku keenan wixi ay khiyaamo iyo sixir iyo been abuur wixii ay hayeen waana ay beenowday wixii ay malaysanayeen, aragtidiina way khaldantay been abuurka iyo sixirka ku dhisnayd waxana dumisay mucjisadii iyo aayadkii adoonkii Rasuulkii illaahay ee muuse ee lagu ayiday mujisooyinka dadka ku noqotay indha daraandarka.

 

wixii meesha ka dhacay iyo sidii illaahay u fasilay kaafirki fircoon iyo misixiriintiisi markii banaanka la iskula soo baxay.

 

Illaahay (SW) isaga oo nooga waramaya waxa uu yidhi “Waxa ay yidhaadeen muusow ama adigu tuur ama aanu noqono anagu kuwa tuura wuxuu yidhi tuura waaba xadhkahoogi iyo ulahoogi oo ula eegaday sixirkoogi in uu socday, muuse waxa uu dareemay cabsi waxa aan ku nidhi ha cabsanin adiga ayaa gacan sareeye tuur waxa ana gacanta ku haysato waaba ay midho midhaysanaysaa wixii ay sameeyen wax kale maahe waxa ay sameeyeen khiyaamo sixir, mana aflaxo saaxirku marka uu xaqu yimaado” ayaadahani waxa ay si bayaan ah uga waramayaan wixii gaabtaa ka dhacay

 

Markii ay isasoo safeen musixiriintii goobta kalena ay isasoo taagen Muuse iyo Haarun (CS) waxa ay yidhaadeen ma anaga ayaa ku horayna mise idinka qolaba mar ayay soo bandhigaysa waxa ay dadka ku gancinayaan muuse iyo haarun waxa ay yidhaahdeen idinku naga horeya, misixiriintu waxay ay siteen ulo xadhko ku duuban yihiin waxana ay tumanayeen aalado shanqadaya oo sababaya in lagu sirxo indhaha dadka si ay wax ay akhtiyaarkooga ku dhag dhaqaayaan sidaa dartee ayay indhii dadkii sixreen markii ay xadhka iyo ulaha dhulka ku daadinayeen waxa ay lahaayeen sida illaahay (SW) quraanka uu inoogu tilmaamay “Isiga fircoon ayaan ku dhaaranee anaga ayaa guulaysanayna” markii ay soo bandhigeen wixii ay hayeen dadkii goobtaa joogayna wada argagaxay ayuu muusena ka baqay in dadku ku fidmoobo sixirkan oo cidiba ayna sugin waxan uu soo wado, muuse wax talaabo ah muu qaadin ilaa illaaahay (SW) amar siiyay isla markiiba illaahay waxa uu ku amray arintan “Ha cabsanin adiga ayaa sareeya tuur waxa aad midigta ku hayso” muuse waxa uu tuuray ushiisi, muuse markii uu tuuray ushiisi waxa ay noqoto abeenso weyn oo laga argagaxo dadkiina way ka yaaceen meeshi ay joogena dib ayay uga kaceen wixii ula iyo xadhka ahaa ee misixiriintu tuurena midh midh ayay u qabatay iyagaa dadku si bayaan ah u arkayaan, “Waxa yimi xaqii waxa fashilmay wixii ay sameeyen meeshana waa lagaga guulaystay waxa ay noqdeen iyagoo dulaysan, misixiriintina illaahay ayay u sujuudeen waxana ay yidhaadeen waxa aan rumaynay rabiga caalimiinta rabiga muuse iyo haarun”

 

Akhri Qaybtii 4aad... Guji halkan

 

Kulaabo Qaybtii 2aad... Guji halkan

 

Waxa si wada jir ah u diyaariyey

 

Cabdifataax Xasan Aadan

Axmed Ismacil Xasan (Bucul)
cabdifataax_96@hotmail.com

 

. Taariikhdii Imaamul Bukhaari (Raximahu laah)
»Taariikh-dii Imaamul Muslim (Raximahu laah)
. Diinta: Qisadii Nabi Yuusuf (CS)

 

Feefin: SomaliTalk.com April 2, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]