SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
NEBI - MUUSE

April 21, 2004

Asalaamu Calaykum wr wb.

Qisadii Nabi Muuse Qaybtii 4aad

 

Markii muuse uu tuuray ushiisi ay noqotay abeeynso weyn sida ay ku tilmaamayn culumadu, abeesadaasi waxay ahayd mid cuno buuran muuqalkeeduna argagax leeyahay taas ayaana keentay in dadku si deg deg ah uga yaacan iyagoo ka durkaya goobtii ay ku sugnayd, abeesadaas oo qaabishay goobtii xadhkaha  iyo ulaha misixiriintu ay ku daadiyeen mid midna u guranaysa dhaq dhaqaaqeduna uu yahay mid aad u deg deg badan dadkuna ay xageeda soo eegayaan iyagoo la yaaban, misixiriintiina waxay arkeen arin fashilay iyo wixii ay sameeyay oo waxba ayna ka oolin, cilmigii iyo aqoontii ay lahaayena waxay ku garteen in ayna ahayn misixir ama waxyaabo kale oo la mid ah waxan uu muuse la yimi waxayna xaqiiqsadeen in anay arintani tahay mucjiso  cid kale ayna samayn Karin illaahay mooyne illaaha u hiiliyay xaqa, Illaahay (SW) waxa uu quluubtooda ka qaaday qafladii iyo daboolkii xaqa ka saarnaa waxana u iftiimay xaqii si ay ugu hanuunan sidaas ayayna illaahay ugu toobadkeenay uguna sujuudeen, waxayna misixiriintii u soo bandhigeen dadkii goobjooga ahaa iyagoo cidna aan ka cabsanayn waxay yidhaadeen waxanu rumaynay Rabiga Muuse iyo Haarun.

 

 

Siciid Binu Jubeer illaahay ha unaxariistee waxa uu yidhi markii ay sujuudeen waxay arkeen  guryihii iyo fooqyadii ay kulahaayeen jannada oo la sii qurxiyay taas ayaana keentay in ay dhagaha ka furaystaan canaanta iyo hanjabaada fircoon oo xaqa ay ku adkaysteaan.

 

Fircoon markii uu arkay misixiriintii oo muslimay oo iyagoo muuse iyo haarun xusaya dadka hortooda ka cadeeyeen talaabadaas oo ahayn mid geesinimo ah fircoon wuu ka argagaxay arinkaa, fircoon aad ayuu arintee uga cadhoodhay waxana uu ugu hanjabay in uu lugaha iyo gacmahaba u jari doono si talan taali ah kuna xidhi doono geedaha timirta ah jiridooda, fircoon oo hadalkiisi sii wataa waxa uu yidhi ma waxaad rumaynaysaa aniga oo idin ogalaan idinkoo igalatashanin in aad maamulkayga ka baxaysaan.

 

Waxa uu yidhi Fircoon muuse waa kii idin baray sixirka tanina waa khiyaamo aad khiyaamayseen magalada waana idinka saari doona waanad ogaan doontaan, dadkuna way ogaayeen qof kasta oo caqli lihi in muuse iyo misixiriintu maalin kaliya oo sannadka ka mid ah aanay kulmin, markaa sidee ayuu u noqon karaa kii sixirka baray? Manuu ahayn kii iskugu yeedhay ee fircoon ayaa miyi iyo magaaloba ka soo aruursaday misixiriintii.

 

Dadku marka ay xaqiiqsato qiimaha iimaanka  hanjabaab kasta oo kuwa xadgudbay ula yimaadaan waxka kama tarto waxayna gargaarsadaan caqiidada iyagoo nolosha aduunyadan laga tagayo ka doorbida aakhirada lagu waarayo, waxay u yidhaadeen si aan argagax lahayn anagu rabigay ayaan u tooban keenaynaa, waxayna ku dhawaaqeen xaqiiqadii dagaalka oo ah in aanay cafis iyo denbi dhaaf ayna ka doonayn fircoon laakiin aay illaahay ka doonayaan denbi dhaaf iyo xaqa ay ku sugnaadan iyo samir waxayna yidhaadeen “Illaahayow na sii samir oo na oofso anagoo muslim ah” wuu talax gabay kii xadgudbay, waxana imika taagan in ay laba kala doortaan, in ay ka noqdaan xaqa iyo xanuunka iyo in lagu xidho jiridaha timirta.

 

Waxa bilaabmay wareegi labaad ee hirdanka xaqa iyo baadilka

 

Iyagoo kuwii madaxda ahaa ay leeyihiin lana hadlaya muuse “Waxay yidhaadeen Madaxdii qoomka fircoon ma garateen muuse iyo qoomkiisu in ay arlada fasahaadinayaan isagoo garanaya illaahyadiini, wuxuu yidhi waxa aad laynayseen inamada waxana aad daynayseen hablaha waana idinka awood badnayn”

 

Halkaa waxa inooga muuqata in ay masriyiintu tira yaraayeen sidaa darteena ay ku hoos jireen maamulka fircoon iyagoo iska ilaalinaya muuse iyo cida rumaysay, waxayna ka baqanayeen dhibaato uu u geeysto fircoon sidee darteen ayayna u arkayeen dacwadan xaqa ah in ay arlada fasahaadinayso si ayna meeshana uga bixin fircoon iyo maamulkiisu, fircoon maamulkiisa waxa uu u kaashanayay diinta baadilka ah waxana uu sheeganayay in uu yahay mid ay dhaleen illaahyadan baadilka ah.

 

Fircoon markii ay taladu farahiisa ka baxday isagoo doonaya si uu ku ilaaliyo maamulkiisa kana badbaadiyo khatarta dhabta ah ee ku soo began waxa uu yidhi “Waxanu leyn doona inamadiina waxana deyn doona hablihiina anagu waan idinka awood saraynaa”

 

Hanjabaadani maaha markii ugu horeysay reer binu israa’il laakiin waa mid jirtay wakhtigii Nabi Muuse dhashayba, muuse waxa uu bilaabay in uu qoomkiisa kula dardaarmo sidii ay samir u yeelan lahaayeen iyo adkaysi illaahayna u gargaarsan lahaayeen waxana uu u sheegay in illaahay (sw) dhulka cidii uu doono dhaxalsiiyo cidhibta wanaagsana ay leeyihiin kuwa illaahay ka cabsada oo aanay ka baqan illaahay mooyane cidkale, “Muuse waxa uu ku yidhi koomkiisi gargaarsada illaahay oo samra dhulka illaahay waxa uu dhaxalsiiya cida uu doono ee adoomihiisa ah waxana cidhib wanaagsan kuwa illaahay ka cabsada”

 

Qoomkii Nabi Muuse (CS) waxay ay bilaabeen in ay ka cawdaan dhibaatadii lagu hayay “Waxayna yidhaahdeen waanala dhibaayay intii ka horeysay intaanad noo iman iyo marka aad noo timiba” kalmadahani waxay la xidhiidhan sida qoomkiisu u moodayeen in ay dhibaatada ay kaga baxayaan iyo marxalada adag, muuse waxa uu ugu bishaareyay in xaqu guulaysanayo fircoon iyo qoomkiisana la halaagayo dhulkana iyagu ay dhaxli doonaan, waxana uu uga digay in ay fidmada iska ilaaliyaan isagoo u sheegaya in dhulka la dhaxalsiinayaa ay tahay imtixaan iyaga lagu imtixaamayo “Waxa uu yidhi waxa laga yaaba in illaahay halaago cadowgiina idinkana idin dhaxalsiiyo dhulka ka dibna la eego waxa aad samaysaan”.

 

Waxaynu ka soo gudubnay marxalada waxana u gudbaynaa mid kale inagoo quraanku ina hogaaminayo, waxaynu arkaynaa sidii ay iskaga hor yimaadeen xaqa iyo baadilku iyo fircoon oo kala tashanaya madaxdiisi kale sidii muuse loo dili lahaa.

 

Waxa uu yidhi fircoon ka warama hadii aan dilo muuse oo isaguna rabigii u yeedho waxan ka baqayaa in uu idinka badalo diintiina dhulkana fasahaad gaadhsiyo.

 

Imika Nabi Muuse (SW) waxa uu galay difaac iyo qalcad adag, goobta ay ku badbaadan kuwa la dhibaa iyo cida nabad gelyada doonaysa “Waxa uu yidhi muuse waxa aan ka magan galay rabigayga iyo rabigiina midkasta oo isla weyn oo aan rumaynin maalinta qiyaamaha”

 

Waxay ku dhowaatay figradii fircoon in ay rumowdo hadii aanu nin ehelka fircoon ihi oo ka tirsan madaxda fircoon illaahay (SW) quranka ninkaa magaciisa uuna noogu sheegi inkastoo magacagu mihiim uuna ahayn muuqalkiisana aan la sheegin laakiin illaahay (SW) waxa uu quraanka inoogu sheegay ninkaasi in uu ahaa muunin.

 

Waxa uu ka waramay ninkan muuminka ihi isagoo (Imaamkiisa qarinaya) in uu ka qayb galay shir lagu garfaynayay sidii muuse loo dili lahaa, markii la isla qaatay taladan ayuu isna soo bandhigay waxa uu muuse yidhi in uu yahay kalmad kaliya oo ah in illaahay yahay kaligii cadayna uu keenay in uu yahay Rasuul hadaba laba arimood mid ayaan inala gudboon oo aan lahayn mid sadexaad in uu yahay muuse beenale iyo in uu run sheegayo, hadii uu beenale yahay (Beentaasi waa dushiisa) manuu mutaysan manuu odhan wax lagu dilo, hadii uu run sheegayo oo aynu dilno yaa inaga badbaadinaya cadaabka uu inoo sheegayo? waxa uu ka waramay ninkan muuminka ihi ee iimaankiisa qarinayay in uu ku yidhi goomkiisi inagu maanta waxaynu gacanta ku haynaa xukunkii iyo quwadii yaa inaga badbaadinaya cadaabka illaahay hadii uu inoo yimaado? Yaa inaga badbaadinaya iqaabka illaahay hadii ay dhacdo? Madax adeegteen iyo beenteenu inaga ayay na dayacaysaa,

 

Waxay ku bilaabeen kalmadihiisi lagu gancayay in aanu ahayn nin lagu tuhmo maamulka fircoon manuu ahayn kuwa muuse raacay mana aha in la yidhaado waxa uu u hadlayay si uu u difaaco maamulka fircoon, maamulkan waxa baabinayayna waxa uu ahaa beenta iyo maamul xumada iyo dulka loo geysanayo dadka aan waxba galabsan, mawduucan ayaana loo daliilsanayaa kalimaadka ninkaasi in ay noqdaan kuwa quwada leh marka loo geeyo fircon iyo madaxdiisa, fircoona waxa uu helay in figradiisa ah in muuse la dilo isagoo ku cabsi gelinaya ninkaan muuminka laftiisa.

 

Waxa uu ku dhawaaqay fircoon kalmadii taariikhiga ahayd taas oo tusaale u ah mid kasta oo xadgudba oo ka denbeeya isaga “Waxa uu yidhi fircoon rayigeygu wax kale maaha ee waxa aan arkaa uun arin aan idinku hadaynayo dariiqa toosan” kalmadan weligoodba way adeegsadaan kuwa xadgudbay marka ay la hadlaya shacabkooga iyagoo leh taasi waa aragtiyadayada gaar ka ah waana mid inoo horseedaysa hanuunka, arinkasta oo khalad ahayna waxa waaji ah in cidkasta oo ka hortimaado laga difaaco, doodu kumay joogsanin intaa fircoon wuu yidhi kalmadiisi laakiin kumii gancin ninkii muuminka ahaa.

 

Hadalkii ayuu qabsaday waxana uu yidhi ninkaas muuminka ihi waxa uu dabada ka gelay taariikh isagoo soo hor dhigay fircoon iyo qoomkiisiba cadaymo ku filan runta muuse isagoo uga digaya dhibaatada ay la kulmeen umadiihii iyaga ka horeeyay ee ka beeniyay rasuushi loo soo diray ka dibna illaahay halaagay, waxa ka mid ahaa umadahaa qoomkii Nuux, Qoomkii Caad iyo Qoomkii Samuud, maxayba meel fog ka eegi taariikhda masar ayaa ka markhaati ah in qoolkiisu saxan yahay.

 

Runtii Nabi Yuusuf (CS) waxa uu la yimi cadeemo dadkuna way ka shakiyeen ka dib hadana way rumeeyeen markii uu ka badbaadiyay duruufihii adkaa iyo abaarihii soo maray, maxaa iskaga dhowdhow soo dirida illaahay soo diray Nabiyada?

 

 Taariikhda gabowday waa in ay lahaataa meelo dhaxal gal ah, run ahaantiina tirayar oo muuminiin ah ayaa guulo soo hooyay oo jabiyay kufaar badan illaahayna halaagay kuwa duufan lagu qaraqay kuwa qaylo lagu khasifay, Maxaynu hadaa ka eegaynaa?

 

Si aynaan u halaagsamin dhamaanteen waa in aynu wax ku qaadano waxa aanu ka ogaano qoomamka inaga horeeyay sida ninkan muuminka ihiba uu doodi fircoon ugu soo bandhigay in hadii muuse la dilo ay dhibaato la kulmi doonto, dooda ninkan muuminka ah waxa ku jiray dhow digniinood oo uu ka bilaabay isagoo u sheegayay kuwii goobjooga ahaa in figradan ah in la dilo muuse ay tahay mid aan cidhibteeda denbe lagu nabad gelayn

 

Illaahay (SW) waxa uu inooga waramay in aayadkii illaahay ee fircon uu kaga hor yimi isweyneen iyo dulmi “Waxa uu yidhi fircoon haamaanow ii dhis meel dheer waxa laga yaaba in aan gaadho sababo samadana aan ka eego illaahan muuse waxan u malaynayaa in uu yahay beenale sidaas ayaa loogu qurxiyay xumaantii camalkiisa oo uu xaqa isku hortaagay may ahayn khiyaamadi fircoon wax aan ahayn mid liidata”

 

Mar labaad waxa uu isku dayay fircoon in fogaado si aan u waajihi xaqa si cadaan ah isagoo aqoonsan dacwada kalinimada illaahay ee geligishay maamulkiisa taas oo ka fog heerka qarashada fircoon taas oo ka fog in uu ahaado mid ku dadaala baadhitaanka illaaha muuse.

 

Wakhtigaa faraacinadu waxay gaadheen aqoon ka xeer dheer muuqalka garasha fircoon waana ta keentay in ay ku kala qayb-samaan laba qaybood qayb muuse, Qayb Nabi muuse rumaysay iyo qayb beenisay oo xaqa ka hortimi.

 

 

La soco

 

Marlabaad ninkii muuminkaa ahaa waxa uu si cad u yidhi:- kalmado geesinimo leh sida illaahay (SW) quraanka inoogu tilmaamay “Waxa uu yidhi kii muuminka ahaa qoomyahow raaca ka idinku hanuuninaya dariiqa toosan, qoomyahow noloshan aduunyadu waa raaxo yar ee aakhiro ayaa ah daarta lagu waarayo, qofka camal xun sameeya lagu abaal marin maayo wax aan ahayn wuxuu sameeyay oo kale, qofka wanaagsameeya rag iyo dumar isagoo muumin ah kuwaasi waxay gelayaa janada waxana loogu arsaaqayaa si aan xisaab lahayn, qoomkaygiyow waxa aan idinku yeedhayaa nabadgelyo idina waxa aad iigu yeedhaysaan naar, waxa aad iigu yeedhaysaan in aan cid aan illaahay ahayn caabudo aqoona aan u lahayn, aniguna waxa aan idinku yeedhayaa illaaha cisiga badan ee denbi dhaafka badan”.

 

Waxa uu ka nahiyay ninkan muuminka ihi isagoo ku hadlaya erayo geesinimo leh ka dib markii ay ka tageen kuwii hereero fadhiyay iyagoo u arkaya in uu muuse raacay, waxayna bilaabeen in ay khiyaameeyan iyagoo hadal haya erayadii ka soo fulay, shirqoolkaa ay u digeena illaahay ayaa isaga ka badbaadiyay.

 

Hadii aynu u soo noqono xaalka masar ee wakhtigaa waxa uu gaadhay heer dhibaatada fircoon in uu inamada yar yar laayo hablahana uu daayo, muuse iyo qoomkiisina waxa soo foodsaray ciqaab adag in kastoo ay rajaynayeen in illaahay u gargaaro kuna samreen dhibaatadan.

 

Fircoon wuu sii waday xadgudubkiisi iyo dulmigii, waxa la soo gaadhay wakhtigii quwada illaahay ay qaban lahayd fircoon illaahaybaana cid walba ka quwad badan “Waxanu qabanay muddo sannada ah reer fircoon waxa laga yareeyay midhihii si ay wax ugu qaataan, marka ay wanaag-helaan waxay odhan jireen anagaa samaysanay marka ay xubaani timaadana waxay dusha ka saarayeen muuse iyo cidii raacday”.

 

Illaahay (SW) ayaa la damcay in uu nolosha ku adkeeyo oo uu ibtileeyo camsina uu geliyo si ay uga joogsadan khiyamada muuse iyo cidii raacday oo ay u sugnaato Nabinimada muuse iyo runtiisuba isla wakhtigaa, Illaahay (SW) waxa uu masar ku saliday abooro waxana engagay dhulkii waxana gudhay wabigii niilka waxana yaraaday midhihii soo baxayay dadkiina aad ayuu u gaajooday, waxana badatay isnecbaashihii laakiin reer fircoon may garanayn dhibaatadan xidhiidhka ay la leedahay dulmiga ay sameeyeen waxana soo qaateen sababo kale marka ay helaan wanaag iyaga ayaa sheeganayay marka ay xumaani timaadana Nabi muuse ayay dusha ka saarayeen, cisigii ayay u qaateen xumaan waxana rumaysanayeen sixirnimada muuse ay masuul ka tahay balaayadan asiibtay, axmaq-nimadooduna waxay tustay in abaartan ku dhacday ay tahay aayada kaga timid xaga muuse si uu u sixro laakiin waa aayad aanayn rumaynayn.

 

Illaahay (SW) arinkaa wuu ku sii adkeeyay si ay uga soo noqdaan xumaanta waxana lagu saliday Duufan, Ayax iyo waxyaabo kale oo faro badan oo illaahay quraanka inoogu sheegay, mihiimaduna waxay ahayd in reer fircoon Nabi Muuse (CS) u yimaadan oo uu rabigood u baryo si balaayadan looga dulqaado, waxayna yidhaahdeen “Waxay yidhaadeen muusow noo bari rabigaa waxa uu kuu balan qaaday hadii uu dhibaatadan naga dulqaado waanu ku rumaynaynaa waana ku raacaynaa hadii aanu reer binu israa’il aanu nahay”.

 

Nabi Muuse (CS) illaahay (SW) ayuu u baryay dhibaatadina waa laga dulqaaday, Maxaase ka danbeeyay? Markii dhibaatadii laga dulqaaday balankii way ka baxeen mayna hanuunin dadkii reer masar balankiina may oofin, fircoona waxaba uu ku dhawaaqay in uu isagu masar leeyahay iyo wabiyada durduraya muusena yahay musixir beenale ah iyo nin fiqiir ah oo heli karayn fargal yar oo dahab ah.

 

Run ahaantii waanu dirnay muuse iyo aayadkayagiba waxana u dirnay fircoon iyo madaxdiisi waxana uu ku yidhi waxa aan ahayn rasuul uu soo diray rabiga caalimiinta, markii uu ila yimi aayadkii waaba ay ku qoslayn, markasta oo aayad aanu tusnana iyadoo ka waynba ta kale, waxanu ku salidnay cadaab si ay illaahay ugu soo noqdaan, waxay yidhaahdeen misixiryahow noo bari rabigaa wixii uu ku balan qaaday waanu hanuuniyee, marka laga dulqaado dhibaatadana waxay ku sii nagaanayeen xumaanta, fircoon waxa uu u dhowaaqay qoomkiisi waxa uu yidhi qoomyahow anigu miyaanan lahayn milkiga masar iyo wabiyadan hoostayda durduraya miyaydaan wax arkeen ama aniga ayaa ka khayr badan kan fiqiirka ah ee ku dhowayn mid wax cadeeya”.

 

Bal hada eeg cajaayibka quraanka caqligoogi liitay iyo xoriyadoodi liitaday iyo mistaqbalkoogi liitay iyo bila’aadanimadoodi liitadayba waxay adeeceen fircoon waa adeecid la yaab leh taa ayaanu ku garanaynaa in ay ahaayeen qoom faasaqiin ah waayo faasaqnimadu dadka waxay seejisaa jiheenta mustaqbalkooga iyo toosinta arinkooga waxana ku tuurtaa halaag sadan qoomkan fircoon oo kale.

 

Waxa inoo cadaatay in aanu fircoon rumaynin Nabi Muuse (CS) isla markaana aanu joojinin dhibaatadii uu ku yahay reer binu israa’il, Nabi muuse (CS) waxa uu beryay illaahay (SW) laakiin arin waxay ku soo dhamaatay illaahay (SW) in uu muuse u waxyooday in uu ka baxo masar goor habeenimo ah, markii ay u diyaar garoobeen in ay baxaan ayay ku warheleen in ay ka daba yimaadeen fircoon iyo ciidankiisi  iyagoo doonayay in ay dadkan ka soo reecaban goobtuna waxay ahayd Kanalka Suways meesha imika la yidhaa Buxayraad.

 

Waxa soo gaadhay fircoon warkii in uu muuse baxay iyo qoomkiisiba waxa uu u dirayay amaradiisi dhamaan magaalooyinka si ay u soo diyaariyaan ciidan badan si loo soo qobto muuse iyo qoomkiisi oo looga qaribo arinkii ay diyaarsadeen iyo mabda oogaba, fircoon imika waxa uu bixinayaa amaro guud ujeedadiisuna waxay tahay in uu muuqal u sameeyo dadka muuse iyo qoomkiisina ay yihiin kuwa khatar ku ah fircoon iyo boqortooyadiisa, sidee ayuu illaah u noqon karaa mid ka cabsanayaa koox yar oo illaah kale caabudaysa?

 

Si kastaba ha ahaateen waxa uu bilaabay fircoon in uu ka taxadiro kana diyaag garoobo sidii uu arinta hogaankeeda u sii hayn lahaa, waxa  soo baxeen iyagoo raacaya raadkii nabi muuse iyo qoomkiisi.

 

Bixitaankani waxa uu ahaa mid mihiim ah waxay ka  yimaadeen wixii ay mulki lahaayeen oo dhan Bustaanadii, Durduradii iyo Qasnadii iyo Wixii ay mulki lahaayeen oo dhan dibna ugumay soo noqon, muuqalkani waxa uu ina tusayaa in cidhibtii soo bixitaankoogu ay ku raadgoobayeen muuminiinta in ay ahayd iyagoo u deg degaya abaal marintii uu lahaa dulmiga iyo xadgudubku.

 

Waxa dhawaaqay kuwa ka mid ah qoomkii Nabi Muuse (SW) waxayan yidhaahdeen waxa na soo gaadhay ciidan kii fircoon, Nabi muuse (SW) muu hayn talo uu ku badbaadiyo laakiin qalbiga muuse waxa ka buuxay kalsoonida rabigii waxana uu rumaysnaa in uu illaahay u gargaari doono, daqiiqadii ugu denbaysay ayaaba uu illaahay (SW) u waxyooday “Waxanu u waxyoonay muuse in uu ushiisa ku dhufto badan” wuu ku dhuftay waxana dhacday mucjiso waxana xaqiiqowday wixii dadku afka soo marin la’aayeen amarkii illaahay doonay ayaa ahaaday, fircoon ayaa soo gaadhay badii waxana uu arkay mucjisadii waxana uu arkay badii uu laba u qaybsantay oo yeelatay dariiq engegen, fircoon waxa uu u yeedhay ciidankiisi waxana uu amray in ay ka horeeyaan oo ay bada dhex galaan, markii muuse iyo qoomkiisi ay bada ka gudbeen mar labaad ayaa illaahay muuse u soo waxyooday in uu ka gudbo bada, illaahay (SW) waxa uu doonay in uu inuu qaraqo fircoon iyo ciidankiisi markii fircoon iyo ciidankiisi ay ku dhamaadeen badii ayuu illaahay (SW) soo fuliyay amaradiisi waxa dulmaray fircoon iyo ciidankiisi moojadihii bada waxan qaraqmay fircoon iyo ciidankiisi waxa qaraqmay canaadkii madaxa adkaa waxana badbaaday kii illaahay rumeeyay, markii ay u cadaatay fircoon in uu qaraqmay oo ayna badbaado u oolin “Waxa uu yidhi waxa aan rumeeyay in aanu illaah jirin illaaha reer binu israa’il rumeeyeen mooyane waxana ka mid ahay kuwa mislimiinta ah”

 

Waxana qancay ninkasto oo xumaan lahaa oo liitay kumuu joogin in uu ku dhowaaqo iimaan oo kaliyee waxa uu ku daray in uu is dhiibo laakiin waxba kamuu faa’iidin imikana maaha wakhtigii doorashada waxa ka horeysay caasinimo iyo isla weynaan sida illaahayba quraanka inoogu sheegay “Imika horteed ayaad caasiyooday oo aad ka mi dahay kuwa wax fasahaadinaya” way dhamaatay wakhtigii toobada ee laguu xadiday waana halaagsantay arinkiina wuu dhamaaday badbaadana kuumay sugnaan waxa badbaadayaa jidkaaga oo kaliya si aanu kaluunku u cunin ragqaadana dadka lagama fogaynayo si ay dadku wax u qaatan waxana badbaadaya jidkaaga si ay kuwa kaa denbeeya wax ugu qaatan “Maanta waxa aanu badbaadinaynaa jidhkaaga si ay ugu noqoto kuwa kaa denbeeya aayad in badan oo dadka ka mid ihina aayaadkayaga way ka jeedan”.

 

Waxa la feeday daahi asturayay xadgudubka fircoon mowjadaha ayaa ku soo tuuray raqdiisi xeebaha, intaa ka dib asturaadi waxay u soo hadhay dadkii masar, inoogamuu waramin quraanku wixii ay sameeyeen markii uu nidaamkii fircoon uu baaba’ay ee lana qaraqay fircoon iyo ciidankiisi, nagamuu waramin waxyaabihii kale ay sameeyeen markii uu illaahay dumiyay wixii fircoon sameeyay iyo qoomkiisi, waxa aad uga waramay qisaska iyo taariikhda.

Halkan ka akhri Qaybta 5aad... Guji

 

Waxa si wada jir ah u diyaariyey

 

Cabdifataax Xasan Aadan

Axmed Ismacil Xasan (Bucul)
cabdifataax_96@hotmail.com

 

. Taariikhdii Imaamul Bukhaari (Raximahu laah)
»Taariikh-dii Imaamul Muslim (Raximahu laah)
. Diinta: Qisadii Nabi Yuusuf (CS)

 

Feefin: SomaliTalk.com April 2, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]