SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
NEBI - MUUSE

May 16, 2004

Asalaamu Calaykum wr wb.

Qisadii Nabi Muuse Qaybtii 5aad

 

Reer binu israa’il waxa hogaaminahay Nabi muuse (CS) iyo walaalkii haaruun, laakiin maxay ku sameeyeen Nabi muuse?

 

Markii la halaagay fircoon iyo qoomkiisi iyagoo arkaya isla markaa waxa saamayn ku yeelatay sannadihii faraha badnaa ee cadaadiska iyo gumaysiga uu ku hayay, waxay noqdeen dad liita oo dulaysan, fircoon waxa uu ku sameeyay reer binu israa’il waxyaabo faro badan oo quraan ku inooga waramay, isla markaana waxa ducfi weyni ku dhacay ruuxdooda waxana la yaabeen awoodan intan leeg ee jabisay fircoon, fircoonkii fasahaadiyay toosnaantoodi.

 

Hadana jaahilnimo iyo dhago adeeg ayay kala hor yimaadeen Nabi muuse (CS) iyagoo dagahooga ay ka sii guuxaysto mucjisadii bada lagu jeexay ayay soo mareen qolo sanam caabudaya wayna dareensanayee in ay kuwaas liitan, waxayna hayd in ay illaahay ku mahadiyaan laakiin waxay muuse ka delbadeen in uu u sameeyo illaah ay caabudaan sida qoladan oo kale, markaa waxba isma dhaaman kuwaa sanamka caabudaya iyo iyagu markaas oo u muuqaday in ay u doonayeen in ay ku noqdaan gaalnimadii ay ayaamihii fircoon ay ku sugnayeen.

 

Way dhamaatay marxaladii kowaad ee mihiimada Nabi muuse (CS) taas oo ahayd in uu meesha uu ka saaro noloshan-dulaysan iyo dhibaatada reer binu israa’il ay ku hayeen fircoon iyo ciidankiisi si ay ugu sugnaadan guryo sharaf leh, laakiin qoomkani diyaar umay ahayn mihiimada weyn ee ah in ay dulka ku qabsadan diinta illaahay waayo ka hore ee ay doorteen ayaaba ah arintan markhatideeda, waxanu soo sheegnay in ay arkeen qoom sanam caabudaya ka dibna ay gilgilantay tawxiidkoogi oo muuse ay ka delbadeen illaah ay caabudaan, waxa lagama maarmaan noqotay in la helo risaalad kala saarta tarbiyada umadan iyo diyaar gareenta sida ay u qaabili lahaayeen, risaaladan darteed waxa uu illaahay (SW) Nabi muuse u balan qaaday in uu la kulmi doono balan qaadkanina waxa uu ahaa in muuse loo diyaargareeyo sidii uu u qaadi lahaa risaalada mudada muuse uu diyaar garoobayay waxay ahayd Sodon habeen, Toban iyo afartanba waa lagu sheegay, muuse waxa uu soomay Afartan cisho si uu in badan illaahay ugu dhowaado, muuse la hadalka illaahay waxa uu u siyaadin jiray kalgacal faro badan inaguna ma qiyaasi karno dareenka muuse sida uu ahaa marka uu illaahay waydiisto in uu arko, inta badan jacaylka dadku waxa uu diida ama uu ka hor-joogsadaa araga indha ay jecel yihiin, Maxaad u malayn Jacaylka Illaahay (SW)?

 

Markii uu dareenkii muuse uu ka buuxsamay jacalkii illaahay iyo la kulankiisa wuu kari wayay in uu barbar dhig ku sameeyo shaqsiyadiisa naftiisana uu ka horjoogsado in uu illaahay waydiisto aragiisa.

 

Markii uu muuse uu yimi goomtii balanta ayuu la hadlay rabigii waxa uu yidhi rabiyow iskaytus” muuse waxa soo gaadhay raxmada illaahay waxana uu gartay in aanu rabigii arkayn waayo mid ka mid ah abuurkiisa ma qaadi karo nuurka illaahay waxana la amray in uu eego buurta hadii ay ku sugnaato halkeeda in uu heli doono wixii uu illaahay waydiistay, illaahay waxa uu ku yidhi muuse “Laakiin eeg buurta hadii ay ku sugnaato halkeeda waad I arkaysaa ka dibna buurtii way burburtay muusena illaahay ayuu u sujuuday iskagoo argagaxsan” qofna ma qaadi karo nuurka illaahay buurtiina way burburtay waxana la simantay dhulka muusena wuu dhacay isagoo is kala garanayn “Markii uu soo kacay waxa uu yidhi adaa xumaan ka nasahan waana tooban keenay aniguna waxa aan noqonayaa ka kugu hor rumeeya” mar labaad muuse waxa uu la kulmay raxmadii illaahay waxana loogu bishaareyay in uu ka mid yahay kuwa illaahay ka doortay adoomadiisa illaahay (SW) waxa uu ku yidhi “ Waxa uu ku yidhi muusow anigu waxa aan kaa doortay dadka risaaladaydi iyo hadalkaygina qaado wixii aan ku siiyay kana mid noqo kuwa igu mahadiya”

 

Doorashadani maaha mid uu kaga fadli badan yahay nabiyada kuwii ka horeyay iyo kuwii ka denbeeyay toona laakiin waxan jacalahay in aanu iska dhaafno dooda waayo waxa aanu rumaysan nahay in ay nabiyada oo dhami isku mid yihiin illaahaybaana inooga waramay in ay kala fadli badan yihiin darajadooduna ay kala sarayso si ayna anagu u kala saari Karin ka hadal keeduna waa inaga xaaran, waxana aynu ka taaganahay heerka iimaanka ee ah in aynu rumayno dhamaatood oo aynu gudano ixtiraamkooda inalama gudboona inaynu dhex gelin derajada macsuuminta illaahay doortay waana in aynu rumayno nabiyadii oo dhan.

 

Illaahay (SW) waxa uu u cadeeyay Nabi muuse (CS) damanada risaaladiisa “Waxanu ku qornay alwaaxdan shay kasta wacdi iyo kala saarid shaykasta ku qaado kuwad qoomkaagana amar in ay qaatan wanaageeda waana ku tusi daarta kuwa faasihiinta” waxa ku sugnaa shaykasta mawduuc khaas ah oo ka waramaya, u jeedaduna waxay ahayd in uu illaahay u cadeeyo qawaamiintiisa iyo tawjihiidka la doonayo in umada xaalkeeda lagu wanaajiyo lana toosiyo dabeecadeeda horena waanagii u soo aragnay in ay ahaayeen umada fasahaaday oo dulaysantay, wuu dhamaaday balankii uu muuse la galay rabigii, wuu noqday isagoo cadhaysan kana cadhaysan qoomkiisi koomkaana manuu jirin cid raali gelin karta Nabi muuse (CS) laakiin wuu garanayay in uu rabigii og yahay in uu ku noqonayo qoomkiisa isagoo cadhaysan.

 

Nabi muuse (CS) waxa uu u dhaqaaqay dhinaca buurta isagoo sita alwaaxdii Tawraad ku qornayd, qalbigiisana waxa ku jirtay cadho laakiin ma garan karno heerka ay taagnayd caadifadiisu iyo dareenkiisa, muuse umuu iman qoomkiisi ilaa ay dhacdo fidnadii Samiri faahfaahinta fidnadanidaa, markii ay reer binu israa’il ay ka soo baxeen masar waxay soo qaateen dahab iyo alaab badan oo ay lahaayeen reer masar waxana la sheegay dumarka reer binu israa’il in ay dahabka ka soo qaadan jireen si ay iskugu qurxiyaan, markii la amray in ay baxaan ayay soo qaateen hadana waxay is yidhaadeen waa xaaran oo way daadiyeen waxa soo aruuriyay Samiri wuuna isku dhalaaliyay waxana uu ka sameeyay wax dibi u eeg, Samiri waxa uu ahaa farsamo yaqaan tumaal ah dibigaa uu samayayna gudihiisu wuu madhnaa waxana uu ku jeediyay dabeesha dhinaca hawadu ka soo dhacayso, hawo ayaana dhinaca denbe ka soo galaysay afkana ka soo baxaysay waxana uu samaynayay cod aad moodo codka dibiyada oo kale.

 

Waxay yidhaahdeen sirtani waa mid aan hore loo arag, Samiri waxa uu ka soo qaatay  xantoobo ciid ah halkii uu maray malaku jibriil markii uu u soo daadayay mucjisadii bada kala jeexideeda, Samiri waxa uu arkay waxana hore uu u arag xantoobadii ciida ahayna waxa uu ku daray dahabkii uu ka samaynayay dibiga, Malaku Jibriilna meel kasta oo uu istaago naf ayaa gasha wayna dhac-dhaqaaqdaa, Samiri markii uu isku daray dahabkii iyo ciidi ka dibna uu ka sameyay dibi uu u ciyay sidii kuwii caadiga ahaa ayuu soo bandhigay. waxa uu u soon bandhigay reer binu israa’il wixii uu sameeyay.

 

Waxay weydiyeen:- kani waa maxay samiriyow? Waxa uu yidhi kani waa illaahini waana illaahi muuse waxayna yidhaadeen laakiin muuse wuu tagay oo illaahay ayuu la balansanaa waxa uu yidhi Samiri muuse wuu ilowoobayee halkan ayay ahayd in ay ku kulmaan, waxana soo dhacday dabeel dibigii ayay dabada ay ka gashay afkiisana way ka soo baxday ka dibna wuu ciyay reer binu israa’ilna dibiga ayay caabudeen, qisadan fidnadan waxa laga yaaba in uu la yaabo qofka akhriya liidashada qoomkan darajadooda laakiin waxa is weydiin leh sida ay marka ay mucjisada arkeen aanay wax ugu qaadan ee sanamada ay u raadsadeen, waxana layaabkan kaa biinaysa marka aad eegto qoomka laftooda in ay dibiga caabudi jireen oo lagu tarbiyadeeyay masar, maalmahaa masar waxa lagu caabudi jiray sanamyo waxana ay weynayn jireen dibi la yidhaa Abays waana lagu soo tarbiyadeeyay duli sidaas ayayna naftoodu isku badashay oo mucjiso kasta oo soo marta waxba ugu qaadan wayeen iska daa wax qof sameeyayee waxa ay wax ku qaadan waayeen hadalkii illaahay (SW), mucjisada la taaban karana sida ay ugu qanci waayeen ayay hadalkii runta ahaana waxba ugu tari wayay sidaas ayayna ku halaabeen waxana gudaha u galeen caabudida sanamyada waxay ahaayeen dad aan diin lahayn sidii kuwii xukumi jiray masar taas ayaana sabab u ahayd in ay dibi caabudan.

 

Haaruun way ku adkaatay in ay maalin reer binu israa’il ay caabudi doonaan dibi in yar oo ka mid ihi dhinaca ayay uga joogsadeen oo waxay noqdeen muuminiin laakiin intii badnayn way galobeen, haaruun waxa uu is dhex-taagay qoomkiisi waxana uu ku lahaa isagoo waaninaya waad ku fidnowdeen samiri ayaana idinku mashquuliyay jahligiini ee dibigani maaha rabigiini iyo rabigii muuse toona, way diideen kuwii dibiga caabudayay waanadii haarun wuu ku soo noqday isagoo wacdinaya waxa uu xasuusinayay mucjisooyinkii illaahay iyo sida uu illaahay u soo badbadiyay iyo sidii uu u illaalinayay waxaas oo hadal ah dagaha ayay ka furaysteen wana yaresteen waxana ay dooneenba in ay dilaan isagoo diidan in mowducan laga hadlo ilaa inta uu muuse soo noqonayo, waana iska cadeed in uu haarun ahaa nin ka dabacsan muuse laakiin qoomka dabacsanaantii haarun waxba umay tarin, haaruuna waa uu ka baqay in uu quwad isticmalo uu sanamka jabiyo waxana uu ka baqay in qoomki iska hor yimaado fidnana ay ka dhacdo arintana dib ayuu u dhiga ilaa inta uu muuse imanayo, waana uu garnayay muuse in uu yahay qof quwad badan oo fidnada xalin kara iyadoo aan dhiig daadan.

 

Dadku waxay bilaabeen in ay ka dul ciyaaraan dibigii waxana ku soo baxay nabi muuse (CS) markii uu maqlay buux iyo sawaxankii isla markii uu goobtii muuse soo gaadhay waxay joojiyeen ciyaartii waana ay aamuseen, muuse isagoo kor u dhowaaqaya ayuu ku yidhi dabaday wax xun ayaad samayseen hadana muuse waxa uu u dhaqaaqay dhinicii haaruun, muuse waxa uu tuuray dhulka ku tuuray looxaantii towraad uu gacanta ku hayay, Muuse waxa uu aad uga cadhoodhay wixii ay sameeyeen waxana uu qabtay madaxii haaruun labadiisi gacmood ayuu midna timaha ku qabtay mina gadhka, muuse waxa uu waydiyay haaruun in uu caasiyay amarkiisi sida uu uga aamusay fidnadan sidii uu sisii dhex joogay dadka waxan aadka u foosha xun sameeyay waxana uu ku canaantay sida uu uga aamusay haaruun, haaruun inta uu xooga ka aamusay cadhadii muuse ayuu la hadlay muuse isagoo rajaynaya in uu siidayo gadhka iyo madaxa kuna halqabsanaya sida ay isku hooyo kaliya uga soo jeedan xusayana in ay hooyo wada dhashay aabohoona aan soo hadal qaadin halkaana waxa inooga muuqata in labada hooyo wada dhashaa ay cidkasta iskaga dhow yihiin dhinaca wada tashiga.

 

Waxa uu yidhi:- Haaruun “Kay hooyaday dhashayow isii daa gadhka iyo madaxa” haaruun waxa uu fahansiyay in aanu arinku ahayn caasinimo xagiisa ka timid raalina aanu ka ahayn waxan ay la yimaadeen waxana uu u sheegay in uu ka baqay hadii uu ficil la yimaado in ay dadka ka tagaan ama ay dilaan, waxana uu waydiyay muuse sidee ayaana ula joogayn waaba aad igaga tagtee oo masuul ayaan ka sii ahaayee waxana uu u sheegay hadii uu wax talaabo uu qaadi lahaa in uu ka baqay in dagaal ka dhaqo maasha ka bacdina aad tidhaahdo maxaad aniga ii sugi wayday, haaruun waxa uu fahmay walaalkiisi muuse in ay tahay in si dabacsan dadka ula hadlo.

 

Muuse waxa uu gartay in uu ku gafay haaruun cadhadiisuna ay ahayd mid uu xaqa ku difaacayo waxana uu gartay in talaabadan haaruun uu qaaday ay ahayd mid wakhtigaa ku wanaagsanayd, waxana uu siidayay gadhki iyo madaxii uu hayay Muuse naftiisi iyo walaalkiiba illaahay ayuu denbi dhaaf u waydiyay waxana uu u soo jeestay dhinacii qoomkiisa isagoo adeegsanaya erayo kulkulul oo cadho ka muuqato.

 

Goomkaygiyow miyaanu illaahay idin balanqaadin balan ma waxa idinku dheeraday balantii mise waxa aad doonteen in ay idinku dhacdo cadho illaahay oo dib aad uga dhacdaan balanka” muuse waxa uu ka hadlay xumaanta ay sameeyeen waxana uu mar labaad yidhi isagoo aad u cadhaysan “Kuwii dibiga samaytay waxa ku dhici doonta cadho xaga rabi iyo dulinimo aduunyo iyo aakhiriba sidaas ayaana ku abaal marinaa kuwa been abuurayaasha ah” buuraha ayaa isku gudbiyay sawaxankii iyo dhawaaqii muuse cadho daraadeed uu kor u hadlayay ilaa inta ay dhamaantoo qoomkii ay madaxa hoos u fooririnayeen wana ay garteen khaladkoogi iyo been abuurkii ay sameeyeen waxana cadaaday in waxan muuse uu wadaa xaq yahay,  maqnaasha muuse ka maqnaana maaha muu ahayn mid kalifayay in dibi la sii caabudo, goomka muuse waxa uu illaahay (SW) balan kula qalay hadii ay isaga (Illaahay) u hogaansanaaday arlada la dhaxalsiin doono.

 

Hadana muuse waxa uu u soo jeestay Samiri, samiri oo ahaa ninkii dibiga ay caabudeen sameyay, muuse waxa uu la hadlay samiri waxana uu ku yidhi arinkaagu muxuu yahay isagoo doonaya in uu ogaado waxa ku kalifay arintan saamiri waxa uu ku jawaabay waxa aan arkay wax aan weligayba arag, waxa aan arkay ayuu yidhi Malaku Jibriil oo fuushan faras meel kasta oo farasku qoobka uu saarona ciida taala ay samaynaysay dhaqdhaqaaq raadkii jibriil waxana ka soo qaatay xantoobo ciid ah waxana ku daray dahabkii aan dibiga ka sameeyay nafteyda ayaana ii qurxisay in aad waxan sameeyo, muuse arintii waxba muu sii baadhbaadhin ee waxa uu ku qaaday xukunkii xaqa ahaa, mihimna may ahayn in uu samiri arkay Malaku Jibriil, ciida uu ka soo qaatay iyo dibigan uu samayay waa denbi uu galay samiri laakiin mihiimadu waxay tahay denbigan uu galay iyo fidnadan uu galayay qoomkii nabi muuse ee dhaqankoogi hore uu ahaa in ay sanamo caabudaan, muuse waxa uu ku xukumay in aanu qoomka muuse wax xidhiidh ah la yeelan oo kaligii uu noolado.

 

Waxana aynu rumaysanahay arinkaasi in uu ka khatarsan yahay in badan aragtida deg dega ah saamiri waxa uu fidnayay reer binu israa’il waxana uu ku soo aruuriyay dibiga dushiisa maadama uu dadkaa meel uu iskugu keenay xumaan xukunkiisuna waxa uu noqday in umada laga fogeeyo, Miyuu bukooday samiri? Oo dadku waxay kaga yaaceen xanuunkan ku dhacay in kastoo la garanayn ninki samiri halkuu ku denbeyay iyo dhimashadiisi hadana intii uu noola ee uuna dhiman waxa uu ku jiray nolol adag oo uu ku ciqaabay nabi muuse oo dilku ka sahlan yahay, samiri waxa uu noola isagoo nool oo dulaysan cidina u soo dhowaan taasi waa ciqaabtii aduunyada, mar labaad maalinta qiyaamaha ciqaab kale ayaa sugaysa oo xaqa illaahay ah, Muuse waxa uu ka soo noqday saamiri dibigii uu samayayna waxa uu ku dhex tuuray dab iyagoo eegaya.

 


Meydkii Fircoon

Muuse waxa uu u soo jeestay qoomkiisi imikana waxa uu xukumayaa intii dibiga caabuday waxana uu fahansiyay in ay nafahoogi dulmiyeen waxana dhan loo saaray intii dibiga caabuday waxana u banana tooban toobadaas oo ah in kuwii aan dibiga caabudin ay dilaan kuwii dibiga caabuday, xukunkan nabi muuse gaadhay waxay ahayd mid ku haboon kuwan dibiga caabuday waayo dadka sanamyada soo caabudaa waxay saamayn ku yeelataaa noloshooda iyo caqligooga waayo garashada dadku waa ka uu kaga duwan yahay xawayaanka, dadkuna hadii ayna caqli lahayn noloshoodu macno ma samayso.

 

Muuse waa uu soo noqday waxana uu u akhriyay qoomkiisi alwaaxdii tawraad amarkeedina waxa uu ka bilaabmayay in ay ku qaatan xukumadeeda quwad iyo go’aan waxana la yaab noqotay in qoomkiisu xaqa ay ka warwareegeen waxana ay ku yidhaadeen na tus alwaada waxa nala amrayo iyo wax naga reebayo hadii ay sahlan yihiin waanu qaadanaynaa, muuse waxa uu ku yidhi dhamaantood wada qaata marar badan ayay soo cel celiyeen hadal, marka ay halkaa ay marayso ayuu illaahay (SW) amar ku siiyay Malaa’igta in ay buur soo qaadan soona dul dhigaan sida daruuraha oo kale waxana lagu yidhi hadii aad aqbali waydaan xaqa buurta ayaa dusha idinka soo dhici doonta waana ay aqbaleen waxana la amray in ay sujuudan waana ay sujuudeen, waxana ay saareen gacmaha dhulkii wana ay socdeen iyagoo dhana ka eegaya buurta cabsi iyo argagax qaba halkaana waxa ka muuqata in ayna wajigooda illaahay si toos ah iskugu dhiibin ilaa ay qasab ay ku noqotay in ay sujuudan taasina waa garashada daciifka ah marka uu maqan yahay caqliga toosan ee garashadu gancinayso waa laga yaba in qoomka muuse qisadan oo kale soo marto.

 

Markii ugu horeysay waxa lagu ganciyay quwad xaga garashada ah iyo mucjisooyin cadcad waayo waxay ku soo noolayeen kuna soo berbaareen gumaysi iyo dulinimo waxana diciiftay dad-nimadoodi manay noqon kuwa sugnaada markay duligii ka baxeen waxana qasab noqotay in quwad lagu meel mariyo  sidii kuwii hore ee maamuli jiray, hogaanka cusub ee imika hoos yimaadana uu yahay iimanka waxana ay noqotay si looga badbaadiyo halaag iyo quwad lagu hanuuniyo denbigii ay geleen ee dibi caabusta ahaana waxa uu kaga tagay raad, muuse waxa uu ku amray reer binu israa’il in ay illaahay denbi dhaaf waydiistaan, muuse waxa uu doortay totobaatan (70) nin waxana uu yidhi u kaca xaga illaahay oo ka tooban keena wixii aad samayseen idinka iyo kuwii aad ka tagteen ee qoomkiini ahaaba waxana lagu amray in ay sooman mar yahoogana daahiriyan iyaguna is daahiriyaan, muuse iyo totobaantankii (70) doortayba way isasoo raaceen waxayna yimaadeen wakhtigii illaahay u xadiday. 

 

Muuse waxa uu ku dhowaaday buurtii waxana la hadlay illaahay (SW) totobaatankii (70) markii ay maqleen muuse oo la hadlaya rabigii waxa laga yaaba in ay tani noqotay mucjiso kale oo ku filan qaadashada iimaanka ay quluubtoodana ku sidanayan ilaa inta ay nool yihiin, totobaatankii kumay joogsanin maqalkii hadalkii illaahay oo kaliya ee hadana waxay ka dalbadeen in ay illaahay (SW) arkaan waxana ay muuse si cadaan ah ugu yidhaadeen “Muusow ku rumaysan mayno ilaa aan illaahay si cadaan ah u aragno”  tani waa mashaqo aad u la yaab leh oo qalbigana saamayn weyn ku yeelaynaysa, marka kuwa foyow ay dalbadana ciqaabta ah argagax ee ay ku dhacdo gariir iyo dumid alwaaxdooda iyo jidkoogu ay argaxaan isla markiiba, muuse waxa uu gartay waxan ku dhacay totobaantankii (70) uu soo doortay waana uu ka muragooday waxana uu illaahay u beryay in uu u denbi dhaafo una naxariisto oo aanu ku qaadin denbiga ay sameeyan kuwa liita manay doonayn in ay arkaan rabigood iyagoo ku sugan sida dadku yahay ee naaqusnimo iyo qalbi engaga ah maan gaabnimadana wax aan dhimasho ahayn ma ganciso.

 

Hadaba aanu eegno xidhiidhka ka dhexeeya wakhtigan xaadirka ah iyo wakhtigaa hore illaahay (SW) waxa uu is barbar dhigay isagoo la hadlaya Nabigeen Maxamed (N.N.K.H) labadii wakhti ee ka horeyay oo ah wakhtigii ay soo degtay Towraad iyo wakhtigii ay soo degtay Injiil labadaaba waxa loogu bishareyay in uu soo bixi doono Nabi maxamed (CSW), waxaynu rumaysanahay arinta lala doonayay dadkan maalintii nebi muuse (CS) uu soo kaxaystay totobatanka (70) nin in ay ahaayeen kuwii ugu fadliga badnaa maalintan uu la balamayna ay ahayd maalin khatar ah oo mucjiso wayn, waxana lala doonay dadka Nabigii ugu denbeeyay anbiyada illaahay.

 

Ibnu Khasiir waxa uu yidhi Kitaabka Qisas Al Anbiyaa qoom uu ka soo qaatay Qataada, Muuse ayaa ku yidhi rabigii rabiyow waxa aan ku arkay alwaaxda umad, umadaas oo ah umada dadka ugu khayrka badan wanaagana is faraya xumaantana iska nahinaya rabiyow umadaa ka dhig umadayda, Illaahay (SW) waxa uu ugu jawaabay umadaasi in ay tahay Umada Nabi Maxamed (CSW) waxa uu yidhi hadana muuse rabiyow waxa aan ku arkay alwaaxda umada kutubtoodu ugu qorantahay laabta oo halkaa ka akhrisanaya kuwii ka horeyayna waxay ka akhrisanayeen kutubtooda waxana laga qaadayay iyagoo waxba aan ka xafidsanay waxbana aan ka garanayn illaahay waxa uu siiyay xiftiga shay aan la siin qof ka mid ah umadaha rabiyow ka dhig umadayda, waxa illaahay (SW) ku yidhi waa umada Nabi Maxamed (CSW), waxa uu hadana muuse yidhi waxa aan alwaada ku arkay umad rumaynaysa kitaabkii hore iyo kii ugu denbeyay lana dagaalamaya xumaanta illaahayow ka dhig umadayda, waxa lagu yidhi waa umada Nabi maxamed (CSW) muuse waxa uu hadana yidhi waxa aan rabiyow ku arkay alwaaxda umad sanaqada ay cunaan ajar looga qorayo umadihii horena marka ay qof sadaqad bixinayo illaahay waxa uu u soo diri jiray naar cunta hadii ay naartaasi ka tagtana ay cunayaan xawayaanku umadaas oo kooga qaniga ah sadaqada looga qaadayo lana siinayo ka fiqiirka ah illaahayow kuwaa ka dhig umadayda, waxa loogu jawaabay waa umada nabi maxamed (CSW) waxa uu yidhi hadana muuse waxa aan ku arkay alwaaxda umad marka uu mid iyaga ka mid ihi uu ku hamiyo in uu wanaag sameeyo ka dibna uu ku camal falo loo qorayo toban laabkeed ilaa totobaatan laab illaahayow ka dhig umadayda, waxa lagu yidhi waa umada Nabi maxamed (CSW).

 

Muuse waa uu soo raacay qoomkiisi waxana uu keenay meesha la yidhaado Siinay, Siinay  waa saxaro aan lahayn geed la hadhsado cadceeduna aad u kulushahay mana laha cunto iyo biyo illaahay (SW) waxa uu u galaday raxmadiisa waxa loogu hadheeyay daruuro waxa samada looga soo dejiyay cunto, mar ay u baahdeen biyo Nabi muuse (CS) ayaa ushiisi ku dhuftay dhagax waxayna noqotay laba iyo toban ilood (12) oo biyo ah reer binu israa’ilna waxay u qayb sanaayeen laba iyo toban (12) qabil, ikramidan iyo nimacadan lagu taladay waxay nafahoogi ku dhaqaajisay in uu ku laba kacleeyo cudurkii ku duuboobay waxana ay nafahoogu jeclaysateen in ay heleen Basal iyo waxyaabo kale oo dhulka ka soo baxa, sidaa darteed reer binu israa’il waxay waydiisteen nabi muuse in uu illaahay u beryo in uu dhulka laga soo saaro cuntooyinka ay dalbadeen, illaahayna (SW) waa uu ka aqbalay.

 

Halkan waxanu ku dhamayn doona Qisadii nabi muuse (CS), qisadaas oo aanu ka soo qaadanay websiteka ku qoran af carabiga ee ah www.alqasas.com

 

Kulaabo Qaybta 4aad... Guji

 

Waxa si wada jir ah u diyaariyey

 

Cabdifataax Xasan Aadan

Axmed Ismacil Xasan (Bucul)
cabdifataax_96@hotmail.com

 

. Taariikhdii Imaamul Bukhaari (Raximahu laah)
»Taariikh-dii Imaamul Muslim (Raximahu laah)
. Diinta: Qisadii Nabi Yuusuf (CS)

 

Feefin: SomaliTalk.com April 2, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]