SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
NEBI - MUUSE

March 2, 2004

Asalaamu Calaykum wr wb.

Qisadii Nabi Muuse : 

Qaybtii 1aad

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...



FAAQIDAADA CIYAARAHA... GUJI

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO
 

Mudadii xukunka masar uu haystay Nabi Yuusuf (CS) dadka reer masar waxa ay noqdeen dad illaahay (sw) kalinimadiisa rumeyey, waana waxa loo soo diray anbiyada oo dhan, dhimashadii Nabi Yuusuf ka dib Reer masar waxa ay ku noqdeen halow iyo shirki, reer binu israa段lna waxa ay dhex gelaan mushtamicii masar, badhbaa halaabay oo diinta ka baxay badh kalena waxa ay ku soo hadheen tawxiidkii wayna farabateen reer binu  Israa段il waxana korodhayn tiradooda.

 

Masar waxa xukumi jiray boqor madax adag oo reer masar ay caabudi jireen boqorkani waxa uu u arkayey in reer Binu Israa段l sii faro badanayaan oo boqortooyadiisana ay qabsanayaan, waxana uu maqli jirey sheekooyin odhanaya inan reer binu israa段l ah ayaa dumin doona Fircoon boqortooyadiisa masar ka dhisan, Fircoon waxa uu soo saaray go誕an amraya in la dilo inankii reer binu israa段l ah ee dhashaba waxana la bilaabay nidamkaa sii loo hirgelin lahaa, waxana uu yidhi la taliyihii Fircoon kuwa gaboobay ee reer binu israa段l wey dhimanayaan kuwa yaryarna waa la qawracayaa sidaas ayeyna ku dhamaanayaan reer binu Israa段l.

 

Dadka reer masar waxa ay noqdeen umad taagdaran maamulkuna waxa uu doorbiday in la dilo inankasta oo dhasha, Inamada yar yar ee dhasha sanadna waa la dili jiray sanadna waa la deyn jiray, Fircoon waxa uu moodayay marka uu arinkaa samaynayay in uu xalkan ku nabad gelayo, Nabi Haaruun (CS) waxa uu dhashay sanadkii aan caruurta la dilayn hooyadii waxa ay dhashay iyadoo rumeysan in uu u nabad gelayo inankeedu, Sanadkii ku xigeyay ee inamada la laynayey waxa dhashay Nabi Muuse (CS) Muuse hooyadii waxa ku dhacay cabsi iyo argagax weyn iyadoo ka baqaysa in la dilo wayna la dhuumatay iyadoo ku naas nuujunaysay si qarsoodi ah, waxa la soo gaadhay habeenkii barakaysnaa ee illaahay u soo waxyooday Nabi Muuse hooyadii illaahay (SW).

 

Waxanu ugu waxyoonayn Nabi Muuse hooyadii in ay naas nuujiso marka ay u baqatana in ay ku tuurto biyaha dhexdooda iyadoo cabsi iyo murogo midna ayna ku jirin, waanu u soo celin doona xagaaga waxana uu ka mid noqon doona kuwa rasuusha Waxa la amray in ay Nabi Muuse hooyadii ay sameyso Sanduuq yar muusana ay ku dhex rido ayna la tagto wabiga dhinaciisa oo ay raaciso wabiga biyaha, waxa ay la hayd nabi muuse hooyadii qalbiga hooyooyinka oo kale waa qalbiga ugu raxmada badan aduunyada, waxana ka buuxsamay qalbigeeda warwar iyo murugo iyadoo weliba ilmaheeda raacinaysa biyaha wabiga laakiin way ogayd in illaahay uga naxariis badan yahay iyada oo illaahay yahay rabiga muuse iyo wabiga niilkaba, inkastoo markii hore biyaha niilku fara badnaayeen illaahay (SW) waxa uu ku amray moojadihii biya niilka in ay si degan u socdaan inta ay sidaan ilmaha yar ee nabiga noqon doona sidii uu illaahay (SW) u amray naartii lagu riday nabi Ibraahim (CS) in ay noqoto Qabow iyo nabad gelyo sidaas oo kale illaahay waxa u faray wabiga niilka in uu qaado muuse si degana u wado ilaa inta uu gaadhayo qasriga furcoon, Biyihii niilka ayaa qaaday sanduuqan cisiga leh ee uu ku jiro muuse geeyeyna qasrigii fircoon halkaas oo mowjadihii siday ay ku wareejiyeen.

 

Markii uu waagu baryey waxa soo baxday gabadhii fircoon oo ku socoto beertii qasriga, gabadha fircoon aad ayey uga duwaneyd fircoon isagu waxa uu ahaa kaafur iyaduna waxa ay ahayd muuminad isagu waxa uu ahaa mid naxariis daran iyaduna waxa ayad mid naxariis badan mar labaad waxa ay ahayd gabadh aad u murugaysan wax caruur ahna u may dhalin fircoon wana ay jecleed in ay mar uun agteeda ay ku aragto ubad, markii ay ku dhowaatay biyihii niilka ayey heshay Sanduuqi wayna soo qaaday waana la furay sanduuqi waxana ay aragtay muuse oo ku jira sanduuqa oo inan yar ah markiiba waxa ay qalbigeeda ka dareentay jaceyl illaahaybaana qalbigeeda ku tuuray kalgacal waxana ay soo qaaday sanduuqi, muuse waa uu soo baraarugay waxana uu bilaabay in uu ooyo waxana uu u baahnaa naaskii uu jaqi jiray subaxnimada, fircoon ayey gabadhiisi ula timi iyadoo sidata ilma yar waxana uu weydiyay naa halkee ayaad ka keentay ilmaha yar waxana ay uga warantay sanduuqi waxana uu ku yidhi hadal ka soo go誕ya qalbi aan raxmad lahayn kolay waa inan yar oo reer binu israa段l ah oo sanadkani mayna ahayn sanadkii la leyn jiray? gabadhii fircoon inta ay ilmihii yaraa halkaa laaabteeda ay ku qabtay ayey qaylisay illaahay (SW) isagoo nooga waramaya waxa ay tidhi gabadhii fircoon waxa uu inoogu sheega ayaad quraan ah Waxa ay tidhi gabadhii fircoon waxa uu ii yahay aniga mid indhuhu ay ku qaboobaan ee hadilina waxa laga yaaba in uu ina anfaco oo aanu inan ka dhigano

 

Fircoon waxa uu xasuustay yaraanta awooda gabadhiisa waana uu ka aqbalay waxii ay doonaysay waxana uu u ogalaaday inankan yar in lagu koriyo qasrigiisa, muuse waxa uu bilaabay oohintii waxana la amray in loo yeedho gabadh naas nuujisa waxana la keenay gabadh muuse naaska nuujinaysa qasriga fircoon way qadan laakiin wuu diiday in uu naaskeeda jaqo waxana la keenay ku labaad iyo su sadexaad iyo ku tobnaad intaba waa uu diiday muuse in uu jaqo naaska isagoo welibana oogaya, gabadhii fircoon way ku ag warwareegtay iyadoo garan la wax ay samayso, gabadha fircoon oo kaliya may murugaysnayn oo may oogeeyn laakiin waxa ka darnayd oo iyana meel kale ku murugaysnayd muuse hooyadii, muuse hooyadii kumay dhowaan marka ay ku tuuraysay wabiga niilka ilaa ay mooday in ay qalbigeedi ku tuuraysay biyaha, biyihii niilkuna way ka qariyeen sanduuqi wax war oo danbena kamay helin.

 

VEDIO: The Miracles of the Qur'an

99 Magac oo Allaah

Waagi danbe ayaa baryey iyadoo galbigeeda ay ku wareegayso murugadii ilmaheedu waxana ay ku dhowaatayba in ay tagto qasrigii fircoon oo ay ku sheegto in uu yahay inankeedi wixii dhacayaaba ay dhacaan illaahay ayaa soo qabtay qalbigeeda oo ka buuxiyey nabad wayna iska degtay oo ay sugnaatay, arintii oo dhamina waxa ay noqotay in ay tiraahdo walaashii waxa aan tagayaa qasriga fircoon agtiisa si aan u soo ogaado muuse xaalkiisa, waxayna ay tagtay muuse walaashi qasriga fircoon agtiisa waxa ay meel durugsan ay ka maqashay oohintii muuse waxana ay aragtay iyagoo garanla si ay yidhaahdaan waxana ay maqashay in uu diiday in uu dumarka naaskooga jaqo, waxa ay ku tidhi shaqaalihii fircoon ma idin tusaa qoys naas nuujinaya oo kafaala qaadanaya oo u adeegaya laguna halaynayo hawsha inankan yar, gabadhii fircoona aad iyo aad ayey ugu faraxday arintan waxana ay muuse walaashi ay u sheegtay in ay u yeedho gabadhan muuse walaashiina way noqotay waxana ay keentay hooyadeed, hooyadii ayaana naas nuujisay waxana ay tidhi gabadhii fircoon qaad ilaa inta uu naas jaqida uu dhamaysanayo oo nagu soo celi marka naasku ka gudho waxana aanu ku siin doonaa abaal marin weyn sidaas buuna illaahay Nabi Muuse ugu soo celiyay hooyadii si indhahedu ugu qabooban oona ay u murugoon si ay u ogaato in balan qaadka illaahay uu xaq yahay.

 

Illaahay (SW) waxa uu ku yidhi suuratul Qasas Wuxuu noqday qalbigii muuse hooyadii mid madhan markii ay ku dhowaatay ka dib Waxa aan ka manciney dumarkii kale naaskoogi mar kii hore waxay tidhi walaashii ma idin tusaa qoys kafaala qaadanaya oo nasteex idin ah 展axanu ku soo celiney hooyadii si ay indhaheedu ugu qabowsadaan oona ay u murugoonin  una ogaato in uu balan qaadka illaahay yahay xaq laakiin dadka badankoogu ma garanayaan

 

Markii ay muusa hooyadii ay ka gudhisay waxa ay ku celisay gurigii fircoon waxana jeclaaday dadkii oo dhan illaahay (SW) waxa uu ku yidhi suuratul Daah Waxa aan ku geliyey kalgacal xagayga ah

 

Muuse waxa uu noqday ilma yar oo cid kasta oo aragtaaba ay jeclanayso wakhtigaa waxa uu ku suganaa mid ka mid ah qasriyada aduunka kuwa ugu waaweyn, isagoo lagu tarbiyadeenayo ilaalin xaga illaahay ah, tarbiyada muuse waxa ay ka bilaabmatay guriga fircoon gurigaas oo ay ku sugnaayeen kuwa ugu waaweynaa murabiyiinta iyo macalimiintii xiligaa, wakhtigaana masar waxa ay ahayd dowlada ugu weyn aduunka, fircoona waxa uu ahaa boqorka ugu quwada badan aduunka, sidaa darteedna waxa uu awood u lahaa in uu soo kaxaysto macalimiinta iyo mufakiriinta ugu cilmiga badan aduunka sidaas ayuu illaahay kula doonay xigmadiisa in uu muuse ku tarbiyadeeyo tarbiyada ugu weyn uguna balan qaaday macalinka ugu weyn in tacliintiisana uu ku dhamaysto isagoo ku sugan guriga cadowgiisa kana faa段idaysanaya fursada ah doonista illaahay.

 

Muuse waxa uu ku wey naaday guriga fircoon waana uu is ogaa in aanu ahayn ina fircoon ee uu yahay reer binu israa段l waxana uu arki jirey sida ay u hatigayaan askarta fircoon iyo kuwa la socdaa reer binu israa段l, markii uu gaadhay muuse afartan jir ayuu soo gelay magalada goor aan dadku ogeyn isagoo magalada dhex socda ayuu arkay nin ka mid ah kuwa fircoon raacay oo garaacaya nin reer binu israa段l ah ninkii daciifka ahaa waxa uu kaalma ka dalbaday Nabi Muuse (CS), muuse ninkii waa uu dilay, muuse waxa uu ahaa nin xoog badan ninkana muu dooneyn in uu dilo ee waxa uu doonayey in uu garaaco oo kaliya laakiin markii ugu horeysay ee uu gacantiisa ku fidiyeyba ninkii waa uu ku dhintay, muuse naftiisi waxa uu is yidhi waxa aad samaysay waa camal shaydaan, shaydaankuna waa cadow dadka haleeya intaa ka dib muuse rabigiisa ayuu baryey waxana uu yidhi:-Rabiyow waxa aan dulmiyey nafteydi ee ii denbi dhaaf, illaahayna uu u denbi dhaafay.

 

Illaahay (SW) waxa uu kaga waramay Suuratul Qasas

 

Markii uu gaadhay heer uu adkaaday oo uu sugnaaday waxanu siinay xukun iyo cilmi sidaas ayaana ku abaal marinaa dadka wanaagsan 展axa uu soo galay magaladii goor aan cidi ogeyn wax uu arkay laba nin oo is dilaaya oo midi yahay qoladooda midna uu yahay qolo ay col yihiin ninkii qoladooda ahaa ayaa gargaar ka dalbaday si uu uga hiiliyo kan cadowgooga ah muuse gacan ayuu ula tagay ninkii waana uu dhintay ninkii, waxa uu yidhi waxaasi waa camal shaydaan, shaydaankuna waa cadow dadka haleeya oo cad (15) waxa uu yidhi illaahayow nafteydi ayaan dulmiyayee ii denbi dhaaf illaahayna waa uu u denbi dhaafay, illaahay isagaa denbi dhaaf leh oo naxariis badan (16) waxa uu yidhi rabiyow wixii nimco ah ee aad I siisay noqon maayo mid ugu gargaara mujrimiinta

 

Muuse waxa uu noqday nin magalada godob ka gelay oo ka baqaya lana baadi goobayo xaalkii Nabi muuse (CS) mudo ayuu sidaa uu ahaa iskana ilaalinayey in uu shargalo isagoo la baadi goobayo oo dhan walba iska eegaya ayuu is qarin jiray.

 

Muuse waxa uu illaahay balan kula galay in aanu u gargaari kuwa mujrimiinta ah manuu dhex geli jirin kuwa u doodaya mujriminta iyo kuwa rabshado wadayaasha ah marka ay is qabsadaan kuwa qoomkiisa ah, muuse waxa uu la kulmay ninkii uu maalintii hore wax ka celiyey oo meel ka qaylinaya oo isku madhan yihiin mid ka mid ah qoladii masriyiinta ahayd muuse waxa uu gartay in uu yahay rabshadwade reer binu israa段l ah, markii uu muuse ka qabo is yidhi ayuu ku qayliyey waxana uu ku yidhi Waxa aad tahay nin aad u xoog weyn muusena waxa uu ku yidhi kalmad la mid ah oo uu ugu hanjabay ninkii, ninkii reer binu israa段l waxa uu u qaaday in uu ninkan dilayo waxana uu xasuusiyey ninkii uu muuse dilay muusena waa uu ka joogsaday, Muuse waa uu ka aamusay isagoo ka cadhaysan waxan uu soo xasuusiyey sidii loogu denbi dhafay iyo toobadii iyo balankii uu illaahay kula gelay in aanu u gargaarin mushrakiinta ayaa ku dhex wareeqay qalbiga muuse, muuse waa uu iskaga dhaqaaqay isagoo illaahay denbi dhaaf waydiisanaya.

 

Masrigii rabshadwadaha ahaa waxa uu ogaaday in uu muusa dilay ninkii masriga ahaa ee shalay ee aasayeen cidina mey ogeyn in uu dilay muuse isla markiina ninkii waxa uu ku baahiyey warkii magaladii oo dhan waxana uu ka shifay sirtii muuse waxana uu cadeeyey arinkiisi, waxa muuse u yimi nin masri ah oo muumin ah oo cararaya waxana uu Nabi Muuse (SW) kula taliyey in uu magalada iskaga baxo.

 

muuse waxa uu waa bariistay in uu magalada dhex deedi ku cabsado lana deydayo waxana uu la kulmay ninkii uu shalay u hiilinayey oo qaylinaya waxana uu ku yidhi muusow waxa aad tahay nin xoogweyn markii uu muuse doonay in uu dilo ninkii cadowgooga ahaa ayuu ku yidhi muusow ma waxaad doonaysaa in aad I disho sidii kii aad shalay dishay oo kale waxa aad doonaysaa uun in aad dhulka ku kibirto ma doonaysid in aad noqoto kuwa wax hagaajinaya (19) waxa u yimi nin cararaya oo ka yimi dhinaca magalada waxana uu ku yidhi muusow madaxdii way ku shirqoolayaan si ay kuu dilaan ee iskaga bax magalada waxa aan ku ahay nasteex

 


Meydkii Fircoon

Illaahay (SW) waa uu inaga qariyey inkaa muuse u digay magaciisa, waxana aynu halkaa ka garanaynaa in uu ahaa ninku nin mudakar ah marka laga eego sida uu u soo ogaaday shirqoolka muuse lagu waday ee ay wadeen dadka madaxda ah hadii uu yahay shaqsi caadi ah muu ogaadeen shirqoolkan ninkun waxa uu garanayey muuse in aanu mutaysan in la dilo marka loo eego denbigii uu shalay gelay waayo ninku waxa uu ku dhintay khalad, xeer ciqaabeedka qadiimka ah ee masar waxa uu ahaa in lagu xukumo xadhig ee maxaa keenay in la dilo? Halkan waxa ka muuqata cibarada ah in uu ninkan masriga ihi muuse nasteex u yahay, jawaabteeda ayaan soo dhigayaa horteena  waxa ay ila tahay Madaxdii wey ku shirqoolayaan xogaamiyaashu waa madaxda qoom u saraysa ee hogaamisa waxa ay diyaariyeen mu aamarad denbiga caadiga ah iyadoo loo soo bandhigin maxkamad iyo qaadi toona in la geeyo jeel maxaa soo geliyey meesha madaxda ee ku kalifay in ay noqdaan darafka mid ah shaqsiyaadka doonaya si loo dilo muuse, waxa ay ku bilaabmatay in aanu qofna muuse jeclayn waanu uu ogaa in uu yahay reer binu israa段l waanu ogaa sanduuqi hooyadii ay ku soo riday markii ay biyuhu keeneyn qasriga fircoon.

 

Khiyaamadii ay soo diyaariyeen kuwa damacsanaa mansabkiisa si uu ugu soo beegmay inan yar oo israa段li ihi waxana la gudboonayn in aanu ku soo beegmin, mar labaad ayuu helay fursad kale markii la ogaaday ninkii uu dilay.

 

Arintan waxa ku farxay wixii joogay qasriga oo dhan waxana ay go誕ansadeen in ay dilaan illaahayna muuse waxa uu u soo diray nin masri ah oo caqli badan oo uga diga nasteexna uga ah si uu uga baxsado wajiga daalibiinta .

 

Muuqaalka qaybta labaad ee qisada waxa inooga muuqanaysa ninkii muuse oo ka baxsaday magalada go誕ana ku gaadhay in uu ka baxo cabsi darteedna hareera iska eegaya shanqadhana dhaqaysanaya qalbigana illaahay ka baryaaya Rabiyow iga nabad geli qoomka daalibiinta ah Runtii waxa ay ahaayeen qoom daalimiin ah waxana ay doonayeen in ay danbigiisa ku dabaqan dil aanu u badheedhin waxa uu geestayna waxa uu ahaa nin uu gacanta ku fidiyey oo dhintay isagoo u badheedhin muuse masar waxa uu uga baxay si deg deg ah manuu tagin qasrigii fircoon manuu badalan dharkiisi wax sahayna muu qaadan go誕anka safarkiisana kumey jirin in uu soo noqdo manuu wadnin wax gaadiid ah oo uu fuulo cidkalena lamay socon, markii uu ninkii muuminka ahaa uu u digay ayuu baxay, waxana uu doortay dariiq aan ahayn dariiqi la marayey waxana uu gelay lama dagaan saxara ah waxana uu waajahay goor illaahay u qadaray isagoo ilaalinaya, safarkan muuse may jirin meel u xadidan uu tago waana markii ugu horeysay ee uu saxaraha kaligii u baxo.

 

Muuse kaligii ayuu lugeeyey saxaraha waxana uu soo gaadhay meesha la yidhaa Madyan waxana uu ag fadhiistay ceel weyn oo biyaha laga cabo si uu ugu nasto, intii uu soo socday Nabi Muuse (CS) waxa uu ka baqayay in furcoon col ka soo daba diro oo la qabto, muuse markii uu ku soo dhowaaday magalada Madyan waxa uu hoos jiifsaday geed isagoo haraad iyo gaajo bastii ah waxa ka dhacday ka bihiisi mid ka mid ah daalka iyo dhibaatada saxaraha darteed, muu haysan lacag uu ku iibsado kabo iyo cunto iyo wax uu cabo toona,  muuse isagoo oo dhibaatadan adagi haysato ayuu ku soo baxay dad adhi waraabsanaya dadkaas oo ay ka mid ahaayeen laba hablood oo adhigoogi celinaya si uuna adhiga dadka kale ugu darsanin isla markiina muuse waxa uu dareemay in ay labadaan hablood ay u baahan yihiin cid kaalmaysa waxana uu u dhaqaaqay dhinacoogi waxana uu weydiyay in uu caawin karo, Mufasiriinta badhkood waxa ay yidhaadeen sababta habluhu adhiga u waraabin kari weyeen waxa ay ahayd in ceelka dhusha uu ka saarna dhagax weyn dhagaxaas oo ayna qaadi jirin tobon qof wax ka yari muuse ayaa u yimi ka dibna dhagaxii ka qaaday oo waraabiyay adhigoogi.

 

Cumar Binu Khadaab (RC) waxa uu yidhi: dhagaxaa toban qof wax ka yari may qaadi jirin.

 

Muuse intaa ka bacdi geed ayuu iska hoos fadhiistay waxana uu yidhi erayadan ducada ah ee illaahay (SW) quraanka inooga waramay Waxa uu yidhi rabiyow anigu wixii aad I siiso ee khayr ah waxa aan ahay mid u baahan ibnu cabaas (RC) waxa uu ku fasilyay aayadan isagoo leh:- muuse waxa uu lugeeyey masar ilaa Madyan waxa uu cunayayna waxa uu ahaa baqalka iyo dhirta caleemaheeda isagoo muuse cagaha jiidaya ayay labadii kabood ee uu xidhnaa kab ka mid ah ay ciidu ka qabsatay isagoo aad u daalan ayuu geed hoos fadhiistay, ninka sidan ihi waxa uu ka mid ahaa kuwii uu illaahay ka doortay khalqigiisa,

 

Illaahay (SW) waxa uu noogu sheegay aayadan qisa dhex martay labadii hablood ee adhiga u waraabiyay Waxa u timid mid ka mid ah oo socota waxa ay ku tidhi iyadoo xishoonaysa aabahay ayaa ku yeedhaya si uu ku abaal mariyo sidii aad xoolaha noogu warabisay, muuse markii uu u yimi uu uga waramay qisaskii waxa uu ku yidhi ha cabsanin waad ka nabad gashay qoomkii dalimiinta ahaaye, waxa ay tidhi mid ka mid ah hablihii aabo abaal marin sii isagaa ugu khayr badan mid abaal marin la siiye waa mid quwad leh oo aamin ah, wuxuu yidhi waxa aan doonayaa in aan ku guuriyo labadeyda hablood mid ahaan sideed sanadoodna aad ii shaqayso hadii aad toban ka dhiganayso adiga ayay ku jirtaa ma doonayo in aan ku dhibaateeyo waxana aad ogaan doontaa hadii alle yidhaado in aan ka mid ahay kuwa wanaagsan sidaas ayaana isku og nahay wax cadoowad ihina dushayda ma aha waxa aan leeyahayna illaahay ayaan u wakiilanayaa

 

Aayadahani waxa ay ka waramayaan markii muuse soo warabiyay adhigii hablihiina soo raacen oo loo yimi hablaha aabahood iyo reerkoogi ayay habluhu aabahood uga warameen wanaaga muuse u sameyey iyo sida uu u mudan yahay in loo abaal gudho.

 

Markii uu muuse hoos fadhiistay geedka uu yidhi Rabiyow wixii aad I siisay ee khayr ah waan u baahanahay waxa maqashay mid ka mid ah hablihii waxayna u tagtay aabaheed waxayna uga warantay muuse odaygii waxa uu amray mid ka mid ah hablihiisi in ay u yeedho Way u timid midkood iyadoo u socota si xishood leh Cumar Binu Khadaab (RC) waxa uu yidhi:- isagoo tilmamaya xishoodkan kan illaahay (SW) ku tilmaamay aayadan markii ay muuse u imanaysay gacanteeda ayay wajigeeda ku asturtay, Aabahay ayaa ku yeedhaya si uu kaaga abaal mariyo sidii aad noogu warabisay kalmadan kor ayay u tidhi si aan ribo u gelin hadalkii ay is yidhaadeen taasina waa dhamaystirkii xishoodkeeda Markii uu yimi ee uu ga waramay qisaskii wixii arinkiisu ahaa siduu kaga soo baxay masar iyo fircoonkii uu ka soo baxsaday waxa uu ku yidhi Ha baqanin waad ka soo badbaadaye qomkii daalimiinta ahaa waad ka soo baxday dhulkii ay maamulayeen dawladoodina lama joogtid.

 

Waa la isku khilaafay odaygaan uu muuse u yimi waa kuma? Waxa la yidhi waa shacayb (CS) isaga ayaana caan ah sida ay dad badani u haystaan dadka sidaa leh wax ka mid ah Xasan Al basri iyo Maalik Binu anis laakiin dad faro badani wax ay yidhaaden shuceyb waxa uu noola mudo dheer intii qoomkiisa la halaagay ka dib ilaa uu muuse soo gaadhay oo hablihiisi mid ka mid ahna u guuriyay Xasan Al Basri waxa uu leeyahay ninkan ay muuse kulmayn waa shucayb waxana uu ahaa ninkii lahaa biyaha magalada laakiin muu ahayn Nabi ninkan reer Madyan shucaybna inaadeerkii ayuu ahaa waxana la yidhi waxa uu ahaa nin muumin ah oo qoomkii shucayb ah, waxa kale oo la yidhi waxa uu ahaa nin la yidhaa Yasruun kitaabada ehlu kitaabadana waxa ku qoran yasruun in uu ahaa faaliye reer madyana ah oo ah nin weyn oo aad u cilmi badan, Ibnu Cabaas iyo Abu Cubayda waxa ay yidhaadeen magaciisu waa yasruun abu cubayda waxa uu ku daray in uu ahaa shucayb inaadeerkii ibnu cabaasna waxa uu ku daray in uu ahaa ninkaa rer madyan.

 

U jeedada waxa looga jeeda markii la marti geliyay si wanaagsana loo qaabilay kana sheekeyay wixii uu soo maray waxa loogu bishaareyey in uu soo nabad galay, markay arin halkaa marayso ayay labadii hablood mid ka mid ihi tidhi Aabo abaal marin sii adhigana ha inoo raaco waxana ay ku amaantay in uu leeyahay quwada iyo aaminimo, Cumar, Ibnu Cabaas, Shureex, Abu maalik, Qataada, Maxamed Binu Isaxaaq iyo kuwa kale waxa ay yidhaadeen marka ay inantu aabaheed u sheegtay in uu aamin yahay awoodna leeyahay waxa uu ku yidhi aabaheed maxaa ku ogaysiyay? Waxayna ku jawaabtay aabo waxa uu ka qaaday ceelkii dhagax aan toban qof ayna qaadi Karin markii aan u imi ee aan soo hor galayna waxa uu ugu yidhi iga danbee hadii aan dariiqa ka lumana I tilmaam, Ibnu Cabaas (RC) waxa uu yidhi dadka sadex ayaa ugu fiicnaa Ninkii Nabi yuusuf yidhi meel wanaagsan dejiya iyo inantan ku tidhi aabaheed aabo muuse abaal gud wanaagsan sii  iyo abu bokor sidiiq markii uu iska danbaysiyay cumar.

 

Waxa uu yidhi waxa aan doonayaa in aan ku guuriyo mid ka mid ah hablahayga iina shaqayso sideed sanadood hadii aad toban ka dhiganaysana adiga ayay ku jirtaa mana doonayo in aan ku culaysiyo waxana iga heli doontaa hadii alle yidhaa in aan ka mid ahay kuwa wanaagsan

 

Akhri Qaybta 2aad... Guji halkan

 

Waxa si wada jir ah u diyaariyey

 

Cabdifataax Xasan Aadan

Axmed Ismacil Xasan (Bucul)
cabdifataax_96@hotmail.com

 

. Taariikhdii Imaamul Bukhaari (Raximahu laah)
Taariikh-dii Imaamul Muslim (Raximahu laah)
. Diinta: Qisadii Nabi Yuusuf (CS)

 

Feefin: SomaliTalk.com March 2, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]