SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - LONDON, UK
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
March 22, 2004

WAREYSI DHEER OO AAN LA YEELANAY "XILDHIBAN"

Waa wareysi aan la yeelanay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ahna wakiilka Golaha wadatashiga Soomaaliyeed

SomaliTalk.com | London, UK

Waxaa inoo suurtagashay in aan wareysi la yeelano Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ahna wakiilka Golaha wadatashiga Soomaaliyeed MD. C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban", wareysigii aan la yeelanayna wuxuu u dhacay sidatan:-

Somalitalk: Sidee u aragtaa booqashada Col. Dahir Riyaale iyo wafdiga uu hogaaminaayo ku joogaan magaaladan London?

Xildhiban: Bismillaahi Raxmaani Raxiim, joogitaanka wafdigan wax badan kama badaleyso sheegashooyinkii horay u jiray ee ahaa in ay ka go'een Soomaaliya inteeda kale, hadaba walaal runtu waxay tahay wax laga xishoodo olollaha gooni isu taaga ee soconaya, isla markaana International community og yihiin lagama maarmaanimada midnimada iyo wadajirka jamhuuriyadda Soomaaliya, sidaas darteed iyadoo la dhowrayo danta iyo maslaxadda guud ee shacbiga Soomaaliyeed waxaan qabaa in walaalahayo wax ka badalaan fekerka gooni isu taaga ay olollaha balaaran ugu jiraan.

Somalitalk: Maxaad ku diideysaan haddiiba ay ku adkeysanayaan in ay ka go'een Soomaaliya inteeda kale, maxaase kaga xumaanaya koofurta Soomaaliya?

Xildhiban: Waxaan filayaa in ay tani ka duwan tahay diidmo la diido xaalad laguu soo jeediyo maxaa yeelay waxa laga hadlayaa waa ilaalinta wixii ka haray xuduudihii uu gumeystaha u qeybiyay dhulweynihii Soomaaliya, hadaba diidmadeenu waa waajib muqadas ah gudashadeeduna saaran tahay muwaadin kasta oo Soomaaliyeed, taariikhda ummadaha adduunkana waa wax ku cusub dal uu burburay heykalkiisii dowladnimo in ay siyaasiyiin yari yiraahdaan waa go'nay sidaasna nagu aqoonsada haddii aad tihiin International Community, ujeedada ka dambeysana tahay in ay shacbiga ku qaldaan barnaamijkan siyaasadeed si loo qariyo gefefkii ay wax ka geysteen, xilligii uu jiray maamulkii ay ka tirsanaan jireen ee dalka.

Somalitalk: Soow taasi macnaheedu ma ahan in aad dooneysan sii socoshada dhibaatada Soomaaliya mar haddii saadaasha shirka dib-u-heshiinta aysan rajada laga qabaa aysan sidaa u sii wanaagsaneyn?

Xildhiban: Waxaan filayaa dhibaatada ka taagan Soomaaliya guud ahaan in aysan aheyn mid bilaabatay maanta, hadaba walaal ogoobey in maalinta ay haboonaato in si dhab ah loo wajaho dhibaatada jirta xalku iman doono, waxaan hubaa in xallinta mushkiladda Soomaaliya aan si dhab ah weli loo wajihin mar haddii xalaaddu taagan tahay halkii ay taagneyd ka hor 1991kii iyo ka daran, dhinaca kale waxaan hubaa haddii walaaheen Soomaaliyeed ka qeyb gali lahaayeen dib-u-heshiin ka dhacda gayiga Soomaaliya in ay soo degdegi laheyd heshiis la gaaro, maadaama ay qeyb ka yihiin dhibaatada xalka loo doonayo.

Duqii hore ee magaalada Berbera Cabdala Xaaji Cali Axmed ayaa arrin lagu deg degay ku tilmaamay eedeynta ka soo yeertay mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Somaliland ee dusha looga saaray Dawladda Ku Meel Gaarka Ah ee Somalia iyo Maamul Gobaleedka Punt Land Masuuliyadda Weerarkii ka dhacay inta u dhaxaysa Hargaysa iyo Berbera isla markaana lagu dilay haweeneey u shaqaynaysay Hay’ad Samafal, Guji....

Somalitalk: Sideed u aragtaan eedeymaha wasiir ka tirsan Somaliland oo sheegaya in ay ka dambeeyeen xubno ka yimid Muqdisha dilkii dhawaan la dilay haweeney Kenyan ah laguna dhaawacay nin dhalashadiisu tahay Germany inta u dhaxeeysa magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa?

Xildhiban: Walaahi ma ahan markii ugu horreysay ee mas'uuliyiin ka tirsan maamulka gobollada waqooyi u jeediyaan eedeymo Soomaalida inteeda kale, sida dilalkii ugu dambeeyay ee ka dhaca, gaar ahaan dilkii lagu dilay magaalada Sheekh macalimiin u dhashay dalka Ingiriiska iyo gargaare caafimaad oo iyadna u dhalatay dalka Talyaaniga oo sida la og yahay ay ku sheegeen in dadkii dilkaa geystay laga soo diray gobollada waqooyi bari ee Soomaaliya dadna loo qabqabtay, dadkaas oo aan ilaa iyo maanta la horkeenin caddaaladda, soow ku tusinmeyso uun barnaamij la doonayo in lagu marin habaabiyo International Community iyo Soomaalida guud ahaan, hadaba waxaan mas'uuliyiintaas ka codsaneynaa in ay ka fiirsadaan eedeymahaan aan loo meel dayin ee ay maalin walba saxaafadda ugu been sheegayaan, uguna gafayaan walaalahood kale ee Soomaaliyeed.

Somalitalk: Sideed u aragtaan sii socoshada shirka daba dheeraaday ee weli ka socda dalka Kenya?

Xildhiban: Waxaan mar kale ku celineynaa taageerada aan u heyno Soomaaliya oo noqota nabad, shirka soconaya uu noqdo mid guuleysta, hadaba walaal waxaan guud ahaan Soomaalida ku dhiiri galineynaa in ay si wadajir ah ugu howl galaan waajibaadka qaran ee saaran iyo xalinta khilaafaadka aan wax macno ah sameyneyn marka laga reebo daadashada dhiiga walaalaha Soomaaliyeed ee weli soconaya.

Somalitalk: Sideed u aragtaan soo noqnoqoshada dagaalada weli ka soconaya guud ahaan Soomaaliya gaar ahaan dagaalkii ugu dambeeyay ee ka dhacaya magaalada Xeraale ee gobolka Galguduud?

Xildhiban: Marka hore waxaan ka xunnahay dagaalada weli ka soconaya Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka soconaya magaalooyin ay ka mid tahay Xeraale, isla markaana ka tacsiyadeeyneynaa dhiiga walaalaha Soomaaliyeed ee u daadanaya macna la'aanta, hadaba waxaan mar kale ugu baaqeynaa kana codsaneynaa qeybaha uu u dhaxeeyo dagaalkaasi in ay u joojiyaan si shuruud la'aan ah, khilaafka jira ku xalliyaan wadahal, dhiiga wiilasha la daadinayana loo hibeeyo sidii loo suurtagalin lahaa dhisme qaran Soomaaliyeed, ileyn dhiiga daadanayaa u daadan mayo ilaalinta sharafta iyo qarannimada Soomaalyieed.

BAAQYADII XILDHIBAAN

Halkan ka eeg baaqyadii Xildhibaan

Somalitalk: Wax badan waxaad soo saarteen baaqyo nabadeed oo aad Soomaalida ugu baaqeysaan, hadaba ma is leedahay in ay wax ka hirgaleen baaqyadiina xambaarsan nabadda, maxaase sabab u ah dagaaladan soo noqnoqnaya?

Xildhiban: Walaal waa runtaa, mar haddii ay yihiin dadka dhibaatoonaya dadkeena Soomaaliyeed waxaan u aragnaa baaqyada aan soo saarno kuwo aan qeyb kaga noqoneyno gudashada waajibka damiiriga ah ee ina saaran gudashadiisa ayna tahay arrin muqadas in aan Soomaalida guud ahaan ugu baaqno nabadgalyo ka dhacda dhulkeenii hooyo, waxaan filayaa in dagaalada dhaca si fudud isaga dhacaan, taas ayaana sabab u ah dagaalada soo noqnoqda ee ka dhaca dalka Soomaaliya, ha ahaadeen kuwo siyaasadeed iyo kuwo beeleedba.

Somalitalk: Sideed u aragtaan dhismiha Golaha Abaabulka Qaranka ee dhawaan lagaga dhawaaqay magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelada Dhexe ee dalka Soomaaliya?

Xildhiban: Waxaan horey u sheegnay tirada ururada ka jiraa dalka in ay kor u dhaafayaan in ay kor u dhaafayaan 100, taasina aysan wax badan ku kordhineyn geedi u socodka loogu jiro nabad ka aslaaxda Soomaaliya, hadaba ururadan oo aan laheyn ajendayaal siyaasadeed oo lagu dooran karo, iima muuqaneyso in ay wax macna ah sameynayaan koox kasta oo ka soo caroota shirarka dib-u-heshiisiinta ururo kale oo ay sameystaan, bal dib ugu noqo dhismayaashii golayaasha A. Golihii Badbaadada qaranka, B. Golaha SRRC, C. G8 iyo ka dib dhismaha Golaha Samatabixinta Qaranka iyo Golaha Abaabulka Qaranka gaar ahaan 3da ugu dambeeysa oo dhismeen intii lagu guda jiray shirka hadda Soconaya, hadana qaarkood kala qeybsameen ama kala qeybsan yihiin.

Somalitalk: Hadaba maxaad kula talineysaa guud ahaan ururada ama golayaasha ka jira Soomaaliya?

Xildhiban: Taladeenu waxay tahay in ay isu tanasulaan una tanasulaan dadkooda Soomaaliyeed ee dhibaatoonaya kana haray bulshada caalamka dhinac kasta kuna dadaalaan sidoo mar kale loo soo celin lahaa sharaftii uu lahaa qarankeenii ay sababta u noqdeen burburkiisa iyo dib u dhaca ku yimid dalka iyo dalka Soomaaliyeed.

Somalitalk: Waa maxay sababaha dhabta ah ee hortaagan dhismaha qaran Soomaaliyeed oo soo cesha amarkii iyo kala dambeyntii cirka lagu laalay?

Xildhiban: Nasiibdarro waxaan qabaa in Soomaalidu noqotay kuwo ay qaranimadu kaga qiimo badan tahay qabiilka, taas ayaana ah sababta ugu horreysa ee mushkiladda ku noqotay dhisme qaran Soomaaliyeed oo la helaa, waxaanse jeclaan lahaa in guud ahaan Soomaalidu ogaato in aan qabiil waligii qaran noqoneyn, qof kasta oo Soomaali ah ee doonayana in uu wanaag dadkiisa horseed ugu noqo aan lagu qiimeyn heybta uu ka soo jeedo ee ay tahay in lagu qadariyo waxqabadkiisa iyo kartida uu u leeyahay gudashada waajibaadka qaran ee uu doonayo in uu qabto.

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...



FAAQIDAADA CIYAARAHA... GUJI

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO
Somalitalk: Sideed u aragtaan doorka beesha caalamka (International Community) ee xallinta mushkiladda Soomaaliya, mase bixiyaan taageeradii uu shacbiga Soomaaliyeed ka sugayay?

Xildhiban: Wax badan ayaan ugu baaqeynay International Community in ay shacbigeena la soo gaaraan kaalmo dhinacyo badan leh oo isugu jirta mid aadannimo iyo taageero dhinac walba leh, hadaba waxaan aniga oo ka faa'iideysanaya fursadan mar kale ku celinayaa in ay shacbigeena u fidiyaan wax kasta oo sahli kara dib u heshiisiin buuxda oo la gaaro, gacanna nagu siiyaan sidii loo soo nooleyn lahaa adeegyada lagama maarmaanka u ah u adeega shacbigeena.

Somalitalk: Maadaama aad wax uga olaleysid sidii Soomaaliya loo nabadeyn lahaa loona heli lahaa dowlad Soomaaliyeed ma is leedahay Soomaalida dareenkaa wadaninimo weli uma bislaan?

Xildhiban: Tan iyo inta ay ka suurtagaleyso Soomaalida oo heshiisaa isla markaana yeelataa dowlad waa wadeynaa dadaalka aan ku jirno, iyadoon ujeedadeenu aheyn in aan wax gaar ahi kaga dooneyno walaalahaya Soomaaliyeed, hadaba waxaan qabaa in biseyl iyo maskax caafimaad qabtaa oo kaliya ay suurtagalin karto in Soomaaliya ay noqoto nabad dowladna hesho.

Somalitalk: Gabagabadii maxaad ugu baaqeysaa ummadda Soomaaliyeed?

Xildhiban: Waxaan idiinkaga mahadcelinayaa waqtiga dheer ee aad u hurteen sidii loo suurta galin lahaa wareysigan aad ila yeelaneysaan maanta, intaas ka dib walaal, waxaan guud ahaan shacbi-weynaha Soomaaliyeed meel kasta oo uu jooga uga baaqayaa joojinta colaadaha baahay ee soconaya, Hadaba una howl galaan heshiis kama dambeys ah oo la gaaro, taas oo kama dambeystii salhi doonta midnimo qaran oo la helo. Ugu dambayntii aniga oo ka faa'iideysanaya fursadan qiimaha badan waxaan tacsi u dirayaa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan ehelladii iyo qaraabadii ay ka geeriyootay xubin ka tirsan Fanaaniintii qaranka ee hobollada Waaberi Marxuumad Xaliima Khaliif Cumar ''Magool'', waxaanan Ilaahay ugu baryeeynaa in uu siiyo naxariistii Janno.

GOD BLESS SOMALIA
Somali Unity for Peace and Justice

###

C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban" oo hadda ku sugan magaalada London, UK, waxaa toos loogala xiriiri karaa emailka: xildhiban@hotmail.com

Waxaa wareystay Somalitalk.com

Faafin: SomaliTalk.com | London, UK | March 22, 2004


WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD