SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
March 22, 2004
  • Qanyare oo ku tilmaamay Maxamed Dheere nin aan mudnayn in loo Jawaabo.
     
  • Dawladda Ku Meel Gaarka Ah ee Somalia iyo Qaar ka mida Hogaamiye Kooxeedyadda ka qayb galaya Shirka Nairobi oo soo saaray qoraal ay ku taageerayaan Shirka Kenya.
     

  • Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee IGAD oo lagu waddo inay Maanta ku kulmaan Jabuuti.
     
  • Cambaarayn xoogan oo Somali Land ay kala kulantay eedayntii ay u jeedisay Dawladda Ku Meel Gaarka Ah ee Somalia,

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...



FAAQIDAADA CIYAARAHA... GUJI

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO
Cambaarayn xoogan oo Somali Land ay kala kulantay eedayntii ay u jeedisay Dawladda Ku Meel Gaarka Ah ee Somalia,

Hadalkii dhawaantan ka soo yeertay maamulka Somaliland oo ku eedeeynayay in Dowlada KMG ka dambeysay, dilkii loo geystay haweeney ajnabi aheyd oo u shaqeyneysay Hey'adda GTZ, oo lagu dilay maalintii Jimcaha wadada isku xirta Hargeysa iyo Berbera ayaa eedeyntaasu waxa ay u muuqataa mid mucaaradad fara badan kaga imaneysa mas'uuliyiin sare oo ka tirsan maamulka la baxay Somaliland.

Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa arrintaasi ku tilmaamay mid ay maamulka Somaliland ku deg degeen.

Maxamed Cali Bilaal "Ayax" oo isna xubin ka ah Guddiga Fulinta ee Xisbiga Kulmiye ee mucaaradka ayaa isna ka hadlay mowqifka xisbigiisa uu ka qaatay eedeynta loo jeediyay Dowlada KMG, wuxuuna sheegay Wasiirka Arrimaha Guddaha iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska, inay wax ka qabtaan dilalka soo noq noqonaya ee loo geysanayo dadka ajnabiga ah ee jooga Somaliland halka ay dad aan dambi lahayn iska eedaynayaan.

Maxamed "Ayax" waxa uu ugu baaqay Wasiirka Arrimaha Guddaha maamulka Somaliland, inuu si taxadar leh uga warsugo baaritaanka lagu hayo dadka loo qabtay inay ka dameebeeyeen dilkaasi, cidii ay ku cadaatana maxkamad la hor keeno, wuxuuse sheegay in uu isna qabo mowqifka ah, maamulka Somaliland inay ku deg degeen eedeynta ay sameeyeen.

W/Q.C/wali Ibraahim Aadan (Garyare)

Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee IGAD oo lagu waddo inay Maanta ku kulmaan Jabuuti.

Wasiiradda Arrimaha Dibadda IGAD ayaa lagu waddaa in Maanta ay ku kulmaan Dalka Jabuuti,

Kulankan ayeey Wasiiraddu uga wada hadli doonaan Arrinta Somalia iyo sidii horay uu ugu socon lahaa Shirka Soomaalida uga socda Kenya, Waxaana lagu waddaa inay go’aan kama dambays ah ka gaaraan Kooxaha diidan ka qayb galka Wajiga Saddexaad ee Shirka Soomaalida,

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kenya, Stephan Kolonzo Mosiyooko ayaa lagu waddaa inuu ka jeediyo kulankaasi warbixin ku aadan shirka dalkiisa uga socda Soomaalida iyo horumarkii uu gaaray shirku Mudadii uu socday, laakiin waxaan la ogayn in Ethiopia oo lagu tuhmo inay taageerto Kooxaha diidan shirkaasi inay ka qayb galayso iyo in kale,

Yuusuf Dheeg oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda ee XKMG ah ee Somalia ayaa isna lagu waddaa inuu shirkaasi ka jeediyo Mawqifka Dawladda Ku Meel Gaarka Ah ee Somalia iyo sida ay diyaarka ugu tahay in la sii waddo dib u heshiisiinta Somalia.

W/Q.C/wali Ibraahim Aadan (Garyare)

Qanyare oo ku tilmaamay Maxamed Dheere nin aan mudnayn in loo Jawaabo.

Guddoomiyaha Kooxda G-8, Maxamed Qanyare Afrax ayaa cambaareeyay dalalka hubka soo galinayo Somalia iyo Kooxaha loo keenayo,

Qanyare oo xalay ka hadlayay Magaaladda Nairobi ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha caalamkuba ay og yihiin dalalka ku yaala gobalka ee Hubka soo galinaya Somalia, Wuxuuna sheegay in Kooxaha Soomaalida ah ee Hubka u yimid loogu soo dhiibay dadkooda dabkii ay ku gubi lahaayeen sidaas darteedna waxa uu ugu baaqay inay aqbalaan fariimaha nabad doonimadda ah halka ay qaateen hubka dagaalka lagu hurinayo,

Qanyare waxa uu sheegay in Kooxaha Soomaalida ah ee nabada diidan aaqirka la horgayn doono Maxkamad dambiyo dagaal, Wuxuuna sheegay in go’aankaasi ay si wayn ugu ololaynayso Beesha Caalamku, laakiin waxa uu sheegay inayba yar yihiin inta hogaamiyayaal uu aqoonsan yahay ee shirka diidan,

Mar la waydiiyay Qanyare eedaynta uu u soo jeediyay Maxamed Dheere ee uu ku sheegay inuu ka ganacsado Qanyare Maandooriyayaasha waxa uu ku tilmaamay eedayntaasi mid aan xaqiiqda ku fadhin, Wuxuuse ka gaabsaday inuu shaqsiyan u jawaabo Qanyare oo uu sheegay in haddii uu hadalkiisa jawaab ka bixiyo ay taageerayaashiisu uga caroon doonaan sababta uu Maxamed Dheere ugu jawaabay, maadaama sida uu sheegay uusan ahayn siyaasi Waa sida uu hadalka u dhigayee, Laakiin waxa uu Qanyare sheegay inuu diyaar u yahay in la baaro waxa ka jira eedayntaasi, uuna jawaabteeda u daynayo shacabka Soomaaliyeed iyo hay’adaha ku shaqada leh ka hortagga Maandooriyayaasha,

Maxamed Dheere oo ka taliya Magaaladda Jawhar ayaa dhawaan ku eedeeyay Qanyare inuu ka ganacsade daroogadda isla markaana uusan doonayn dawlad ka dhalata Somalia, Wuxuuna dhinaca kale eedayn taas la mid ah u jeediyay Mawliid Macaane oo uu ku tilmaamay nin aan lahayn deegaan uu ku soo laabto isla markaana uu Kafiil ka yahay Cusmaan Caato, waa sida uu hadalka u yiriyee.

W/Q.C/wali Ibraahim Aadan (Garyare)

Dawladda Ku Meel Gaarka Ah ee Somalia iyo Qaar ka mida Hogaamiye Kooxeedyadda ka qayb galaya Shirka Nairobi oo soo saaray qoraal ay ku taageerayaan Shirka Kenya.

Qaar ka mida Kooxaha Soomaalida ee ka qayb galaya Shirka Kenya ayaa soo saaray qoraal ay ku taageerayaan in loo gudbo Wajiga Saddexaad ee Shirka Soomaalida uga socda Kenya,

Hogaamiyayaashan oo tiradoodu gaarayso 11 hogaamiye ayaa qoraalkooda waxay ku sheegeen in shirku uu gaaray Horumar Wanaagsan isla markaana ay laga maarmaan tahay in loo gudbo Wajiga Saddexaad ee Shirka si loo dhiso Dawlad ay Soomaalidu isku raacsan yihiin,

Hogaamiyayaashan waxa sidoo kale cambaareeyeen Kooxihii soo saaray qoraalka ay ku qaadaceen shirka Kenya, waxayna ka dalbadeen Kooxahaasi inay taageeraan Nabadda Somalia isla markaana aysan ka laaban Dukumintigii ay horay u saxiixeen, iyagoo Beesha Caalamkana waydiistay inay il gaar ah ku hayaan shaqsiyaadka Caqabadda ku ah Nabadda Somalia,

Qoraalkan oo aad u dheeraa ayaa hogaamiyayaasha ku saxiixan waxaa ka mida, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Ku Meel Gaarka ah ee Somalia, Maxamed Cabdi Yuusuf, Guddoomiyaha Golaha Samatabixinta, Muuse Suudi Yalaxoow, Jaamac Cali Jaamac, Axmed Cumar Jees, Cusmaan Caato, Barre Hiiraale oo ku sugan Kismaayo, Maxamed Ibraahim Xaabsade oo isna ku sugan Baydhabo, Col Xasan Shaatigaduud oo SRRC ka tirsan, Maxamed Qanyare, Mawliid Macaane oo ka tirsan Kooxda G-8 iyo rag kale oo muhiim ah,

W/Q.C/wali Ibraahim Aadan (Garyare)

Qaar ka mida Danjirayaasha Somalia u fadhiya Carabta oo maalmahan socdaal ku joogay Muqdisho oo shalay iyo maanta booqanayay Isbitaaladda iyo Jaamacadaha Muqdisho.

7 danjire oo ka mid ah Danjirayaasha Soomaaliya u fadhiya dalalka Carabta oo maalmahan ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa shalay booqdey Cisbitaalada ay ka mid yihiin Banaadir, Madiina, SOS, iyo Carafaad iyo waliba Dudsiga H/dhexe Tawfiiq iyo Jaamacada Al Niilayn ee magaalada Muqdisho

Cisbitaalka Banaadir oo aan hadda rasmi ahaan u shaqaynin waxaa Danjirayaasha ku soo dhaweeyay Haweenka horseedka Nabadda iyo gudiga Nabadgalyada iyo shaqaalahii ku harey Cisbitalkaas.

Guurow ay halkaas ka tirisey Shamso Cali Macalin oo ka mid ah Haweenka Horseedka ayaa waxay ku sifeeysey dhibaatada umadda Soomaaliyeed haysata iyo sida loogu baahan yahay in looga baxo…...

Warbixin ku saabsan hawlihii uu qaban jirey Cisbitaalka Banaadir iyo dhibaatooyinka hadda haysta ayaa waxaa halkaa ka jeediyay Wasiiru Dawlaha Caafimaadka ee XKMG Ah, Dr. Cismaan Maxamuud Dufle waxaana uu sheegey in Cisbitalkan Banaadir oo ahaa mid ay si gaar ugu adeegi jirey haweenka iyo Caruurta maanta Baahi badan u qabo in dib loo soo nooleeyo adeegii uu hayn jirey Bulshadda…..

Danjire Xuseen Maxamed Bullaale oo Soomaaliya u fadhiya Imaaraadka Carabta ayaa asagoo ku hadlayo magaca danjirayaasha kale waxa uu balan qaadey iney aqbaleen codsiyada loo soo jeediyay waxaana uu sheegey in dawladaha ay la joogaan gacan u waydiin doonaan Somalia…

Sidoo kale Danjirayaasha waxay maanta tageen Cisbitaalada Madiina, ka Haweenka iyo Caruurta ee SOS iyo midka Gaarka ah ee Carafaad oo sadexduba ay warbixinno kaga dhagaysteen mas’uuliyiinta iyo dhakhaatiirta labadaa Cisbitaal ayagoo ku soo wareegey qaybaha Jiifka iyo Qaliinada.

Danjirayaasha waxay kaloo booqdeen Jaamacadda Al-Niilayn oo ay warbixin kaga dhagaysteen gudoomiyaha Jaamacadaas Dr. C/qaadir Macalin Geedi oo ka waramay qaybaha ay ka koobantahay Jaamacadoodu iyo doorka ay doonayaan inay ka qaataan Waxbarashadda Dalka,

Dugsiga Hoose/Dhexe Tawfiiq oo manhajkiisu yahay Manhajkii Soomaaliga oo ay Danjirayaashu socodkooda ku soo gabagabeeyeen waxay ku soo wareegeen Fasalada ay waxbarashadu ka socotey ayagoo ku guubaabiyay Ardeyda iney waxbarashada ku dadaalaan si ay u noqdaan kuwii dalka hogaankiisa qaban lahaa.

Danjirayaashan waxay sidoo kale maanta booqdeen Jaamacadaha Banaadir iyo Mogadisho University, iyagoo halkaasi warbixino uga dhagaystay Madaxda Jaamacadahaasi,

W/Q.C/wali Ibraahim Aadan (Garyare)

garyare@msn.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 22, 2004

WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD