SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - JOWHAR

March 4, 2004

Ammaanka Gen.Moorgan oo La Adkeeyay ka dib Markii Laga Warhelay Shirqool Lala Maaganaa.

morgan
Gen. Maxamed Saciid Xirsi Morgan ::(sawirka oo weyn)

Waxaa si xad dhaafa loo adkeeyay ammaanka Gen.Moorgan ka dib markii la ogaaday in koox hubaysan oo fadhigoodu ahaa magaalada Muqdisho ay soo galeen magaalada Jowhar, iyadoo qasdigoodu yahay sida la sheegayo inay khaarijiyaan Jenaraal Moorgan oo hadda ku sugan Jowhar isagoo marti u ah Guddoomiyaha guddiga siyaasadda Gobalka Sh/Dhexe Maxamed Cumar Xabeeb(Maxamed Dheere).

Halka uu degan yahay Gen.Moorgan ayaa Waxaa lagu wareejiyay Ciidan si xooggan u hubaysan oo la jifo ah Maxamed dheere iyadoo dadka kale lagu aamini waayay oo sida la sheegayo dad xitaa ka tirsan deegaanka ay wax ka wadaan shirqool la rabay in lagu khaarijiyo Jananka.

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...
 


FAAQIDAADA CIYAARAHA... GUJI
XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO
Wariye ka tirsan idaacadda jowhar ayaa waxuu soo wariyay in dad si xirfadaysan la iskugu soo dubariday lagana soo abaabulay magaalada Muqdsiho ay soo galeen Magaalada jowhar, iyagoo usoo galay si raxanraxana oo kooxiba mar soo gashay magaalada, dadkaasoo sida Maamulka gobalka sheegayo ay soo abaabuleen dad qaarkood leeyihiin jananku waxuu naga laayay dad aanu ehel ahayn,s ida labo nin oo sanadkii 1991kii lagu dilay xerada Shirkole ee magaalada Kismaayo, nimankaasoo lagu qabtay dagaalkii qabaliga ahaa ee waagaas ka socday duleedka magaalada Kismaayo, ayagoo ku andacoonaya markii la qabtay nimankaas dad uu horkacayo Gen.Moorgan ayaa dhagxaan ku dilay labadaas nin oo jifo hoose la ah Taliyaha Ciidanka isbahaysiga Dooxada Jubba Maxamed Goobanle, inkastoo la leeyahay dadka shirqoolka loo adeegsanayo waa reer Jowhar oo loo isticmaalay xagga Jeebka, Haddana waxaan meesha ka marnayn siyaasad oo la rabo in Kooxda SRRC ayna saldhig ka dhigan Jowhar oo Xamar udhow sida dadka qaarkii la tahay, oo haddiiba waxaa shaki ka muujiyay koox badan oo ka jira magaalada Muqdisho Sida DKMG iyo golaha samatabixinta.

Mar wax laga waydiiyay taliyaha Saldhigga Booliska magaalada Jowhar inay arrintaas dad u qabteen wuu ka gaabsaday,waxuuna yiri Koox fidmawadayaala ayaa raba in nabadda ka jirta gobalka Sh/Dhexe ay waxyeeleeyaan, waana ku qasban nahay inaan ilaalino nabad galyada maritda noo joogta ayuu yiri isagoo u jeeda Kooxda ka timmid shirka Nayroobi oo uu ka midyahay Gen.Moorgan.

Warsaxaafadeed ay soo saareen Kooxda ka soo carootay shirka Nayroobi Maalintii bishu ahayd Mar.2,ayay ku sheegeen in wadanka gudihiisa gaar ahaan magaalada Jowhar lagu dhamaystiri doono wajiga 3aad ee shirka.

Cabdi Xasan Somalitalk/Muqdisho
abdi172@hotmail.com

Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah....... GUJI....

Faafin: SomaliTalk.com | March 4, 2004 

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD