SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
March 28, 2004

WARARKII MAANTA: 28/3/04

  • Col. Shaatiguduud: Waxba igama Khuseyso Xil ka Qaadista  Sheekh Aadan Madoobe.
  • Faah faahin: Dagaalkii   Tuulada Xaramka oo ka Tirsan Degmadda Jilib
  • Shir Madaxeedkii Jaamacadda Carabta Waqti aan la cayimin dib loo dhigay,
  • Walaal laga muujiyey Soomaali lagu daadiyey saxaraha u dhexeeya Libya iyo Sudan,
  • Iddaacada Iyo Talafashinka STN  Hirgaliso Telefeshin Caalamiya

W/Q.C/wali Ibraahim Aadan (Garyare)
garyare20@hotmail.com garyare@msn.com garyare20@yahoo.com

Faah faahin dheeriya ayaa ka soo baxaysa dagaal qaraar oo shalay labo Maleeshiyo Beeleed ku dhex maray Tuulada Xaramka oo ka Tirsan Degmadda Jilib ee Gobalka Jubbada Dhexe,

Ugu yaraan 10 qof ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen dagaalkaasi, halka 15 kalana ay dhaawacantay, Waxaana la sheegay in dagaalkaasi ay ku barakaceen dad rayid ah isla markaana ay ku baaba’een guryo badan kadib markii ay dab qabad siiyeen Maleeshiyooyinkii dagaalamayay.

Dagaalkan oo bilaabmay shalay subax abaarihii 5:00 aroornimo ayaa waxa uu iskiis u istaagay shalay galab, iyadoo aysan jirin cid kala dhex gashay labada ciidan, Waxa uuna dagaalku ka dhashay sida ay wararku sheegayaan kadib markii dhinac ka mida dhinacyadda dagaalamay oo horay looga saaray Tuuladda Xaramka ay shalay soo qaadeen Duulaan Hubaysan,

Wararka dhinaca Isgaarsiinta Fooneeyaha loo yaqaan lagu helayo ayaa waxay sheegayaan in deegaankaasi ay maanta ka jirtay Xasilooni, inkastoo ay dadka wali dareemayeen Cabis dagaal haddana Odayaasha dhaqanka ee Labada dhinac ayaa wada dadaalkii ugu dambeeyay ee ay ku doonayaan in Xabad Joojin ay ku dhex dhigaan Labada Ciidan,

<><>

 Col. Xasan Max’ed Nuur Shaatiguduud oo ah gudoomiyaha garab ka mid ah garabyada ururka RRA-da haatana Nairobi u jooga wadahadalada dib uheshiisiinta Soomaalida ayaa waxa uu sheegay in isagu aysan waxba ka quseyn xil ka qaadida lagu sameeyey Sheekh Aadan Madoobe.

Shaatigaduud waxa uu sheegay in Shiiq Aadan Madoobe iyo Xaabsade uu u yaqaano inay yihiin Ku Xigeenadda RRA, laakiin uusan ogayn meesha ay ka keeneen Xilka uu mid midka kale ka qaadayo,

Shaatigaduud waxa uu dhinaca kale si kulul u weeraray Joogitaanka Gen Moorgan ee Gobaladda Bay iyo Bakool, Wuxuuna sheegay inuu fikriyan la qabo Xaabsade in laga hortago Waxa uu ugu yeeray Fidnadda uu wado Moorgan, Isagoo ballan qaaaday inuu awoodiisa iyo Ra’yigiisaba ku biirin doono dadaaladda looga hortagayo Moorgan,

Col. Shaatiguduud waxaa uu beeniyay inuu jiro Xiriir hoose oo kala dhaxeeeya Xaabsade, Wuxuuse qiray in khilaafka xilligan soo kala dhex galay Shiiq Aadan Madoobe iyo Xaabsade ay sii kordhin karta dhibaatadii awalba ka jirtay Gobaladda Bay iyo Bakool,

Mar la waydiiyay Shaati gaduud waxa ka jira inuu ka baxay Golaha SRRC oo uu ku biiray Golaha Samata Bixinta ee uu hogaamiyo Muuse Suudi, Waxa uu ku tilmaamay Wararkaasi kuwo xaqiiqada ka fog, Wuxuuna sheegay inuu wali ka mid yahay Guddoonka Sare ee Golaha SRRC sidaas darteedna aysan u muuqan sabab uu isbahaysi kale ugu biiro,

<><><>

Ehaladda Dad Soomaali ah oo la sheegay in lagu waayay Saxaraha u dhaxeeya Libya iyo Sudan ayaa Walaac ka muujinaya Xaaladda Dadkaasi oo ay sheegeen in lagu daadayay Lama dagaanka u dhaxeeya Libya iyo Sudan,

Canab Maxamed Siyaad oo sheegtay in ninkeedu uu ku jiray dadka lagu waayay Saxaraha u dhaxeeya Libya iyo Sudan ayaa sheegtay in xiriiro ay la samaysay Sudan ay ku ogaatay in dadkaasi lagu daadiyay Saxaraha u dhaxeeya Labada dal isla markaana laga soo qaatay Sahaydii iyo dharkii ay wateen, Waxayna sheegtay inay aad uga wal walsan tahay aayaha dambe ee ninkeeda,

Hay’addaha u dooda Xuquuqda Aadana ee Fadhigoodu yahay Muqdisho ayaa iyaguna walaac ka muujiyay xaaladda dadkaasi, Waxayna sheegeen inay wadaan baaritaano ay ku doonayaan inay ku xaqiijiyaan Xaaladda dhabta ah ee dadkaasi iyo qaabkii loola dhaqmay,

Ma ahan markii ugu horaysay ee ay dhibaato la soo deristo dhalinyaro soomaaliyeed oo Tahriibayaal ah,

Dabayaaqadii Sannadkii hore ayeey dhacday Mashaqadii ugu xumayd markii ay dhalinyaro soomaaliyeed oo tahriibayaal ku la’deen Badaha Talyaaniga, halkaasoo ay ku dhinteen Soomaalidu Tiradoodu kor u dhaafayso Boqolaal qof,

<><><>

Iddaacada Iyo Talafashinka STN ee Muqdisho ayaa markii ugu horaysay ku guulaysatay inay Hirgaliso Telefeshin Caalamiya oo laga daawado Caalamka oo dhan,

Warsaxaafadeed ay soo saareen Masuuliyiinta ugu saraysa STN ayaa lagu sheegay inay ku faraxsan yihiin in Shabakaddu ay gaartay Yoolkii ay higsanayeen ee ahaa inay noqdaan Telefeshin Caalamiya oo dunida oo dhan laga daawado, Waxaana uu Telefeshinkan Isticmaalayaa sida lagu sheegay Warsaxaafadeedkaasi Labo Sattelite oo kala ah HotBird iyo Thaicom3 oo uu wehliyo Hanaanka qaybinta Kaybalka ee Globe Cast oo ay ka hirgaliyeen Waqooyiga Ameerika,

Waraxaafadeedkaasi waxaa sidoo kale lagu sheegay inay Telefeshinka STN laga daawan karo meel kasta oo ka mida Yurub, Afrika, Asia, Australia, iyo Waqooyiga Ameerika, Waana markii ugu horaysay ee Taariikhda la hirgaliyo Telefeshin Soomaaliyeed oo laga daawan karo Caalamka oo dhan, iyadoo sidoo kalana Telefeshinkan uu Barnaamijyadiisa marka laga reebo Afka Soomaaliga ku baahin doono Luqadaha Ingiriiska, Carabiga, Amxaariga, iyo Sawaaxiliga,

"Shirkadda Warbaahinta Soomaaliyeed ee STN waxay ka gudubtay Caqabad kasta oo dabiiciya ama ay dhigeen dadka diidan Saxaafadda Xorta ah ee Somalia, Natiijadda aan haynana waxay tahay in Raadiyaha iyo Telefeshinka STN laga dhagaysan karo lagana daawan karo Caalamka oo dhan," Sidaana waxaa yiri Cabdi Raxmaan Rooble Ulayare,

Roble waxa uu sheegay in horumarka ay gaareen uu yahay mid ay ku faani karaan Warbaahinta Afrika o dhan, Wuxuuna sheegay inay guul wayn u soo hooyeen Saxaafadda Xorta ah ee Afrika,

Cabdul Qaadir Sharraay, Agaasimaha Maamulka STN ayaa ballan qaaday inaysan awoodooda Warbaahineed u isticmaali doonin si qaldan oo lid ku ah Shacabkooda, Wuxuuna sheegay inay u adeegi doonaan shacabka, isagoo intaasi ku daray in laga gudbay xilligii la isku gudbin jiray Sheekooyinka qaldan, isla markaana la joogo waqtigii uu qof kastaa rumaysan lahaa waxa uu indhihiisa ku arko,

<><><>

Dawladda Tunisia ayaa ku dhawaaqday in dib loo dhigay Shir Madaxeedkii Jaamacadda Carabta Waqti aan la cayimin,

Dib u dhacan ayaa soo baxay kadib markii ay xalay kulan ku yeesheen Tunisia Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carabta, Waxayn sheegeen in dib loo dhigay waqti aan la cayimin Shir Madaxeedkii Jaamacadda Carabta,

Muran Xoogan ayaa hareeray Shir Madaxeedka Jaamacadda Carabta ka hor intii uusan furmin shirku, Muranka ugu wayn ee shirka Hareeyay ayaa ahaa Ajande ay wataan qaar ka mida Dalalka Carabtu oo ay ku doonayaan in isbadalo deg deg ah laga sameeyo Gobalka laakiin qaar kale oo ka mida Dalalka ku jira ururka ayaa diidan in la soo dadajiyo Isbadal laga sameeyo Gobalka, Iyagoo door bidiya in marka hore laga baaraan dago qaabka isbadalka loo samaynayo,

Madaxwaynaha Masar, Xusni Mubaarak iyo madax kale oo carbeed ayaa si wayn ugu ololaynayay in isbadal laga dhaqan galiyo Gobalka Carabta, Laakiin Boqorka Baxrayn iyo Amiir Cabdalaha iska leh dhaxalka Boqortooyada Sucuudiga ayaa si wayn u diidanaa Isbadal laga hirgaliyo Gobalka, Waxaana la xaqiijiyay in labadaasi masuul ay ka baaqsadeen ka qayb galka shir madaxeedka Carabta taasoo keentay in dib loo dhigo shirka,

Shirkan oo ay dad carabtu si wayn u rajaynayeen inay ka soo baxaan go’aano wax ku ool ah oo ku aadan Dilkii Shiiq Axmed Yaasiin ayaa dib u dhaca ku yimid waxa uu dhabar jab siyaasadeed ku yahay Carabta oo ay muuqato inaysan lahayn mawqif mid ah,

W/Q.C/wali Ibraahim Aadan (Garyare)

garyare20@hotmail.com  garyare@msn.com garyare20@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 28, 2004

WARARKA MUQDISHO 27/3/04
»DKM oo cambaaraysay Go’aankii Xijaab manuuca ee Maxamed Dheere
»5qof ayaa ku dhintay dagaal ka bilowday Xaramka ee Jubbooyinka
»Hogaan Cusub ayaa maanta loo Magacaabay Jabhadda RRA
Dhammaan ka akhri halkan....

Masaajidda Muqdisho Oo cambaareeyay Go’aankii uu Maxamed Dheere ku mamnuucay Xirashadda Xijaabka Indha Shareerka:
»Isbitaal  Loogu Magac daray Istarliin Oo Laga Furay  Guriceel
»Aadan Saransoor oo sheegay inay ka hortagayaan Moorgan
»Dad Soomaali ah oo ku dhintay Saxaraha u dhaxeeya Libya iyo Sudan
»Daahir Riyaale oo sheegay inay qabteen rag ka tirsan Al_Qaacidda
Dhammaan ka akhri wararka Muqdisho ee maanta 26/3/04

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

Maxamed Dheere VS Xijaabka Islaamka...Guji


kaah
 




Waa buug cusub oo kusaabsan Taariikhdii Imaam Shaafici (Raximuhu Laahu), Waxaa qoray: Cabdifataax Cabdullahi Sh. Xasan (Joof), Waxaa lagala xiriiri karaa: shaafici54@hotmail.com  


Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD