SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

March 27, 2004

WARARKA MAANTA:

  • Dawladda Ku Meel Gaarka Ah ee Somalia ayaa cambaaraysay Go’aankii uu Hogaaamiye Kooxeedka Maxamed Dheere
  • Ugu yaraan 5 qof ayaa la rumaysan yahay inay ku dhinteen, tiro kalana ay ku dhaawacmeen dagaal qaraar oo saaka ka bilowday Deegaanka Xaramka ee Gobaladda Jubbooyinka,.
  • Hogaan Cusub ayaa maanta loo Magacaabay Jabhadda RRA Garabkii uu hogaaminayay Shiiq Aadan Madoobe,
  • Yaa ka dambeeyay In la soo qabto Saddaam Xuseen..?
  • Safaarada Mareykanka uu ku leeyahay Magaalada Dubai ee Dalka Imaaraadka Carabta ayaa dib loo furay

W/Q.C/wali Ibraahim Aadan (Garyare)

garyare20@hotmail.com  garyare@msn.com garyare20@yahoo.com

Dawladda Ku Meel Gaarka Ah ee Somalia ayaa cambaaraysay Go’aankii uu Hogaaamiye Kooxeedka Maxamed Dheere uga mamnuucay deegaanadda uu ka taliyo Xijaabka Indha shareerka ah,

Wasiirka Warfaafinta ee Xukuumadda Ku Meel Gaarka ah, C/qaadir Madaxeey ayaa nasiib darro ku tilmaamay in shaqsi sheeganaya Islaam uu mamnuuco Indhashareerka oo sida la ogyahay ay xirtaan Haweenka Islaamka ah, Wuxuuna sheegay in go’aanka lagu mamnuucay Indhashareerka lagu qancinayo Dawladda Masiixiga ah ee ka talisa Addis Ababa,

Madaxeey waxa uu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay boqolkiiba boqol ummad islaam ah yihiin sidaas darteedna ay illaashanayaan Diintooda, Wuxuuna sheegay inaan marnaba la oggolaan Karin in diinta Islaamka la faragaliyo, C/qaadir Madaxeey oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yiri:-

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, Shiiq Maxamuud Axmed Nur ayaa isna shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Madaxtooyadda Ku Meel gaarka ah waxa uu ku sheegay inay aad ugu xun yihiin go’aanka uu qaatay Maxamed Dheere, waxa uuna sheegay in Islaamku wixii uu baneeyay qofkii mamnuuca uu ciqaab alle la kulmayo.

Hogaamiye Kooxeedka Maxamed Dheere ayaa dhawaan wareegto uu ka soo saaray Jawhar waxa uu deegaanadda uu ka taliyo uga mamnuucay Xirashadda Indhashareerka ama niqaabka kadib markii uu sheegay inay ku gambadaan rag argagixiso ah, Wuxuu sidoo kale Maxamed Dheere Mamnuucay Cimaamadaha ay xirtaan Ragga Muslimiinta ah,

  • Maxamed Dheere oo Xabsiga u taxaabay 17 dumar Soomaaliyeed  Xijaabka Islaamka oo ay xirteen awgeed:  Wararka ka imanaya shabeelada hoose ayaa sheegaya in Maxamed Dheere uu maanta xabsiga u taxaabay Dumar Soomaaliyeed sabatoo ah waxay xirteen xijaabka gabdhaha Muslimaadka ay xirtaan,  waxaa sabab looga dhigay manuucii uu maxamed dheere inta uu xakumo ka mamnuucay in aan lagu xiran karin  xijaabka niqaabka... Click

Kulan daba socda Heshiiskii dhawaan ay Ku gaareen Isbitaalka Xaawo Cabdi ee agagaarka Afgooye, Guddoomiyaha Gobalka Shabeeladda Hoose, Shiiq Yuusuf Indhacade iyo Ganacsade C/rashiid Ilqayte ayaa ka dhacay Xarunta Maamulka Gobalka Shabeeladda Hoose ee Magaaladda Marka,

Kulankan oo saxaafadda loo diiday ayaa gabagabadiisii Shiiq Yuusuf Indhacadde Waxa uu qadka Taleefoonka iigu sheegay inay isla garteen isaga iyo Ganacsade Ilqayte in nabad iyo Wada noolaansho lagu soo dabaalo Gobalka Shabeeladda Hoose oo ah Gobalka ugu Qayraadka Badan Somalia,

Indhacadde waxa uu sidoo kale sheegay inay isla garteen Ilqayte in la mideeyo Ciidamadda Gobalka iyo Maleeshiyadiisa isla markaana ay yeeshaan hogaan mid ah oo hoos tagga Maamulka Gobalka, Wuxuuna Indhacade Xaqiijiyay in dhamaan qodobadaasi la isku afgartay dhawaana la meel marin doono.

Ganacsade C/rashiid Ilqayte oo horay ay Maleeshiyadiisu duulaan ugu qaadeen Gobalka Shabeeladda Hoose ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa uu ku sugnaa Magaaladda Marka, iyadoo is fahamka labada nina lala xiriirinayo dadaal nabadeed oo ay sameeyeen Waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka ee labada Beelood ee ay ka soo kala jeedaan,

Ugu yaraan 5 qof ayaa la rumaysan yahay inay ku dhinteen, tiro kalana ay ku dhaawacmeen dagaal qaraar oo saaka ka bilowday Deegaanka Xaramka ee Gobaladda Jubbooyinka,.

Inkastoo ay aad u adagtahay in la ogaado Khasaaraha dhabta ah ee dagaalkaasi ka dhashay ayaa haddana wararka lagu helayo Isgaarsiinta Fooneeyaha loo yaqaan waxay sheegayaan in dhaawacu uu gaarayo 10 qof oo 4 ka mida ay yihiin dhinacyadda dagaalamayay,

Goobjooge ku sugan Xaramka ayaa sheegay in dadka dhintay ay ka mid yihiin labo caruur ah oo ay midkood uu Afar Jir ahaa halka kan kalana uu 7 jir ahaa, Waxaana caruurtan haleelay Xabada aan loo meel dayin ee ay is dhaafsanayeen Maleeshiyooyinka dagaalamayay.

Dagaalkan oo salka ku haya Aano Beelood ayaa waxaa uu daba joogaa dagaalo hore oo ka dhacay Xaramka. Waxaana maalmihii la soo dhaafay socday is ugaarsi beelood oo u dhaxeeyay Beelaha Maanta dirirtu dhex martay,

Dadaalo nabadeed oo la doonayo in lagu qaboojiyo dagaalka ayaa socda, iyadoo dagaalkuna uu imminka iskiis u istaagay, Laakiin waxaa dhinaca kale socda Abaabul dagaal doon ah oo ay wadaan Maleeshiyooyinka labada dhinac,

Hogaan Cusub ayaa maanta loo Magacaabay Jabhadda RRA Garabkii uu hogaaminayay Shiiq Aadan Madoobe,

Kulan socday 3 maalmood oo ay lahaayeen Xubnaha Guddiga Fullinta Jabhadda RRA Garabkii uu hogaaminayay Shiiq Aadan Madoobe ayaa lagu go’aamiyay in xilka laga qaado Shiiq Aadan Madoobe kadib markii ay ku eedeeyeen Xubnaha Guddiga Fulinta RRA inuu ka weecday dastuurkii Jabhadda isla markaana uu abaabulay shirqoolo ka dhan ah Jiritaanka Ururkooda, sida laga soo xigtay Afhayeenka Kulankaasi, Aadan Saransoor,

Kulankaasi ayaa ugu dambayntii waxaa loogu doortay Maxamed Ibraahim Xaabsade inuu noqdo Guddoomiyaha Jabhadda RRA, Halka ku xigeenana loo doortay C/laahi Aadan Black, iyo nin kale oo magiciisa lagu soo koobay Booda Dheere,

Kulankaasi waxaa sidoo kale laga soo saaray Baaq lagu taageerayo Shirka Dib U Heshiisiinta Soomaalida ee ka socda Kenya, Waxaana hoosta laga xariiqay in shirku uu ku tallaabsaday Horumar, iyadoo dhinaca Kalana Kulankaasi laga soo saaray Fariin ku socota Moorgan oo loogu digayo inuu la kulmi cawaaqib xumo haddii uusan Bay iyo Bakool uga Bixin 48 Saacadood Gudahood,

RRA oo horay u kala qaysantay kadib markii ay is khilaafeen Shaatigaduud iyo Ku Xigeenadiisa ayaa imminka waxaa soo baxaya garabyo kale oo hor leh, iyagoo maray Habkii ay mareen Kooxihii ku dhismay danaha Qabiilka ee uga horeeyay Siyaasadda Somalia,

Safaarada Mareykanka uu ku leeyahay Magaalada Dubai ee Dalka Imaaraadka Carabta ayaa dib loo furay ka dib markii maalintii arbacada albaabada loo laabay, cabsi laga qabay in weerar loo geysto awgeed.

Saraakiil ka tirsan Safaarada Mareykanka iyo weliba ciidanka nabad sugida ee Imaaraadka ayaa sheegay digniin laga bixiyey nin soomaali ah oo dhawaan booqday safaarada uu maleegayey shirkool lagu weeraro safaarada albaabada loogu laabay.

Sarkaalkaasi waxaa kaloo laga soo xigtay in koox soomaali ah ay ka been abuurteen ninkaasi soomaaliga ah iyagoo sheegay in uu ka tirsan yahay aragagaxisada isla markana qorsheynayey qaab lagu weeraro safaarada mareykanka

“Baaritaano ay sameeyen saraakiil Imaaraad iyo Mareykan ah ayaa lagu ogaaday in ninkaasi aanu wax danbi ah laheyn, aragagaxisadana wax lug ah ku laheyn” sida laga soo xigtay mid ka mid ah saraakiishii Baaraysay eedaymaha loo haysto ninkan soomaaliga ah,

Ninkaasi soomaaliga oo xabsiga la dhigay markii laga digay, ayaa dhawaan booqday safaarada Mareykanka isagoo u sheegay in uu hayo warbixino la xiriira hub ku kaydsan waqooyiga soomaaliya isla markaana ay isticmaali karto Argagixisaddu,

Yaa ka dambeeyay In la soo qabto Saddaam Xuseen..?

mid ka mida Illaaladiisa gaarka ah oo la sheegay inuu ahaa isha laga helay xogtii lagu soo qabtay Saddaam,

Ninkii Maraykanka u gacan galiyay Saddam Hussein ayaa markii ugu horaysay Magiciisa la shaaciyay,

Saddaam Xuseen waxaa kashifay nin ay ehalo ahaayeen oo ka mid ahaa illaaladiisa gaarka ah ee sida aadka ah ugu dhow, sida lagu sheegay Barnaamij ka baxay Iddaacada BBC-da,

Barnaamij ka baxay BBC-da Axadii ayaa lagu sheegay in Mohamed Ibraahim CUmar Al-Musslit uu bixiyay xogta lagu soo qabtay Saddaam Xuseen 13 kii December isaga oo ku dhuumanaya meel u dhaw Magaaladdii uu ku dhashay ee Tikrit,

Mr Musslit waxa uu ahaa askari daacad u ahaa Saddaam Xuseen, waxa uuna ka mid ahaa dadkii ku wehliyay Hogaamiyaha Ciraaq markii uu ka baxayay Baghdad Sagaalkii bishii April Sannadkii 2003-da,

Laakiin waxaa la sheegay in ninkaasi uu xogta Hogaamiyihiisa shaaca ka qaaday markii lagu qabtay Baghdad, waxa uuna saaco kadib xarigiisii ku hogaamiyay Askar Maraykan ah halkii uu ku dhuumanayay Saddaam Xuseen,

Kadib xiritaankiisii, Mr Musslit waxaa loo duuliyay Tikrit halkaasoo su’aalo lagu waydiiyay, wuxuuna dabeeto far muuqay beertii uu ku dhuumanayay Saddaam Xuseen,

Lix boqol oo askari ayaa galay beerta uu ku dhuumanayay Saddaam Xuseen, maana aysan ugu tagin halkaasi wax dhismo ah, laakiin waxay xaqiijiyeen inuu ku dhuumanayay God yar oo uu ka dhex samaystay Beertiisa,

Laakiin sababta ninkan loo siin waayay Abaalmarinta ayaa lagu sheegay inuusan ahayn shaqsi markii horaba u soo qalab qaatay inuu bixiyo xogta Saddaam,

Sarkaal sare oo ka tirsan Hogaanka Milatariga Maraykanka ee Ciraaq, Major General Ray Odierno, ayaa beeniyay inay jir dileen isha ay xogta ka heleen, Wuxuuse sheegay inuu isagu uun gartay inuu bixiyo xogtaasi, Isagoo intaasi ku daray inuu rumaysan yahay in lacagtii abaal marinta ahayd ee loogu talagalay ninkaasi ay u hayso Waaxda Lacagta ee Maraykanka,

Maraykanku illaa iyo hadda si rasmiya uma aysan shaacin Magaca ninka ku hogaamiyay Saddaam Xuseen,

Laakiin Colonel James Hickey, oo ka tirsan Guutadda Afaraad ee ciidamadda Lugta Maraykanka oo ah guutadii fulisay Hawlgalkii lagu soo qabtay Saddaam Xuseen ayaa sheegay in ninka jihaynayay uu ahaa nin dhalinyaro ah oo da’a dhexaad ah,

Si kastaba ha ahaatee Dadka ay sida aadka isugu dhaw yihiin Saddaam Xuseen ayaa u xaqiijiyay Baaritaankii ay BBC-du Samaysay in Mr Musslit uu yahay qofka kashifay halka uu ku dhuumanayay Saddaam Xuseen,

Mr Musslit waxa uu xubin fir fircoon ka ahaa koox illaalo gaar ah oo uu lahaa Saddaam Xuseen, Waxa uuna sidoo kale ka mid ahaa Ciidamadda Fadaayiinta,

Mr Musslit waxa kale oo la rumaysan yahay inuu ahaa qofka kaliya ee sida dhabta ah ula socday dhaq dhaqaaqyadda Saddaam Xuseen,

Barnaamijkan oo lagu baahiyay BBC-da Maanta oo ay taariikhdu ahayd 28 Maarso, saacadu markeey ahayd 2215 Xilliga BST ayaa waxa uu daboolka ka qaaday Sir badan oo laga soo ururiyay ciraaq isla markaana la xiriirta qaabkii lagu soo qabtay Saddaam Xuseen, 

Ra’isul Wasaaraha Israeli Iyo Madaxwayne Maraykanka oo ku kulmaya Washington,

Ra’iisul Wasaaraha Isreal, Ariel Sharon ayaa lagu waddaa inuu kula Kulmo Madaxwaynaha Maraykanka, George W Bush Magaaladda Washington 14 April.

Wadahadaladan oo dhici doona Labo Maalmood Kadib marka uu Bush kula kulmo Hogaamiyaha Masar, Xusni Mubaarak Beertiisa Texas,

Warkan ayaa soo baxay xilli ay socdaan dadaalo lagu doonayo in horay loo sii waddo Qorshaha Isreal looga saarayo Gaza iyo Daanta Galbeed,

Madaxwayne Bush waxa uu doonayaa inuu la yimaado siyaasado cusub oo uu wax uga qabanayo Bariga dhexe si uu taageero badan ugu helo Doorashadda Maraykanka ka dhacaysa Bisha November ee sannadkan,

"Madaxwaynuhu waxa uu doonayaa inuu kala hadlo Sharon xiririka labada dal iyo xaaladda Gobalka Bariga Dhexe,” sidaana waxaa laga soo xigtay Afhayeenka Aqalka Cad, Scott McClellan.

Afhayeenkaasi waxa uu sheegay in sidoo kale wadahadaladaasi ay qayb ka noqon doonaan arrinta la dagaalanka Argagixisadda, iyo sidii nabad looga dhex dhalin lahaa Isreal iyo Falastiin,

Labo maalin ka hor inta uusan Bush la kulmin Sharon waxa uu la kulmayaa Madaxwayne Mubarak oo saaxiib wayn la ah Maraykanka, waxayna labada nin ku kulmi doonaan Beerta Bush uu ku leeyahay Texas,

Mr McClellan waxa uu sheegay in wada hadaladu noqon doonaan kuwo looga wada hadlo arrimaha argagixisada, iyo sidii bariga dhexe loogu soo dabaali lahaa xoriyad , iyo sidii nabad buuxda loo dhex dhegi lahaa Falastiin iyo Israel ,

Dowlada Masar oo ah furaha uu Mareykanku aaminsan yahay iney xal u tahay arrinta dabo dheeraatey ee bariga dhexe, ayaa waxaa lagu soo waramayaa in wadahalado la xiriira arrintaan ay dhex mari doonaan Boqorka Jordan boqor Cabdalla iyo Xukuumada Washington, wadahadaladaan ayaa lagu wadaa iney Aqalka Cad ee Mareykanka ka billaaban doonaan bisha april 21-keeda,

Wararku waxaa kaloo ay intaa ku darayaan in Madaxwayne Bush ee uu madaxda dalalka Masar iy Jordan ay isla soo qaadi doonaan dilkii ay Israel u gaystey Sheikh Ahmed Yassin

Madaxawayne Mubarak ayaa arrinta dilka Sheikh Ahmed Yassin tilmaamay mid laga xumaado, sidoo kale boqor Cabddalla ayaa isna ku tilmaamey fal dambi ah dhaliyayna xasrad aan wanaagsanayn

Sidoo kale arrimaha ay Mas’uuliyiintaani ka wada hadli doonaan ayaa waxaa ka mid ah arrrimaha dalka Ciraaq iyo sidii laga yeeli lahaa mustaqbalka Ciraaqiyiinta,

Boqor Cabdalla mar uu wareysi siinayay wargayska Rai News Paper waxa uu sheegay in uusan si dhab ah uga wada hadli Karin xaaladda dalka Ciraaq, laakiin waxa uu sheegay marka ay kulmaan isaga iyo Madaxwayne bush ay ka wada hadli doonaan sidii dib loogu soo celin lahaa maamulka dalka gacanta Ciraaqiyiinta

"waan kala hadli doonaa sidii mareykanku ay caawimaad u siiyaan ciraaq iyo dhammaan wixii ay awoodaan ayuu u sheegay Wargayska Rai

W/Q.C/wali Ibraahim Aadan (Garyare)

garyare20@hotmail.com garyare@msn.com

garyare20@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 27, 2004

Masaajidda Muqdisho Oo cambaareeyay Go’aankii uu Maxamed Dheere ku mamnuucay Xirashadda Xijaabka Indha Shareerka:
»Isbitaal  Loogu Magac daray Istarliin Oo Laga Furay  Guriceel
»Aadan Saransoor oo sheegay inay ka hortagayaan Moorgan
»Dad Soomaali ah oo ku dhintay Saxaraha u dhaxeeya Libya iyo Sudan
»Daahir Riyaale oo sheegay inay qabteen rag ka tirsan Al_Qaacidda
Dhammaan ka akhri wararka Muqdisho ee maanta 26/3/04

 

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah
 



Waa buug cusub oo kusaabsan Taariikhdii Imaam Shaafici (Raximuhu Laahu), Waxaa qoray: Cabdifataax Cabdullahi Sh. Xasan (Joof), Waxaa lagala xiriiri karaa: shaafici54@hotmail.com  


Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD