SomaliTalk DALSAN
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - NAIROBI
TAXANAHA SIYAASADDA

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

editor@somalitalk.com

SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya

July 17, 2003

SIYAASIGA SOOMAALIGA AH AMMAAN MA MUDAN YAHAY.

HORUDHAC:

Mawduucan aan Cinwaanka uga dhigay taxanaha Siyaasada, ma’ahan qoraal ka waramaya Siyaasada cilmi ahaan, Taariikh ahaan, iyo Siyaasada Aduunka, ee waxa aan uga sheekeyn rabaa Siyaasiyiinta Soomaalida anagoo marba dhinac iska weydiin doonno, xaga dhaqankooda, Aqoontooda, dad la dhaqankooda, Tukashadooda, waxaa Maqaalkan ku xigi doona maqaallo aan ugu Magacdaray ( Siyaasinta Soomaalida iyo Tukashada Salaada) (Siyaasiyiinta Soomaalida iyo Wax akhrinta) iyo Cinwaanno kale. Hadaba aan bilowno qormada Koowaad.

KOOW.

Waxay ku beegnayd, December 27, 2001 Markii aan akhristayaasha soo weydiiyey su’aal ahayd (SIYAASIGA SOOMAALIGA AH EE AAN RABNO YAA INOO HAYA??!! ) Su’aashaa waxaa ka soo jawaabay qorayaal farabadan oo Soomaali ah, ninba meel buu gaashaan-ka ku dhuftay, qaar anigay ganafka igu tuureen, qaarna inaan saxsanahay beyba la’ahaatay, waase jireen kuwa si dhexdhexaad ah isugu dayey iney bal arintan u qaadaa dhigaan, laakiin dhamaantood waxay ka sin-naayeen ineysan iiga jawaabin su’aashii aan akhrista-yaasha weydiiyey, malaha saan uga gaabsaday bey iyaguna uga gaabsadeen? Yaa og!.

Horta mabanaantahay in la Amaano Siyaasi? Su’aashaa aan weydiino Culimada diin-ta saa iyagaa u cilmi lehee, goortase la amaanayo Siyaasi ama la maagayo waxay ka dhalataa talaabo Siyaasadeed oo uu qaado Siyaasigu, taasoo u keenta inuu amaan ama dhaleecayn ku mutaysto, hadaba Siyaasiyiinta Soomaalida waxtar ma leeyihiin si aan u maanno? Gabood false ma sameeyeen si aan u dhaleecayno? Waxay ila tahay in akhriste kastaa uu ila ogol yahay arintaas, laakiin goorta uu i khilaafi doonaa ayaa waxay tahay marka nin isaga agtiisa ka amaanan aan dhulka dhigo, ama nin isaga agtiisa kaliita aan Bilo.

Sanad ka hor ayaan ka qayb galay Xaflad Aroos, nin martidii ka mid ahaa ayaa dadkii weydiiyey Su’aal uu u dhigay sidan ( MA TAQAANAAN SIYAASIGA SOOMAALIYA UGU XUN?) dad badan baa ka jawaabay weydiintii oo qofba nin buu yiri Allaylahee waa hebel, Su’aashii waxay wareegtaba anigoo aad u diidanaa nooca Su’aasha ayuu kal-kaygii soo galay inaan ka jawaabo, ninkii Su’aasha soo gubdiyey baan ku iri, Anigu waan kuu sheegi karaa Siyaasiga aan shakhsiyan ugu nebcahay Siyaasiyiinta Soomaalida, laakiin kuuma sheegi karo kan ugu xun! Sababtu maxay tahay ayuu igu soo celiyey? Waxaan ku iri, xumaanta qofba sibuu u yaqaan, intii kaaga jawaabtay Su’aasha ninba Siyaasi buu kuu sheegay inuu yahay kan ugu xun Siyaasiyiinta Soomaalida, kuligoodna waxay ku jawaabeen sida aad aniga hadda iga diidan tahay inaan kuugu jawaabo, oo nin waliba wuxuu kuu sheegay kuu ugu necebyahay Siyaasiyiinta Soomaalida ee kuuma sheegin kan ugu xun! Haddiise aad rabto inaan helno jawaab sax ah, waxaan ku khasban-nahay inaan samayno baaritaan cilmi ah oo aan ku kala ogaaneyno Siyaasi kasta iyo Taariikhdiisa si aan u helno dhib iyo dheef wuxuu lahaa.

Sheekadatan waxay isoo xusuusisay aniga oo maalin taagan Geed Doqon mawaaye loo bixiyey oo ku yaalay Iridda laga galo Xeradii Qaxootiga ee Utange, nin kamid ah dadkii halkaa ku fadhi dirirayey ayaa yiri ( MATAQAANAAN SIYAASIGA UGU QURUXDA BADAN SOOMAALIYA?) Akhyaartii Su’aasha la weydiiyey ninba beel buu u saaray, nin waliba key la’ahayd inuu ugu qurux badan yahay Siyaasiyiinta Soomaalida ayuu magacaabay! Qaar waxay ka fiiriyeen quruxda Eebbe u dhaliyey Siyaasiga, Qaar waxay ka eegeen Socodkiisa, Qaar waxay xooga saareen labiskiisa, qaarna waxay ku doorteen kalgacalada ay u hayeen Siyaasigaas, Ninba Ceesaantii Ceelka keen, qofba suu qurux u yaqaanay buu u sheegay isagoo ku dooranayey Siyaasiga uu islahaa malaha isagaa Qurux badan, si kastaba ha’ahaatee Kolkii aad loo murmay oo hadalkii la isku jiidjiiday, Iyadoon la isla meel dhigin Siyaasiga ugu qurxan Soomaaliya ayuu wakhtigii dhacay, haddii goobtii lagu kala dareeray dadbaa waxay weydiiyeen ninkii Su’aasha keenay maxaad ula jeeday Su’aashaa?, wuxuu ku jawaabay waxaan rabay inaan ogaado inta uu le’eg yahay GARAADKA QOFKA SOOMAALIGA AH, waana arkay sida uu yahay GARAADKA SOOMAALIDA.

Aan meel iska dhigno yaa ugu quruxbadan Siyaasiyiinta Soomaalida? Iyo yaa ugu xun? Laakiin aan usoo laabanno Siyaasiga Soomaliga ah Amman ma mudan yahay? Dadka wax ka qora arimaha Soomaaliya waxay la kulmaan dhibaatoonyin aad u tiro badan, waxaa ka mid ah in Qoruhu uusan ku dhicin ka jawaabida Su’aalaha qaarkood, haddii aan hadda iraahdo Siyaasi hebel ayaa Ammaan mudan waxaa Saacado kadib Bogga Internet-ka loogu imanayaa qoraallo lahjad adag ku qoran oo wada leh, wuxuu saas u yiri waxaa ka dhexeeya Siyaasiga arintaan iyo arintaas ……………, ninba sibuu u Icraabayaa! haddiiba ay taajirto ma iska daynaa Amaanta Siyaasiyiinta mise waan ku indha adayg-naa, waxaad moodaa haddii la Amaano Siyaasiyiintii ka soo qayb galay Dowladihii ka horeeyey Kacaanka inaan dan iyo heello laga galin, malaha jiilkii waagaa waa sii gabagabo!, laakiin Raggan hada jooga hadaad u qalin qaadato waxaad ku dhacaysaa bad aad ku dhimaneyso hadaadan dabaasha aqoon.

Qofkase qoraya Taariikhda waxuu ku khasban yahay inuu si cad uga hadlo dhacdo kasta oo Siyaasadeed isagoo ka run sheegaya sidii ay Siyaasiyiintii ula fal galeen dhacdadaas, waana arin ay waajib ku tahay qoroha Taariikhda, waase ka leexleexan karaa qoraha maqaalka, Siyaasiyiinta Soomaalida laftoodu waa dad aan kala jeclayn waxa laga qoro, arintaas waxaan si fiican ugu falanqayn doonnaa qoraal soo socda oo aan ugu macag daray (SIYAASIYIINTA SOOMAALIDA IYO WAX AKHRINTA) ee la soco.

Qaybta 2aad... GUJI

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

editor@somalitalk.com

QORAALADII HORE EE FAHAD YAASIIN

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
ALLAH IS GREAT
KOORSO: BARO SAMAYNTA BARNAAMIYADA C PROGRAMMING
Waa casharro taxane ah oo kusaabsan C Programming
Guji...


xayaysiis


mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri

  




HTML CD