SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GABOOYE


Beesha Gabooyaha oo aan Xuquuq ku lahayn Maamulada Somaliland/Puntand, Maciina baday Fawdada Koofurta.

Qoraaga Cabdiraxmaan Ealay(Columnist) ayaa mar sii horaysay faalo dheer ka qoray sida dadka la haybsooco ay ugu kala liitaan gobalada dalka. Waxuu qoraagu xusay in Cunsiriyadda ugu xumi ay ka jirto waligeedna ka jirtay Waqooyiga Soomaaliya gaar ahaana Somaliland, waxuuna ku xijiyay xagga u darnaashaha dadkaas la haybsooco Bariga iyo Bartamaha Soomaaliya ee Puntland, isagoo gobalka Shabeelaha hoose ee Beesha Biyo-maalna u qiray inay ka gudbeen hayb soocii oo dadkaasi ka roonyihiin xagga cunsuriyadda.   

 
Burburkii dagaalkii sokeeye kolkii beel walba u irdhatay asal ahaan meeshay ka soo jeedo,Beesha Gabooyaha oo dalkoo dhan deegaan ku leh,markii laga qaxayay magaalada madaxda Muqdsiho Gabooyaha kasoo jeeday Gobalada waqooyi waxay door bideen inay iska joogaan Xamar, kuwa kalena waxay u qaxeen wadamada deriska ah sida Kenya,Itoobiya, amase Yemen.ayagoo indhaha siin waayay Cunsuriyadda iyo Haybsooca ka jira Goboladaas. Waxaa Tusaale kuugu filan Haddii aad eegtid dadka caanka ah ee u dhashay Beeshaas ee ahaa Fannaaniin, Wariyaal, Ganacsadayaal iyo masuuliyiin sarsare badi ama Muqdisho ayay joogaan amase Wadamada kale ayay jiraan, oo maanta ma arkaysid Fanaan hebel iyo wasiir hebel ayaa Burco amase Hargaysa Jooga.  Allaha u naxariistee Cumar Dhuule waxuu ka mid ahaa ragii usoo kifaaxay xoriyaddii Gobalada Waqooyi xagga fanka. Markii burburka soomaaliya ka dhacay oo Xamar dhiiggu qulqulayay, Hargaysa iyo Burcona Nabdoonaayeen Cumar dhuule waxuu isaga nagaaday Muqdisho oo marna waa u cuntami wayday inuu hoygiisii oo  waliba maamul ka jiro aado; Makrii dambana waxuu ku allaystay oo lagu aasay Dirirdhaba.
 
Beesha Gabooyaha dhibka ugu wayne waxuu ka haystay Buslhada dhexdeeda, hadday ahaan lahayd afalgaado, takoor guur,iyo takoor deegaan, laakiin dagaalka sokeeye ka hor xoogaa waxay ka ladnaayeen xagga takoorka dawladda oo inkastoo ay jirtay caddaalad xumo wayn haddana si bareera looma oran jirin si bareera  Gabooyahaw Xuquuq kuma lihid Maamulka Dawliga, amase lama oran jirin Gabooyahaw Iskuulkaan hasoo gelin.
 
 Waxaa ka jira maamulada Puntland iyo Soomaaliland waxay silicii iyo saxariirkii hore ugu dareen beesha Gabooyaha in xitaa la yiri Maamulka magaydaan oo waa laga takooray maamulka dawliga ah. haba usii darnaatee Maamul Gobaleedka Puntland oo beeshaas oo tiro iyo tayoba kuleh dhulka uu sheegto maamulkaasi, waxaa laga qadiyay golaha wakiilada, waxaa laga qadiaya golaha xukuumadda, waxaa laga qadiyay maamulada dawladaha Hoose, waxaa laga qadiyay Booliska iyadoo islaantooda neef Arriya amase dhiil caano ah keensata Suuq si khasab looga qaado Canshhur, waxay noqotay canshuur bixiye bilaa Xuquuqa.
 

Halkan waxaa ku qoran emailka lagala xiriiri karo: Madaxweynaha Somaliland Dahir Riyaale Kahin, Wasiirka arimaha gudaha Ismail Aden Osman, Wasiirka caddaalada Ahmed Hassan Ali Assowe, Taliyaha booliska Mohamed Egeh Elmi,:
Fax: +252 213 8324 ama
 +252 252 3848
Email: sl_victory@yahoo.com  (sl_victory@yahoo.com)

Wasiirada arimaha dibada Ms Edna Ismail Aden
Fax:    +252 828 3271
Email:   slforeign@hotmail.com

more...


Dawlad amase maamul waxyaalaha ugu horeeya oo laga rabo inuu wajaho, waxaa weeye in muwaadiniita udhashay dhulkaas uu kala taliyo ay usiman yihiin xuuqda ay ku leeyihiin dalkooda, laakiin markii loo kala saaro yaa tun wayn ayaa i waxyeeli karaa, waxay noqnaysaa in loo aqoonsado maamul ku dhisan qabiil iyo Cunsuriyad sida tii Koofur Afrika xoriyadii 1994tii ka hor, maxay gabooyaha ku nool Puntland iyo Somaliland uga gedisan yihiin Madowgii Koofur Afrika la sooci jiray mar haddii la yiri wakiil laguuma ogola, wasiir laguuma ogol duq magaalo laguuma ogola, agaasime laguuma ogola, khasabna ku bixya canshuur. 
 
Dilka loo gaystay Marxuum Khadar Aadan Cismaan Dhabbar oo askari hayb ku faanaya ku yiri adoo Gabooyaa oo dalkaan soomaaliland dulsaar ku ah sidee u mushaaxdaa Hargaysa,markii ehelkiisii (Gabooyaha wali ku sii daba yar SL,iyagoo badi ka qaxay dagaalka sokeeye kadib) ay u cawdeen sarta looga taliyo Maamulkaas la xirxiray oo la jir dilay  muujinaysana sida Gabooyuhu uga takooran yihiin xitaa xagga Nidaamka la sheeganayo. Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee Ismaacil Faqash nink la yiraahdo waxuu maanta qirtay in Khadar oo aan hubaysnayn uu dilay askari ka mid ah ciidankiisa, Waxaa naxdin leh in ninkaas masuulka sheeganayo uu yiraahdo wuu sakhraansaa; oo Somaliland qofkii khamraysan hala toogto miyaa.
Arintii Samsam iyo Axmed Siciid Cige & Axmed Yaasiin
Waxaa aad isu burinaya Hadalka Madaxwayne ku xigeeka, Xukunka Maxkamada iyo waraaqaha waxa ku qoran.. Guji.. Dec 21

Caqligu suuban kasoo qaad inuu sakhraansaa oo wax arbushayo sow kuma filayn in inta Jeebba lagu dhejiyo la geeyo saldhig.Wasiirku u hadal ekaa taliyihii Booliska SL ee arrintii Samsam ee ahayd " Waar waa naag la qaboo caruur leh oo Basaasad ah oo aan cadayn u hayno". Waa la ogaa meeshay ku dambaysay xaaqiiqdii ay dhashay. Ismaaciilka Maanta leh dadkii mudaharaadayay waa arbushlayaal iyo difaacidda isaga ku noqonaysa ee ah nin dhalin yaro ah ayaan naftiisii qaaliga ahayd u seejinay sababtoo ah waa sakhraansanaa. Waxaan shaki ku jirin Haddii wiil reer Samatar(Beesha Ismaacil Faqash) u ahaan lahaa marxuumkaas(Khadar) maanta askara badani tiirka la keeni lahaa; Axmed Siciid Cige oo xiiqsanna uu isla maalintii (13/5/2005) la dilay uu ka lalin lahaa daarta Bush House, laakiin 8 beri kadib oo dad warkooda la maqlo (Amnesty International) u gudbiyeen BBC-da,ayaa haddana Axmed Siciid Cige sidiisii bustaha tuurin oo warka Maamulkaas u xaglinaya oo xiiqsan baryahaan suga. Nasiib daro dadka dulman sida gabooyaha iyo saqiir lumay codka Axmed Siciid Cige ma karo, qarintaana loogu dadaalaa.

 
Waraysi: Garaadka Beesha Gabooyaha
Nin u Dhashay Beesha Gabooyaha ayaa Hargeysa Lagu Diley, Dadkii Arintaas Ka Mudaharaadayna Xabsi ayaa la dhigay, waxaana arintaas ka waraysanay Garaad Axmed Diiriye Geylan... Guji... May 20
Waa inay xusuusnaadaan Somali meel kastooy joogto, adduunyado heerar kala duwan ayay soo martay oo dulmi iyo takoor waqtigiisii waa sii libdhayaa. Marka waa in Soomaali si wayn u falanqeeyaan dulmiga iyo dhibka lagu hayo Gabooyaha oo intii hadba meel lagu shiro afmacaan lagu hadlin oo guur takoor sheeko laga dhigan. Waa in la wajahaa sidii ay deegaanka ay ku nool yihiin xuquuqdii maamul iyo muwaadinba helaan. Punland iyo somaliland ma ahan dawlad ee waa qabiilo tun wayn oo ku heshiiyay in inta dulman sida Gabooyah xuquuq lahayn.

Cabdi Xasan Somalitalk.Com/Muqdisho
Email: 
abdi172@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 20, 2005

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD