SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GABOOYE

Sh. Cabdikariim Raaligelin haka bixiyo aflagaadadiisa!

Waan salaamay akhristayaasha sharafta leh!

Intaa dabadeed, anniga oo akhrinaya qoraal ku saabsanaa dilkii loo geystay nin dhalinyaro ah oo ka soo jeeda beesha Gabooye, laguna dilay Hargeysa, Somalialand baan waxaan la yaabay siduu u hadlay nin lagu sheegay Shiikh oo magaciisa la yiraahdo Cabdikariim Yuusuf.

Marka u horaysa waan ka xumahay dilkii gardarrada ahaa, waana taageersanahay in cidii ka dambaysay maxkamad la soo hortaago, waana uga tacsiyeynayaa qaraabadiisii dhibka soo gaaray. Iyadoo aan laga leexanayn u doodidda xuquuqda dhibanaha, baa haddana waxaa muhiim ah inaan wax loo dhimin ama la aflagaadeyn sharafta iyo magaca dad tiro badan bilaa dambina ah. Taas waa mida aan kaga amakaagay labada sadar ee Cabdikariim yiri ee aan hoos ku soo minguuriyey, maxaase ka yeersiiyay Sh. Cabdikariim hadal noocaas ah?

"Waxaa Somaliland u sugnaatay taariikh mugdi ah, kol haddii ay xirayaan, kufsanayaan, ama dilayaan qofkii aan ka dhalan labada qabiil ee Isaaq iyo Gudabiirse ee maamula dowlad goboleedkaas." Sheekh Cabdikariim Yuusuf, hogaamiyaha dallada culumo,udiinka Soomaaliyeed ee Yurub.

Dad badan baan kala saari karin dambi ama dhaliil qof ahaaneed iyo mid guud ahaaneed ama mid maamul, halkaas ayuuna ku hungoobay shiiku oo isagoo waxtoosi isleh caytamay.

Waase guuldarro weyn in hoggaamiyaha wadaada soomaaliyeed ee Yurub(sidii qoraalka lagu xusay) ay ka hadal wanaagsanaato, gabadha lagu sheego gaalada ee Ayaan Xirsi Magan!.

Ugu dambayntii waxaan kula talinayaa Shiikh Cabdikariim Yuusuf inuu aflagaadadiisa raaligelin ka bixiyo, uuna aayatiinka ka fiirsado siduu u hadlayo.

Xigasho: somalitalk.com, may 20,2005 (Nin u dhashay Beesha Gabooyaha....)

Liibaan Guuleed
liibaan145@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | May 21, 2005


Waraysi: Garaadka Beesha Gabooyaha
Nin u Dhashay Beesha Gabooyaha ayaa Hargeysa Lagu Diley, Dadkii Arintaas Ka Mudaharaadayna Xabsi ayaa la dhigay, waxaana arintaas ka waraysanay Garaad Axmed Diiriye Geylan... Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD