SomaliTalk


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

WARARKA IQRA FM - NAIROBI

Qaramada Midooway oo ugu baaqday soomaalida ilaalinta maalinta caalamiga ee Nabadda.

 
Sawirka oo Weyn
IQRA FM Laanta Soomaaliga 

Ridwan Xaaji Cabdiwali  

iqrafm@bidii.com | ridwanhaji@journalist.com

Nairobi, Kenya | 17 sept. 2002

 IQRA FM
95.1 IQRA F.M

 Wakiilka Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay U Qaabilsan Dalka Somalia Mr. Winston Tubman Waxa Uu Ugu Baaqay Dadweynaha Somaliyeed Ilaalinta Maalinta Caalamiga Ah Ee Nabadda Oo Ku Beegan Sabtida Bishan September 21da Oo Qayb Ka Ah Dadaalka Caalamiga Ah Ee Ku Wajahan Nabadda.

21september Waxay Astaan U Noqon Doontaa Markii U Horeysay Maalinta Caalamiga Ah Ee Nabada Golaha Guud Ee Qaramada Midoobay Sanadkii Hore Ansaxiyey Go’aanka 55282.

Qaramada Midoobay Waxay Ugu Baaqday Dhamaan Kuwa Ku Lugta Leh Xiisadaha Cirifyada Dunida Xaqdhowrka Maalinta Xabadjojinta Iyo Laystaan Laa’aanta Iyo Xaqiijinta In Kaalmada Bani’aadanimo La Gaarsiiyo Dadka Rayadka Ah Ee Xiisada Dhibaatadu Ka Soo Gaartay.

Warsaxaafadeedka Waxa Lagu Sheegay In Dalka Somalia Ay U Tahay Maalinta Caalamiga Ah Ee Nabaddu Fursad Ay Kaga Fiirsadaan Dhibaatada Sanooyinka Badan Uu Baday Dagaalka Sokeeye Ayuu Yiri Mr. Tubman.

Qaramada Midoobay Waxay Sii Wadaysaa Ka Daalid La’aan In Ay Shaqayso Iyadoo U Maraysa Isku Daygeeda Siyaasada, Horumarinta Iyo Bani’aadnimada In Dib U Heshiinta Dadweynaha Somaliyeed Iyo Ka Dhabaynta Si Joogta Ah U Soo Afjarida Colaada.

Qaramada Midoobay Waxay Ka Abaabulaysa Dunida Dhaqdhaqaaqyo Lagu Xusayo,Laguna Ilalinayo Maalinta Nabadda.

Xogahayaha Guud Kofi Annan Ayaa Waxa Kaga Dhawaajin Doonaa Dawanka Nabada Debedda Dhismaha Qaramada Midoobay Ee New York,Taasoo Ay Raaci Doonto Maalin Dhan Oo Feejignaanta Nabadda Ah.

Golaha guud ee Q.M oo hakiyay shirkii gacan afrika ay ka hesho dunida hor martay.

IQRA FM , 17.9.2002

Golaha Guud Ee Qaramada Midoobay Waxa Hakiyey Shir Sanadeekiisa Wasiiradada Debeda Maalin Dhan Oo Laga Wada Hadlayey Sida Loo Taageri Karo Qorshaha Afrika Ee Loogu Tala Galay Gacan In Uu Ka Helo Dalalka Hore U Maray.

Hoggaamiyaasha Afrika Waxay Doonayaan In Dalalka Dunida Ee Horumaray ay Kaalmeeyaan Qaarada Xiisadaha La Degay Tobanaanka Sano Iyo Saboolnimada Si Ay Door Uga Qaadato Dunida.

Qorshaha La Baxay NEPAD Ee Afrika ay Doonaysaa In Ku Horumarto Waxa Looga Dan Leeyahay In Uu Buuxiyo Hadafka Qaramada Midoobay Ee Dhimida Kala Bar Oo Bar Tirada Afrikanka Ee Ku Nool Heer Ka Saboolnimada Aad U Liita Sanadska 2015.

ridwanhaji@journalist.com 

iqrafm@bidii.com 

Sept 12, 2002

FAAFIN: SOMALITALK.COM 

KAYDKA WARARKA EE IQRA - News Archive - GUJI/CLICK

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Eldoret waa Magaalo sidee ah
Magaalada eldoret oo ah magaalada lagu qabandoono shirka nabada Soomaalida waa magaalo aad u wayn oo . IQRA.. 26/8
Nin Soomaaliyeed oo u Baahan in Degdeg Kelyaha Looga Bedelo
 
AUSTRALIA - Ninkaas Soomaaliyeed oo kelyihiisu hawlgab noqdeen waxa uu u baahanayahay US$22,000, waxaana hadda loo hayaa US$12,000, hadaba waxaa laga codsanayaa dhammaan in GUJI... 28/02
 
 
Elijah Mwangale Ergayga gaarka ee Kenya U Qaabilsan Dalka Somalia 
Baadari Aflagaado ugeystey Diinta Islaamka iyo Nebi Muxamed (scw)
Muslimiinta Maraykanka ayay aad uga xanaajisey markii Rev. Jerry Vines uu yiri “Krishtaanka waxaa aasaasay wiilkii ilaahay -sayid Jesus, islaamkana waxaa asaasay Muhamed ina shaydaan oo ah carrur kufsade guursadayna 12 haween ah kuna qatimay gabar sagaal jir ah” GUJI.HALKAN June 17

Xildhibaanada Soomaalida Kenya oo wada jir u canbaareeyay Dawlada Itoobiya GUJI.HALKAN 


Dugsi Khaas ah oo ay Leeyihiin Muslimiintu oo Albaabada Looxiray
DENMARK - Dugsiga khaaska ah (private school) ee lagu magacaabo Æraskolen, ayna maamulaan qaar ka mid ah muslimiinta deggan magaallada Odense ee dalka Denmark ayaa..GUJI.HALKAN  June 2 


Wardheere oo Qoraal u Diray Madax sare oo Katirsan Maraykanka
"Waxaan ogaalkaaga gaarsiinayaa xasuuqa ba’an ee ka dhacay 13kii, May, 2002da Buula Xaawo..." oo... GUJI.HALKAN


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD