SomaliTalk


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

WARARKA IQRA FM - NAIROBI

wasiir ku xigeenka Xafiiska Madaxwayne Moi oo ka hadlay Shirka Soomaalida.

 
Sawirka oo Weyn
IQRA FM Laanta Soomaaliga 

Ridwan Xaaji Cabdiwali  

iqrafm@bidii.com | ridwanhaji@journalist.com

Nairobi, Kenya | 21 sept. 2002

 IQRA FM
95.1 IQRA F.M

 Waraysi ay Iqra maanta la yeelatay wasiir ku xigeenka xafiiska madaxwaynaha Maxamed Yuusuf Xaaji ayaa waxay su'aalo ka Waydiisay Dhinacyo la xiriira Siyaasada Dalka Kenya iyo Arimaha Soomaaliya.

Waraysigaas oo ahaa mid dheer oo uu la yeeshay Maxamed Aden Xirsi Terra mar uu waxka waydiiyay arimaha shirka soomaalida ayaa waxaa uu sheegay in Kenya iyo IGAD ay yihiin kuwo ka shaqaynaya Dib u heshiisiinta isla markaana waxaa uu ugu baaqay dadka soomaaliyeed in iyaga ay heshiiyaan.

Yusuf Xaaji waxaa uu sheegay in ay ilaahay ay uga baryayaan in shirkaas soomaalida uu noqdo mid guula laga gaaro oo soomaalidu ay ku heshiiyaan. waxaana intaas uu ku daray in Ergayga Kenya ee arimaha soomaaaliya Elijah Mwangale uu yahay nin ku haboon xilka loo dhiibay in badanna ahaan jiray wasiirka arimaha Dibada ee kenya.

Waxaan doonaynaa in shirka soomaaliyeed aan gacan wayn ka gaysano hadii aan nahay soomaalida dalkan oo aad uga xun dhibaatada haysata dadka iyo dalka soomaalida inta shirkan uu socdana waxaan rabnaa in aan lagu kala dareerin ilaa heshiis ay gaaraan dhinacyada soomaalida.

Mar uu ka hadlayay dhibaatada Qaxootiga soomaaliyeed ka haysta Booliska Dalka Kenya iyo Sharci la.aanta waxaa uu sheegay in dhibaatadaas in muda ah ay soo jirtay laakiinse ay tahay mid dawladu ay wax ka qaban doonto.

ridwanhaji@journalist.com 

iqrafm@bidii.com 

Sept 21, 2002

FAAFIN: SOMALITALK.COM 

KAYDKA WARARKA EE IQRA - News Archive - GUJI/CLICK

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Eldoret waa Magaalo sidee ah
Magaalada eldoret oo ah magaalada lagu qabandoono shirka nabada Soomaalida waa magaalo aad u wayn oo . IQRA.. 26/8
   
 
Elijah Mwangale Ergayga gaarka ee Kenya U Qaabilsan Dalka Somalia 
Baadari Aflagaado ugeystey Diinta Islaamka iyo Nebi Muxamed (scw)
Muslimiinta Maraykanka ayay aad uga xanaajisey markii Rev. Jerry Vines uu yiri “Krishtaanka waxaa aasaasay wiilkii ilaahay -sayid Jesus, islaamkana waxaa asaasay Muhamed ina shaydaan oo ah carrur kufsade guursadayna 12 haween ah kuna qatimay gabar sagaal jir ah” GUJI.HALKAN June 17

Xildhibaanada Soomaalida Kenya oo wada jir u canbaareeyay Dawlada Itoobiya GUJI.HALKAN 


Dugsi Khaas ah oo ay Leeyihiin Muslimiintu oo Albaabada Looxiray
DENMARK - Dugsiga khaaska ah (private school) ee lagu magacaabo Æraskolen, ayna maamulaan qaar ka mid ah muslimiinta deggan magaallada Odense ee dalka Denmark ayaa..GUJI.HALKAN  June 2 


Wardheere oo Qoraal u Diray Madax sare oo Katirsan Maraykanka
"Waxaan ogaalkaaga gaarsiinayaa xasuuqa ba’an ee ka dhacay 13kii, May, 2002da Buula Xaawo..." oo... GUJI.HALKAN


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD