| WORLD:  AP
 | AFP | Ruters
 | interfax
 | CBC | BBC
 | CBS | CNN
 | NBC | ABC
 | NYTimes | WPost
 | Fox | Toronto.Star
 | IOL  | Australia.News 
 |  Independent
 |  Canadian.Press | China.News
 | Japan.News 
 | Whitehouse.News MID EAST: Asharq.al.awsat
 | Aljazeera | Al.khaleej
 | Al.ayam | alwatan
 | Alrai | Assafir
 | Arabia | Algeria.El.Watan
 | AdDustour | BBC.Arabic
 | Cairo.Times | Egypt.Al.Ahram
 | Jerusalem.Post | Khaleej.Times
 | QatarGulfTimes | SaudiGazette
  | Dubai News
 VIDEO: 
 CBC.TV | ABU-DHABI.TV 
 | AL-JAZEERA.TV 
 |  AP
 MAP: Khariidada
 Ciraaq |  Khariidada
 Dagaalka Maalintii 3aad
 
 | TAARIIKHDA
 CIRAAQ
 DAGAALKA
 CIRAAQ: MAALINTII 3aad | 
 2aad
 & 1aad
 
  
    |  Baqdaad oo la duqeeyey, SAWIRKA ABC
      AUSTRALIA |  CIRAAQ: WARARKII MAANTA AXAD: MARCH 23,
 2003 
  Baqdaad oo Markale la duqeeyey MaantaDagaalka oo kasocda meel Baqdaad u jirta
    150kmGantaal habaw ah oo Kudhacay Dhulka Iran14 Maraykan ah oo lagu dhaawacay KuwaitMudaharaadyo looga soo horjeedo dagaalka
    CiraaqDiyaarad Dagaal oo Ingiriisku leeyahay oo
 lawaayey Baqdaad oo Markale la duqeeyey Maanta Sida ay werisey warbaahina Australia oo soo
 xiganeysey reauters, waxaa maanta waaberigii qarax laga maqlayey bartamaha
 magaalada Baqdaad. Dhanka kale ABC Australia waxa ay werisey in dagaal xoog
 badan oo u dhexeeya Ciidamada Maraykanka iyo Ciidanka Ciraaq uu ka bilaabmay
 magaalada Umm Qasr, taas oo sida warku u dhigay uu dagaalkaasi bilaabmay maalin
 kadib markii uu Maraykanku sheegay in uu halkaas qabsaday. [ISHA].   Wararkale
 ayaa sheegay in dagaal xoog badan uu  Umm Qasr
 ku dhexmaray Ciidanka Maraykanka iyo ciidan Ciraaq oo ay ka mid yihiin Fedayeen
 oo ah Ciidanka gaarka ah ee Saddam Xuseen. Dagaal xoog badan ka dibna ay
 Maraykanku halkaas qabsadeen..... Daawo halkan.  Dhanka kale warar ay faafisay Reuters oo soo
 xiganeysey TV-ga Ciraaq, ayaa sheegaya in maanta koonfurta Ciraaq lagu diley
 ugu yaraan afar askari oo Maraykan ah, labana la qafaashay. Tan oo ka dhacday
 meel u dhow ama agagaarka magaalada Nassiriya oo lagu soo waramayo in dagaalku
 uu halkaas ka socdey.  [ISHA: reuters]. Dhanka kale warar ay fafisay IOL aya asheegay
 in ilaa hadda Ciraaq lagu diley 77 qof oo shacab ah ayna dhaawacmeen 366 qof. [ISHA
 IOL].
 [Eeg
 Aljazeera TV]  [Daawo
 Canada TV] | [Dhegeyso Radio
 Australia] | [Australia.News] IRAQ
 TODAY'S NEWS... | WORLD
  LATEST NEWS
 CIRAAQ TV: Dagaalka oo kasocda meel Baqdaad
 u Jirta 150 km 
  
    |  Dagaal
      kulul oo laga soo sheegay Umm Qasr. Sawirka IOL |  TV-ga CBC ee Canada ayaa sheegay in
 Telefishanka Ciraaq uu sheegay in dagaalku uu ka socdey magaalada Najef oo
 150km u jirta Baqdaad. Waxana uu warku intaas ku daray in dagaalka uu ku
 dhintay Nayef Shedakh o ah xubin sare oo ka tirsanaa xisbiga Baath ee u taliya
 Ciraaq. Magaalada Najef waxay 350 km u jirtaa Kuwait. Dhanka kale waxaa lagu
 soo waramay in Ciidamada Maraykanku ay qabsadeen magaalada Nassiriya  oo
 qiyaastii 300 km koonfur ka xigta Baqdaad [Eeg.Halkan].
 Laakiin warar kale ayaa sheegay in ay ciidankii halkaas weeraray la kulmeen
 dagaal ka hor istaagay in ay hore u sii socdaa. [Eeg.Halkan] 
  Waxa kale oo TV-ga Ciraaq ku
 waramay in la duqeeyey magaalada Tikrit oo ah magaalada Saddam Xuseen, halkaas
 oo lagu soo waramay in ay ku dhinteen shan qof oo shacab ah ayna ku dhaawacmeen
 afar kale. [ISHA: CBC.TV][Wararka CBC, Canada] | [Canadian.Press]
 TV-ga Ciraaq oo Muujiyey
 Saddam oo la shiraya Madax Katirsan Dawladiisa
 
  Telefishanka Ciraaq ayaa
 sabtidii soo saaray barnaamij kusaabsan Madaxweynah Ciraaq Saddam Xuseen oo
 kulan la yeeshay madax ka tirsdan Dawlada Ciraaq. Waxana uu Saddam ammaanay
 qaabka ay ciidanka Ciraaq uga hortageen kuwa Maraykanka iyo Ingiriiska. Laba
 kulan oo TV-gu muujiyey mid waxaa Saddam  kala qayb qaatay Qusay (wiilka
 Saddam), Ra'iisul wasaare xigeenka Tareq Aziz iyo madaxweyne kuxigeenka Taha
 Yassin Ramadan. Kulanka labaadna waxaa Saddam kala qayb galay Qusay iyo
 wasiirka difaaca Ciraaq General Sultan Hashim Ahmed. [ISHA]. 
 
  14 Maraykan ah oo Kudhaawacmay Kuwait 
  
    |  General
      Tommy Franks oo ah hogaamiyaha ciidanka ka dagaalamaya Ciraaq, oo muujiyey
      dagaalkan in uusan degdeg ku dhamaanayn. QatarGulfTimes |  Wararka saakay oo Axad ah kasoo baxaya Kuwait
 ayaa sheegay in  14 askari oo Maraykan ah lagu dhaawacay xero ciidanka
 Maraykanku ay ku leeyihiin Kuwait. Waxaa wararku intaas ku darayaan in arintaas
 loo xiray askari Maraykan ah oo lagu soo eedeeyey in uu arintaas ka dambeeyey.
 Warar uu sii daayey TV-ga CBC ayaa sheegay in hal askari uu dhacdadas ku
 dhintay, waxana uu TV-gu dhaawacaku sheegay in ay gaarayaan ilaa 16 askari.
 Waxaa lagu soo waramay in ninka loo xiray arintaan uu ka tirsan yahay qaybta
 Ingineerinka ee Ciidanka Maraykanka, waxa kale oo wararku ninkaas kusheegeen in
 uu yahay Muslim American.  [ISHA: CBS.TV
 & CBC.TV]  Diyaarad Dagaal oo Ingiriisku leeyahay oo Lawaayey Warar uu soo tebiyey TV-ga Canada ee CBC ayaa
 sheegay in la'la yahay diyaarad militari oo uu leeyahay Ingiriisku. Waxaa lagu
 soo waramay in diyaaradaasi aysan kasoo noqon hawlgal ay u baxday. [Isha
 Warka]. Warar kale ayaa sheegaya in ay dhicikarto in diyaaradaasi ay
 dhacday kaddib markii uu ku dhacay gantaal uu tuuray maraykanku oo ah nooca loo
 yaqaan U.S. Patriot missile. Diyaarada waxaa lahaa Ciidanka Cirka ee
 Ingiriiska ee loo yaqaan Royal Air Force.  [ISHA: AP] Mudaharaadyo Ballaaran oo Kadhacay Daafaha
 Dunida 
  
    |  "150,000 qof ayaa isugu soo baxay wadooyinka magaalooyinka Fransiiska, kuwaas oo kasoo horjeeda dagaalka
      Ciraaq". 
 IOL |  Maalintii Sabtida waxaa daafaha dunida ka
 dhacay mudaharaadyo aad u baaxad weyn oo looga soo horjeedey dagaalka Ciraaq. Wadamadii ay mudaharaadyadu ka dhaceen waxaa
 kamid ah Maraykanka, Canada,  Spain, Germany,  Latin America, London, France. [ISHA
 IOL] [China
 News] | [Wararka
 AlJazeera TV] [North.Kprea.News]
 Dhanka kale Pope John Paul ayaa Sabtidii aad u
 cambaareeyey dagaalka Ciraaq, taas oo uu ka welwelsan yahay in dagaalkani uu
 sii weyneyndoono xiisada u dhexaysa Muslimiinta iyo Kirishtaanka, waa sida
 warku u dhigaye.  [ISHA: CBC.TV
 |  CBS.TV]  Gantaal Habow ah oo Kudhacay Dhulka Iran Dawladda Iran ayaa Sabtidii ka cabatay in
 saddex gantaal oo ay soo gameen ciidanka Maraykanka ama Ingiriisku ay kusoo
 dhaceen dhulkeeda, laakiin laguma soo waramin wax dhaawac ah oo ay
 gantaaladaasi geysteen. Waxaa warku intaas ku daray in lagu soo waramay in ay
 wada kulmeen saraakiil Maraykan iyo Iiraaniyiin ah si ay uga wada hadlaan
 arintaas. Waxa kale oo wararku sheegeen in Iran ay sheegtay in diyaaradaha
 dagaalka ee Maraykanka iyo Ingiriisku ay ku xad-gudbeen hawada Iran. Sarkaal ka
 tirsan dawladda Iran ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka Maraykanka iyo Ingiriisku ay
 Jimcadii soo galeen hawada Koonfurta Iran oo u dhow magaalada Basra (Ciraaq), waxana uu intaas ku
 daray in aan hawada iran loo ogolayn in ay kusoo xadgudbaan diyaaraha dagaalka
 isbahaysiga iyo kuwa Ciraaq toona. [Eeg hay'adda wararka u faafisa Iran
 ee loo yaqaan IRNA].
 [ISHA: cbc]
 
 [Daawo.Halkan]. Ciraaq
 oo u digtey Turkiga.. Daawo Halkan....GUJI Wararkii
 Ciraaq ee Shalay... GUJI  <><> Wararka maanta ee Aljazeera: Akhri
 Halkan   <><> 
  
    |  Ilma yar oo ku dhaawacmay dagaalka Ciraaq, Sawirka IOL GUJI |  50 QOF AYAA KU DHIMATAY 
WEERARADII LAGU QAADAY BASRA   Ugu yaraan 50 qof oo ciraaqiyiin ah uuna ku
jiro nin u dhashay dalka Ruushka ayaa ku dhintay weeraradii qallafsanaa ee
ciidamada Mareekanka ay xaleey la beegsadeen magaallada Basra ee ku taalla
koonfurta Ciraaq. Sidaas waxaa shaaca ka qaaday weriyaha taleefishinka Aljazeera
u jooga Basra. [GUJI....] 
 
 
 Wararkii
 Ciraaq ee March 22»» Ruushka oo hawada u diray  diyaaradihiisa dagaalka, kaddib...
 »» Afar Askari oo ku dhintay dagaalkii Sabtida
 »» Shacab ku dhintay Magaalada Basra
 »» Caawa oo Baqdaad laga maqlayey Qarax
 »» Baqdaad iyo Qaraxyadii
 Jimcada
 »» Turkiga oo Ciidamo u Diray Woqooyiga Ciraaq:
 »» Saddam Xuseen oo Ballan Qaaday Abaalmarin
 »» Laba Diyaaradood oo UK leedahay oo Isku
 Dhacay
 Dhammaan
 ka akhri halkan 22/3
 QARAXYADII BAQDAAQ - VIDEO: CBC.TV
 | ABU-DHABI.TV 
  | 
 AL-JAZEERA.TV Wararkii
 Dagaalka Ciraaq: March 21»» Dagaalkii Dhulka oo Bilowday
»» Xaaladda Saddam Xuseen...
»» Ciidamada uu hoggaaminayo
 Maraykanku uu gudaha u gala Koonfurta Ciraaq... 
»» 12 Maraykan iyo Briton ah oo ku dhintay diyaarad
 militari oo ku qaraxday Kuwait. GUJI...
 21/3
 
 IRAQ
 TODAY'S NEWS... | WORLD
  LATEST NEWS »»Wararka warbaahinta Bariga
  Dhexe...
 DIGNIIN:
  Virus Cusub [W32/Ganda-A] Dagaalka Ciraaq»»VIDEO: Ciraaq oo Gantaalo Ku Gantay Kuwait
 »»VIDEO: Bush
  oo  bixiyey amarkii weerarka ciraaq
 »»VIDEO: Jawaabtii
  Saddam kabixiyey Weerarka Ciraaq
  <> TAARIIKHDA
 CIRAAQ ... HALKAN GUJI
 <>    |