SomaliTalk DALSAN

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA RADIO XORIYO
Faaladii Radio Xoriyo ee 6.9.2002 |
 
TAARIIKHDA MAANTA:  | DAABACADA WARKA: Oct 11, 2002 

 DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo  

 Warka madaxdiisii

·Dagaallo lagu jabiyay Ciidamada Cagajiidka ah ee Itoobiya.
·Hub farabadan oo Itoobiya ay siisay C/llaahi Yuusuf
·Xubno ka tirsan baarlamaanka qawmiyada koonfureed oo xildhibaannimadii laga qaday
·Casuumaaddii shirka dib u-heshiisiinta Soomaaliya oo la diray

Warkii oo faahfaahsan

Dagaallo lagu jabiyay Ciidamada Cagajiidka ah ee Itoobiya.

Waxay Ciidamada wadaniga Xoreenta Ogaadeenya 25.09.2002 weerar ku qaadeen Ciidamada Nacabka Gumasiga Itoobiya oo ku sugnaa Laan-Jaleelo. Waxaana Goobtaas lagaga dilay Ciidamada isu keenka Gumaysiga Itoobiya 5 Askari waxaana lagaga dhaawacay 7 kale.

Sidoo kale 29.09.2002 waxay Ciidamada geesiyiinta ah ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeenya weerar ku qaaden Ciidamada Gumasiga Itoobiya ee ku sugan meesha lagu magacaabo Qaydar-Dhuureey oo ka tirsan Gobalka Shabeelle, waxaana Ciidamada nacabka goobtaas lagaga dilay 7 askari, 9 kalana waa lagaga dhaawacay.

Hub farabadan oo Itoobiya ay siisay C/llaahi Yuusuf.

Lix gaadhi oo xamuul ah , kuwaasoo hub iyo rasaas u wada maamulka C/laahi Yuusuf ayaa magaalada Kaalkacyo gaadhay dhamaadkii Totobaadkii hore.

Hubkani wuxuu ku soo beegmay xilli lagu jiro qabanqaabada shirka dib u-heshiisiinta ee lagu wado inuu ka dhaco dalka Kenya, kaasoo ay Itoobiya ku waddo carqalad ay kaga hortagayso in natiijooyin fiicani ay ka soo baxaan.

Xubno ka tirsan baarlamaanka qawmiyada koonfureed oo xildhibaannimadii laga qaday.

Toddoba xubnood oo ka tirsan baarlamaan ku sheega gobolka qowmiyadaha koonfureed ayaa si rasmi ah looga qaaday awooddii xildhibaannimo, kuwaasoo aan wixii hadda ka denbeeya loo oggolayn inay cod ku yeeshaan baarlamaanka dhexdiisa, waxaana socda olole lagu doonayo in nimankaas baarlamaanka lagaga saaro, ka dibna xabsi loo diyaariyo.

Go'aankan, oo markiisii hore ka yimid xafiiska Melez Zenaawi, waxaa la gaadhay, ka dib markii nimankaas lagu tuhmay inay gacan-saar la leeyihiin Jabhadda Xoraynta siimo.

Xubnahaasi goob-joog ma ayna ahayn markii uu baarlamaanka gaadhayay go'aanka lagaga xayuubiyay awoodda xilidhibaannimada.

Casuumaaddii shirka dib u-heshiisiinta Soomaaliya oo la diray

Dawlada Kenya, oo martigelinaysa shirka dib u-heshiisiinta soomaalida oo lagu wado in toddobaadka denbe la qabto, ayaa sheegtay inay martiqaadkii ugu horreeyay ee shirka dirtay maalintii talaadada ahayd ee bishan oktober at 8 ahayd.

Shirkan, oo marar badan dib looga dhigay xilligii la qaban lahaa, waxaa lagu wadaa in talaadada soo socato uu ka furmo magaalada Eldoret oo ku taalla galbeedka waddanka Kenya, waxaana lagu wadaa inay ka soo qayb galaan 300 oo qof oo ka kala socda dawlada ku meelgaadhka ah, maamullada, kooxaha siyaasiga ah iyo bulshada rayadka ah.

Waxaa kaloo martiqaad rasmi ah loo diray madaxda dalalka xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD, kuwaasoo lagu martiqaaday inay ka soo qayb galaan muaasabada furitaanka shirka, oo uu furi doono madaxwaynaha dalka Kenya Daniel Arap Moi. 

Sida ay dawlada Kenya sheegtay waxaa martiqaadka shirka loo diray maamul goboleedyada Soomaaliya oo dhan.

In kastoo dawlada Kenya ay sheegtay in la dhammeeyay qabanqaabadii shirka, uuna xilligii loogu talagalay dhici doono haddana waxaa soo baxaya cabshooyin badan oo ka imanaya dhinaca soomaalida.

Dawlada ku meelgaadhka ah ayaa sheegtay inay ka qaybgalka shirka dib uga fiirsan doonto mar haddii aanuu maamulka Woqooyi Galbeed ka soo qayb galaynin, sababtoo ah bay tidhi midnimada Soomaaliya waa arrin lguma xad-gudbaan ah.

Sidoo kale Isbahaysiga SRRC ayaa sheegay inuu ka biya-diiddan yahay qaabka loo qaybiyay ergooyinka shirka ka soo qayb galaya iyo barnaamijka shirka labadaba, waxayna sheegeen inay waqti dheer oo ay arrimahan kaga baaraan-degaan u baahan yihiin.

Hibaaq Samatar.
Radio Xoriyo 
radioxoriyo@aolcom
 
radioxoriyo@ogaden.com

Xusuus: Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15580 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari
Dhegeyso warkan oo Cod ah

 

KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  

 


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin


Copyright © 2002 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety


HTML CD