SomaliTalk DALSAN

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA RADIO XORIYO
Faaladii Radio Xoriyo ee 6.9.2002 |
 
TAARIIKHDA MAANTA:  | DAABACADA WARKA: Oct 18, 2002 

 DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo  

  WARKA MADAXDDIISII:

·32 XUBIN OO MIHIIM AH OO LAGA SAARAY XISBIGA SEPDF EE QOOMIYADA SIIDAMAHA:
·MELES OO XILKII KA XAYUUBIYAY DAWLADA HOOSE EE ADIS ABABA::
·ITOOBIYA OO EEDAYSAY CIIDAMMADA QARAMADA MIDOOBAY EE KU SUGAN SOOHDINTA AYAGA IYO ERITRIA:
·SOOMAALIDA QURBAHA IYO ARAGTIDA AY KA QABAAN SHIRKA ELDORET:

WARKII OO FAAHFAAHSAN:

32 XUBIN OO MIHIIM AH OO LAGA SAARAY XISBIGA SEPDF EE QOOMIYADA SIIDAMAHA:

32 xubnood oo ka tirsanaa xisbiga been-abuurka ah ee maamulka Itoobiya uu u sameeyay qawmiyadda Sidama ee SEPDF, oo hoos yimaadda isbaheeysiga EPRDF, ayaa seddexdii toddobad ee ina dhaafay si rasmi ah looga saaray xisbiga.

Dhamaan xubnahaasi waxaa lagu eedeeyay in ay gacansaar hoose la leeyihiin Jabhadda Xoreynta Sidaamaha ee SLF. Sida wararka sheegayaan 18 ka mid ah xubnahaasi ayaa ka tirsanaa golaha dhexe ee xisbiga SEPDF.

Dhinaca kale Dr Kasu Ilala oo ahaa guddoomiyaha xisbiga SEPDF ayaa xilkaas laga qaaday, waxaana lagu beddalay Haile Mariam Dessalegn oo ah madaxweyne ku sheega gobolka qowmiyadaha koonfureed.

MELES ZENEWI OO XILKII KA XAYUUBIYAY DAWLADA HOOSE EE ADIS ABABA:

I  I  D  H  E  H

War naga soo gaadhay wariyaheenaa Magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya in Meles Zenaawi casilay dhamaan dawaladdii hoose ee magaalada Addis Ababa iyo tii Gobolkaba.

Arintan oo fajac ku noqotey maamulka dawladda hoose iyo kan Gobolkaba, waxaa la sheegayaa inay dadka magaalada ku abuurtey walwal hor leh.

Warku wuxuu intaas ku darayaa in Melese Zenawi uu maamulka dawladda hoose ee Addis Ababa u magacaabay xubin sare oo ka mid ah xisbiga TPLF, waxaana masuulka lagu magacaabaa Arekebe Iqubay oo hadda ku magacaaban ku xigeenka Madaxweynaha Gobolka Tigrea.

Dadka siyaasadda Meles khibradda u leh waxay falkan ku tilmaameen inuu yahay mid uu ku doonayo inuu ku wiiqo dhamaan maamullada, isla markaana si toos ah u faraha ugula jira maamulada degmooyinka, xaafadaha ama waxa ay ugu yeedhaan maamulada KEBELE_YADA.

ITOOBIYA OO EEDAYSAY CIIDAMMADA QARAMADA MIDOOBAY EE KU SUGAN SOOHDINTA AYAGA IYO ERITREA:

Itoobiya ayaa eedayn u soo jeedisay ciidamada Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa ee ku sugan soohdinta u dhaxaysa iyada iyo Eritrea.

Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa ayaa hadda ka hor cabasho u gudbisay dawlada Itoobiya, ka dib markii malleeshiyo ka mid ah ciidamadeedu ay tacshiirad ku fureen Ciidamada Hindiya ee ka socda Jimciyadda Qurumaha ka dhexaysa ee ilaaliya sooddinta u dhaxeysa Eritria iyo Itoobiya.

Haddaba Itoobiya ayaa ka carootey sababta qalalaasahaas ay dhigeen Ciidmaadeedu loo gaarsiiyey warbaahinta, iyadoo tilmaantey in la bixiyey war sir ah.

Si kastaba ha ahaatee, Itoobiya in mudo ahba kuma faraxsaneyn Ciidamada Jimciyada Qurumaha ka dhexaysa ee jooga soodintaas, tan iyo intii maxkamada aduunku go’aamisay dhulka ay isku haystaan wadanka Eritrea, mana aha markii ugu horeysay ee is af garan waa soo dhexgalo.

SOOMAALIDA QURBAHA IYO ARAGTIDA AY KA QABAAN SHIRKA ELDORET:

Wararka ka soo baxaya Jaraa'idyada Caalamka ee wadamada Soomalidu ku badantahay, ayaa qorey fikradaha Soomalida ku nool wadamadaas ee ku aadan shirka Eldoret ee dib u heshiisiinta Soomalida.

Dadka soomaaliyeed ee dalalkaas ku dhaqan waxay intooda badani ka biyo-diidanyihiin shirka dib u heshiisiinta Soomaliya, waxaana la tilmaamayaa inay ra'yigooda saladhig uga dhigayaan shirarkii hore ee la soo qabtey. Dad badan oo soomaali ah ayaa rumaysan in hooggaamiye kooxeedyadu ayna isku raacaynin in la dhiso dawlad Soomaaliyeed oo loo dhan yahay, waxaana sabab u ah bay leeyihin in hooggaamiye kooxeedyadu ay horey heshiisyo badan u galeen, haddana ay ka baxeen.

Dadka siyaasdda geeska Afrika ku xeel dheer ayaa iyaguna sheegaya in intay Itoobiya ka muuqato miiska wada-xaajoodka aysan wax guul ah ka soo bixi doonin shirka dib u-heshiisiinta.

Hibaaq Samatar. Radio Xoriyo 
radioxoriyo@aol.com
 
radioxoriyo@ogaden.com

Xusuus:  Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay  15580 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada  Bari
Dhegeyso warkan oo Cod ah

 

KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  

 


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin


Copyright © 2002 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety


HTML CD