SomaliTalk DALSAN

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA RADIO XORIYO
Faaladii Radio Xoriyo|
 
TAARIIKHDA MAANTA:  | DAABACADA WARKA: Oct 29, 2002 

 DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo  

 Warka madaxdiisii 

·Ciidamada Cadawga Itoobiya oo Xasuuq u gaystay Dadka ku dhaqan Magaalada Dhanaan.
·Ciidamada Nacabka Gumaysiga Itoobiya oo falal Budhcadnimo ah oo ay ku dhacayaan Gadiidka u kala Goosha Ogadeenya iyo Soomaliya Bilaabay.
·Dagaalo Culus oo dhex maray Ciidamada wadaniga Xoreenta Ogaadeenya iyo Ciidamada Cadawga Itoobiya.
·Ergooyinka shirka dib u-heshiisiinta oo tallaabadii ugu horraysay qaaday.

 

I  I  D  H  E  H

Warkii oo faahfaahsan

Ciidamada Cadawga Itoobiya oo Xasuuq u gaystay Daka ku dhaqan Magaalada Dhanaan.

Waxay 26.10.2002, ciidanka cabudhiska Gumaysiga Itoobiya xasuuq u gaysteen shacabkii ku nool Dagmada Dhanaan, waxay dileen laba caruur ah oo kala ahaa

Maxamed Ibraahim Shuuriye oo 12 jir ah iyo gabadh 10 jir oo magaceeda naloo soo sheegin, Caruurtaasi waxay ka yimaadeen Magaalada Banaankeeda oo ay kasoo kaxeyeey Waylo yar yar, kadibma Ciidanka Gumaysiga Itoobiya oo maalin nimadii magaalada bandoow kusoo riday ayaa Carruurta Rasaas ku furay ,waxaana goobtoo ku dhintay wiilkii 12 ahaa , gabadhiina waxay ku dhimatay Isbitaalka Godeey.

Waxay sidoo kale xabsiga Mileteriga Dhanaan ku xidh xidheen dad gaadhaya 50 ruux oo isgu jira Odayaasha deegaanka iyo maamul kii degmada, oo ay kamid yihiin

Aadan-mahad oo ahaa gudoomiyaha degmada Maxamed sooraan oo ahaa G/kuxigeenka degmada iyo Ibraahin Shuuriye oo ku magac dheer Dhageey oo ahaa wiilka yar ee ladilay Aadbihii.

waxaa sidoo kale lasheegayaa in ay magaaladu ilaa iyo hada bandoow kujirtu oo wax gali kara iyo wax kasoo bixi kara midna ma jiro.

Ciidamada Nacabka Gumaysiga Itoobiya oo falal Budhcadnimo ah oo ay ku dhacayaan Gadiidka u kala Goosha Ogadeenya iyo Soomaliya Bilaabay. 

Maamulka gumaysiga ah ee Itoobiya ayaa beryahan denbe oo dhan Ogadenya ka wada fal budhcadnimo ah, waxayna askarta gumaysiga Itoobiya ku wareegtaa magaalooyinka iyo tuulooyinka uu dalku ka kooban yahay, waxayna dhacaan wixi gaadiid ah ee ay magaalooyinka iyo waddooyinka kula kulmaan, isla markaana waxay xabsiga u taxaabaan dadka gaadiidkaas iska leh iyo rakaabka saaranba.

Ololahan budhcadnimada ahi wuxuu barbar socdaa olole kale oo ciidammada gumaysigu ay ku doonayeen inay ku xidheen soohdinta ay Ogadenya la leedahay Soomaaliya, hase yeeshee soohdinta oo aad u dheer iyo dadka soomaaliyeed oo si wayn isugu xidhan awgeed ciidammada gumaysiga way u suurageli wayday inay ololahaas ka gaadhaan ujeeddadi ay ka lahaayeen oo ahayd inay curyaamiyaan dhaqaalaha iyo nolosha shacbiga soomaaliyeed ee Ogadenya ku dhaqan iyo midka Soomalida Xorta ah.

Sidaas darteed waxay ka barbar abuureen qorshahan kale ee budhcadnimada ah, kaaso ilaa iyo hadda, sida ay sheegeen wararku , lagu dhacay hanti farabadan oo ay shacbigu lahaayeen, isla markaana lagu xidhxidhay shacbi badan oo si wad-la-kulan ah ay ciidammada gumaysigu gacanta ugu dhigeen.

Arrintan ayaa sida ay wararku sheegayaan abuurtay dhibaato dhinaca maciishadda ah, iyadoo ay qiimaha maciishaddu cirka isku shareertay, ka dib markii ay joogsadeen ama la dhacayba badeecooyinkii laga keeni jiray dhinaca Soomaaliya.

Dagaalo Culus oo dhex maray Ciidamada wadaniga Xoreenta Ogaadeenya iyo Ciidamada Cadawga Itoobiya.

Dagaallada ay iskaga hor-yimaaddaan ciidammada xoraynta Ogadenya iyo kuwa gumaysiga oo si aan kala go' lahayn u dhaca waxaa ugu denbeeyay:

19/10/02, waxaa meesha lagu magacaabo Dhala-cad, oo ka tirsan degmada Awaare, ka dhacay dagaal aad u culus oo ay ka qayb qaateen ciidamadii ugu ballaadhnaa oy labada dhinac isaga hor yimaadaan.

Ciidammada JWXO waxay meeshaas ku lahaayeen kulan ay ka soo qaybgaleen qaybaha kala duwan ee Ciidanka Xoreenta Ogadeenya. Cadowgu dhiniciisa wuxuu aaggaas ku soo ururiyay, ciidamo ka kala socda Wardheer, Awaare iyo dhamaan tuulooyinka u dhexeeya.

Dagaalkaas oo ahaa mid markii dambe gacmaha la isula tagay, waxaa Ciidamada Cadawga loogu gaystay jab xoogle, waxaana halkaas ku gacan sarreeyay ciidammada JWXO, waxayna cadowga dagaalkaas kaga dileen ugu yaraan 60 askari waxaana laga dhaaawacay tiro badan oonaan xaqiijin karin, waxaa gumaysiga dagaalkaas lagaga furtay hub iyo saanad aad u badan.

23/10/02, Gole Dhargi, oo DhagaxBuur ka tirsan, dagaal ka dhacay waxaa cadowga lagaga dilay, 5 askari, 7 kalana waa lagaga dhaawacay.

Itoobiya oo saanad Hubeed gaadhsiisay mamaulka C/llaahiYuusuf

Wararka ka imanaya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in taliska Addis Abbaba ka taliya uu dhawaan maamulka C/llaahi Yuusuf soo gaadhsiiyay saanad ciidan.

Saanaddan oo la sheegay inay u badan tahay rasaasta qoryaha, gaar ahaan nooca loo yaqaano AK47, waxa lagu warramayaa in lagu dejiyay bakhaarro waawayn oo rasaasta lagu kaydiyo oo maamulka C/llaahi Yuusuf uu ku leeyahya magaalada Gaalkacyo. Arinta ayay dadka aqoonta u leh siyaasada Itoobiya ku tilmaameen mid ay ku carqaladeeynayso Shirka dib u heshiisiinta Soomaaliya ee ka socda wadanka kenya,

Dhinaca kale warar ayaa jira iyaguna tibaaxay inuu mar kale khilaaf soo kala dhex-galay saraakiisha sarsare ee ciidammada maamulka C/llaahi Yuusuf ee qaabilsan dhinaca ammaanka.

Ergooyinka shirka dib u-heshiisiinta oo tallaabadii ugu horraysay qaaday

Kooxaha ku hardamaya siyaasada Soomaaliya ee haatan ka qayb qaadanaya shirka dib u-heshiisiinta ee ka socda magaalada Eldoret ee addanka Kenya ayaa lagu tilmaamay inay qaadeen tallaabadii ugu horraysay ee lagu xaqiijin lahaa nabad laga dhaliyo dalka Soomaaliya, ka dib markii ay saxeexeen heshiis wadajir ah oo ka dhigan in la joojiyo colaaddii u dhaxaysay, sidaasna waxaa sheegay saraakiil sare oo ka tirsan guddiga dhexdhexaadinta.

Heshiiskan ay hooggaamiye kooxeedyadu isla saxeexeen wuxuu dhigayaa in hooggaamiye kooxeedyadu ay ballanqaadayaan inay xabbada joojiyaan, dhidibbadana u taagaan dawlad fedaraal ah, isla markaana ay sugaan nebedgelyada hawlaha samafalka la xidhiidha ee Soomaaliya laga hirgelinayo.

Hooggaamiye kooxeedyadu waxay kaloo oggolaadeen in dawlada ku meelgaadhka ahi ay shirka kaga qayb qaadato magaca ay wadato ee ah "Dawlada ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya", isla markaana waxay aqoonsadeen in Xasan Abshir Faarax uu yahay ra’iisal wasaaraha ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya.

Waxaa iyaguna heshiiskan markhaati ahaan u saxeexay saraakiil ka socota Midowga Yurub, Maraykanka, Talyaaniga, Itoobiya, Jabuuti iyo Masar.

Hibaaq Samatar.
Radio Xoriyo 
radioxoriyo@aol.com
 
radioxoriyo@ogaden.com

Xusuus: Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari


Dhegeyso warkan oo Cod ah

 

KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  

 


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin


Copyright © 2002 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety


HTML CD [an error occurred while processing this directive]