SomaliTalk DALSAN

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA RADIO XORIYO
Faaladii Radio Xoriyo ee 6.9.2002 |
 
 KAYDKA WARARKA 
RADIO XORIYO  

NEWS ARCHIVE
 
 
TAARIIKHDA MAANTA:  | DAABACADA WARKA: September 13, 2002 

 DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo

  Warka madaxdiisii 

1-Ciidammada Itoobiya oo Markay u Adkaysan waayeen Halgaada Ciidanka wadaniga Xoreenta Ogaadeenya ka guuray Magaaklooyin.
2-Qarax ka dhacay Magaalada Adis Abab oo lagu Dhintay
3-Madaxayne Geelle oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomya danjiraha Sucuudiga
4-Dawlada Itoobiya oo lagu cadaadinayo arrimaha Soomaaliya

Warkii oo faahfaasan

1-Ciidammada Itoobiya oo Markay u Adkaysan waayeen Halgaaada Ciidanka wadaniga Xoreenta Ogaadeenya ka guuray Magaaklooyin.

Ciidamada cagajiidka ah ee Itoobiya ayaa ka guray magaalooyinka La-helow, oo ka tirsan gobolka Doollo iyo Guna-gado oo iyaduna ka tirsan gobolka Dhagaxbuur, ka dib markii ay u adkeysan waayeen halgaada N/hueayaasha Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaaadeenya.

Ciidammada gumaysigu waxay sidoo kale horay uga gureen Fooljeex, Kabtinaag, iyo Dalaad, oo dhamaaantood ka tirsan Gobalka Qorraxay.

Guuritaanka ciidamada macangaga ah ee Gumaysiga Itoobiya waxaa sabab u ah dagaallo is-dabajoog ah oo ay ku qaadeen Ciidamada Geesiyiinta ee Jabhada Wadaniga Xoreenta Ogadeenya fadhiyada ciidamada cadowga, oo hadda isku uruursaday goobo macayin ah oo ku yaalla magaalooyinka waaweyn.

2- Qarax ka dhacay magaalada Addis Ababa oo lagu dhintay

Ugu yaraan hal ruux ayaa ku dhintay, dad kale oo fara badana way ku dhaawacmeen seddex bambo oo aad u waawayn oo lagu qarxiyay huteel ku yaalla magaalada Addis Ababa intii lagu guda-jiray dabbaal-deggii sanadka cusub ee Itoobiya maalintii arbacada ahayd.

Sida ay xarunta wararka faafisa ee Walta Information, oo afka xukuumadda ku hadasha sheegtay, qaraxyadu waxay dhaceen fidnimadii arbacadii markii ay saacaddu ah ahayd 21.15, waxayna ka dhaceen huteelka lagu magacaabo Hutel Tigrey oo ku yaalla agagaarka Piazza oo suuqa wayn ee Addis Ababa u dhaw.

Seddexdan qarax waxay ka kala dhaceen; Mid wuxuu ka dhacay irrida huteelka laga soo galo, mid kalana wuxuu ka dhacay huteelka gudihiisa, kan seddexaadna wuxuu ka dhacay huteelka hortisa.

Shaqaalaha isbitaalka Black Loin ayaa sheegay in qof dumar ah ay geeriyootay markii isbitaalka la keenay, taasoo ka mid ahayd afar qof dhaawac khatar ahi uu soo gaadhay.

Booliska ayaa wali ku hawllan baadhsita ogaanshaha ciddii qaraxyadan gaysatay, ilaa iyo haddana cid sheegatay ma ay jirto.

3-Madaxayne Geelle oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomya danjiraha Sucuudiga

Dabayaaqadii toddobaadkii hore ayuu madaxweynaha dalka Jabuuti mudane Ismaciil Cumar Geele ku qaabilay xarunta madaxtooyada safiirka cusub ee boqortooyada Sacuudiga Danjire Abdul-Aziiz Maxamed.

Danjiraha ayaa mar u warbixin siinaya saxaafada muujiyay xiriirka walaaltinimada ee ka dhaxeeya dalalka Jabuuti iyo Sacuudiga, isaga oo ummada Jabuuti iyo madaxweyne Ismaciil Cumar Geele uu rejeeyay horumar iyo guul dhan walba

4-Dawlada Itoobiya oo lagu cadaadinayo arrimaha Soomaaliya

Dowladda Itoobiya ayaa culays kaga yimid dhanka dalalka Midowga Yurub iyo Mareykanka inaysan fashilinin shirka dib u heshisiinta soomalida oo la filayo in uu ka dhici doono dalka Kenya 30 bishan.

Warar xog ogaal ah ayaa sheegayo in dowladda Itoobiya ay todobaadki hore u yeertay safiirkeeda dalka Kenya oo isla markaasna qaabishan arrimaha la xiriira shirka dib u heshisiinta Soomalida.

Safiirka Itoobiya ee dalka Kenya ayaa maalin ka dib markii uu gaaray Magaalada Addis Ababa waxaa uu billaabay in uu kulamo la galo hogaamiye kooxeedyada gacan saarka la leh Itoobiya oo haatan ku sugan magaalada Addis Ababa.

Dhinaca kale waxaa si deg deg ah looga yeeray Itoobiya Maxamed Nuur Shaati Gaduud oo ah hogaamiye kooxeed Itoobiya gacan saar la leh isla markaasna gacanta ku haya magaalada Baydhabo.

5- Ganacsato Ingiriis ah oo yimid magaalada Muqdisho

Waxaa toddobaadkii hore magaalada Muqdishu yimid wafdi ka socdo shirkado ingriis ah oo raba inay maalgelin ku sameeyaan soomaliya, waxayna ka soo degeen Garoonka loo yaqaan Kilometer 50.

Waxaa wafdiga hogaaminayay nin lagu magacaabo Gary Hare oo la filayo inuu kulamo la yeesho madaxda dowladda ku meel gaarka ee Soomaliya.

6- Itoobiyaan badan oo bannaanbax ku sameeyay Qaramada Midoobey

Jaaliyada Itoobiya ee dalka Mareykanka ayaa 10 bishan Septembaar bannaanbax ballaaran ku qabtay xaruunta Jimciyada Qarumaha ka dhaxeysa ee magaalada New York.

Jaaliyada Itoobiya waxay ku bannaanbaxayeen wafdiga Itoobiya ka socda ee ka soo qeyb galay shirweynaha sanadlaha ah ee golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey.

Dowladda Itoobiya waxaa sidanoo kale bannaanbax wayn lagaga sameeyay  shirkii caalamiga ahaa ee horumarka dalalka saboolka ah, kaasoo dhawaan lagu soo gabagabeeyay dalka Koonfur Afrika.

7- Cabdullaahi Yuusuf oo Itoobiya looga yeedhay

Konayl Cabdullahi Yusuf ayaa si deg deg ah ugu ambabaxay dalka Itoobiya iyada oo ay dowladda Itoobiya u soo dirtay diyurad khaas ah oo keentay magaalada Addis Ababa.

Cabdullahi Yusuf waxaa Itoobiya looga yeeray, si loogala hadlo arrimo la xidhiidha shirka dib u heshiisiinta soomaalida ee lagu wado inuu ka dhaco dalka Kenya, waxaana markaas ka dib loo badinayaa inuu u safro dalka Maraykanka oo arrimo caafimaad uu u tegayo.

Dhinaca kale waxaa si deg deg ah looga yeeray Itoobiya Maxamed Nuur Shaati Gaduud oo ah hogaamiye kooxeed Itoobiya gacan saar la leh isla markaasna gacanta ku haya magaalada Baydhabo.

waxaa la filayaa in ay Itoobiyo Awaamiir soo siin doonto hogaamiya kooxeedyadaas ay u yeedhay.

Hibaaq Samatar
Radio Xoriyo
radioxoriyo@aol.com      
 radioxoriyo@ogaden.com  

 
Dhegeyso warkan oo Cod ah

Xusuus:  Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay  15580 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada  Bari.         

KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  

 


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin


Copyright © 2002 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety


HTML CD [an error occurred while processing this directive]