SomaliTalk DALSAN

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA RADIO XORIYO
Faaladii Radio Xoriyo ee 6.9.2002 |
 
TAARIIKHDA MAANTA:  | DAABACADA WARKA: September 20, 2002 

 DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo

  

  ·   Warka madaxdiisii

·   Hawl-galladii ugu dambeeyay ee Ciidammada Xoraynta Ogadenya ay fuliyeen Ciidamada Cadawga Itoobiya.
·   Itoobiya oo lagu tilmaamay inay deegaanada Qaarkood  xukumi la’dahay.
·   Ururka OLF oo beeniyay inuu ka denbeeyay qarixii Hotel Tigray.
·   Dhulka Gambella ayaa waxaa lagu Qarxiyay Baabuur ay laheed Xukuumada Itoobiya waxaana ku dhintay 5 qof.


·   Haatana warkii oo fidsan

·Hawl-galladii ugu dambeeyay ee Ciidammada Xoraynta Ogadenya ay fuliyeen Ciidamada Cadawga Itoobiya

Ciidammada Xoraynta Ogadenya, oo sida la wada-ogyahay dagaal hubaysan kula jira ciidammada gumaysiga Itoobiya, ayaa  hawlgallo millatari ka fuliyay meelo kala duwan oo ka tirsan dalka Ogadenya; Waxaana hawl-galladaas ugu denbeeyay kuwan soo socda:

4/9/02 dagaal ka dhacay meesha lagu magacaabo Miir-xagaaf, oo ka tirsan Gobolka Doollo, waxaa Ciidamada cadowga lagaga dilay 7 askari, waxaana lagaga dhaawacay 5 askari oo kale.

12/9/02 dagaal sidoo kale ka dhacay Gal-cadayle oo ka tirsan gobolka Qorraxay, waxaa ciidammada saama-la-luudka ah ee Itoobiya lagaga dilay 5 askari, 3 kalena waa lagaga dhaawacay.

13/9/02 Riiga Galadiid, oo gobolka Qorraxey ka tirsan, dagaal ka dhacay waxaa cadowga lagaga dilay 6 askari, 9 kalana waa lagaga dhaawacay.

Sida uu noo soo tabiyay wariyaha Jiida hore ee Ciidamada Xorenta Ogaadeenya waxay sidii caadadaba u ahayd Ciidamada Cadawga Itoobiya markay dagaaladaas ku jabeen billaaeen ol-ole wayn, kaa soo ay ku xidhxidheen dadweyne ku dhaqnaa magaalooyinka Gurdumi, Far-madow, Guna-gado iyo magaalooyin badan oo ka mid ah kuwa ku yaalla bariga dalka Ogadenya.

·Itoobiya oo lagu tilmaamay inay deegaanada Qaarkood  xukumi la'dahay.

Khamiistii ina dhaaftay ee taariikhdu ay ahayd 19-9-02 waxay Idaacadda Voice of America soo daysay war ay u soo gudbisay wariyaha Idaacaddaas u fadhida magaalada Addis Ababa, Hele Maxamed, kaasi oo dulucdiisu ay ahayd in xukuumada Itoobiya ay ku guul-darraysatay inay sugto nabedgelyada gobolka soomaalida, gaar ahaan nabedgelyada magaalooyinka Qabri-Daharre, Dhagaxbuur iyo Jigjiga.

Warku wuxuu intaas ku daray "Magaalooyinkani waxay gaadheen heer ay dawlada Itoobiya hanan la'dahay nabedgelyadooda".

Arrintaasi waxay keentay in ururrada aan xukuumiga ahayn ee(NGO) ay keenaan digniin ku baaqaysa in "dhulkaasi uu noqday dhul socodka ka caaggan, dawladdiina ay noqotay mid dejin wayda".

Warku wuxuu intaas ku dii daray "Lama mari karo waddooyinka isku xidha magaalooyinka Baabili iyo Jigjiga, Jigjiga iyo Dhagaxbuur".

Waxayna Idaacaddu warkeeda ku sheegtay in dhibaatooyinkaas oo dhan ay sal-dhig u yihiin dagaallada dhex-maraya ciidammada dawlada iyo xoogagga hubaysan ee ka soo horjeeda.

Waxay ururrada aan xukuumiga ahayn ee NGO isku raaceen in dawlada Itobiyo ay hanan la'dahay  nabadgelyada gaballada soomalida  iyo gambeellaha.

Dhinaca kale waxaa aad looga dayrinayaa xaaladda magaalooyinka hareeraha ka xiga magaalada Diridhabo, gaar ahaa magaalooyinka Biki, Awaare-Afdam, Barreeti iyo Harawo, kuwaasoo la sheegay inay ka jirto macaluul ba'an oo keentay cunto la'aan fara badan.

·Ururka OLF oo beeniyay inuu ka denbeeyay qarixii Hotel Tigray.

Jabhadda Xoreynta Oromiya (OLF) ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay inaanay wax lug ah ku lahayn qarixii dhawaan loo gaystay Hotel Tigray, oo ku yaalla magaalada Addis Ababa.

Qaraxaas, oo ahaa seddex bambo oo hoteelka lagu qarxiyay, waxaa ku dhintay 2 qof, 38 kalena way ku dhawacmeen.

Jabhadda OLF waxay beesha caalamka ugu baaqday inay ka digtoonaato ololaha jaha-wareerinta ah ee ay waddo dowladda Itoobiya, kaasoo ay rabto inay beesha caalamka kaga dhaadhiciso in jabhadda OLFda ka dambeysay qaraxa Hotel Tigray.

Jabhadda OLF waxay kaloo war-saxaafadeedkaas ku sheegtay in dowladda Itoobiya ay doonayso inay beesha caalamka isaga dhigto dal dagaal kula jira kooxo argagixiso ah oo ay qabkaas taageero kaga hesho, lakiin ay xaqiiqada dhabta ah tahay in malleeshiyooyinka Itoobiya ka amar-qaata iyo ciidanka Itoobiya ay yihiin argagixisada kaliya ee ka jira dalka Itoobiya iyo dhulalka ay gumaysato

Jabhadda OLF waxay ku dhameystirtay war-saxaafadeedkeeda in xaqiiqada aanay qarsoomi karin oo shacabku uu runta ah in dowladda itoobiya tahay quwada kaliya ee hor-taagan in ummada Oromiya ay hesho aaya-ka-tashi buuxa, dimoqraadiyad, nabad iyo horumar.

·Dhulka Gambella ayaa waxaa lagu Qarxiyay Baabuur ay laheed Xukuumada Itoobiya waxaana ku dhintay 5 qof

Ugu yaraan 5 qof ayaa ku dhintay bambo gacmeed lagu tuuray gaadhi dhex marayay degmada Itang, oo ku taalla gobolka Gambella badhtamihii toddobaadkii hore.

Sida ay wararku sheegayaan gaadhigaas, oo ahaa mid ay leedahay dowladda Itoobiya, dadka ku dhintay waxay kala ahaayeen 3 qof oo shaqaale dowladeed ah iyo 2 askari oo itoobiyaan ah.

Ilaa hada cid sheegatay inay qaraxaas ka dambeysa ma jirto, laakiin dadka siyaasada indha-indheeya ayaa u arka in arrintani ay ka dambeeysay Jabhadda Xoreynta Gambella, oo ah jabhadd dagaal hubeysan kula jirta maamulka Melez Zenaawi.

Hibaaq Samatar.
Radio Xoriyo
radioxoriyo@aol.com radioxoriyo@ogaden.com

Xusuus:  Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay  15580 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada  Bari.

 
Dhegeyso warkan oo Cod ah

 

KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  

 


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin


Copyright © 2002 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety


HTML CD