SomaliTalk DALSAN

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA RADIO XORIYO
Faaladii Radio Xoriyo ee 6.9.2002 |
 
 KAYDKA WARARKA 
RADIO XORIYO  

NEWS ARCHIVE
 
 

hilaac

 

kaah

 

dalsan

TAARIIKHDA MAANTA:  | DAABACADA WARKA: September 6, 2002 

 DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo

  1- Dhirbaaxoyinkii ku dhacayay Ciidamada Nacabka Gumaysiga Itoobiya oo halkoodii ka soo socda

2- Shaqaale ka tirsan safaarada Maraykanka ee Itoobiya oo la xidhxidhay.

3- Yeman oo Itoobiya hadalka ku adkaysay mar ay ka wada-hadlayeen arrimaha Soomaaliya.

4- Xisbi cusub oo qowmiyada Tigree ay samaysatay 

Haddana warkii oo faahfaahsan.

1- Dhirbaaxoyinkii ku dhacayay Ciidamada Nacabka Gumaysiga Itoobiya oo halkoodii ka soo socda Dhirbaaxooyinka ay ciidammada xoraynta Ogadenya ku dhufanayeen ciidammada saama la-lludka ah ee gumaysiga Itoobiya ayaa wali halkoodii ka socda, waxaana ugu denbeeyay.

* Gobolka Doollo, dagaal ka dhacay 12/08/02 meesha lagu magacaabo Dayax Weyne waxaa cadowga lagaga dilay 6 askari, waxaa kaloo halkaas lagaga dhaawacay 9 askari.

17/08/02- Dagaal ka dhacay Beer oo degmada Dannood ka tirsan waxaa cadowga lagaga dilay 3 askari, waxaa kaloo laga dhaawacay 6 askari.

26/08/02- isla Beer dagaal ka dhacay waxaa cadowga lagaga dilay 5 askari, 9 kalana waa lagaga dhaawacay.

17/08/02- Bilo Daye, waxaa cadowga lagaga dilay 9 uu ku jiro sargaalkii dhinaca siyaasadda madaxa ka ahaa oo Gabre Hawood lagu magacaabi jiray, ku xigeenkiisii iyo Cawar oo ahaa nin soomali ah oo dadka aad u dhibi jiray.

22/08/02- Bar-bar cad, oo Danood ku dhow waxaa cadowga lagaga dilay 4 askari, 6-na waa lagaga dhaawacay.

* Gobolka Nogob, dagaal 13/08/02 ka dhacay meel u dhaxaysa magaalooyinka Fiiq iyo Xamaro  waxaa lagu gubay baabuur uu cadowgu lehaa, halkaas waxaa ku bas-beelay baabuurkii iyo wixii saarnaa, waxaa la qiyaasayaa inay ku Dhinteen in 25 askari ka badan oo uu ka mid yahay sargaalkii ciidamada Xamaro madaxda ka ahaa.

14/08/02, Balad Duulo, oo ka tirsan Dagmada  Fiiq, dagaal ka dhacay waxaa cadowga laga dilay 10 askari, 9-na waa laga dhaawacay.

18/08/02, Jeerinka oo katirsan Dagmada Fiiq, cadowga waxaa laga dilay 4 askari, 5 kalena waa laga dhaawacay.

22/08/02, Afcad oo ka tirsan Dagmada Fiiq, Waxaa cadowga laga dilay 7 askari, 9-na waa laga dhaawacay.

Kadib markii uu dagaalladaas khasaare badan ka soo gaadhay, saraakiil badanina kaga dhimatay wuxuu cadowga Itoobiya billaabay sidii caadada u ahayd inuu shacbi badan ku xidh-xidho labadaas gobol.

2- Shaqaale ka tirsan safaarada Maraykanka ee Itoobiya oo la xidhxidhay kadib markay Fiisooyin  si sharci dara ah Dad gaga Gateen.

Waxaa todobaadkii hore magaalada Addis Ababa lagu qabtay laba nin oo dhalashadoodu ay Itoobiyaan tahay oo ka shaqeeyn jiray safaarada uu Mareykanku dalka Itoobiya ku leeyahay, kuwaasoo lagu soo eedeeyay inay oggolaanshaha dal ku-galka ee Maraykanka lacag kaga iibsan jireen dadka, sidaasna waxaa qoray wargays Ruh lagu magacaabo oo ka soo baxa magaalada Addis Ababa.

Arintani waxay ka cadhaysiisay diblumaasiyiinta Maraykanka ah ee ka tirsan safaarada Maraykanka ee dalka Itoobiya, waxaana loo filayaa in Maraykanku aanuu mar denbe hawlaha xafiisyada, gaar ahaan kuwa la xidhiidha bixinta fiisooyinka aan lagu aaminin dad u dhashay dalka Itoobiya.

Dhinaca kale warar aan la xaqiijinin ayaa sheegaya in labaadan nin ay ahayeen xubno ka tirsan nabadsugida Itoobiya, kuwaasoo safaarada u yimid, si ay ugu kuur-galaan in shaqsiyaadka mucaaridka ku ah Zenaawi ay safaarada fiso u soo raadsadaan, si ay dalka Maraykanka ugu baxsadaan.

3- Yeman oo Itoobiya hadalka ku adkaysay mar ay ka wada-hadlayeen arrimaha Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibbeda ee Itoobiya Seyoum Mesfin oo socdaal ku tagay dalka Yemen ayaa wararku sheegayaan in hadalka lagu kululeeyay marka uu wafdi uu hogaaminayo iyo sarakiil ka tirsan wasaarada arrimaha dibbeda ee dalkaasi Yemen ay isku soo qadeen arrimaha Soomaliya.

Sida ay sheegayaan wararka  naga soo gaarayaa magaalada Sanca, wasiirka arrimaha dibbeda ee dalkaasi Yemen mudane Axmed Maxamed ayaa muujiyay sida ay Yemen uu tageersan tahay dowladda ku meel gaarka ee Soomaliya, mawqifkaas oo ah mid ay u dhan yihiin dalalka xubnaha ka ah Jaamacada Carabta.

Waxaa sidoo kale isaguna muujiyay sida uu dalka Yemen uga soo horjeedo faragelinta lagu hayo dalka Soomaliya afhayeenka barlamaanka Yemen Abdalla Bin Xusi, oo sheegay in tageerada hooggaamiye kooxeedyada Soomaaliya ayna ahay mid dan u ah dalalka Geeska Afrika marka la rabo in Soomaliya ay ka dhalato nabad waarta.

4- Xisbi cusub oo Mucaarad ku ah Xukuumada Melez Zanawi oo qowmiyada Tigree ay samaysatay.

Wararka naga soo gaaraya gobolka Tigree ayaa sheegaya in halkaasi lagu aasaasay urur cusub oo tigree ah oo mucaarid ku ah xukuumada Melez Zenaawi.

Ururkaasi oo la yiraahdo Tigray People's Democratic Movement TPDM ayaa baaqiisii ugu horeyay oo soo baxay 30 bisha August ku sheegay in ujeedadiisu ay tahay in la afgambiyo xukumada Melez Zenaawi oo ururka uu ku eedeyay in tahay mid shacabka Tigree kula kacday xadgudubyo dhinaca xuquuqal insaanka.

Ururka TPDM waxuu baaqiisa ku daray in awood millatari mooyaane aan si kale looga qaadi karin xukunka Melez Zenaawi iyo dad uu ururku ku tilmamay in ay yihiin kuwo calooshood u shaqeeystayaal ah oo ka leexday halganka shacabka Tigray, kana doortay inay uu adeegaan shaqsi ka taliya iska hor keenka shacabka qowmiyada tigreega iyo qowmiyadaha kale.

Warar xog ogaal ah ayaa intaasi ku daraya in ururkan cusub la filayo inuu dhowaan ergo u diro jaaliyadaha tigreega ee dalka dibadiisa nool, si ay tageero dhaqaale iyo mid siyaasadeedba uga raadsadaan.

Hibaaq Samatar
Radio Xoriyo
radioxoriyo@aol.com      
 radioxoriyo@ogaden.com  

 
Dhegeyso warkan oo Cod ah

Xusuus:  Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay  15580 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada  Bari.         

KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  

 


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin


Copyright © 2002 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety


HTML CD