SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
RADIO - XORRIYO
DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo 

Wararka Ogaadeenya
 

KAAH

Warkii Radio Xoriyo : 04 Julay,2003

Warkii Madaxdiisii

· CCGI oo Gunooyinkay Ogaadeenya ku Qaadan Jireen laga yareeyey
· Dad Shacbi ah oo lagu Xidh Xidhay Ogaadeenya
· Telefishinkii Baahin Jiray Warar Shirka Dib u Heshisiinta oo Hawada ka baxay
· Qodobo Khuseeya Shirka Dib u Heshiisiinta oo Shaaca laga qaaday.

Warkii oo Faah Faafsan


Warar rasmi ah oo Radio Xoriyo ka soo gaadhay ilo xog ogaal 02 Julay,2003 ayaa sheegaya in Gunooyinkii iyo Lacagihii kale eey CCGI,ka heli jireen Dawladooda dhexe la gooyey iyadoo laga soo reebay 50 Birr oo lacagta Itoboobiya ah uun taas oo loogu tala galay in ay Ciidanka Gumeysiga Itoobiya ka helaan lacagtaas badalkeedii Ganaax iyo Bililiqaysiga ay ku sameeyaan Hantida gaarka ah ee Shacbiga Ogaadeenya.

Ciqaabaha loo geysto Shacbiga Ogaadeenya een waxba galabsanin! ayaa wali halkoodii ka sii socda iyadoo ay Radio Xoriyo soo gaadheen Gadaafooyinkan

21 June,2003 Q/Daharre oo ah Magaalo Madaxda Gobalka Qoraxey,waxaa lagu xidhay dadkan:

1- Aamina Isxabaal Dhagoole.
2- Sawda Jeele.
3- Baar Cabdi Colaad.
4- Hinda-Rooda Mohamed.
5- Mustaffa Xassan Cali-barre.
6- Hibo Mataan.
7- Shaafi Xassan Farey.
8- Cabdulaahi Cali Cabdi-garaad, Ninkan waxaa laga qashay Adhi tiradiisu
ka badan tahay 150 neef; Xaaskiisiina dhabarka ayay ka jabiyeen mar ay
jidh-dilayeen.

23 June,2003 Dh/Buur,oo ah Magaalo Madaxda Gobalka Jarareed waxaa lagu xidhay dadkan s

01- Cabdi-qaadir Mohamed Qaasin.
02- Mohamed Dahir Jamac.
03- Gaaruf Ibraahin Cali.
04- Ahmed Aaden Cadde.
05- Bashiir (ilka casse) Ibrahin Cali.
06- Mohamed Aw Xaamud.
07- Ismaaciil Mohamed Tukke.
08- Ahmed Macallin Cabdi.
09- Bashiir Cabdi Dacay.
10- Cabdulaahi Cabdi Madaxey.
11- Xikkin Shekh Xussein.
12- Cabdi-fattaax Xussein.
13- Maxamuud Muuse.
14- Mahad Haybe.
15- Xamze Jaamac.
16- Ahmed Mohamed Cabdi-qole.
17- Firdowsa Cabdulaahi.
18- Raxmo Cabdi Kadiye.
19- Shukri Cabdi Odowaa.

Dhamaan dadkaas waxaa lagu ganaaxay min 1000/Bir.

26 June,2003 Bohol-Xagarre, oo Godey u dhow waxay Ciidanka Bahalka ah ee Itoobiya ku toogteen Marxuum

Ahmed Cali,Allaha u naxariistee.

Iyadoo la diray kadib markuu diiday in uu ka qayb qaato, hawlaha daba-qoodhiga.

Ciqaabaha,Xidhayga,Xaqiraada,Dilka iyo Caga Jugleynta ay Ciidanka Gumeysiga Itoobiya ku hayaan Shacbiga Ogaadeenya ayaa ah kuwo joogto ah.

Wararka Naga soo gaadhaya Shirka Dib u heshiisiinta Kooxaha Soomaaliyeed ooga socda Wadanka kenya ayaa sheegaya Xaaladahan inagoo ku bilaabayna

------------------------------

Telefishinkii laga Baahin Jiray Arimaha Shika oo Hakaday

Telefishinkii sii dayn jiray Wararka Shirka Dib u Heshiisiinta Kooxaha Soomaalida uga socda Nairobi ayaa hawada ka baxay,iyadoo uu Warkaasna si rasmi ah oogu dhawaaqay Guddoomiyaha Guddiga Warfaafinta ee Shirka dib u heshiisiinta Soomaalida Maxamed C/laahi.

Maxamed C/laahi oo ah madaxa Tv-kaas oo waramayay howlihii iyo xaaladihii adkaa ee Tv-kaasi ay soo mareen mudadii ay hawada ku jireen ayaa sheegay baahida ay Ummadda Soomaaliyeed u qabaan Wararka shirka iyo la sacodkooda in ay aad u ! balaaran tahay xilligan oo uu sheegay inuu marayo marxalad adag.

Maxmed C/laahi ayaa u mahad celiyay dhammaan wariyayaasha kaalintii ay ka qaateen howshii ay ka wadeen Nairobi ayaa intaa raaciyay inuu Tv-ka uu howshiisa bilaabi doono marka ay suurtogal noqoto.

Tv-kaas ayaa muddo hal saac ah sii deyn jiray barnaamijyo isugu jiro warar, wereysiyo iyo doodo ku saabsan heerka uu marayo shirka. iyo hadba wixi ku soo kordho

inkasta oo aan wararka ka bixi jiray TV-kaasi aysan daawan jirin dadka ku dhaqan xaafadda islii taasina ay sabab u tahay in aysan jirin meel lagala socdo.

------------------------------------------


Dhanka Kale Warar Rasmi ah oon ka Soo Xiganay Shabakada Wararka Internetka ee Somalitalk ayaa iyana Sheegaya Xaaladan

Shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed oo haatan galay marxaladii ugu adkayd tan iyo markii uu ka furmay Eldoret ayaa waxaa ka socoda wada tashiyo laga leeyayay dhowr qodob oo dhowaan uu shaaca ka qaaday Gudoomiyaha Gudiga Farsamada IGAD kuwaas oo kala ah

1-In tirada Baarlamanku ay noqoto 315 Xildhibaan

2. In mudada jiritaanka baarlamnku ay noqoto4 sano

3- in ay soo xulaan baarlamanka hogaamiyayaashii saxiixaan 27kii October 2002 oo la tashanaya Odayaal Dhaqameedka.

Sadexdan Qodob ayaa Gudiga Farsamada IGAD ay usoo Gudbiyeen dhinacyadda TNG,SRRC,G8 iyo Bulshada Rayidka iyagoo u arkaya xal iyo meel dhexdhexaad ah oo hogaamiyayaashu ay isugu iman karaan xiligan mar hadii ay ku kala tagsanyihiin umuurta la xiriirta Baarlamanka oo qayb ka ah qoraalka axdi qarameedka ee dawladda Mustaqbalka soomaaliya.



Warkii Caawa Waa Naga Intaas.

Abdi Madaale
Radio Xoriyo,04 Julay,2003 

raadioxoriyo@yahoo.com
radioxoriyo@ogaden.com



Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

Dhegeyso warkan oo Cod ah

 ...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO

....KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  

AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk  

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhex jooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD