SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
RADIO - XORRIYO
DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo 

Wararka Ogaadeenya
 

KAAH

 Wararka Ogaadeenya : 
 
Warkii Radio Xoriyo : 08 Julay,2003 | Faafin July 12
 

Warkii Radio Xoriyo

Warka Madaxdiisii


.JWXO,oo Baaq Nabadeed Ka Soo Saartay Dagaalada Harooyinka
.Jwxo,oo Ka Qayb Gashay,Shir Sanadeedkii Ururka Israac
.Kooxaha Soomaaliyeed oo Saxiixay  Qodobo Najixinaya Shirka
.Raiisul Wasaare Hassan Abshir oo Cambaarayn u Soo Jeediyey Madaxweyne Abdiqassin Salad


Warkii oo Faah Faahsan

Jwxo,ayaa baaq 07 Julay,2003 ka soo saartay Dagaalada ka socda Nus-dariiqa ee
Dhex Maraya Beelaha Soomaaliyeed ee Aaga Harooyinka Wada Dega wuxuuna Baaqii ku
bilowday

JABHADDA WADDANIGA XOREYNTA OGAADEENIYA
Bayaan warfaafineed ,07 Julay,2003

Waxaa soo kordhayey beryahan dambe Shirqoolada uu Gumeysiga Itoobiya u maleegayo
Shacbiga Soomaalida Ogaadeeniya ee dulman.Muddo labadii Sano ee ugu danbeeyey ka
bilaabanaysa waxaa batay Dagaalada Sokeeye ee u dhexeeya Beelaha Soomaaliyeed ee
walaalaha ah ee wada daggan Ogaadeeniya, kuwaas oo uu hurinayey dhamaantood
Gumeysiga Itoobiya oo ku mashquulsan Cidhibtirka Shacbiga Soomaaliyeed ee ku
dhaqan dalka Ogaadeeniya iyo sidii uu mar walba turunturo ugu abuuri lahaa
Halganka Xaq u dirirka ah ee uu Shacbigani kaga doonayo aaya ka tashigiisa.

Ciidanka Nabad Sugida Gumeysiga Itoobiya waxaa qorshaha ugu muhiimsan eey
Ogaadeenya ka fulinayaan uu yahay in la helo hab laysugu diro dadka Walaalaha ah
eey Gumeystaan, dabadeedna iyaga laysu adeegsado sidii ay iyagu isu dhamayn
lahaayeen,isgana uga jeedsan lahaayeen, si uu Cimrigiisu u dheeraado,taas ooy ka
tahay Lafo Geri iyagaa laysku jabiyaa.Runtiina arintani Waxay difaac dadban u
tahay CCGI,  ee ku caan baxay Cabudhinta, Dilka, Dhaca, Kufisiga  iyo Isir tirka
dadka Soomaaliyeed ee Ogaadeeniya. Ciidamadan oo u babacdhigi laŽ Xabadda
N/hureyaasha  Ciidanka  Waddaniga Xoreynta Ogaadeeniya-CWXO

Haddaba Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeeniya (JWXO) waxay ugu baaqaysaa
Shacbiga Soomaalida Ogaadeeniya ee walaalaha ah ee ku dagaalamaya Deegaanka
Harooyinka Ogaadeeniya:

In ay si dhakhso leh u joojiyaan dhiigooda Micna la'anta isagaga dhex daadanaya
,kaas  oo uun ah kugu dhimay oo kaa dhimay,iyagoo Hubkoodii Ciiddankoodii iyo
Dhqaalahoodii meeshii ay kaga jeedin lahaayeen Cadawgooda ah Itoobiya ay iyagu
isu adeegsanayaan.JWXO waxay si gaar ah ugu baaqaysaa dhammaan Culumo Ow diinta,
Ugaasyada, Garaadyada, Aqoonyahanada, iyo wax Garadka Beelaha walaalaha ah ee ku
dagaalamaya deegaanka Nus-dariiq in ay si dakhso ah xabadda walaalaha
u joojiyaan, kuna dhamaystaan si Nabad iyo Wahadal ah khilaafaadka u dhexeeya oo
Waafaaqsan Dhaqanka Soomaaliyeed ee suuban, ayna ka  Digtoonaadaan Shirqoolada
Gumeysiga Itoobiya ee lagu Wiiqayo.MIGAAA.

Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya,Jwxo,
Hogaanka Warfaafinta
07 Julay,2003

------------------------------------------
                           
Halganka Shacbiga Ogaadeenya oo laga  jeediyey Shir Sanadeedkii Ururka ISRAACA.

Xubno Jwxo,oo ka Qayb Galay Shir Sanadeedkii Ururka Israac

Shirkii 5aad ee Ururka ISRAACA ayaa lagu qabtay Magaalada Columbus, Gobolka Ohio
ee dalka Maraykanka July 4, 2003. Ururka ISRAACA wuxuu kulmiyaa aqoonyahanno
Somaliyeed, ujeedadiisuna waa ka shaqaynta midnimada iyo danaha dalka iyo dadka
Somaliyeed.Sanadkan, shir sanadeedka ururka ISRAACA wuxuu lahaa xiiso gooni ah,
sababtoo waxaa ka soo qaybgalay ergooyin kala duwan oo ka kala yimid gobolada
Maraykanka iyo Somaliya. Sidoo kale, waxaa ka soo qaybgalay ururro Cilmi-baadhis
iyo ururada u ololeeya xuquuqul-insaanka.Waxaa shirkaas ka qaybgalay Prof
Maxamed Wali Abbaas oo ah wakiilka JWXO ee USA iyo Abdullahi M Qani oo ah
wakiilka JWXO ee Gobolada Bariga Maraykanka.Mudane Abdullahi M Qani oo ka mid
ahaa ergooyinkii halkaas ka hadlay, wuxuu si qoto dheer ugu soo bandhigay
shirwaynaha taariikhda halganka shacbiga Somaliyeed ee Ogaadenya iyo marxaladda
uu hadda marayo. Sidoo kale,  waxaa si faah-faahsan loogu soo bandhigay sida
dawladda Itoobiya ay ugu xad-gudubto xuquuqda bini'aadn!
imo ee
 shacbiga iyo siyaasadda faragalinta Itoobiya  ku hayso Jamhuuriyadda
Somaliyeed.Dadwaynihii halkaas ka soo qaybgalay aad ayay uga qiiroodeen
dhibaatada haysata shacbiga walaalahooda, waxayna muujiyeen taageero inay la
garab taagan yihiin halganka uu shacbigaas ku raadinayo aayo-ka-talintiisa.

-------------------------------------------

Dhammaan Hoggaamiye kooxeedyadda ka Qeybgalaya Shirka dib u heshiisiinta oo
Maalintii 06 Julay,2003 Ansixiyey in la Dhiso Dawlad Federal ah


Shir ballaaran oo ay ka soo qeybgaleen dhammaan hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo
bulshada rayidka ayaa shalay gabal dhicii ka dhacay duleedka  magaaladda nairobi

Shirkaasi  ay yeesheen hoggaamiye kooxaadyadaasi ayaa waxay ka soo saareen
bayaan ay ku sheeggayaan in ay isku afgarteen in dawladda la dhisayo ay noqoto
dawlad federaal ah iyo in tiradda barlamaanka lagu saleeyo 351xubin barlamaan
waxay kaloo isku afgarteen in xildhibaanadda ay soo xuli doonnaan hoggaamiye
dhaqameedyaddii saxiixay heshiiskii 27 oktoobar ee kol hore
waxay kaloo sheeggeen in muddada uu barlamaanka shaqeen doonana waa in ay
noqotaa muddo ku siman afar sannaddood,

Dhinaca kalena madaxweynaha dawladda ku meel gaarka ee soomaaliya ayaa shir
jaraa"id oo uu goor sii horreysay qabtay ayaa waxuu gaanshaanka u daruuray
heshiiskii ay maalintii shalay gaareen hoggaamiyayaasha siyaasadda ee ku suggan
xeradda mbagathi

Madaxeynaha dawladda ku meel gaarka ayaa sheeggay in uu aad uga soo horjeeddo
heshiiskii ay gaareen hoggaamiyayaashaasi isagoo sheeggay in heshiiskaasi uu
ummadda soomaaliyeed u horsiidayo deggaanaansho la'aan ka dhacda waddanka
soomaaliya iyadoo ay haddaba xaaladda soomaaliya ay tahay mid aad u murugaysan.

C/Qaasim ayaa sheeggay tiradda ay hoggaamiyeyaashaasi isku afgarteen ay tahay
mid aan haba yaraatee socon karin

War iminka na soo gaarayna waxuu sheeggayaa in uu cabdulqaasim salaad hassan uu
sheeggay in aysan jiri karin cid matasha dawladda ku meel gaarka oo shirkaasi
saxiixi karta.

Dhicana kalena wararka iyaguna naga soo gaaraya magaaladda baydhabo ayaa
saheeggaya in maanta uu halkaasi bayaan ka soo saaray ku xiggeenka hoggaamiye
kooxeedka Hassan mahamed nuur (shaarguduud)waxuuna ka hadlay heshiiskii shalay
ka dhacay magaaladda nairobi wuxuuna intaasi ku daray in uusan marnaba la qaadan
karin go"aanka ay gaareen hoggaamiyeyaashaasi....

Ra"isul wasaaraha dawladda ku meel gaarka ah oo maanta shirjaraa"id ka
Cambaareeyey madaxweynaha dawladda ku meel gaarka Waxaa maanta shirjaraa"id ku
qabtay xeradda duleedka magaaladda nairobi ra"isul wasaaraha dawladda ku meel
gaarka mudane hassan abshir farax iyo Guddoomiyaha barlamaanka  mudane Cabdalla
deerow isaaq... Shirkan jaraa"id oo ay ka soo qeybgaleen dhammaan xubnaha DKG ee
ku suggan xeradaasi iyo mas"uuliyiin sar sare oo ka tirsan urur goboleedka
IGad.... Ra"isul wasaaraha dawladda ku meel gaarka ah ayaa shirkaasi jaraa"id ka
cambaareeyey madaxweynaha dawladda ku meel gaarka mudane CabdiQaasim salaad
hassan..ra"isul wasaare hassan abshir farax ayaa sheeggay in madaxweynaha
dawladda ku meel gaarka uu doonayo in uu carqaladeeyo shirka haatan maraya meel
gabogabo ah oo dhammaan ummadda soomaaliyeed meelkasta oo ay joogto ay ka
dhursugayso natiijada ka soo bixi doonta shirkaasi

Dhageystayaal Warkii Caawa Waa naga intaas.

Abdirahman Abdulahi
Radio Xoriyo,08Julay,2003
 
 

raadioxoriyo@yahoo.com
radioxoriyo@ogaden.com



Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

Dhegeyso warkan oo Cod ah

 ...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO

....KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  

AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk  

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhex jooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD