SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - JAWAAB
Jawaab Celinta Wararka uu Xagar Yare Qoray

Qoraalka hoos kuqoran waxa uu kasoo baxay JXWO. Qoraalkii oo u qoran sidii Radio Xoriyo kusoo gaarsiiyey SomaliTalk waa kan:

Hoos Akhri

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive


Sal Laáanta Wararka uu Xagar Yare Qoray


Salaan Qadarin iyo Maamuus wadata oo walaaltimo kadib.Waxaan halkan ugu soo gudbinaynaa akhristayaasha Wararka Radio Xoriyo iyo Websiteyada lagu soo dhajiyo ee uu kow ka yahay Somalitalk xaqiiqooyin ku saabsan Xaaladaha uu Xagar ka hadlay kuwaas oo ah sidan

Ogaadeenya waa dhul Soomaaliyeed ooy Xabashidu Gumeysato kaas oo uu ka socda Halgan adag ooy ujeedada ka danbaysa tahay in laysaga dul qaado Heeryada Gumeysiga Itoobiya halgankaas oo la bilowday soo degidii Gumeysiga ee Geyigaas.Isticmaarka waxaa waligiis caado u ahaan jirtay in uu kasbado dabadeedna adeegsado kuwa isaga u dhaga nuglaada ee u dhashay dadka la Gumeysto ama la wadaaga midab,diin iyo xaaladaha kale ee u sahli kara in uu Bulshadaas dhex galo.

Hadalka ku qornaa Website ka Somalitalk ee uu soo qoray Xagar yare waa mid Been abuur ah oon haba yaraatee wax sal ah lahayn, isaga oon kaba war haynin waxa uu ka hadlayo iyo xaalada dhabta ah ee xaqiiqada warkaas, sida ku cad Website-ka Walta Information Center oo ah Website ku hadla Afka Ururka Talada Itoobiya haya ee TPLF,waxaa Xaqiiqa ah in Sal nimada Warkaas laga sii daayey Radio Xoriyo ay Sugan tahay, Cidii Faah faahin u baahan ha booqato

 
http://www.waltainfo.com/EnNews/2002/Dec/19Dec02/Dec19e2.htm   

Intaas dabadeed waxaad halkaas ka aragtaan xaqiiqada Warkii Radio Xoriyo laga sii daayey.Hadaba intaanan taas ka bixin waxaan ku xoojin lahaa qoraalkan afeefo Xaqiijinaya Been abuurnimada Wararka Min Xaabsiga ah ee uu Xagar Yare soo qoray waxayna yihiin

1) Qaabka uu qoraalka u qoran yahay oon ahayn Qaab Suxufi, iyada ooy meesha ka maqan yihiin macayada Xubnaha Baarlamaan ku Sheega uu Sheegayo ee la soo Xidhiidhay,Meelaha ay Joogaan,Darajooyinkooda iyo Qaabka guud oon Cadayn.

2) Sidoo kale waxaan jirin iyana Masuuliyada ay u kala hayaan Kilil ku sheega iyo Goobaha ay kala joogaan, waxaana cad in Qabri Bayax oo ka mida Goobaha uu Sheegay ayna Isgaadhiin lagula soo xidhiidhi karo lahayn.

3) Isaga oo wax u qoray sidii uu yahay Masuul ka tirsan kilil ku sheega iloobayna in uu Suxufi Sheeganayey, Xaqiiqooyin badana indhaha ka riday taariikh uusan waxba ka aqoonina isku dayey in uu Mala awaal ku sameeyey si uu u jaahwareeriyo akhristayaasha Website-kan Xalaasha ah.

Hadaba marka aad arimahaas iyo kuwo kale oon ka hayno Xagar Yare oo noogu jira Keydka Diiwaanka aanaana hada ku soo qorin qoraalkan kuwaas oon faafin doono haddii uu Xagar sii wado Qoraalada aan Salka lahayn ee uu Marin habaabiska uga dan leeyahay joogin waxaa kuu soo bixi xaqiiqadiisa ah in uu yahay Ruux aan Xishoonaynin.

Saaxiibayaal waxaan halkan hada idiinku soo gudbinaynaa, Waxoogaa ka mida Xaaladaha uu Xagar ku sugnaa mudooyinkii danbe si idinka aan idiinku daayo Goáan ka gaadhida Rumaysiga Wararka ka yimaada Xagar Yare.

Xagar Wuxuu ka shaqayn Jiray Radio Muqdisho isagoo Wariye ka ahaa Sanadihii 1984-1986.Dabadeed wuxuu hadana u booday Jaho Kale isagoo ku Biiray Macaaradkii Hore ee Dawlada Soomaaliyeed oo fadhigoodu ahaa Xarunta Gumeysiga Itoobiya ee Adis-Ababa isagoo Wariye ka noqday Radio Halgan Sanadihii 1986-88.Ninku waa Xagare wuxuu hadana is yidhi Aleylehe tan waxaa kaaga Doogsin Badan Xamar ee isagoonba markii hore goáan adag Macaarad ku noqonin ayuu hadana dib ugu laabtay si Daruur uu is yidhi waxay ka Hoortay Xamar uu Xareed badan ooga Cabo.Wuxuu hadana sidii uu ku talo jiray afka la galay Doogsintii uu ku taamayey isagoo Wariye ka noqday Radio Hargaysa Sanadihii 1988-1991 Bishiisii koowaad.Wuxuuna ka mid ahaa Ragii uu Hargaysa waagu oogu baryey ee Orodka ku soo Galay Ogaadeenya.

Markii uu isbadalku ka dhacay Xukumaddii Itoobiya ee Jabhadda Wadaniga Xoreyta Ogaadeenya Jwxo, ay ka qayb gashay Shirkii Charterka ee Wufuuda Gobalada Ogaadeenya oo dhan matasha laga soo xulay Badhtamihii Sanadkii 1991kii Wuxuu Xagar ka mid ahaa Ragii Magaca Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya Jwxo, kaga soo baxay Magaalada Qabri Bayax, isaga oo Wafidaas ka mid ahaa ayuu halkaas kaga soo Biiray Jwxo, Marka in uu Maanta yidhaahdo Wax Ogaadeenya la dhaho ma jiraan ee Dhulka Soomaalida Itoobiya ayaa jira waa uun hadal Xagar isagoo waliba si dhab ah u og in Wax Baarlamaan la dhaho oo si Xor ah loo soo doortay ayna dhulkaas ka jirin.

Xagar wuxuu dabadeed u soo dhoofay Dalka Jarmalka isagoo ka mid ahaa Xubnaha Jwxo, ee Unuga Jarmalka.Xagar wuxuu sameeyey Barnaamijyo Badan oo uu ku tilmaamayo Gumeysiga Itoobiya kuwaas oon ku hayno maqal iyo muuqaal haddii loo baahdona aan faafin karo.

Marka hadaba aad akhristoow arimahaas aan kor ku soo sheegnay ee ku saabsan Bood Boodka iyo Siyaasad degenaan laáanta Xagar Yare fiirisid waxaa kuu soo bixi in ay Eega Xagar u Hilaacday Daruurtii Doogsineed ee uu waligiiba ku khasaari jiray ee waliba hor mari jirtay taas oo uga bidhaantay dhankaas iyo Itoobiya.Waxaana u sheegi lahayn in ay tani u muuqato Geeloow Geed Walba Daaqdayee Waxaa laguu yaabaa Markaad Ciin Daaqdid, Itoobiya waa Gumeyste aan naxariis lahayn waxaana hada u taliya niman Tigree la dhaho oo soo taagan in ay wax ku yeelaan mooyeena aadan Doogsin ka dhadhaminaynin.

Hadal iyo Dhamaantiis waxaan akhristayaasha Wararka Ogaadeenya u sheegaynaa in aanu nahay Hayad Madax Banaan oo Xil gaar ah iska saartay sidii aanu u soo heli lahayn dhacdo kasta oo ka dhacda Ogaadeenya siday doontoba ha ahaatee waxaanuna Cabudhintii Saxaafada eey Itoobiya ku haysay ka saarnay Shacbiga Soomaalida Ogaadeenya, cidii dano gaar ah ku haysata ee gacan saar la leh Gumeysiga Itoobiya waxba yeyna ku soo gabanin meel aan qaadi karin ee si toos ah danteeda ha u sheegato anagoo leh Ka Diidan ee Ku Daran Jiidhiyoow Dan iyo Yeelkaa.

Halganka Shacbiga Ogaadeenya ee Qalbi karbaashka ku ah Gumeysiga Itoobiya cidii Jiritaankiisa ka xuna daniba naftu way uga bixi saa waxaaba fooda inagu soo haya bur burkii Gumeysiga Itoobiya iyo Xornimaddii Ogaadeenya.Waxaana mahad Balaadhan oon la soo koobi karin u soo jeedinaynaa Shabakada Interntka ee Somalitalk aniga oo hadalkii ku soo afjari tixdan Gabayga ah oon kala soo baxnay Diiwaanka Abwaan Macalin dhoodaan

Gogol Dhigadka Maah Maahdu Waa Gabayadaysaase
Gucunkeeda Maansadu Halkay Gacan Togleynayso
Guulaanka Xididaysatiyo Guurti laga Yaabay
Gol Jeex iyo Madoba way Helaan in ay Ku Goobaane
Ma Gartaan Gibaan koodhan iyo Jaale Goray Ciliile.

Gurdan Raaca Googaatamaa Gaabsadaan Odhane
Gocorkiyo Ardaa Liijiyoow hooy Gabaan idhiye
Halkay Gumucyadaydu u socdaan waa Gun iyo Baare
Af Gurani hadduu Goob yidhaah Wuu Guracayaaye

Ha ku Gubanin waa Gool Shishiye Good aan Xidhaye
Hana Moodin Goof laga Bixiyo Gaaman Laasaha ee
Galaati Mool Ha Ugu Dhicin Gawyadaan Falaye.

Mahadsanidin

I  I  D  H  E  H

Abdi Madaale 
Radioxoriyo@aol.com
  

-dhammaad-

December 30, 2002 

Xaqiijin in Iskuulaad kuyaal Ogaadeenya la xiray
Qoraal SomaliTalk soo gaarey ayaa tibaaxay in.... GUJI... 28/12 

AFEEFTA SOMALITALK WAA AFFEEF
Telefoono iyo Fax-yo teel-teel ah ayaa khamiistii SomaliTalk kasoo gaarey diri-dhabo, jig-jiga, iyo qabribayax, kuwaas oo (qaarkood) ka yimid masuuliyiin ka tirsan baarlamaanka iyo maamulka waxbarashada ee dawlad goboleedka ismaamulka soomaalida ETHIOPIA, kuwaas oo.. GUJI.. 27/12

AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalkcom

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002
DALSAN

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD