SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - SOOMAALIYA

Assalamu Calaykum Waraxmatullahi Wabarakatuhu:

Ilaalinta Xeebaha Puntland
(Puntland Coast Guard)

Maxamed Cabdi F Botan
Mail: faaraxbotan@hotmail.com

O4-10-2003.

Eeg Bogga Sawirada...


Eeg Bogga Sawirada...

Waxan maanta maqaalkan kusoo qaadanaynaa Daraasad kusaabsan Horumarka ay DG Puntland Kagaartay Xagga Illaalinta Xeebaha Puntland,Ee (Puntland Coast Guard).

Haddaba Daraasaddan waxaan kaga faaloonaynaa dhammaan maclumadka ay shirkaddan SOMCAN oo ah Shirkadda Illaalinta xeebaha Puntland, kaqabatay Puntland,.

Shirkaddan SOMCAN waxaa la’aas-aasay,oo magaceeda lagu dhawaaqay Taariikhdu markii ay ahayd 12-Jan-2003, waxana xafladdii ku dhawaaqiddaas iyo howlgalkaasba furay, oo munasabaddaas ka hadlay , maraakibtana xargaha kafuray, isla markana Salaan kaqaatay Ciidamada Badda ee SOMCAN, Wakiilka DG Puntland MR DOOGJOOG, oo matalayay Maamulka DG Puntland, Ogana Wakiil ahaa Madaxwaynaha DG Puntland, Madaxwayne C/laahi Yuusuf Axmed.

Shirkadda SOMCAN waxaa Aas-aaskeeda looga dhawaaqay Magalada Boosaaso, waxayna Ictiraaf wayn ka haystaa Maamul Goboleedka Puntland, waxayna howshii ugu horaysay ee ay qabato ka bilowday Xeebaha ku teedsan Barriga Somaliya, Gaar ahaan Magalada Boosaaso, halkaas oo ay ku badnaayeen maraakiibta Xaalufisa Xeebaha Soomaaliya ee ay leeyihiin wadamada Shisheeyaha, Xeebahaas oo ah Kuwa ugu khayraadka badan Xeebaha Soomaaliya.



Eeg Bogga Sawirada.. Guji...

Shirkadda SOMCAN Ee (Puntland Coast Guard) waxay howlgalkeedii ugu horeeyay ku qabatay maraakiib farabadan oo si sharci darro ahi oga kaluumaysanayay Xeebaha Puntland oo idil, sida Xeebaha kala ah (Ayl, Garacad, Bayla, Xaafuun, Baargaal, Xaabbo, Qandala).

SOMCAN waxay Xeebta Ayl Ee Dhinaca koonfureed kaga aaddan magalada Bosaso , kula dagaalantay Maraakiib Tiradoodu dhan tahay (22 Markab) oo laga leeyahay Dalka Kuuriya, taasoo markii danbe keentay in Shirkadihii Shisheeyaha ahaa ay ka cararaan dhammaan Xeebaha Puntland.

SOMCAN waxay wax wayn ka qabatay oo dagaal xooggan ay la gashay Doonyaha sida sharci darrada ahi u qaada Dadka tahriibayaasha ahi , oo badankood kayimid Koonfurta Somaliya si ay ugaaraan Dalka Yaman./ Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

SOMCAN waxay mushahar siisaa Bishii Shaqaale Gaaraya (72)QOF, waxayna kacaawisaa DG Puntland Dhinaca Degaanka ama Hoyga Ciidamada ay wada shaqaynta wadaagaan oo ka kooban Saddex(300)oo Askari oo ah kuwa Saaran Maraakiibta Shirkadda ee la dagaalanta Doonyaha Ajanabiga ahi Iyo Maraakiibta Shisheeyaha (ee kusoo xad gudba xeebaha Puntland).


Eeg Bogga Sawirada.. Guji...

Shirkaddan SOMCAN oo ah Shirkad xafiiskeeda sare [ama Head Office-keedu] yahay Magalada OJMAN, Dalka Imaradka Carabta, waxay wax wayn kaqabatay Maraakiibtii Ajanibaga Iyo Doonyahaba oo sida sharcidarada ah oga kaluumaysan jiray Xeebaha Puntland, muddo gaaraysa illaa DHOWR iyo TOBAN SANO.

SOMCAN Waxay ka caawisay kalluumaysatada Soomliyeed oo aad iyo aad ugu dhib qabay maraakiibtaas Ajaniga ah, wax soosaar ay helaanna Iska Dhaafe ay Shabaaktooda qaadan jireen Maraakiibta AJANIGA ah, halkaasoo kaluumasatada ay ku Cayroobi jireen.

Mareeyaha Guud ee Shirkadda SOMCAN (PUNTLAND COAST GUARD), waxa uu ii shegay in Ciidamada Shirkadda oo caddadkoodu uu dhan yahay Saddex(300)ASKARI ay yihiin kuwa loo taba baray Badda, isla markana awood u leh inay badda ku maqnadaan mudo badan, ay wax wayn ka qabteen illaalinta Xeebaha Puntland, mar aan daawaday maraakiibta Illaalinta Xeebaha Puntland , waxa ay indhahaygu qabteen Qoryaha Waawayn ee Lidka Dayuurahada lagula dagaalamo, Iyo Kuwa kale oo CUL-CULUS, ,isla markana ka dhexmuuqda dhowr markab oo waawayn oo Shirkadda Puntland Coast Guard ay leedahay , Iyo doonyaha dheereeya ee loo yaqaan SPEED BOATS oo qoryaha daran-dooriga ku dhaca ay ku rakiban yihiin, doonyahaas oo ah kuwa xawaaraha ay ku ordayaan uu aad u badan yahay, oo jooga Dekadda Magalada Bosaso.


MaareeyahaGuud ee  shirkada SOMCAN
Eeg Bogga Sawirada.. Guji...

Dhinaca kale waxad arkaysaa Ciidamo ku labisan Dharka Ciidamada Puntland ee TUUTAHA CAGAARKA ah, isla markana dulsaaran maraakiibta, kuwaas oo ah Ciidamada Illaaliya Xeebaha Puntland Ee Puntland Coast Guard.

Mareeyaha Shirkadda Illaalinta Xeebaha Puntland, Mudane Cabdi-Wali Cali Taar mar aan wax kawaydiiyay xiriirka ay shirkadda SOMCAN laleedahay Hayádaha Caalamiga ahi waxa uu iisheegay in Wadamada Adduunka kuwa ugu waawayn ay xirriir gaar ahi laleeyihiin, kuwasoo arkay marakiibta iyo Ciidamada DG Puntland, aadna ugu farxay sida wanaagsan ee ay DG Puntland isagu xilqaantay inay wax ka qabato Xeebaheeda, Ciidamadan maahan kuwa ku kooban inay illaaliyaan Xeebaha DG Puntalnd, ee waxa kale oo loo ádeegsan karaa inay ladagaalaman waxii wax u dhimaya Jiritanka Qayraadka Badda, Amniga iwm, waa sida uu Mudane Cabdi-Wali Taar Hadalkiisa kusoo koobaye.

 Halkan ka eeg sawiro kale ...

Fadlan Wixii aqbaar oo dheerad ahi kala sooxariira Mailkaan hoose oo ay leedahay Shirkadda SOMCAN

E-mail: somacn@emirates.net.ae

NB: waraysigan waxaa sooqaday Maxamed Cabdi F Botan

Mail: faaraxbotan@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | October 4, 2003

SUNTA KU DUUGAN WADADA U DHEXAYSA BOOSAASO IYO GAROOWE...

MACDANAHA KU DUUGAN DHULKA SOOMAALIYA.....

CEELKA GAACA EE BOOSAASO.....

BOOQASHADII WAFTIGA PL EE AUSTRALIA...

.. WARAYSIGII ABDULLAHI NUUR SALXAAN UU SIIYEY SOMALITALK

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD