SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KHAYRAADKA SOOMAALIYA


 MADAXWAYNE CADDE MUUSE OO SIDII MOORYAANTA U HADLAY!!! 

Dr. Dhaan-Wade.  Sweden.
dhaan_wade@hotmail.com

Waxaa Somalida ka yaabsaday bishii Marso ee la soo dhaafay Maxamed Cumar Xabeen ( Maxamed-Dheere ) markii uu ku dhawaaqay in uu Dawladda Dhexe kala noqday kalsoonidii iyo wax-wada-qabsigii kala dhexeeyay. Wuxuu sabab ugu dhigay shirkii Barlamaanka markii la go’aamiyay in Magaalada Baydhabo lagu qabanayo.

Anuguse  lama yaabin  tallaabadaas Maxamed-dheere iyo afla-gaadooyinkiisa midna. Qaar aan yarayn ayaa ila wadaagay fikraddaas. Iyaga oo u arkay Maxamed-dheere in yahay oo kaliya : Madax-mooryaan oo 15 sano ku hawllaanaa dilka dadkiisa, dhacooda iyo duminta aqallahooda . markii Danbana si Bur-caddnimo iyo xoogg ah  ku qabsaday Gobalka Sh-Hoose iskuna magacaabay Guddomiyihiisa. 

Muddadaas kor u dhaaftay 15 sano Maxamed-dheere Wuxuu Dagaalka ugu jiraa waxaa aan ku magacaabi karo  ULA-JEEDDO MAALMEED.  Waa nin maalin la nool ah oo aan Berri aqoonin. Maalinba wixii gacantiiso gaarto ayuu cunaa. Xaraanta iyo xalaashuna uma kala soocna. Sidaas ayuu maanlinba meeshii uu raq ka helayo ugu faran-dulleeyaa.

Sidaas ayaan loo-la yaabin hadal ka soo yeeray iyo meel aan laga filayn uu ka bus-kiciyo.

Waxaase Somaalida Amakaagg iyo Af-qabsi ku riday Gen. Cadde muuse oo isaguna qaaday waddadii Maxamed Dheere. Markii uu 19 kii bishaan ku dhawaaqay in uu kalsoonidii kala noqday Ra’iisul-wasaaraha DF. Md. Dr. C.M. Geeddi ama haddan sii caddeeyo D,F. ee KMG oo dhan.

Mawqifkaas oo ay qaadan-waayeen dadka Somaaliyeed Guud ahaan iyo Reer Puntland gaar ahaan in ka soo fusho  qof mas’uuliyadda iyo Maqaanka Md. Cadde oo kale leh. Hadalkaan  oo dhaliyay Asmadd Diplomaasiyadeed Waxuu ku soo kor-dhiyay dhibaatooyinkii tirada beelay ee Somalia midd cusub oo aan sida dhabta ah loo-baahnayn.

Sida ay Maah-maahda Caalamiga ahi tiraahdo  Md. Cadde :

 ”  DHOOBADII AYUU BIYO KU SII SHUBAY”.

Qormadaan waxaan rabaa in aan ku soo qaaddo dhibaatadaan inta aysan arinto dhaafin halka ay ka soo baxday iyo qofka ay soo yeertay waana tan: 

1-   Khilaaf lama diiddana:

In  mas’uuliinta heer kastaba ha ahaadeena khilaaf ka dhex-dhaco oo ay argti kala duwan ka yeeshaan arimaha waa-wayn iyo kuwa yar-yarba waa mid caaddi ah . oo cidina aysan ka doo karin.Waana mid ka dhacdaa dawladaha hoose iyo tan dhexe. waxayna ka dhacdaa meel kasta ee dunida ah.

Waxaase jira hab iyo nidaam lagu furdaamiyo khilaafaadkaas ka-ddibbna lagu xalliyo si dhinacyada wada raalli geliya. Iyada oo loo marayo wada-hadal lana adeegsanayo qawaaniinta iyo shuruucda ku tacalluqada arimaha khilaafku ka jiro. 

2-   Luqdda la adeegsanayo:

Waxaa la diidanyahay oo aan marnaba la aqbali-karin: in Md. Cadde Muse oo ah nin janan ahaan jiray, ahna Madax-wayne si sharci ah loogu doortay Dawladd- goboleedka PUNTLAND oo haatan ku dhaw inay 10sano jirsato- uu u  hadlo sida nimanka BUR-CADDA Madax Mooryaanta ah. Iyo in uu luqaddooda Dawladd-diidka ahayd iyo afkooda aan waxba laga dhawraynin uu isticmaalo. Waana waxa laga wada carooday lagana wada fajacay. 

3-   Kalsoonidii baan kala noqday:

Waxaa yax-yax iyo Waji-ganax ku noqotay Dadka reer Puntland- oo lagu yaqaan Qaran-jacayl- in Madax-waynahoodu ka soo xigto Maxmed-dheere erayga ah ” kalsuunidii baan kala noqday DF ah.. Cadde ma is-waydiiyay waa maxay kalsoonida uu kala noqonayaa Ra’iisa wasaaraha ? Ma Cadde iyo Puntland  ayuu ku fadhiyaa  kalsoonidooda ?. 

Dr. C.M. Geedddi waxaa kalsoonida siiyay Parlamaanka qaranka oo wakiil ka ah Umadda Soomaaliyeed ee isku-bahaysatay Afarta iyo barka Beelood. Mana jirto Cidd kale oo uu kalsooni iyo ic-tiraaf uga baahanyahay  ama u haysa. Madaxda Maamullada gobollada iyo kooxohu  Waxay u kala baxayaan : Dawladd-Diid iyo Dawladd-ddoon. Laakiin kasooni iyo ictiraaf DF kuma laha.

4-   Macdantu waa hanti-qaran :

Sida ay dhigayso Qawaaniinta Shareecada Islaamku iyo qawaaniinta dadku ay degsadeen ee dawladaha Adduunku ku dhaqmaan wixii Macdan ah ( khayraadka dhulka iyo biyaha hoostooda  ku jira ) waxaa lagu tiriyaa hanti qaran oo waxaa xaq u leh milkiyaddeeda iyo maamulkeeda Dawladda dhexe. Qolaba sida ay dan iyo maslaxadd u garato ayay u maaraysaa. Mana aha midd Cadde iyo dad kale toona ka murmayaan. 

5-   Xaaladda Somalia:

Sida laga wada dheragsanyahay Somalia waxay ku sugantahay muddo ka badan 15 sano xaaladd Fawdda ah.  Waxaa Burburay Dawladdii dhexe, amnigii, hantidii guud iyo tii gaar ahaanaeed, sharcigii iyo kala danbaybtii…iwm. Halkaa waxaa ku lumay xuquuqdii Dawladda, Dadka, Diinta iyo Dalka. 

Waxaa lala wada socdaa in maanta DF aysan weli fursadd u helin in ay makansato awoodda Dalka.  Marka ay u suura-gasho in ay DF ah in ay hanato  Dalka, oo ay ku fidiso awooddeda Maamul, Amni, Garsoor iyo dhaqaale-- waxaan shaki lahayn in sixni dahab ah loo soo saarayo talada wixii macaadin iyo khayraad ku sugan carrada hoosteeda iyo korkeedaba ee waddanka oo idil. Madaxda Goballaduna ay istaagga ku akhrisan doonaan waraaqaha iyo amarada Ra’iis-wasaaraha ee sharciga waafaqsan. 

Waxaanse maanta cidina ka garaysanhayn Ra’iiska xukuumadda in uu yiraaho : Hawlaha dibb-u- soo-noolaynta qaranka waxaan ka billaabaya MACAADINTA  PUNTLAND ku jirta !!

6-   Dhaqaalaha DF ah:

Dr. Geeddi Waxaan dareensiinhayaa in aan ku raacsanahay in DF ah loo abuuro ila-dhaqaale. Waxaanse ku diiddanahay meesha laga billaabayo. Waxaan qaba in uu ka billaabo Maaliyadda aan u baahnayn BAARIS IYO QODIS. Taas oo ah CANSHUURAHA  FURDOOYINKA. 

 Canshuurta badaacadaha la soo dejiyo iyo kuwa la dhoofiyo. Dekadaha Ceel-macaan, Kismaayo, Boossaaso, Berbara iyo kuwa kale ee yar-yarka ah iyo Garoomada Dayuuradaha waxyaalaha ka dhoofaya kana soo degayaa ayaa ah laf-dhabarta Dhaqaalaha kowaad ee dawladda-dhexe. Canshuurta haddii lagu guulaysato qaaddiddeeda waxaa   gacanta soo gelinaysaa Boqolkiiba 80 maliyaddii dalka. 

Waxaan oran lahaa Datoorka  Inta aad ka gaarayso suura-galka qaadidda maaliyaddaas iska iimaanso wixii dhaqaale ah ee aad ku heshid BARYADA-AJNABIGA. Hana u suul-dhabaalaynin gaaraa-bbidhaanka  maaliyadd u baahan baaris iyo qodis. 

7-  Mawqifka Puntland:

Maamulka Puntland waxaa la gudboon in aysan la gelin maanta dood iyo muran minddi minddi ku taag ah  DF ah. Iyada oo tixgelinhaysa Xaaladda aan la-isku xaasideen ee ay ku sugantahay Dawladdaasi. Waa Xukuumadd  yagleel ah oo loo dhisay Dal qarankiisa burburay 15 sano ka hor. Welina aan wax-wayne iska baddelin xaalkiisa. 

Waa Dawladd laga diidanyahay in fariisato Xarunteedii ( Muqdisho ) oo geeddi iyo guuritaan aan ka nasannin. Waxay u Baahantahay taageero af iyo addinba leh. 

Xukuumadda Dr Geeddi waqtigaan ma hayso Awood ay Puntland ku maamusho. Wixii khilaaf ah ee yimaadda waa in si qabaw oo deggan looga tashadaa si aan looga farxinin kuwa Dawladd-diidka ah ee u mindiya-lisannaya Dawladda saqiirka ah. Haddii is-af-garanwaa ku yimaaddu arin Gaar ah- waan in aan loo boodsiinin kuwo aan khilaafba ka jirin. 

             8- Macdanta Puntland ma Suuq-mugddi baa? 

Haddaanba iska dhaafno DF ah iyo kalsoonideeda oo aan u soo noqdo Puntland gudeheeda, waxaa ka jira shaki-wayn iyo guux badan oo la xiriira amuuraha macdanta iyo shidaalka Puntland. 

Xagaagii la soo dhaafay (Agoosto-Sibtambar ) Waxaa Xafiiska iyo guriga Madax-waynaha ku xoonsanaa Niman dillaaliin ah oo dibadda ka soo duulay iyaga oo  wata Boorsooyinka  Gacmaha oon la ogayn waxa ku jirara.!

Qaar ka mid ah raggaas waxay xiriir la lahaayeen kuwa kale oo ajnabi ah oo iyaguna dillaaliin ah. Waa DILLAAL  DILLAAL SII DILLAALAYA. 

Raggaas ka tirsan reer Puntland iyo kuwa ajnabbiga ah ee is-wateen waxay ku guulaysteen in ay madax-waynaha Gacanta ku dhigaan. Mar waxay ugu yeertaan Dubai Marna waxay ugu yimaadaan Bossaaso mar-kale Dubai bay u taxaabaan isaga oon wax mas’uul ah la soconin oo aan kaxaysanin xataa xoghayihiisa gaarka ah. 

Waxaa la abuuray Sharikado Sawir ah oo laga diiwaan-geliyay jasiirado aan magacooda la maqlin sida Maldives. Shirkadahaas Shakiga ah wuxuu madax-waynuhu u saxeexay Heshiisyo badan oo lagu siinayo IMTIYAAZ ( ROYALITY) Macaadin iyo shidaal. Oo keligood xaq u leeyihiin BAARISTA IYO SOO-SAARIDDA MACDANTA IYO SHIDAAKA KU JIRA ARLADA PUNTLAND.

 Heshiisyadaas oo tiradooda run ahaan la ogayn laakiin fara baddan Waxaana  saxeexay oo qur ah madax-waynaha. 

9-  Yaabka-Yaabkiis !!

Waxaa Dadka Puntland oo ay ku jiraan mas’uuliinta, aqoonyhanka, iyo wax-garadku  la yaabanyihiin:

A-   Nuxurka heshiisyadan waa qarsoodi. Waxaa ogg oo kaliya Dillaaliinta is-dulsaaran iyo madaxwaynaha. Shuruudaha iyo wixii la kala yeelanayo reer Puntland  oo dhan waa laga qariyaa.

B-    Heshiisyadan lama soo hor-dhigin golaha wasiirada Puntland. Sharci-yaqaanadana laga lama tashan..

C-   Golaha wakiillada Puntland ( Parlamaanka ) ma ansixinin loomana sheegin arinta gabi ahaanba.

D-   Lacagaha la sheegayo in sharkadahaas bixiyeen Ma jiro wax soo dhaafay madax-waynaha iyo Dillaaliinta iyo dillaaliinta.. Khasnadda Dawladdana wax lagu shubay ma jiraan haba yaraato eh. 

10-  Shirkadda CONSORT:

Shirkaddaan  oo magaceeda oo buuxaa yahay: ” CONSORT private LTD. Oo ah  mid aad loo hadal-hayo waxaa la abuuray xagaaggi la soo dhaafay. Waxana laga diiwaan-geliyay jasiiradaha Maldives ee ku taal Bad-waynta India.Waa jiziiradda-yar oon dadkeedo Gaarin 150 kun. Waxaa rizqi u ah dalxiiska. Culimadu waxay xaqiijiyeen in waqti aan fogayn Baddu liqi doonto. Sidaas bay dadkeedo hadda u ii raadiyaan meela ay degaan. 

 Nin u dhashay Dalaka Australiyaa oo la yiraaho Mr. TERRY oo Puntland ka caawin jiray Daryeelka caruurta naafada ah ayaa isagana la siiyay heshiis Royality ah. Ninkaas oo hadda samaystay Shirkadd uu ku magacaabay : RANGE RESOURCES Waxayna LA SHEEGAYAA  dawr kale  oo la siiyay heshiisyo isku midabb ah.

 Dhammaantood Shirkadahaas  ma aha kuwo ka shaqeeya ama khibradd u  leh  baaris iyo soo-saaris macdan ama shidaal, Hadafka shirkadahaas waa in sii iibiyaan heshiisyada ay heleen.       

  11- Taloo soo jeedin:

Waxaan ku soo gunaanadayaa qoraalkaan in aan soo jeediyo talooyin aan is-leeyahay dhibaatadan ayay daawo u noqon karaan waana tan :

1-   Madax-wayne Cadde Muuse waxaa la gudboon in uu u soo jeediyo Ra’iiska xukuumadda Jumhuuridda Somalia iyo dad-waynaha reer Puntland- CUDUR-DAAR CADD  IYO RAALLI-GELIN  RASMI AH. Isaga oo uga cudur-daaranayaa luqadda uu is-ticmaalay ee ah : kalsoonidii baan kala labtay DF ah, Ma ictiraafasani- la shaqayn-maayo- Goofkaan anaa iska leh…. iwm.

Taas oo ah afka Mooryaanta iyo madaxdooda Dawladd-diidka ah. Kuma habboona madax-wane sharci ah oo Mas’uul ah in ay isku lahjadd noqdaan Maxamed-dheere iyo Suudi oo aan cidina dooran mas’uuliyadna saareen. 

Erayadaas waxay meel-ka-dhac ku yihiin Maqaamka madaxa Xukuumadda qaranka. Waxaa kale oo ay cimaamadda ka tuureen wajigana ka fiiqeen dadka reer Puntland ee jecel soo noolaynta qarankii Soomaaliyeed. Laguna yiqiin Akhlaaqda iyo asluubta suubban. 

2-   Waxaa kale oo Md. Cadde ku waajib ah in uu macdanta iyo shidaalka  Arlad Puntland ka saaro SHAKIGA, SUUQ-MUGDIGA IYO XANTA. Oo uu heshiisyada uu galay u soo bandhigo golayaasha Puntland. ” XALAAL  IFTIIN BAA  LA  QASHAA ”.

3-   Macdanta iyo shidaalka Puntlans way ka wayn-tahay wax Boorso Dillaal lagu qaado. Md. Cadde haka qaado daaha. Oo Dawladaha Puntland iyo DF. Ha qanciyo. 

4-    Shalay Dadkiisii ayuu si nacasnimo ah ugu laayay Majayahan, oo uu qarka-u-saaray Puntland dagaal sokeeye-sokeeye. Ha iska daaweeyo madax-waynuhu XASAASIYADDA iyo XAJIINTA uu ka qabo soo hadal-qaadka macadinta Puntland. 

5-    Mushkiladaan iyo kuwo kaleba waxay muujinnayaan in uu san lahayn Madax-waynahu LA-TALIYAAL sharci iyo siyaasadeed midnaba. Dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba wuu ka helayaa aqoonyahanno takhasus ku leh arimahaas. Ee ha ka xusho si ay uga awdaan dal-dalloolladaas  

6-    Khilaafka siyaasiyiintu hadduu soo shaac-baxo xaqqiiqada way qarsadaan. Saxaafaddana meela fog-fogg ayaa loo ambiyaa.Waxaa dareemaa gara-daar i leh: armaa Dr. Geeddi soo qooraansaday boorsooyinkii la walwaalayay!. Maadaama Dawladdiisii ( DF) uu Magaciissi u tisqaaday OO AYSAN WELI GEEDDIBA  KA BIXIN! 

Hadday sidaas tahay Cadde kuma aanan ogayn BAKHAYLNIMADA LAGU XANTO ee ha is-daba-qabto. Qaddobbkani waa :KAFTAN-DHABBLE ee raalli iga ahaada haddan ku taraaraxay. 

Waa : Dr. Dhaan-Wade.  Sweden.
dhaan_wade@hotmail.com

 Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | May 25, 2006



Garaafka oo weyn ka eeg halkan... Guji...

Taariikh

 Saami (Share)

 Isbedel%

19 May 2006 0.037 -5.13%
12 Apr 2006 0.038 -5%
Isbedelka Saamiyada April 12-May 19, 2006 ka eeg halkan.

 

 

Warqadii uu qoray ra'iisul wasaaraha DFKMG, Cali Maxamed Geeddi, oo ku taariikhaysnayd May 18, 2006, markii ay gaartey dalka Australia waxaa durbadiiba dhulka galay saamiyadii shirkadda Range Resources. 19 May 2006 Waxa ay saamiyada Range Resources hoos u dhaceen -5.13%, taas oo kadhigtay saamiyadeeda in lagu kala iibsado sentiyaal (0.037) lacagta Australia. Arrintaasi markii ay dhacday ayaa isla markiiba (May 19, 2006) shirkada Range Resources waxay warqad u direen suuqa Ganacsiga ee Australia, warqadaas oo ay ku weydiisanayaan in gebi ahaanba la hakiyo kala iibsiga saamiyada shirkaddaasi, (TRADING HALT ama eeg halkan...), ilaa ay qoraal ka soo saarayaan ama Talaada May 23, 2006 - Xilligaas markii la garey oo aan jawaab laga helin shirkada ayaa suuqa ASX waxa uu si rasmi ah liiska uga saaray kala iibsiga saamiyada shirkadaas eeg May 22, 2006. May 25, 2006 ayey Range Resources warqad u qortay ASX ay ku muujineyso in DGPL ay taageersan tahay shirkadan, sidaasna markale loogu ogaaladay in saylada lagu kala iibsan karo saamiyadooda.).
Suuqa ganacsiga Australia waxaa lagala xiriiri karaa: Halkan....

Waxaa xusid mudan: Markii ay soo shaac bexeen iska hor imaadyada Puntland ka jirey ee la xiriirey macdanta, ayaa waxaa bishii April 12, 2006 ay saamiyada Range Resources hoos u dheceen -5%, taas ka dhigtay in lagu kala iibsado 0.038, maalintaas ayey shirkadaasi hakad gelisey saamiyadeeda (EEG HALKAN), waxana ay sheegeen in ay qoraal soo saari doonaan . Qoraalkaas waxa ay soo saareen April 19, 2006 (EEG HALKAN...) , waxana ay ku sheegeen in DGPL ay taageero dheeraad ah siiday ayaga. Waxa kale isla maalmahaas soo baxay qoraal lagu soo daabacay warbaahinta Australia ooay Range Resources ku sheegtay in aan "Qofna kuma Dhiman Hawlgalkii Puntland", waxa markaas kor u kacay saamiyadii shirkadaas waxana ay gaareen 0.050. Waxana ay markaas Range Resources oo Cadaysay in ay Puntland siiso $200,000 doolarka Maraykanka Bil kasta sida heshiisku ahaa... (EEG HALKAN... ).

Dadka arrimaha dhaqaalaha odorosa waxa ay nidaamkaas ku macneeyaan waxa afka Australia lagu yiraahdo "Market Manipulation"... (Akhir qeexidda uu arrintaas ka bixiyey suuqa Ganacsiga Australia... Akhri... ENGLISH....)


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD